Home Articles Somali Songs About us  

Gabayga iyo Waqtiga
Wq. Xasan C. Madar
May 13, 2010

Bal u fiirso maansadan:
Xaaji Aadan Afqallooc wuxu ahaa nin la yaab leh, suugaantiisu waqti walba way la socotaa. Bal eeg gabaygiisan:

Laba boqol nin maaliyaddu tahay tirada loo dhiibay
Oon tacabbo baadiye lahayn tuludi waa maale
Oo toban baloodh jeexday oo tumanayoo keefa
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye
Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal  aan sheego.

Dir dir laysu laayiyo, intaan weerar daba joogno

Wixii uu afartan gu’ ka hor ka hadlayey baa illaa maanta taagan. Alla ninku aragti dheeraayee!!! Gabaygiisuu waqti walba wuu la socdaa.

Waxa ka daran Cabdillaahi Suldaan Tima Cadde. Gabaygiisu ma duugoobo, casri walba wuu nool yahay.  Bal eeg gabaygiisan:

Dir dir la isu laayiyo intaan             weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan           danabadii waayey
Uu sida dareemada u yaal              meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad   dunida joogtaane

Rag aragti fog leh bay ahaayeen, iyagoo kale Soomaali
ma soo marin! Waxay konton sano ka hor sheegeen baa maanta muuqda!

Ereyadaa kor ku qoran iyo kuwo la mid ah baynu in badan maqalnaa. Markiiba waynu qirnaa runnimada gabayadaa. Markasta oo aynu dhegaysanno gabayadaa waxa ugu weyn ee aynu ka faa’iidnaa waa inaynu qirno inay yihiin gabayo heer sare ah oo waqti kasta la socda, raggii tiriyeyna yihiin rag indheer garad ah oo meel durugsan wax ka arka.  Halkaa hoos ugama sii degno. Kuma sii dhaadhacno nuxurka gabaygu sido iyo farriinta uu xambaarsan yahay. Uma dhaqaaqno inaan wax ka qabanno oo toosinno dhaliilaha gabaygu tilmaamayo. Waxaynu ku raaxaysannaa dhegaysigiisa iyo in midkeenba mid u tebiyo.

Halkaa waxa imanaysa weydiin. Waa inaan isweydiinno: Ma gabayga ayaa ah mid waqti walba la socda mise mushkiladdii uu ka hadlayey ayaa waqti walba la socota? Haddii dhaliilaha uu tilmaamayaa ahaan lahaayeen kuwo meesha ka baxa ma la odhan lahaa gabaygii waqti walba wuu la socdaa? Ma Soomaalida ayaa gabayga qalad ka fahanta oo halkay ka garan lahaayeen dhaliisha gabayga ama abwaanku tilaamayo ayey u bogaan qotodheerida midhaha gabayga, ka dibna waxay isku qanciyaan in gabaygu waqti walba la socdo oo waxay illaawaan wax ka qabashada dhaliishii?
 
Meelaha had iyo jeer gabayada jaadkaas ahi tilmaamaan waxa ka mid ah:

1. Hogggaanka:

Danbi kuma hadlaayee ma arag ma'arag dawladdaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka Soomaali baad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Karal'e
Meeshaan dad aan urursho iyo darar ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacar miyaan leefay
.. Daab gudinmo weli sooma jarin wiilashaan diraye
Halka dunida lagu geeddi yahay deyiba maayaane
Ummaddii daryeel weli ma helin daacadda ahayde…


(Qaasin)

Hoggaan xumadii weli way jirtaa, gobannimadii iyo dawladnimadiina wax laga faa’iiday la garan maayo.

2. Bulshada oo aan baran xisaabtanka iyo wax ka beddelka qaab nololeedkooda:  

Haddii aan wuxuun laga qayirin qaabka nolosheenna
Qarnigaa dhammaadiyo ka xiga qaa’im iyo daa’im
Qadoodi iyo waa lama huraan qax iyo eedaade


(Luggooyo)

Dambiilaha waa la taageeraa, musuqmaasuqa waa la neceb yahay waana la jecelyahay. Haddii nolosha la qorshayn lahaa, wax-qabsi loo dhaqaaqi lahaa, nabad iyo barwaaqo lagu saldhigan lahaa oo  colaad iyo qaxooti laga badbaado, gabaygaasi ma noqon lahaa mid waqti kasta la socda?

