Home Articles Somali Songs About us  

 


 Gabaygii ma Dhiman, Dhaawacna ma'aha
WQ. Cawaale Xuseen
March 05, 2010

Cabdullaahi Xaaji, wariyeha hawlgabka ah ee BBCda laanteeda af Soomaaliga, ayaa horraantii 1980aadkii waraystay gabayaaga caanka ah ee Cabdullaahi-Dhoodaan.  Su’aalihii uu Cabdullaahi Xaaji waydiiyey Dhoodaan waxaa ka mid ahaa:

Cabdullaahi Xaaji:      Gabayga Raage Ugaas ayaa billaabay sow ma aha?(1)
Dhoodaan:               Maya, Raage Ugaas gabayga ma billaabin ee waa uu bacrimiyey.
Cabdullaahi Xaaji:      Laakiin Raage Ugaas cid ka horraysay oo gabayday lama hayo?
Dhoodaan:               Adiga unbaa sidaa  isaga maleeyey ee gabaygu inta ay
                             Soomaaliyi jirtay oo dhan waa uu jiray, qofkaas ayaa billaabay cid
                             ku odhan kartaana lama arko.
Cabdullaahi Xaaji:      Ninka Soomaaliga ahi markii uu gabyayo muxuu isu amaanaa?
Dhoodaan:               Waa khalad hirgalay, war ka daayana cidi ma odhan.

Abdullaahi Dhoodaan

Jabooyinka Internetka ee Soomaalidu waxay hirgaliyeen labo khalad oo maansada la xidhiidha, cid war ka daaya illaa hadda tidhina ma arag.  Khaladka koowaad waa isticmaalka erayada dhaxalgal, halkudheg, mahadho iyo erayo kale oo kuwaa la macne ah marka laga hadlayo maanso uu ruux Soomaali ahi tiriyey.  Mararka qaarkood, si munaasab ah ayaa erayadaa loo isticmaalaa oo maansada dhaxalgal, halkudheg ama mahadho lagu sheegayaa hubaashii sidaa waa ay noqon kartaa ama meerisyo sidaa ah ayaa ku jira.  Marar badanse si xadgudub ah ayaa tilmaamahaa loo siiyaa maanso mataboodhaq ah oo aan mudnayn.  Seerogoyntaa waxaa lagu sababayn karaa dhawr arrimood.  Midda hore waa qiimaynta iyo qalomadhka maansada ee Soomaalida oo aan lahayn qaaciddo-miisaaneed ku dhidban caddaalad iyo dhexdhexaadnimo.  Midda labaad waa qofka maansada qiimee is leh oo aan garasho iyo aqoon hoose midna u lahayn.  Midda saddexaad waa nin jeclaysi ku dangiiga isir iyo abtirsiiyo koolkoolin.  Afar waa jacayl ay Soomaalidu tixda jeceshahay sidaa awgeed ayna ku dhiiran diidmadeeda in kasta oo ay bajal tahay. 

Khaladka labaad ee ay jabooyinka Internetka ee Soomaalidu hirgaliyeen waa aragtida odhanaysa gabaygii dhimay, durraamadkiisuna waa aakharotoosin, luggooyo iyo wax aan dhaamin.  Qoraalada sidaa lagu sheego qaar dux leh laakiin dulucdoodu daxalaysan tahay ayaa ku jira, waxayse kuwaasi butaaciyeen kuwo badan oo haaheeyoraac aan ambabax lahayn ah.  Doodda iyo cilmibaadhistu haaheeyoraacnimo iyo darabudhle midna kuma dararaan. 

