Gorfayn: Dhaqansidaha GOBAAD
Dhaqansidaha Afka, suugaanta, Taariikhda, iyo Arrimaha Bulshada

WQ: Cabdulqaadir M. Wacays
December 17, 2007

Print Friendly
Gogoldhig

Ma aha markii iigu horreysey ee aan akhriyo buug, warqad, majalad, ama qormo suugaaneed ama mid taariikheed ee uu qoray qoraa ama suxufi Soomaaliyeed. Hase yeeshee, indhowaalaba waan kasii fogaanayey akhrintooda, kaddib markii ay ii caddaatay in xittaa guud ahaan qaybihii kala duwanaa ee qoraalka iyo hal-abuurka fanka iyo suugaanta ay qayb muhiim ah ka noqdeen noocyada hubka ee loo adeegsado sii-hurinta colaadda, is-nacaybka, xaasidnimada, iyo dagaalka aan hadafka lahayn ee ka dhex aloosan beelaha Soomaalida.

Dhaqansidaha Gobaad

Dagaalladii sokeeye kahor, haddii fanka qoraalka iyo hal-abuurka suugaantu ahaayeen hubkii ay ku dagaallami jireen garwadeenkii horusucodka ahaa ee xilligaas u taagnaa badbaadinta iyo horumarinta Soomaalida, nasiibdarro, waxay maanta noqdeen baansiinka lagu sii huriyo colaadda beeleysan ee ku dhisan kibirka iyo qabka ku abtirsada sheekooyin quraafaad ah.

Indhowaalaba, waxaa dhaqan la caadeystey oo weliba lagu faano iska noqday in qof kasta oo Soomaali ah oo wax uun ku xarxariiqi kara farta Soomaaliga amaba afafka shisheeye uu tabar iyo aqoon wixii uu hayeyba isugu geeyo sidii uu ugu bari-taari lahaa ama ugu hiillin lahaa beeshiisa, isagoo qoraal kusoo bandhigaya burjiga, qabka, il-baxnimada, iyo taariikhda la been-abuuray ee beeshiisa. Tani waxay qayb ka noqotay tartanka iyo is-qabjebinta beeleysan ee aan dhammaadka yeelan doonin, waxaana loo wada tafaxaytey inuu qof kasta beeshiisa ka diyaariyo buug, warqad, maqaal,  ama hal-abuur sugaaneed. Buugaagta ama noocyada qoraallada kala duwan ee haatan jira waxay badidood ku sallaysan yihiin caadifaddaas aan taariikhda geli doonin.

Anigoo sidaas uga qash-dhacsan akhrinta buugaagta ama qoraallada kale ee ay Soomaalidu qorto, misana marna aan ka rajo-dhigin in ay jiri karayaan qorayaal Soomaaliyeed oo xor ka ah cudurradii maskax-wareenka ku riday Soomaalida, welina ay lasii kufaa-dhacayso, waxaa sanduuqayga boostada kusoo dhacday majalad u qaabaysan qaab-buugeed oo uu haddiyad ahaan iigu soo diray tifaftiraheeda guud, Anwar Maxamed Diiriye, oo aan qof ahaan si fiican isu naqaan.

Kahor inta aanan billaabin akhrinta majaladdaas, waxaan niyadda iska iri “Malaha, isaguna wuxuu kuu soo diray buug uu ku ururiyey gabayada oday adeerkiis ah, ama ay isku beel yihiin, balse isaga ugu astaysan gabyaaga ugu caansan Afrikada madow!...”

Hase yeeshee, markii aan cabbaar akhrinayey majaladdaas, mala-awaalkaygii ma uusan dhaboobin, waxaana ii caddaatay in uu Anwar si dhiirranaan leh uga weecday waddadii indhowaalaba la hayey ee lagu wada baadiyoobey, iyo bullaacaddii lagu wada hoobtay, waana taas tan i gayeysiisey in aan ka diyaariyo gorfayntan kooban.