3. Qabyaaladda:

Doc hadday u wada jeedsatooy      dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala  ah tahay ooy     duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways       dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa  daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxataa            daad u soo geliye

 (Timacadde)

Qabyaaladdu waa sidii, waabay ka sii xuntahay. Mar walba is-bahaysi qaldan baa lagu jiraa. Waxa la isku bahaystaa sharka. Iskaashi iyo wax wada qabsi ma jiro. Haddii qabyaaladdu meesha ka bixi lahayd, ma noqon lahaa gabaygaasi mid maalin walba taagan?

4.  Caddaaladda:

Goortaad maxkamadaha tagtaad tacajabaysaaye
Tabnigeeda xaajada ninkii taabi kari waaya
Inkastood xaq taabida waddo iyo marag cad oo taagan
Ama aad xujada toosisoo looyarku istiilo
Gartu hadalka kuuguma tagtee taagtu waa lacage
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

(X. Aadan Af-qallooc)

Haddii caddaalad darradu meesha ka bixi lahayd, saamayn intee leeg buu yeelan lahaa gabayga Tabaalo ee Xaaji Aadan?

5.       Ididiilo:

Dirridaa abaarta ah marbaa doog kasoo bixiye
Dibjirkiyo marbay reer miyigu daasadaa qubiye
Mar uun buu digiigixan raggii daalanaan jiraye
Dibnihii shakaallaa marbaa dooda loo furiye
Markaasaa la daydayi xaqii naga dahsoonaaye.


(Qaasin)

Rajadii xilligaa la qabay quus baa laga taagan yahay. Weli waa la tebayaa intaa uu abwaanku konton gu’ ka hor tebayey. Weli dirridii waa abaar, doogna kama soo bixin; xaqii dahsoonaa weli waa dahsoon yahay; baahida iyo abaartuna sidii hore kaba sii daran. Haddii rajadaa la gaadhi lahaa miyaan fikirka abwaanku dhinac kale isku rogeen?

Gabaygaa aynu leenahay waqtiga ayuu la socdaa wuxu inna tusayaa halka dhibaatadu innaga haysatay berigaa abwaanku tiriyey iyo in dhibaatadaasi weli inna haysato.

Si gabaygu aanu waqtiga ula socon maxaa loo baahnaa in la beddelo? Mise loomaba baahna in gabaygu waqtiga ka hadho oo madadaaladeenna iyo maaweeladeenna ayaa hoos u dhacaya?
Gabayga iyo waqtiga aynu kala reebno. Oo sidaynu u kala reebnaa?

Aan wax ka qabanno xaaladda gabaygu ka hadlayo. Aan dhaliisha daweynno. Markaa gabaygii wuu ka hadhi waqtiga, dibna u odhan mayno waa gabay waqtiga la socda.

Sidaas ay tahay Gabaygu meesha kama baxeen oo si kale ayuu taariikhda ugu jiri lahaa. Waxa la ogaan lahaa in waqti jaadkaas ah la soo maray oo laga soo gudbay ayna tahay inaan dib loogu noqon. Gabayo taariikhda laga barto ayey noqon lahaayeen. Waxay meesha ka saari lahaayeen in gabayaaga maantu isla mushkiladdii Timacadde iyo Xaaji Aadan ka gabyeen ka gabyo.

Abwaannada oomaalida ee ka hadlaya waayaha noloshu way badan yihiin. Dhowrkaa abwaan iyo dhowrkaa gabay ee aynu soo qaadannay waa uun tusaale kooban inaan gabaygu ahayn mid mar walba waqtiga la taagan yahay la socda balse mushkiladdii la daweyn lahaa tahay mid goor walba taagan.
 
Gabayaaga Soomaaliyeed xilli kasta iyo goor kasta mushkilad isku mid ah buu ka gabyaa. Gabayaaga casrigan badankoodu ma soo kordhiyaan wax ka duwan waxay soo kordhiyeen gabayaagii hore. Noloshii ay ku noolaan lahaayeen ee ay ka gabyi lahaayeenba meesha ma jirto. Waxay nool yihiin noloshii shalay oo ay ka gabyaan. Noloshii maanta ayaa maqan oo shalay baa la nool yahay. Sheekadu waa iska daba wareeg.

Ma dorraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay
Sidii aan dayeysanahay miyaan dawgii ka habaabay!!

(Qaasin)

Marka noloshii shalay laga baxo ee ay noqoto taariikh la soo maray. Marka noloshii maanta la helo ee ay noqoto mid baadi-soocdeeda leh oo tii shalay ka duwan; kolkaas gabay kastaa wuxu noqon doonaa mid xilligiisa ku eg oo aan maalin walba la odhan wuu la socdaa  illayn mushkiladdii uu ka hadlayey laga baxye.

Xasan C. Madar
E-Mail:nabaadiino@yahoo.com

______________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 WardheerNews.com