Waa hubaal inay uun aakharaad yihiin Raage Ugaas, Sayid Maxamed, Xuseen-Dhiqle, Faarax Nuur, Qamaan Bulxan, Ismaaciil Mire, Cali Jaamac Haabiil, Cali Oday, Baar Xawle, Xarbi Ismaaciil Samatar, Salaan Carrabey, Camanje Yogol, Samatar Baxnaan, Maxamed Cumar Dage, Cali-dhuux Aadan iyo rag kale oo kuwaa la mid ah.  Sidoo kale waa dhab in Xasan-Garabeey, Eebo Caddow, Qaasim, Cabdi Iidaan, Maxamed-Daahir Xasan iyo Cabdiqaadir Xirsi Yamyam wakhti aan saa u fogayn ay aakhiro u hoydeen.  Laakiin waxaa nool ninkii nus qarnigii tagay calanka gabayga u siday, Cabdullaahi-Dhoodaan.  Waxaa sidoo kale aanan wali geeri ku maqal Axmed Sheekh Jaamac, Yuusuf-Dheere Maxamed Sugaal iyo rag kale oo gabay loo qiray.  Maansada iyo halabuurka guud haddii ay joogto, waxaa wali unkaya Singub, Xasan-Ganey iyo rag kale.

Haddaba, waxaan hoos ku soo gudbinayaa gabay qoloda hore tusaya gabayga mudan in lagu sheego inuu dhaxalgal yahay mahadhona uu reebay, qolada labaadna u muujinaya inaan gabaygii dhiman, dhaawacna ahayn.  Waa gabayga la baxay Xulub Socod ee uu Cabdulaahi-Dhoodaan mariyey 1973kii isaga oo Muqdisho jooga. Xulub Socod waa gabay murti la ciiraya oo maskaxda riminaya, waa dhaliil cilmiyeysan, waa dhiirigalin wadani, waa guubaabo siyaasadeed, waa dagaalgalin, waa kicin iyo abaabul heer sare ah oo ku jixaasan af Soomaali hodan ah.

Saddex qolo ayuu saddex dareen oo kala duwan gabaygani ku dhalinayaa. Saddexdaasi waxay kala yihiin:  dadyawga dunida saddexaad, Soomaalida iyo ummadda Soomaali Galbeed (Ogaden).

Soomaalida wuxuu dareensiinayaa in Tawraddii Barakaysnayd ay is wada qalatay, wax talo ah oo ay gacanta shacabka kusoo celinaysana aanay jirin.  Wuxuu Soomaalida uga digayaa qoysqoyska iyo kala qoqobka.  Ma uu aaminsana marinhabaabinta Soomaalidii u qaybisay saddex kacaan ah iyo saddex kacaan-diid ah.  Wuxuu raadgoobayaa isku kalsoonidii Soomaalidu horay u lahayd.  Wuxuu hor istaagayaa qosolka baadhashada iyo laaluushka ah ee baddalay kii jacaylka iyo xiisaha ahaa.  Aqoonyahanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ayuu canaananayaa isagoo diidan damaca xukun doonka ah iyo dudmada ninba gees u duday ee uu tolkii ugu sheekeeyo.  Danta guud eega ayuu leeyahay.  Caddaalad-darrada iyo jawrfalka ka imanaya kuwii xaqsoorka iyo xeer ilaalinta lagu aaminay ayuu ka dagaalamayaa.  Wadaadadii run sheegga ahaa Kacaanku xabsiyada ayuu ka buuxiyey, kuwii run sheegga ka hor yimidna wuu wataa.  Kuwaa uu wato diintii waxay ka dhigteen jiraab ay xabagta ku gurtaan.  Diin ku qadhaabsiga, musuqmaasuqa iyo damaca gaarka ah ee is barkan ayuu qeexayaa bulshadana ka badbaadi is leeyahay. 

Shacabka Soomaali Galbeed inaan ciddina u maqnayn ceelna u qodnayn ayuu taabsiinayaa.  Wuxuu abuurayaa dareen ay ku faaloodaan indheergaradkii iyo aqoonyahankii kacaanku cabudhiyey.   Wuxuu ka gadoodsan yahay dhalanteedka ah Kacaanka ayaa idiin hadlaya oo idin matalaya ee idinku juuq ha odhanina sida uu gabaygiisa kaleba ku caddeeyey “shib ahow waxaa yidhi anaa kuu shaxaad tagiye.”  Wuxuu jecelyahay in dadkiisu isku tashado oo aanay waxba ka sugin Kacaan uu reeryadiis cune u arko.

