Home Articles Somali Songs About us  

 


 DHAQANKII DIB HA LOOGU NOQDO
Wq. Saciid Jaamac Xuseen
March 11, 2010

Mushkiladda ummaddeenna haysata maanta aad ayey u qallafsan tahay.  Dadkii Somaaliyeed gudo iyo dibedba waxay ku riddey welwel iyo walbahaar.  Furdaaminteeda ayaa lala wareersan yahay.  Cid waliba xalka si bay u aragtaa.  Majare lagu wada midaysan yahay ma muuqdo.  Midbaase jirta aad mooddid in siyaasiyiin iyo mutacallimiin badani sannadahan dambe  isku wada raacsan yihiin oo carrabka ku xejinayaan. Waa baaqa ah: “Dhaqankii aynnu hiddaha u lahayn ha loo noqdo.

Arrintan ka-faallootankeedu iyo falanqaynteedu waa kuwo muhim ah.  Haddii wax kaleba layska dhaafo, saddex masa’alo oo culayskooda leh ayaa ka-baaraandegga arrintaas ka dhigaya mid lagama maarmaan ah:

  • Dadweynaha Somaaliyeed intiisa badan ayaa baaqaas u dhega nugul oo markiiba si sahal ah usoo dhoweynaysa iyagoon weedhaas - dhaqanka ha loo noqdo - faaqidaad hoose u yeelan.
  • Dhaawacii ummadda Somaaliyeed nolosheeda soo gaarey 20kii sannadood ee u dambeeyey nabarka ugu halista weyni wuxuu ka cuskaday qaybta dhaqanka
  • Dhaqanka oo ah tiirka ugu culus ee ummaddeennu ku dhisan tahay.
Haddaba, intaan loo gudbin sida arrintaas loo hirgelanayo, halka laga abbaarayo, cidda xilkaas gudanaysa, iyo qeexidda dhibaatooyinka hor taagan ee turunturrada ku ah, waxaa ila habboon in marka hore dhawr qodob oo si weyn dhaqanka ula xiriira laysla meel dhigo guud ahaan.
  • Dhaqanow maxaad tahay?  Dhaqanow sidee laguu fasiraa?
  • Maxaa horumarkiisa sameeya?
  • Maxaa wiiqa oo dib-u-dhac ku keena?
  • Sidee looga ilaalin karaa dib-u-gurasho ku timaadda ama inu meeshiisa ku hagaaso ?

Bulsho kasta oo xilli taariidkeed iyo goob juqraafi ah ku wada nool, waxay leedahay dhaqan u gaar ah oo hab-nololeedkeeda ka dhasha.  Sidaas darteed, waxaa dhaqan lagu micnayn karaa.. cilmiga, aqoonta, fanka, waaya-aragga, diinta, falsafadda (adduun-aragga), anshaxa, dookha, himilada iyo xiriirka dhex mara dadka iyo macaamilkooda.  Is-biirsiga iyo isa-saamaynta qaybahaas dhammaantood ee bulshadu ku sugan tahay xilligaa taariikheed ayaa sameeya dhaqankooda.  Hiddaha guud ee ummad lagu tilmaamaana dhaqankaas ayuu ka dhashaa oo kasoo dhex baxaa.

Qaybahaas dhaqanku ka koobmo ee aan kor ku xusnay waxay isla markii xanbaarsan yihiin dhinacyo san (fiyow) oo wax-ku-ool ah iyo kuwo xun (cudur ah) oo waxyeello wata. Socodka taariikhdu ummad kasta (bulsho kasta) wuxuu ku keenaa isbeddel ku dhaca danaheeda, barwaaqa-tacabkeeda, xeerkeeda, xiriirka dhexdeeda, garaadkeeda, iyo kasmadeeda.  Kuwaasina si toos ah ayey u saameeyaan dhaqankeeda oo raadkoodu si weyn uga muuqdaa.

Halkaas waxaa si cad innoogu baxaya in labada arrimood ee saamaynta ugu culus iyo dhalanrogga qotada dheer ku rida dhaqanka ay kala yihiin ‘Socodka Taariikhda’ iyo ‘Isbeddelka Nolosha Bulshada’ ku yimaadda.

