|
![]() |
|||||
Sidaan isu lahaa sannadka soo socda ayaa wax isdoorin, aad dalkii dib ugu noqon
doontaa ayaa toban sanoo bilo dheer yihiin igu dhaafeen qurbaha iyo qoomamaduu reebo. ‘Toddoba beri kay ku tahay waa inaad Xamar isku shubtaa,’ ayaan hiyigayga
ka goostay. Luulyo bartamaheedii ayaa go’aankaasi ii hirgalay.
Daruuro khafiif ah oo sida shabaagta isu haysta ayaan Balcad ugu galnay. Hoos ayey diyaaraddii usoo degtay. Xamar ayaa midigta nooga bidhaantay. Daaraha cadcadaantooda, dhirta magaaladu ku shaqlan tahay cagaarkooda, qudbadaha dhaadheer ee masaajiddada, tirneedka guduudan ee guryaha saqafkooda saaran, Xamar korka waxay uga eg tahay gole cibaadadeed.
Degdeg ayaan uga fulnay garoonka diyaaradda. Xamar ayaan usoo dhaadhacnay. Saaxiibbo aan garto dhawr ayaan la kulmay. Magaalada Xamar labadeeda daamood ee koonfur iyo waqooyi ayey kala deggan yihiin. Maalintii waa laysu tegi karaa, habeenkiise iniba daan bay seexataa (cimrigaagoo dheeraadaa waxaas iyo wax ka daranba waa ku tusi karaa). Waqtigii aan booqashada ugusoo talagalay si lama filaan ah ayuu isu guray. Durba maalintii lixaad ayaa iskeentay anoo qorshihii aan toddobaadka u dejistay weli wax rooni iiga qabsoomin. Shantii maalmood ee hore waxay badanaa igu dhaafeen hadba sidaan uga war doonayey xaaladda dunidaan ka tegey ay ku dambaysey. Maxaan la kulmay? Muraaradillaac ! Burburka cuskaday magaalada, wararka idaacadaha laga tebiyo iyo telifiishanka Yurub ayaan kala socdey, marnase waxa indhahaygu la kulmeen socdaalkaygan iyo sawirkii maskaxdayda ku daabacmay wax isu dhow ma ahayn. Xamar Cadde hareerahaa la qaatee, dhexdii ayaa digaandigaha laga dhigay sidii neef bahalo heleen (oo miyaanay helin!! ) ayaa calooshii iyo uur-ku-jirtii lala baxay. Liido.. Shingaani.. Xamar-weyn.. Boondheere.. Shibis.. iyo Xamar-jabjab gelgelin laga guurey bay u ekaatay. Taariikh dheer iyo ilbaxnimo fac weyn oo astaan lagu faano inoo ahayd, adduunweynahana aynnu la shir tegi jirey ayaa muddo gaaban damdaguugan laga yeelay. Subaxii lixaad waxaan niyeystey inaan dhawr saacadood keligay dhex meero Xamar goobo aanan hore u tegin intaanan wixii hawl i sugeysey maalintaas ku dhaqaaqin. Laydha macaan ee dhacaysa, iyo carafta udgoon ee dhulka xagaayadii ku hoortay ka soo butaacaya inaan sanbabada ka sii dhaansado ayaan goostay. Lugahaan usii daayey inay meeshay rabaan ila tagaan.. mayse noqon siday muhatay laabtaydu. DIKTOORKACabbaar goortaan warwareegay oo si roon isula maqanahay, ayaan mar qura si kedis ah isku soo baxnay Dr. Kaynaan oo lix bilood isugu kaayo dambaysey mar aannu shir Geneve lagu qabtay ka wada qayb galnay. Diktoorku waa nin dheer, hilib dhexaad ah, oo isku siman. Xoqadaha uu indhaha ku wato iyo cirrada dhafoorrada ku soo dhigaysa mooyee innaba haddii kale kama muuqato dhawr-iyo-afartanka sanuu jirey. Waa nin xarrago iyo xash-xashaash badan. Waxbarashada illaa dugsiga sare Soomaaliya ayuu ku dhammaystay, ka dibna jaamacadaha dibedda ayuu ka soo qalin-jebiyey isagoo diktoornimo ku soo qaatay cilmiga siyaasadda iyo bulshada. Aqoon lagu liidaa ma jirto; saaxiibbada hoos usii yaqaannaase waxay yaalaaba ku tilmaamaan oo ku yara duraan inuu isku buuxo oo isla baxsan yahay. Jooggiisa, dhar-qaad wanaaggiisa, aftahamadiisa iyo is-qaadqaadkiisa waxa markiiba kugu soo dhacaya kooxdii lixdamaadkii Soomaaliya u kala tartami jirey wasaaradda arrimaha dibedda in ay shaqo ka helaan. Salaan degdeg ah ayaan isku boobnay. Salaantayadu aad ayey u diirdiirranayd, waxa laba daraadle u sabab ahaa meeshaannu iskaga