In kasta oo uu labada qaybood ee hore gabaygu taataabtay, haddana wuxuu Cabdullaahi-Dhoodaan maansadan xooggeeda kaga hadlayaa gardarrada iyo gaboodfalka nooc walba leh ee lagu hayo ummadaha dunida saddexaad, iyo sida aanay uba dareensanayn dibindaabyada joogtada ah ee dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed, ciidan iyo caqli.  Sifaynta dibindaabyadaa ayuu ku talaxtagayaa.  Wuxuu ina dareensiinayaa inaan mar qudh ah dunida saddexaad laga dhexbixin.  Waa la jilgurayaa iyada oo dabayl yar oo neecow leh lagu afuufayo – sabaale iyo seexin ahaan, iyaguna huro-dakhar ayey ku jiraan. 

Gaas iyo shidaal ayaanu kuu baadhi ama halkan ceel biyood ayaanu ka dayi ayaa wadan dunida saddexaad ka mid ah lagu odhan.  Dabeed waxaa xigta waa laga waayey iyada oo laga dhaansaday.    

Mar kale, kolkii beeralayda dunida saddexaad dalagu u go’ ee ay bakaaruhu u buuxsamaan ayey Reer Galbeedku gallay ama qamandi baartay meel walba kasoo buuxin.  Caawimaad ayaanu idin siinay ee duceeya ayaa lagu odhan.  Markii dalagii sanadkan baxay ay suuq u waayaan, beeralaydu sanadka dambe xabbad firi ah dhulka ku ridi maayaan ama dalag kale oo reer galbeedku jecelyahay oo aan reer guriga wax nacfi ah u lahayn ayey beeri.  Haddaba, dunidii saddexaad rootiga ayey isku wada layn.  Ummaddii markii ay sidaa darteed xaasaan (qof dhiigga laga miiray) noqdaan ayaa la wada dabi oo dibadaha loo daadgurayn.  Dibadda ha tageene, qofkii cilmi leh, waxgarad ah ama waxbartay dib usoo noqon maayo.    Dunidii saddexaad ee waxbaanu caawinaynaa reer galbeedku lahaa ayey caqliga ka deebxaadhayaan oo ay ka xaabo-gurataynayaan.  Waxay ku hayaan waxa afka qalaad lagu yidhaahdo brain drain.  Kolka ummaddaa dhinac walba laga curyaamiyey sidee ayey isku-filnaansho ku gaadhaa ama iyadu isu quudisaa?!

Xilliga gabaygu soo baxay waa xilli dunidu u qaabaysnayd bari iyo galbeed, wadamada horay u maray iyo kuwa daba jiitamaya, iyo wadamada dhexdhexaadka sheegta oo qudhoodu dhinac u umlay.  Waa xilli caqliga madaxda dunida saddexaad, oo sidiisuba madhalays is ka ah,(2) uu sii gunduruxsanayey, Maraykan iyo Midowga Sufeetina si indha la’ aan ah u daba taagnaa.  Xilligaa ayuu gabayaagu sidaa aad arkayso u baraarugsanaa.  In kasta oo uu gabaygani 40 jir ku dhaw yahay, haddana, isweydii, sidee ayeynu ugu dhiiran karaa odhaahda ah gabaygii waa uu dhintay madaxii Xulub Socod iyo gabayada kale ee badan ee la mid ka ah maaxday oo nool, walina da’aya?

