Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

 


SHUF-BEEL: Tiraab Soomaaliyeed
(Buug Cusub)
Wq. Siciid Jaamac Xuseen
June 22, 2011

Shufbeel

Qaddimaad (Forward)

Shufbeel  waa  hal kaa sheelan
Shaahid aanad  odhan waaga!
Buug  la’ shaacin uun maahan
Sheekiyo war uun  maahan
Balse waxa shibane oodan
Shaqal  lagu akhriyi weeye!

Waa  Curad  shinkii dhaafay
Intuu sheyba  odoyoobay
Shii-dii ku dhalanaaya.

Wax la shiilay oo kooban
Waa Tiraabta shiribkeedi
Sharaxiyo tafsiirkeedi

Shiin aqoon wuxuu raacday
Shaahid wuxuu u soo joogay
Iyo tuu ku shubay eebbe
Shaabad aad ku garan weeye

Cabdullahi Bootaan xasan (kurweyne)

Waxa la dhihi karaa xaqiiqda ma baal-marin xeeldheerihii Soomaaliyeed ee ku maansooday murtida ahAfku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara e.' Waxa ay taasi la micne tahay murtida caanka ah ee Ingiriisku u dhigo ‘the pen is mightier than sword’ (qalinkaa qoriga ka quwad weyn). Qalinku wuxuu u taagan yahay erayga qoran, erayga qoranina wuu ka quwad weyn yahay kan afka laga tuuro. Quwaddaas waxaa ka soo saari kara uun qof Eebbe ku mannaystay awood gaar ahaaneed, awood loo dhasho oo qofkaasi uu Eebbe hibo ugu siiyay u adeegsiga farshaxannimo ee erayada afka – aftahanimo. Aftahanimada qalinku way ka sii awood badan tahay tan oraahda.

Buuggan loo bixiyay Shuf-beel curiyihiisa, Siciid Jaamac Xuseen, waxa uu muujiyey awoodda kor ku xusan. Qoraallada buuggu sido midkood Siciid waxa uu halqabsi uga dhigay ‘Awoodda Erayga Qoran. Waxa ay qormadaasi iftiiminaysaa erayga qorani awoodda uu dheeryahay kan oraahda lagu tabiyo. Buugga intiisa kale waxa la moodaa Siciid in uu ugu tala galay inuu innagu tusaaleeyo sida uu u egyahay erayga qoran ee ku hubaysan awoodda gaar ahaaneed. Wuu badan yahay eray qoran oo aan awoodse lahayn. Kan awoodda gaarka ah lehi waa kan ay falkisay maskax lagu mannaystay hibo halabuurnimo. Waa kaas kan ay tusaalaha u yihiin erayada qoran ee uu uu buuggan ku soo bandhigayo Siciid Jaamac Xuseen.

Labada qaybood ee buuggu ka kooban yahay (sheekooyin iyo maqaallo) waxay wadaagaan: koobkoobnaanta, ku arooridda murti xeel dheer iyo ku daansha-daanshoodka af Soomaali ay ka muuqato farshaxanimo aad u sarraysa. Waxay kale oo ay wadaagaan hab-qoraal xiisa leh oo laga ilaaliyey culays laga caajiso. Waa murti malab huwan oo muraayad u ah muuqaalka nolosha. Si kale, waa maaweelo murtiyaysan. Waa akhris xiisa badan. Waa buug hodminaya af Soomaaliga iyo eraygiisa qoran.

Aad baan ugu hambalyaynayaa Siciid Jaamac Xusen oo ah saaxiib aan in badan isla soo qarda-jeexnay tubta nolosha ee qodxaha badan, horena iila wadaagay in badan oo qoraalladan ka mid ah iyagoon weli galin makiinadaha wax daabaca.

Maxamed Daahir Afrax
E-Mail:  mdafrax@gmail.com

Buugga waxa laga heli karaa:

Redsea Online
E-mail: jmgurey@gmail.com

________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 WardheerNews.com