|
|
Ka dib markii qarankii Soomaaliyeed burburay, Soomaalidiina u kala firdhatay adduunka dacalladiisa oo idil, siiba intii aqoonta lahayd, waxaan cabsi weyn ka qabay in suugaantii Soomaaliyeed dhunto, fartii Soomaaliyeed ee curdanka ahayd suusho. Nasiib wanaag, arrimi sidaas ma noqon. Waxaa soo baxay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo isu xilqaamay inay nooleeyaan suugaanta Soomaaliyeed si ay kayd ugu noqoto jiilasha soo socda, weliba kuwa qurbajooga ah .
Qorayaashaas muujiey dadaalka dheeriga ah ee ku dayasha mudan, waxaa ka mid Cabdulfataax Cabdullaahi ‘Gacmadhere’ oo allifay buugga uu ugu magacdaray “Asaaska Suugaanta Soomaaliyed.” Waa buug ka kooban 254 bog oo si farsamo ku dheehan tahay uu dulmeeraya Suugaanta Soomaaliyeed isagoo aan qaybna ka tegin, qaarna ka illoobin. Qoruhu wuxuu si habaysan u kala qaaday qaybaha suugaanta oo kala ah tix iyo tiraab. Wuxuu sii kala dhigdhigay qaybaha maansada oo kala ah: gabay, guuroow, shirib, jiifto, geeraar, buraanbur, wiglo, hirwo, dhaanto, heeso isagoo qayb walba mariyey mudnaanteeda iyo maamuuskeeda. Qaybaha tiraabka, wuxuu ka xusay mala-awaalka, jiraalka iyo riwaayadda. Intaas kagama harine wuxuu raaciyey macluumaad la xiriira taariikhda, dhaqanka iyo juqoraafiga Soomaaliya, isagoo si gaar ah uga hadlay taariikhda qoraalka faraha Soomaaliyeed. Inkastoo aan jecelahay suugaanta Soomaaliyeed, aanna jibboodo markaan dhageysto gabayada Soomaaliyeed, haddana waligay si gaar ah uma daneeyn qorallada suugaanta. Takhasuskaygu ma ahayn dhinacaas ee wuxuu u janjeeray xagga culuunta dhaqaalaha. Hase ahaatee, ka dib markaan akhriyey buugaan waxaa i galay xiiso iyo dareen suugaaneed oo cusub. Waxaan bilaabay inaan fiiro gaar ah u yeesho qoraalada sugaanta. Waxaan bartay in higaadda gabaygu ama xaraf raacu ama qaafiyaddu ay tahay tan ka ilaalisay suugaanta Soomalaiyeed inay dhunto madaanma aan la qori jirin. Waxaan ku baraarugay in maansadu leedahay miisaan ku dhisan hab cilmiyeysan oo lagu kala saaro qaybaheeda kala duwan oo waliba la isku haysto cidii daah furay Miisaankaas. Waxaan akhriyey waraysi uu bogga WardheerNews la yeeshay Cabdillaahi Diiriye “Carraale” oo sheeganaya inuu isagu yahay Aabbaha miisaanka maansada Soomaaliyed. Maqaal kaasoo kale hadda ka hor kuma hambaasi jirin akhriskiisa iyo hadalhayskiisa. Waxaan garaacay Google si aan u helo xog dheeri ah. Waxaa akhriyey maqaal uu qoray Cabdiraxmaan Barwaqqo oo uu ku go’aaminayo in Maxamad Xaashi Gaariye uu isagu yahay aabbihii miisaanka maansada Soomaaliyed. Waxaan kaloo akhriyey maqaal uu Ibrahim Hawd oo uu si dheellitiran uga faallonayo arrintaas. Qoraha buugaan isagu wuxuu tilmaamy in Gaariye allifay miisaanka maansada sanadkii 1976 islamarahaantaas wuxuu xusaya in Carraale uu sanadkii 1978 soo bandhigay qaab cusub ee lagu miisaamo maansada. Anigu waxaan ku gaabsanayaa war culumada kala qabta. Sidaan kor uga afeeftay, waa la iga badiyaa maansada iyo tafaasiisheeda. Hase yeeshee, waxaan wax yar ka taabanayaa qodob aniga su’aal igu abuuray oo ku saabsan noocyada gabayada. Waa gartay in gabay calaacal, gabay faan, gabay halxiraale, gabay jacayl, gabay waano, iwm, ay yihiin noocyada gabayga, laakiinse waxaan isweydiiyey muxuu qoruhu qayb uga dhigay, kuwaas la siman, gabay geel, gabay faras, gabay hanbo oo ah gabay hal geelaha ama qof dumar ah ama dhacdo gaar ah loo tiriyey. Markaan akhirnayey buugga waxaa marmar badan la kulmay erayo ay igu adkaatay garashadoodu; erayadaas waxaa ka mid ah haddaan tusaale u soo qaato “abla-ableynta” iyo kuwa kale. Waxaa moodaa in buugga lagu qoray luqo farsamo (technical) oo qofkii sugaanta ku cusubi uusan si sahal ah u fahmi karin. Waxaan jeclaan lahaa inuu qoruhu sii jilciyo qoraalka, uuna qaamuus raaciyo sharxaya erayada qaarkood oo fahamkoodu adkaan karo. Waxan u soo jeedinayaa bulshada Soomaaliyeed siiba ardayda dugsiyada inay akhriyaan buuggaan. Siduu qoruhu yiri, buuggaan kuma hungoobi doono “qofkii dareen suugaaneed leh ama kii jecel inuu fahmo dhaqanka iyo caadada aan ka soo jeedno”. Maxamad Dalmar ____________________________ Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews Copyright © 2008 WardheerNews.com |