Hadal run kama raysto, biyona sacabbadaada ayaa lagaga dhargaaye aan idiin kala dhexbaxo adiga iyo Xulub Socod.  Cabdullaahi-Dhoodaan wuxuu ku billaabay:   

  • Xaashaa lillee beenta waa, laga xishoodaaye
  • Hadalna wayga xaraansanayd, xigashadiisuye
  • Kolba gabaygu meeshuu xuliyo, maanso xubinteeda
  • Markaan helo xusuus muuqateen, xaraf ku miisaamo
  • Xariiqdiisii waa inaan marshoo, xididkii raacaaye
  • Maantana xaggii uu jiray baan, kaaga xaadirine
  • Anoon xerada Soomaaliyeed, xumo ku sheegaynin
  • Xog ogaaal dabciga waa inaan, ku xabbad qaadaaye
  • Allow xoolo keen buu yidhaa, kii xaniif ahuye
  • Xoogaa dharaartuu helee, loogu shubo xeedho
  • Xusbadda u horraysaaba waa, xaali(3) la ciyaare
  • Xikmadaha asaageen watee, xoogga  lagu yeesho
  • Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe!
  • Barashada xageediyo cilmiga, kii aan ku xisaabno
  • Shahaadooyinna u xaadiree, dhawr xilliba qaatay
  • Xafiis kaligii uu maamushey, xiiso ka hayaane
  • Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
  • Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe!
  • Xirfad iyo garaad kii isbiday, ee xornimo gaadhay
  • Xeebaha dhulkiisiyo ma baran, geed xanjaala ahe
  • Xukunna maa la ii dhiibto buu, xuuxda la hayaaye
  • Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
  • Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe!
  • Xaqsoornimada kii laga rabeen, xeerarka u dhiibno
  • Miduu ximiyo miduu xaasidiyo, miduu xabaalaayo
  • Iyo miduu xanaaq kula dhaciyo, miduu ku xayraamo
  • Iyo xamaga qaar uu hayoo, xaangabshow fudude
  • Xujurgaliye saasaa batiyo, hawl xanibayaale
  • Xannaaniyo wanaag kii mudnaa, xaaduq baa dilla e
  • Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
  • Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe!
  • Xalaal quute kii sheegan jiray, ama xadraynaayey
  • Xaabxaabka dagan wuu yaqaan, inuu u xeebtaaye
  • Wuxuu ribada xoogaa faraha, kaga xantaystaaba
  • Hadhow buu xashimo(4) buuxsadaa, xaydhna bararaaye
  • Boolida xantoobayso iyo, xagafsi mooyaane
  • Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
  • Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe!
  • Is xalxalidu way fiican tahay, la xarragoodaaye
  • Marka horase waa inaad xor tahay, xeerna leedahaye
  • Intuu xabawarkaa(5) yahay adduun, ee xiqdigu yaalo
  • Haw xilan xariirtoo dhan, waa la iska xooraaye
  • Dadku inuu xamaashaa ka roon, inay xarraamaane*
  • Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
  • Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe!

