Home Articles Somali Songs About us  


Bashiirow Way Kaa Binistay!
Wq. Cabdiraxiim Cumar
March 11, 2010

Waa tii hore loo yidhi biyo sacabadaada lagaga dhergaaye, anigoo murtidaa Soomaaliyeed ka duulaya waxaan jeclaystay in aan jawaab yar oo kooban ka dhiibto maqaalka uu qoray qoraaga caanka ah ee Bashiir Goth, ee cinwaankiisu ahaa:Objectivity: whose claim is it anyway?  Qoraalka Bashiir waxaan ka dhadhan saday in uu Bashiir muddo dheer ahaa keeb la yuurur, oo uu wakhti badan sugayey in uu helo fursad uu miskaha kaga toogto mareegta WardheerNews.  Wuxuu  iila muuqday nin dabasho tagey (hunter) oo maalintii oo dhan wareegayey si uu xabadda qoriga ugu hadhay ula helo,  ugaadh, (prey) u qalanta, laakiin casarkii  iska go’aansaday in uu wixii ka hor yimaadaba isku dayo in uu ku nasiibsado, wakhtiga oo gabaabsi ah iyo isaga oo dulqaadkii ka sii yaraanayo darteed.  

Waa mide, waxaan aad iyo aad  ula yaabay mucjisana ila noqotay in Bashiir uu maqaalka Cabdikariim qoray ee uu ku saxiixay magaciisa shaqsi in uu ku lammaaneeyey ama u dhigay sidii uu maqaaku ahaa maqaal ku soo baxay magaca Wardheernews (editorial). Kama filayo in ay Bashiir isaga qasantay isla markaana isku deyi mayo in aan u kala saaro in Cabdikariim xaq u leeyahay fikirkiisa shaqsi ahaaneed in uu ku dhiibto rayigiisa gaarka ah, isaga oo aan ka turjumayn kan Wardheernews. Waxa aan hubaa in arrinkaasi ugu cad yahay Bashiir sida ay  ugu cadda’hay  in cirku buluug yahay.  

Waxaa xaqiiqo,  markhaati ma doonto  ah in uu si ula kac ah oo badheedh ah u go’aansaday in uu isku lammaaneeyo labada  arrin, oo ah  khalad uu isu tusay in uu Cabdikariim maqaalkiisa ka muuqday, balse uu go’aansaday in arrinta isaga la qallocnaatay uu dusha ka saaro mareegta Wardheernews. Arrintaas waa mid foolxun (A very malicious act).

Maqaalka Cabdikariim oo magaciisu ahaa:Somali Media: Ethics, Truth and Integrity waxa uu ku falanqeeyay anshaxa, asluubta iyo xaqiiqo sheegista saxaafadda Soomaaliyeed. Waxa uu ka hadlay qodobo ay ka mid yihiin mareegaha Soomaaliyeed, tayada saxaafadda u adeegta Soomaalida, dhalliilahooda, xaqdhowrka minguurinta iyo dadka sida badheedhka ah u xada qoraalada dad qoreen, magacyadoodana ku qorta (plagiarism). Waxa uu xusay in uu mudadii uu ku guda jiray diyaarinta maqaalkaas uu wareystay dad fara badan oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Wardheernews. Waxa kale oo uu qoraalkiisa ku xusay in uu su’aalo u diray mareego uu ka magacaabay Hiiran Online iyo Somaliland Times, soona gudbiyay oo qudha aragtiyaha intii u soo jawaabtay. Marka waxa aad moodaa in Bashiir iska indho tiray arrimahaas oo dhan. Marka miyaan qofku isweydiin Karin  ujeedada Bashiir marka uu ka dhigo in Abdikariim maqaalkiisa ku wareystay dad Wardheernews wax u qora iyo laba nin oo walaalihiis ah. Miyuuse ka dul boodday arrinta ah in Khaliil Xasan uu ka mid ahaa labada qof ee qoraaladooda la bililiqaystay ee maqaalka laga xusay.  Waa arrin aan anigu kollay la yaabay iiguna muuqatay in aanay munaasib ahayn ama waxa afka Ingiriisiga lagu yidhaa cheap shot.

Tan’kale ee aan ku yara xajiimooday waxa ay ahayd in Bashiir u turjumtay hadalka uu ka soo xigtay maqaalka abdikarin oo ahaa “ In gabadha waa Fathia Absie,  laga tebi doono VOA”  bilaa caleeg hadalkaa sidee loogu turjuman karaa in uu xambaarsanyahay eex qabiil? Sideese maqaalka arrimhaas badan ee aan kor ku xusay loogu qaadan karaa mid lagu weerarayay uun Yabarow? Horaan uga cudur daatay oo maqaalku waa kooban yahay, waxaan ku soo gabo gabeynayaa Bashiir runtii way kaa Binistay, waxaana kula gudboon in aad arrinkaa xaal ka bixisid.

Cabdiraxiim Cumar
E-Mail:abdirahim_omar@yahoo.com

________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 WardheerNews.com