Bidhaamin

Dhqansidaha Gobaad, tirsigiisa koowaad, wuxuu ka kooban yahay 154 bog, wuxuuse guud ahaan himilaynayaa in uu koobo dhinacyada afka, sugaanta, taariikhda, iyo arrimaha bulshada, isagoo ka eegaya xagga dhaqanka Soomaalida. Majaladdan waxay u qoran tahay qaab-buugeed loogu talagalay in uu saldhig u noqdo kaydinta dhaqanka Soomaalida, laf-dhabarna u noqda kobcinta aqoonta ardayda Soomaalida, cilmi-baarayaasha shisheeye ee daneeya wax-ka-ogaanshaha dhaqanka Soomaalida, iyo guud ahaan akhristayaasha Soomaalida.

Sida ku cad gogoldhigga majaladdan, dhaqansidaha GOBAAD oo haatan loo asteeyey in uu soo baxo sanadkiiba mar, kuma dhalan gurdan-raac iyo hiyi-kac, balse wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo tijaabo-gelin ah, wuxuuna sanadihii 2002-dii iyo billowgii 2003-dii soo bixi jirey bishiisa mar, isagoo xambaarsan qormooyin nuxur leh oo dhaqanka, afka, iyo suugaantaba wax uga bidhaamin jirey akhristayaashiisa.

Guud ahaan, tirsiga koowaad ee Dhaqansidaha GOBAAD wuxuu xambaarsan yahay siddeed qormo oo ay ku farayaraysteen qalin-maal Soomaaliyeed, kuwaas oo qaar ka mid ah aan dib-u-milicsi kooban  ku samayn doono.

Xiddigiska Soomaalida

Cilmiga Xiddigisku wuxuu lafdhabar u ahaa dhaqanka Soomaalidii hore, waxayna aad ugu fiirsan jireen xiddigaha iyo muuqaallada ay sameeyaan, iyagoo aaminsanaa in ay saamayn xoog leh ku leeyihiin waxyaabaha dhulka ka dhacaya, cimilada, iyo noloshoodaba.

Akhrinta qormadan waxay i bartay in Xiddigisku lafdhabar u ahaan jirey nolosha Soomaalida. Qof ahaan, xilliyo kala duwan oo aan safarro gaagaaban ku tegey xeebaha Bari ee Soomaaliya, waxaan la yaabi jirey heerka aqooneed ee yaabka leh ee ay reer Barigu ka gaareen adeegsiga cilmiga xiddigiska, kaasoo illaa maantadan tiir-dhexaad u ah hab-nololeedkooda.

Majaladdan ayaa si faahfaahsan uga hadleysa saamaynta uu cilmiga Xiddigisku ku lahaa dhaqanka iyo nolosha Soomaalida. Hase yeeshee, waxaan meesha ka madhnayn in qormooyinka noocan ah ay hoos ugu daadegaan saamaynta uu cilmigaasi weli ku leeyahay hab-nololeedka Soomaalida maanta, si akhristuhu uusan ugu qaadan  in laga taariikhaynayo dhaqan duugoobey oo aan haatan la isticmaalin.

Ma dhab baa “Somaalida Dhaqankeedaa Burburka Baday?”

Indhowaalaba, doodda sii xoogeysaneysey ee ku saabsan meeleynta saldhigga burburka Soomaaliya iyo Soomaalida waxay si isasoo taraysa farta ugu fiiqeysaa in Soomaalidu uu dhaqankeeda burburka baday. Xeel-dheerayaal badan ayaa ku doodaya in burburka Soomaalida ku dhacay sababtiisu ay kasoo jeeddo dhaqankeedii soo-jireenka ahaa, kaasoo si cad u xalaalaynaya dilka, kala-dambayn la’aanta (anarchy) iyo gar-ma-qaatenimada (Said Samatar, 1991).