soo baxnay aan midkaayona kan kale ka filayn. Israacnay.. maqaayad aan naga fogayn ayaan fariisannay.. shaah ka dalbannay oo iswaraysi bilawnay. Marna intaan safarka ku soo jirey iguma soo dhicin ninkii Dr. Kaynaan ayeydin Xamar ku kulmi doontaan oo weliba xilligan iyo goobtan. Haye Kaynaan bal ii warran.. immisaad magaalada joogtey? Maxaad meesha ku haysaa? Goormaad Yurub ku laabanay, mise meeshaadba ka heshay waadigan aad ugu cayileye?” Intaan Diktoorka su’aalaha u wadey waxa wejigiisa ka muuqanayey Jawiga cirka oo macaanaa iyo aniga oo berritoo kale ka safraya Xamar, waxaan goostay inaan xaafaddaan qadada ku lahaa oo hal cabbaar ah jirta u sii lugeeyo.“Diktoorku muxuu meesha ku hayaa ?” ayaan is-weydiiyey. Markii iigu dambeysey iigama muuqan nin Soomaaliya tegisteeda hadal haya. Su’aashani waxay igula aroortay inaan dib u raaco aqoontaan Diktoorka u leeyahay. Masii bursana. Warka guud iyo kulan teelteel ah ma dhaafsiisna. Dalka gudihiisa waxaa Diktoorka looga aqoonsan yahay inu kuwa ugu tacliin sarreeya ka mid yahay. Dibeddana wuu ka diiwaan-gashan yahay oo waa dhif iyo naadir maxfal laysugu yimaaddo oo lagaga hadlayo mushkiladda Soomaaliya sidii loo furdaamin lahaa aan laga marti qaadini. Shirkii u dambeeyey ee lagu qabtay magaalada Geneve raggii ugu doodda dheeraa ayuu ka mid ahaa. Qiirada iyo wadaninimada dooddiisa ka muuqatay ayaa i taabatay. Kolkaas ayaan ka codsaday in uu khudbaddiisa oo dhan qoraal igu siiyo saan mar kale keligay uga bogto. Qoraal dheer oo makiinad ku garaacan ayuu farta iga saaray. Runtii qoraalkaas Diktoorku aad ayuu ugu fara yaraystay khubaro ajnabi ahina way u qushuuceen saamigii uu shirkaas ka qaatay. Filimkii Diktoorku suu iigu socdey ayaan mar qura is-arkay anoo hor taagan aqalkii aan qadada ku lahaa. Dhawr saaxiibaday ah oo isaga yimid degmooyinka Xamar markay safarkayga degdegga ah maqleen ayaan qadadii sagootiska ee la iigu talagalay ku kulannay. Inaan is-aragnay Dr. Kaynaan ayaan u sheegay oo ka yaabay siduu u cayiley muddadii yarayd aanu is mooganayn. Qosol ayey ka wada kaceen.
Ragga wejigoodii wuu isbeddeley. Waxay iisoo ururiyeen iyagoo hadalkii boobsiis ku wadaagaya “Waxba meesha looga ma yeerin ee isagaa nolosha dibedda ka soo cawday oo qaylodhaan soo dirsaday.” “Dhawr kulan ayaannu la yeelannay annagoo doonayna inaan sidii wax laysugu soo dhoweyn lahaa ka wada shaqaynno. Wax walbase wuu naga diidey.” Intaan is-haysan kari waayey ayaan saaxiibbada weydiiyey: “ Xaggee buu isagu xarkaha adag ka haystaa? oo ayuu isku hallaynayaa?” “ Oo miyaanad ogayn, saw gacan yaraha Waasuge ma aha ee xilli walba ku lammaan ee wax u qorqora. Xataa waxa nagu maqaala ah in Waasuge laftiisu usoo jeediyey in uu guriga Xaajiga ka baxo oo meeshii kaluu doorto la dejiyo.. saaxiibkaase diidey. Waasuge kolkaas damcay in uu qoyskii Xaajiga mag-dhaw ka siiyo guriga iyo samirsiin. Taasna ay qoysku ka diideen.” Waxa iga soo boodey: “Cajaba-rabbi! Ma Waasugihii uu sidii la ogaa uga hadli jirey buu la joogaa. Mar labaad ayaa la wada qoslay. “Ninkaas warkiisa waa laguu dhaamaa ee soo kac aan qadaynee,” ayey warkii ku soo
gunaanadeen. Intaan qadada cunayney waxaa maskaxdayda mar qura ka daarmay oo
iska soo daba dhacayey... Saciid Jaamac Xuseen ---- Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, waana guddoomiye xigeenka Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed. Maqaalada kale ee Siciid qoray laguna daabacay degelkan:* REMINISCENCES OF MY TADJOURA DAYS ________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
|