Ka-gudubka marxalad taariikheed ay bulshadu uga gudubto tu kale, si muqaal iyo taabasho leh ayuu u dooriyaa dhaqankooda.  Dhaqankaas doorsoomayana yaan khalad laga fahmin.  Ujeeddadu ma aha in dhaqankii hore laga wada xuub-siibanayo mar qura oo mid hor leh oo wada cusub la gelayo.  Arrinku marna sidaas ma aha ee qasdigu wuxuu yahay dhaqankii jirey wax badan baa duugoobaya aan la jaan-qaadi karin nolosha cusub oo dan ahaan laga kaaftoomayaa, in kaloo cusubina kusoo biiraysaa.  Taran iyo tayo-korodhsi ayaa dhaqankii ku dhacaya.
Hore ayaan usoo sheegnay in taxanaha taariikhdu aanu mar walba si qummaati ah sare ama hore ugu socon.  Wuu gedgeddoon badan yahay ay dhici karto, balse dhacdona, in marxaladaha qaarkood laga la kulmo dibu-gurasho iyo guuldarro dhaqan.  Taasna waxaa ugu wacan xiriirka bulshada dhex mara iyo turxaanta wada-jirkeeda iyo is-afgaradkeeda ku yimaaddaa had walba intuu culaays iyo halis lee’g yahay. Tii dalkeenna soo martay ee ma-hadhadeedii weli lala tiicayo ayaa tusaale innoogu filan

Intaynaan ka bixin arrimaha guud ee  ku saabsan dhaqanka, mid kaloo muhim ah ayaa halkan xusid mudan.  Mar haddaanay jirin bulsho adduunka intiisa kale ka go’an oo meel go’doon ah keligeed ku eki, waxa hubaal ah in bulshada Somaaliyeed isa-soo-dhexgal iyo saamayn aan yarayni kaga imanayaan dhaqammada dadyawga kale ee adduunka kula uumman.  Gaar ahaan casrigan aynnu ku jirno ee cilmigii iyo farsamadii heer indha-sarcaad ah gaareen.  Xilliga aynnu ku jirno, saamaynta dhaqammada shisheeyuhu waa kuwo meel laga galo iyo meel lagaga gabbado toona la helayn.

Intaas haddaan si guud ku dhaafno micnaynta dhaqan wuxuu yahay iyo arrimaha saamayntiisa la xiriira, bal aynnu imminka dib ugu noqonno su’aashii inoo xirnayd (taalley): “ Sidee baa dhaqanka Somaaliyeed loogu kaashadaa xallinta mushkiladda ummadda Somaaliyeed maanta haysata?”

Bulsho kasta heerka dhaqankeedu ku siman yahay ayaa tilmaan dhab ah ka bixiya heerka wacyigeeda (kasmadeeda) guud gaarsiisan yahay.  Ilaha iyo goobaha si toos ah ugu xiran kasmada iyo wacyi-kororsigu way badan yihii.  Kuwa ugu roon-roon waxaa ka mid ah: Hawl-maalmeedka.. dugsiyada wax-barashada iyo jaamacadaha.. idaacadda.. bug-akhriska.. telifiishanka.. shinimada.. masraxa.. wargeysyada.. isboortiga iwm.  Bulsho magaala ku nool ayaa ka-faa’iidaysiga ilaha aan soo sheegnay u suuroobi karaan oo ka duwan kana heer sarreeya dhaqan baadiyaha miyiga lagaga  dhaqmo.

Hase ahaatee, u kala-gudubka labadaas dhaqan waa arrin murugsan oo aan si sahal ah iyo muddo gaaban toonna ku iman Karin.  U kala-guurka labadaas heer-dhaqammeed loo kala guuraa wuxuu u baahan yahay muddo dheer, aad u dheer- ugu yaraan dhawr facaad oo magaala-joognimo ay weheliso hab dawladeed oo casri ah oo lagu hoos nool yahay. Marka sidaas loo eego waxaa la garan karaa fac-yarida (fil-yarida) bulsha-magaaleedka Somaaaliyeed iyo sababta loo yiraahdo bulshada Somaaliyeed – xataa marka mutacallimiinteedana lagu daro – waxaa weli si weyn gondaha usii haysta aanay ka xoroobin dhaqankii miyiga iyo adeegsigii qabyaaladda.