Hase yeeshee, Dr. Maxamed Daahir Afrax, oo ah qalin-maal iyo xeeldheere ku fogaadey arrimaha dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida ayaa qoraal dheer oo uu ku qoray majaladdan wuxuu ku doodaya fikrad taas ka duwan.

Dambigii dhacay yaa ka mas’uul ah? Ma run bay sheegayaan dadka ku doodaya cidda ka mas’uulka ah in ay tahay guud ahaan hiddaha iyo qaabka fekerka Soomaalida, gaar ahaanna dhaqanka qabyaaladda ee ay weligeed kusoo dhisnayd bulshada Soomaalida? Dhaqanka Soomaalida iyo adduun-aragga uu da’aha soo koraya ku barbaariyo ma wuxuu ahaan jirey mid dadka u jiheeya dhanka burburinta, isu-xoog-sheegadka, gar-ma-qaatenimada, iyo kala-yaaca, mise wuxuu ahaa mid u jiheeya dhanka dhismaha, iskaashiga iyo nabadda?

Dr. Afrax, weydiimahaas kor ku xusan iyo kuwo kale oo la ayni ah ayuu soo hordhigayaa akhristayaasha, isagoo dabadeed unkaya dood culus oo jawaabo loogu raadinayo su’aalahaas qallafsan. Guud ahaan dooddaas iyo qaybaheeda kala duwan oo aad ii xiiso geliyey waxaad kaga bogan kartaa majaladdan.

Hal-abuur Hiddeedka Haweenka Soomaalida

Qormadan oo aad u xiiso badan waxay si faahfaahsan usoo bandhigeysaa kaalinta haweenka Soomaalidu ku leeyihiin hal-abuurka tixda, iyo weliba awooddooda gaarka ah ee xagga maansaynta. Qoraha qormadan wuxuu “buraanburka” ku tilmaamayaa inuu yahay “boqoradda” tixda, halka uu gabaygana ku magacaabayo “boqorka” tixda suugaanta Soomaalida. Hase yeeshee, marka aan maqalno “hal-abuur hiddeedka haweenka Soomaalida” waxaa durba xusuusteenna kusoo dhaca “buraanbur” oo keliya, iyadoo aan is-moodsiinno in guud ahaan hal-abuurka haweenku uusan dhinacna u dhaafi karin curinta “buraanburka”.

Qormadan waxay si xiiso badan uga warramaysaa guud ahaan qaybaha kala duwan ee hal-abuurka haweenka oo weliba uu ku jiro “gabayga” oo ay kaalintooda ku leeyihiin, iyo sida tacab-suugaaneedkaasi saamayn toos ah iyo mid dadbanba ugu leeyahay nolosha iyo qaybaha bulshada, intaba. Qoruhu wuxuu horteenna keenayaa tixo gabayo ah, haweenkii tiriyey, iyo sababihii ay u tiriyeen, kuwaasoo akhrintooda kugu ridaya waddadii uu qoruhu kula rabey ee ahayd in aad garwaaqsato kaalinta haweenka ee xagga hal-abuurka suugaanta, iyo in marrarka qaarkood ay baro dheer yihiin ragga xagga tirinta gabayada.

Malahayga, gebagebada qormadan, waxa keliya oo aan tebey, taasoo aan is leeyahay “qoruhu kama ilduufine malaha tirsiyada dambe ayuu kusoo bandhigi doonaa” waa: haweenka iyo kaalintooda fanka iyo suugaanta casriga ah. Dhanka kale, qormadan waxay u muuqataa in ay isku koobtay hal-abuur hiddeedka haweenka kasoo jeeda dhaqanka reer-guuraaga, iyadoo ay meesha ka maqan yihiin dhaqannadii beero-qodotada iyo kii banaadiriga oo runtii tiir-dhaxaad adag u ah guud ahaan hal-abuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Mar kale, waa suurtagal in uu qoruhu dib u dhigtay mawduucyadaas.

