|
|
Kulan dhexmaray wefdiga ka socda guurtida degaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo qaar ka tirsan taageerayaasha ONLF
London, April 9, 2006 (WDN) - Guurtida Degaanka Soomaalida ee Itoobiya ee booqashada ku jooga magaalada London ayaa maalintii shalay kulan la yeeshay duqayda taageera uruka ONLF ee deggen Britayn. Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen odayaal iyo dad kale oo taageera uruka ONLF ayaa lagu qabtay xaafadda Southall ee ka tirsan magaalada London. Wefdiga guurtida degaanka Soomaalida ee Itoobiya oo tiradoodu dhan tahay 7 ayaa halkaa lagu weydiiyay su'aalo aad u tiro badan. Kuwaas oo taabanayay dhinacyo badan oo ay ugu horaysay ujeedada safarkooda. Guurtida degaanka ayaa si tifaftiran uga jawaabay dhammaan su'aalihii loo soo bandhigay, faahfaahinna ka bixiyay ujeedada socdaalkooda. gabagabadii kulanka ayaa guurtida Degaanku ka codsadeen duqayda taageerayaasha u ah ururka ONLF in ay ka qayb qaataan sidii ay u suuro geli lahayd in ay kulmaan madaxda ONLF iyo gurrtida degaanku. Sida ku cad qorshaha guurtida degaanka waxa kale oo la filayaa in guurtidu ay la kulmaan jaaliyadda degaanka ee ku dhaqan dalka Britayn usbuucaan. Qabanqaabada shirkaas ayaa la sheegay in ay abaabulkeeda ku guda jiraan Ururka Nabadda iyo Horumarka ee Degaanka Soomaalida Itoobiya, laantiisa Britayn. Wararka kale ee naga soo gaadhaya magaalada London ayaa sheegaya in ku xigeenka guddomiyaha Jabhadda ONLF uu ku soo laabtay London. Taas oo dad badani u arkeen in ay suuro gelinayso kulanka ay guurtida degaanku doonayaan in ay la yeeshaan madaxda ONLF. Dhinaca kale guurtida Degaanka Soomaalida qaybtiisa usoo ambabaxday Maraykanka oo hadda ku sugan magaalada Washington DC ayaa jaaliyaddaha degaanka ee deggen gobolada Maraykanku ay aad ugu hawlan yihiin qabanqaabada soo dhaweyntooda. Guurtidaas oo ka kooban 3 oday ayaa la filayaa in ay booqdaan magaalooyinka ay sida xoogga leh u deggen yihiin jaaliyaddaha ka soo jeedda degaanka Soomaalida ee Itoobiya sida San Diego iyo Minneapolis. WardheerNews, London.
Copyright © 2006 Wardheernews.com |