Mahadhada iyo Waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac ‘Gaarriye’

Cabdiraxmaan Faarax Barwaaqo
October 01, 2007

Buuggii beryahaaba
la bilkeedinayaanu
bandhigiisa wadnaaye
bi’iwaaye ha seegin!

Oo waa buuggee?

Waxqabadka Gaariye

Waa buuggii u horreeyey ee si cilmiyeysan looga qoro mahadhada iyo waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”. Waxa haddaba iswey-diin leh: Muxuu buuggani kaga duwan yahay kuwii Abwaannada kale laga qoray? Waydiintaasi aqoonyahanno badan baa durba ka warceliyey.  Bal dhawr ka mid ah aan soo qaadanno wixii ay ka  yidhaahdeen:

A.  “Marka la eego sida ku-hadalka iyo ku-faanka afka Soomaaligu ugu sii yaraanayo Soomaalida qorbajoogga ah, iyo xataa sida Soomaalida ku nool dalalka Soomaaliga lagaga hadli jirey ay u doorbidayaan in ay afaf kale ku hadlaan ama wax ku qoraan, waxa cad in af Soomaaliga ay ka muuqato astaamihii afafka khatarta ku jira. Haddii aan loo gurmanna, af Soomaaligu waxa uu ku biiri doonaa afafka lumaya. Buuggan la magac baxay Mahadhada iyo Waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” ee uu qoray Cabdiraxmaan Faarax “Barwaaqo” wax weyn ayuu ka tari doonaa sidii loo hakin lahaa khatarta ku soo socota afka Soomaaliga. Markii aan akhriyey miisaanka suugaanta ee “Gaarriye” iyo gabayadiisa, iyo faahfaahinta qoraha buugga, waxaaba markii ugu horraysay igu soo dhacday in aan baran karo sida loo gabyo oo aan weliba gabayaa noqon karo. Waxa aan filayaa in akhristayaasha buuggani ay iiga markhaatiniqi doonaan dareenkaas. Aad baan ugu mahadinayaa Cabdiraxmaan “Barwaaqo” qoridda buuggan faa’iidada badan leh.”

           
Dr. Hussein Ahmed Warsame
Accounting Area Chairman
Haskayne School of Business
University of Calgary, Canada
                                                                                   

B.    “Buuggani waa mid si yaab leh u waydaaartay hab dhigaalkii iyo sargooyadii looga bartay buugaagtii hore. Wuxuu ka baydhay qaabkii buugga u qoondaynaysey inuu ku habboonaado qaamuus ahaan ama si raadraaceed  uun loogu adeegsanlahaa. Waa  buug furaya irrid cusub oo fursad kuu siinaya in aad si cilmiyeysan u  barankarto  maansooyinka Gaarriye  iyo kuwa kaleba. Qaabkan lafoguridda maansadu waa arrin hor leh, waana qaab doodeed habaysan. Waannu ku hanbalyeynaynaa Barwaaqo u heellanaanta dayactirka  af Soomaaliga iyo qorista buugganba.”

Fu’aad Sh. Abu Bakar                                              
Bahda Mareegta Farshaxan                                               
Milwaki, USA

C.  “Maxammad Xaashi Dhamac (Gaarriye) has the unique distinction in Somali literature of being both a poet and a scholar, which is a blessing for Somali literature. But it poses a challenge for anyone who tries to do justice to Gaarriye’s works because that person is required to be able to handle both Gaarriye’s poetry and scholarly output. In his insightful and multi-layered book “Mahadhada iyo Waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac”  Mr. Barwaaqo has met the challenge. This book is an excellent introduction to Gaarriye’s poetics. It is illuminating and a pleasure to read.”

J amaal Cabdi Gaboobe,
Seattle, Washington University, USA

Maxay aqoonyahannadu ka yidhaahdeen
“Gaarriye” laftiisa?

A. Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” waa aabbaha miisaanka maansada Soomaaliyeed, waana Al- Khaliilka Soomaalida.”

Dr. Martin Orwin
School of Oriental & African Studies,
London, UK.

B.  “Gaarriye waa labada gabayaa ee Soomaaliyeed ee ugu waaweyn kuwa hadda nool mid ka
mid ah. Waa gabayaa wax weyn ka taray casriyeynta maansada Soomaaliyeed. Waana caalim
qoto dheer leh oo ka sal gaadhay habka maansada Soomaaliyeed ay ku dhisan tahay.”

Dr. Georgi Kapchits
Moscow University, Moscow
Russia

Qore: Cabdiraxmaan C. Faarax “Barwaaqo”
Soosaare: Hal-aqoon publishers
Afka: Soomaali
Daabacaaddii: 1aad
Gu’ga uu soobaxay: 2007da.
Qiimaha:  US$22.71 
Inta bog ee uu yahay: 284 bog
Jimidhka: 6x9 xubnood
ISBN: 978-0-9699009-4-8

Weydiintu waa sidee loo helayaa ama halkee laga helayaa?

Qiimaha iyo sida aad u dalbanaysaba halkan ka eeg:

www.lulu.com/content/1258375

___________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews


Copyright 2007 Wardheernews.com