Asaaska Suugaanta Soomaaliyeed
Cad: I°

W/Q Abdulfatah Abdullahi “Gacmadheere”
January 20, 2008

Print Friendly

Waxa daabacay:
Shirkadda Scansom Publishers, Stockholm, ka kooban 254 bog.
Isbn: 978-91-976364-9-4.

Buuggan waxaa hordhaciisa qalinka ku duuqay Xasan Sheekh Mumin, gabayaa, mu’alif iyo qoraaga: {Leopard Amoung the Women: Somali Play Shabeel Naagood, London @1974, Oxford University Press.}

Asaaska Suugaanta

Buuggani wuxuu wada dulmarayaa guud ahaan suugaanta Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qaybaha ay u kala baxdo. Kulligood maansada hadday ahaan lahayd gabay, guurow, jiifto, geeraar, shirib, wiglo, hirwo, dhaanto, buraanbur iyo heello. Kan ugu dambeeya, heellada laga wada askumi karo mid kasta sideeda hore midkood ama isku dhafkood. Dhinaca kale, heellada waxay ka soo jeedaa hees dhaqameed haddaan ka soo qaadano mitaalkan caanka ah ee heesaha u gaarka ah marka awrta la rarayo loo yaqaan salsal:

Libaax iida ma daayo

  • Geel hareeri ma daayo
  • Haboonow labadeenuna
  • Habeen guure ma dayno..!
  • Onkod roobka ma daayo
  • Aarna taaha ma daayoAnna taa ma ilaawo
  • Jacayl ood rogan maayo
  • Oon hilaac bixin maayo….!

Sidaas ay tahay waxaa ayana meesha ka maqnayn baab dhan oo  ka baaraan degayo dabarka jaanjooyo maansada hadday ahaan lahayd xili (wakhti), meel (makaan) iyo saab (time, place and space) iyo qalabyada lagu isticmaalo. Aynu soo qaadano midkan:

  • Ogobay salowga taaha
  • Iyo sowdka dhaantada
  • Codkeennaa sameeyee
  • Midba saacad weeyee…!

Sida hadda ka horow la aaminsanaa, in maansada Soomaaliyeed tahay jaantaa waran. Arrintaas maanta buuggan ayaa warkaas ka dhigay wax kama jiraan.
Intaa waxaa dheer hees dhaqameedka ayana baab gooni ah ayaa lagu kala gurey sida: hees carruureed, xooleed, hawleed iyo badeed.
Tusaale haddaynu ka soo qaadano hees dhaqamedka waxaa inoo soo baxaysa dhaqanka iyo hiddaha aynu ka soo jeedno:

Diin god gel,
god goroyo gel,
goroyo god gel
iyo god diin gal.

Hees carruureedkan waxa loo yaqaanaa “Carrab jalqin.” Waa hees carruurta lagu baro inay ku ciyaaraan si carrabkoodu ku leylsamo afkana ku bartaan. Afafkan qalaad waxaa loo yaqaanaa khaasatan af Ingiriiska “Tongue Twisters.” Su’aalbaa imanaysa sida afkayagu ma qornee oola mid noqday afafkan aad qadiimka u ah? Sidaa waa la moodaaye, xaqiiqadu af Soomaaliga aad ayuu u fac weyn yahay afafka kalena haddii uusan ka sarreynin waxba uma oga ee ceebtiisu waxay noqotay inaan la qorin kaliya.
Qaybahaas idil waxaa la isugu keenay geedka suugaanta markii ugu horeysay hab garaaf (graphic). Waxaa weheliya habka curinta sheekooyinka hadday ahaan lahayd maqal iyo muuqaal. Waxaa lagu khatimay labo lifaaq kala ah: taariikhda qoraalka farta Soomaaliga iyo afka Maymaayda oo dhowaan la qoray.
Ugu dambayntii, isku soo wada duub, waxaan filayaa inuusan buuggani ku hungoobi doonin qofkii dareen suugaaneed leh ama kii jecel inuu fahmo dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed. Hadda ka hor, tix iyo tiraab meel lagu jaan gooyey lama wada arag. Suugaan qofka u kuur galadaneeya meel uu wax ka bilaabo ama uu ka barto ayuu heli karaa baan is leeyahay.
Hadal haamo ma buuxshee!
Akhris wanaagsan

Qoraha
Abdulfatah Gacmadheere

Naqdin

Maahmaah soomaaliyeed ayaa ku soo biyo shubanaysa: “Gartaada inta aanad geedka tegin baa la naqsadaa.” Anigu haddaan is iraahdo gar cadaawe isku qaad waxaan durbaba soo saari  lahaa dhowrkan soo socda:

1)-Buuggan dadka wax ka faa’idaysan karaa aad bey u kooban yihiin. Ujeeddada ugu weyn ee aan is lahaa waxaad ahayd farriintaada gaarsiisaa dadka intiisa badan waxaa ii caddaatay inaan midaa sidii aan rabay la helin.

2)- Khaladaad fara badan oo asalaan ka soo jeeda naxwaha af Soomaaliga ayaa ku jira, ha joogto midka madbacada. Kan dambe ee madbacada, khaladkeedu waa il duuf ka yimi kii saxnaa ayaa laga tegay, dambigeedana anigaa iska leh.

3)- Dulucda iyo nuxurka maansada oo ay tahay ruuxa dhageysanaya inuu la soo baxo halka ay iska eg yihiin iyo meesha iska seegan yihiin sida labadan midna guurow midka kalena gabay:

Minaan dayey wax ii raaya maleh raadna kuma yaalo

Waxaan soo miliilicay dhul aan maalba soo galine

Anigu haddii aan is iraahdo sharax ka bixi waxaan ka tegayaa ujeeddadii hore ahayd  isku miisaanka laba maanso (Comparative Analysis).
Ilaa haddeer intaa aan ku joogiyo, waxaase mudan akhristayaasha sharafta leh in wixii  khalad aad aragtid waa la soo dhoweynayaa. Shaki waxaan ku jirin inay qaniimad ii noqonayso daabacadda xigta haddii Eebbe idmo.
Akhris wanaagsan

Qoraha
Abdulfatah Abdullahi Gacmadheere
goleconsulting@gmail.com

Buuggan waxaad ka heli kartaan Yurub meelahan hoos ku qoran:

Sweden:   Bashiir I. Osman +46-(0)858-358171
(Finland & Norway)   +46-(0)70-7476978

Denmark:  Said A. Mohamud +45-(0)39-673126

Netherlands:  Mohd Said Ali   +31-(0)40-246-5466

London:  A/man Gurey  +44-(0)207-837-9154
                                 +44-(0)7939-892-047

London:  Mohd Abdullahi +44-(0)-208-801-9457
                                 +44-(0)-794-006-3962

Switzerland:  Hashi Y. Osman +41-(0)-43536-2347
                                        +41-(0)-76332-2625

Italy:   Mohd Abdikariim          +39- 055-5357233
                                         +39-347-0829301

Adduun weynaha intiisa kale waxaad ka dalban kartan:http://www.scansom.com

____________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright 2008 WardheerNews.com