Garwaaqsiga xaqiiqadaas la garwaaqsado ayaa isla markii inoo iftiiminaya sababta ugu weyn ee keentay in dawladnimadii Somaaliyeed ee ugubka ahayd si fudud u burburto.  Halkaas ayey ka soo jeeddaa guuldarrada ummaddeenna haysta maanta iyo waxyaalaha tan iyo haatan turunturrada ku ah dib-usoo-noolaynta dawlad-qaran ee laga ma maarmaanka u ah jiritaankeenna iyo horumarkeenna ummadeed.  Muran kama taagna dawladnimo gaamurtay oo
da’ iyo sees adag ku dhisani marna  sidaas fudud uma burburteen; soo-kabashadeeduna tobannaan sano ma qaadateen. Jirrid baanay ku taagnayn.

Labaatankii sano ee taliska militarigu marin-habowsanaa, dhaqanka intiisii ugu foolxumayd, ugu faxsharsanayd, ugu dhaawac weynayd, diinta iyo dadnimada ka reebanayd, ayuu taliskaasi adeegsaday, isagoo ku takri-falaya awooddii dawladnimada Soomaaliyeed iyo hantidii dalka jeer huubadii dhaqanku ay haraysay waxyaalihii caafimaadka qabey. 

Talooyinka ah:
‘Dhaqankii ha loo noqdo.’
‘Dhaqankee?’
‘Kii awoowayaasheen ee sabannadii hore, kaas uun baa lagu caana-maali karaa.’

Si miyir-qab ah oo deggan haddii baaqaas hoos loogu sii fiirsado, waxaa la garan karaa in mushkiladda maanta ummaddeenna haysata aan lagu xallin karayn dhaqan awoowayaasheen ku maamuli jireen noloshooda iyo danahooda boqollaal sano ka hor. Waa xilli aanay innaga iyo dawladnimadeenna burburtay iyo adduunka aynu joogno midkoodna waxba kala socon, kana ogayn.  Boqollaal sano hadalkooda iska daa, ee kuwii 50 sano jiitey haddii lasoo toosiyo ayaa la hubaa inay ashqaraar iyo af-kala-qabad kasoo harayo.  Sidaas awgeed, marxaladdan taariikheed ee haatan lagu jiro waxba yaan dib looga noqon, ee dhaqanka ummaddeenna (awoowayaasheen kolleyba raad waa ku leeyihiin) ayaa loo baahan yahay in loo adeegsado xaqiijinta danaheenna, rabitaankeenna, himildeenna ummadahaaneed iyadoo qaybihiisa samaanta leh lagu dagaal gelayo, docihiisa hagardaamada watana laga hor tegayo, la qaawinayo oo qashinka lagu darayo.  Jidkaas ayaa loo adeegsan karaa dhaqankeenna, suuragalna ka dhigi kara in himilada ummaddeennu xilli aan fogayn rumowdo.

Dhaqan dib loogu guuraa- iyadoo aanu marnaba dhici karayn- waa gorayo-camallayn, waa riyo dhalanteed ah oo mashaqada maanta innagu habsatay inay bi’iso daaye, sii boqol jibbaaray.

Saciid Jaamac Xuseen
E-Mail:sjx2005@hotmail.co.uk

----

Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, waana guddoomiye xigeenka Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed.

Maqaalada kale ee Siciid qoray laguna daabacay degelkan:

* REMINISCENCES OF MY TADJOURA DAYS
* INTOLERANCE: A VILE AND DANGEROUS HUMAN ATTITUDE
* BADDA..DHULKA.. IYO QOFKA
* Awoodda Ereyga Qoran
* Memories of my trip on the Britannia

________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright 2010 WardheerNews.com