Qormooyinka Kale

Qormooyinka kale ee sida weyn ii xiiso-geliyey ee ku jira tirsigan waxaa ka mid ah: qormo dheer oo ka hadlaysa sooyaalka iyo suugaanta Abwaan Maxamed Jaamac Ilka-case; taariikhda lacagaha Soomaalida; sheeko gaaaban; iyo gabay qiiro badan oo hal-ku-dheggiisu yahay “calanka ooyaaya!”. Guud ahaan qormooyinkaas waa kuwo xiiso badan oo aanan ka daalin akhrintooda.

Hal-xiraale

Bahda Dhaqansidaha Gobaad waxay gogoldhigga majaladdan kaga sii afeefteen in Dhaqansiduhu ka caagganaan doono arrimaha siyaasadda. Dhanka kalena, waxay ballan-qaadeen in tirsi kasta ay majaladdan u xulan doonaan “qormooyin tayo leh, si ay u kobciso,  tacliimiso, una xoodaamiso garaadka akhristayaasheeda, islamarkaana u ibo-furto maskax dhaqankeeda u dhug leh”.

Haddaba, maadaama Dhaqansidaha Gobaad uu u dhashay, una taagan yahay ujeeddada kor ku xusan, bahda Gobaad waxaa looga fadhiyaa kala saafidda ama kal-soocidda DHAQANKII SOOMAALIDA EE SOO-JIREENKA AHAA, IYO DHAQAN-SIYAASADEEDKA SUMAYSAN ee haatan lagu dhaqmo, iyadoo haatanba qarka loo saaran yahay in la wada rumaysto in DHAQAN-SIYAASADEEDKAAS SUMAYSANI yahay dhaqankii soo-jireenka ahaa ee Soomaalida. Sidoo kale, bahda Gobaad waxaa kaloo looga fadhiyaa in xittaa ay kala hufaan dhaqan Soomaaligii soo-jireenka ahaa oo isaga qudhiisa leh qaybo badan oo aan la saanqaadi karin nolosha casriga ah.

Sidaas awgeed, hal-xiraalaha ama xujada adag ee hor taal bahda Gobaad ayaa ah soo-helidda waddadii ay u mari lahaayeen gudashada xilkaas ummadeed ee ay dhabarka u riteen iyagoo misana ka caaggan faragashiga arrimaha siyaasadda Soomaalida. Qof ahaan, waa wax aan dhici kari doonin. Nin xil qaadayse eed qaad.

Dhaliilaha:

Guud ahaan tirsiga koowaad ee majaladdan wuxuu xambaarsan yahay qoraallo xiiso badan oo dhinac kasta ka dheellitiran. Hase yeeshee, waxay mararka qaarkood ishaydu qabaneysey il-duufyo aan badnayn oo xagga higaadda ah iyo cabbirka farta oo mar mar kala-kaan ah.

Dhanka kale, waxaa hubaal ah in af Soomaaliga ku qoran majaladdan uu aad ugu adag yahay dhallinyarada qurbo-joogta ah ee uu afka Soomaaligu ciriiriga ku yahay, kuwaasoo qayb muhiim ah ka ah kooxaha ay majaladdan bartilmaameedsanayso. Sidaas awgeed, waxay ku habboonaan lahayd in qormo kasta loo sameeyo “eray-koobe ” ama “glossary” lagu fasirayo erayada qaarkood.

Ugu dambayn, maadaama majaladdan himileyneyso in ay saldhig u noqoto kaydinta dhaqanka Soomaalida, kobcinta aqoonta ardayda Soomaalida iyo cilmi-baarayaasha shisheeye ee daneeya wax-ka-ogaanshaha dhaqanka Soomaalida, waxaan iyana meesha ka madhnayn baahida loo qabo in qormooyinka afka Soomaaliga ah ay barbar socdaan dhiggooda oo ku qoran afka Ingiriisiga.

WQ: Cabdulqaadir M. Wacays
E-Mail:cmwacays@yahoo.com

---------------------------------------------------------------------------------------

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright 2007 Wardheernews.com