* Xarraan:  Roob ayaa meel ka da’ay, waxgaradka reerkuna wuxuu doonayaa in cidda loo sahmiyo.  Faras baxdow ah oo si fiican u laylyan ayaa diyaar ah.  Farasku kolkii uu arko ninkii oo jarihii soo wata, dhalalowda xakamahana uu maqlo ayuu labo goor saa u jalleeci dabadeedna danan iyo wuxuu isku dari dhabarka oo uu yara godo.  Xakamihii ayaa lagu qaban, heensihii ayaa la saari, wagaradka iyo baydda ayaa loo xidhi. Qoobabka ayuu dhulka ku garaaci isaga oo dari isu yeelaya oo du-dubaaxinaya.  Marka loo dhammeeyo ee uu ninkii fuuli lahaa lugta rakaabka kusii wado, faraskii bootin ayuu ku maqan yahay.  Faraskii oo bootin ku maqan ayuu ninkiina goorada kaga iman. Faariska fuuli og iyo farasku way isla yaqaanaan.  Saynta intuu fidiyo ayuu mar qudh ah boodi.  Haseyeeshee, ninkii faraska lahaa ee fuuli ogaa waa uu maqan yahay ama wuu xanuunsan yahay. Kolka mid dameer fuuli jiray ayaa la odhan orod oo ku sahmi.  Sida ninkaa kore uguma boodi karo ee waa in gadhka loo xajiyo oo rakaabka suulka loo galiyo.  Qudhiisa waa in kor loo qaado oo uu bog-shabeelayn ku fuulo.  Xakamihii ayaa gacanta loo galin oo la odhan   wa-ku-kaa ee dhaqaaq.  Faraskii bood ayuu is odhan saa maquuska ayuu dib ugu dhufan, labada gulubina tartarada ayuu ka galin.  Waa wax aanu waligiiba arag.  Waa lagu joojiyey ayuu faraskii is odhan oo wuu istaagi.  Kolkaa ayuu jeedalka ku rogi!  Maba aanay is fahim faraska iyo ninku.  Kolkii is-afgaranwaagaasi soo noqnoqdo, faraskii labada hore ayuu laaban, labada dambena wuu isku taagi, saynta ayuu baloolin oo wuxuu isku dari danan iyo madaxa oo uu ruxo.  In taagnidiisa loo daayo ama ha afarqaado ee la fasaxo ayuu rabaa, awgii dameerka fuuli jirayna wuxuu is leeyahay haddii farasku kula boodo waad ka finiini.  Faraskaa jaro-gariir ayaa ku dhaca.  Maalin labaad haddii sidaa lagu celiyo wuu xarraamayaa oo wixii la baray wuu ka tagayaa oo dib dambe uma laylyamo.  Isaga oo lalaya haddii uu wadada ku arko saalo ama xaab yar oo yaala maquuskiibaa lagugu dhuftan ayuu is odhan kolkaa ayuu isagoo ganan hal mar dib isu rogi.  Xagguu ka yimid ayuu 30 mitir u boodi ninkiina dhinicii uu farasku kasoo noqday ayuu 30 mitir hawada sii socon.   Kolka rajadaadu waa in aad ubadkiisa laylyato, isagu waa ku daayey.  Waa kii ninkii kale ee gabyey lahaa:

  Haddii faras dabbaaldeg iyo orod, loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu, daawasho u joogo
Haddaan nimaan daryeelini xakame, daamankaw galiyo
Oo cidhibta darandooriyoo, duubo madaxiisa
Dabcinmahayoo wuxuu ka baqi, inuu ka duulaaye
Gacmaha wuu ka daystaa ninkii, fuulmo daashadaye

Xarraanka waxa uu gabayaagu inaggu tusaalaynayaa ummad si fiican u hanaqaaday oo leh xeer-dhaqameed iyo mid diineed ka madhan faldanbiyeed iyo musuqmaasuq ayaa waxaa hoggaan u noqday dad aan xeer lahayn, waayo-araggiisuna wasakhaysan yahay.  Haddaba dadkii qummaati u jarabaxsanaa way xarraameen.  Gabaygii ku noqo:

  • Adduunyada xinbow yaalla iyo, xadhig maleeggaase
  • Xaska haatan laysugu jiree, gool xawariyoobay(6)
  • Xadaafiirta(7) maakiban(8) haddaad, yaraha xaalayso
  • Xodxodada wanaag haw malayn, waa xarfado baase(9)
  • Xanbaariyo tabcadii dhaaftay iyo, weerar ku xabbaadhe
  • Xurmo laysku gaadaa jirtiyo, xeelo dhabar weyne(10)

Halkan wixii ka dambeeya gabaygu wuxuu isu rogay saddexley.  Kow iyo sideetan (81) arrimood oo mid walba iskeed u madaxbannaan tahay ayuu soo bandhigay ilaa uu ka gaadhay “adduunkii xasili maayo oo laysla wada xiiqye.”  Dhoodaan ha sii wado:

  • Xaataa haddaad odhan lahayd, muu xayi u sheego
  • Xublayntiyo is xuuraanka iyo, xooftadiyo baaqa
  • Xulub-socodka goob xaadhashada, xagarro food saarka
  • Xudh labixida laas xadhandhansiga, xooxsi kala boobka
  • Xufufaynta xabad giijintiyo, xeego daba roorka
  • Xangagabadka xoodaanmiskiyo, xabag dhunkaal siinta
  • Xuduud dhowr xamaan waabashada, cimilo xayndaabka
  • Xaskul guradka xigin faagashada, maylimo xaquuqa
  • Xallaash(11) tumadka xanaf taabashada, waramo xiirsiinta
  • Xakab dhigadka xalay oon baxsiga, xorod karkaar goynta
  • Xaq duudsiga dantaa xurubsadkiyo, god u xayaanbaynta(12)
  • Xidhiidh tacabka xarun booqashada, xaafad tamashlaynta
  • Joornaal xaradhka duulaan xirsiga,(13) qolo xajiimaynta(14)
  • Run xasaynta been iyo xasarad, xayn isugu yeedhka
  • Xusul duubka xoon beerashada,(15) hadal xawaasheynta (16)
  • Xasil doonka(17 xadataysigiyo,(18) xannano oodayska(19)
  • Xalladaynta xaashiyo qorkiyo, war isla xaydxaydka
  • Xis ka luminta duur-soo-xulkiyo,(20) xuub isagu gaarka
  • Xaad u fudhidda xowdheer(21) qarsoon, xoodh iskaga siibka(22)
  • Xareed awdka dhoobada xargagan, haamo ku xamaynta(23)
  • Xatooyada is daba xiinka iyo, xaajo qiran waaga(24)
  • Rag xaftiyo xigtoodaba ka maal, oo xunbo u reebka
  • Xoday iyo xangeeyo u liskiyo, xoor dusha u saarka(25)
  • Xanfarkiyo xugtiyo toobinkiyo, soo xinjiro nuugga(26)
  • Xashiish buulka xaasaan dabkiyo, xaabo guratayska(27)
  • Xawaaraha ka dhacay xuutaddiyo, xuunsho dalandoolka
  • Xanta gaadhay xidinxiidka iyo, jiif xamili waaga(28)
  • Xannaaniyo xurmo u sheegiddiyo, xaydho ku casuunka
  • Adduunkii xasili maayo oo, laysla wada xiiqye
  • Xiddigiyo markii aad waqtigan, xaalufka ah dhowrto
  • Xungaguro tirsiga faalku sheeg, oo ximroow baxayee(29)
  • Qoladii xagluhu ay dabcaan, xays ballow di’iye*
  • Siddii xamar gammaan bay walee, u xakamaysnaane
  • Haddaan xayga Soomaliyeed, sii xiribo baadhno
  • Inagays xakaaree kolkaan, muran xiddaynayno
  • Murti baan lasoo xaadiraa, waliba xeel dheere
  • Xagtimaha dhexdeenaba waa, ka xantanaynaaye
  • Xurguftii aan weynaynba waan, xarakadaynaaye
  • Markaasaa Xirsiyoow Xaashi daa, lagu xabeebtaaye
  • Is xaduurintaas oo kale iyo, xararow mooyaane
  • Xurfadaha gumaysigu qotiyo, dabinkuu xoodaayo
  • Xaqiiqada waxaydaan arkayn, taa xanuunka lehe
  • Xidaarnimo(30) maxay tari haddaan, la is xil-qaamaynin
  • Wixii nacabka layskaga xajaa, sow xarbiga ma aha

* Xays Balaayo:(31)

Xays Balaayo wuxuu ahaa roob sebenkii Daraawiishta Doollo ka da’ay.  Bisha Xayska ee cadar biyoolaha ah daruur fiririq galab tidhi ayaa Dannood oo aan waligiiba buuxsamin labada gacanba jabisay, meel bidhaanta biyaha laga arkana tiixu ma gaadhin.  Rag khibrad leh ayaa tashaday, kuwona faal ayey dhigeen.  Qaarbaa yidhi wallaahay biyahaasi inay mucjiso yihiin ee yeynaan cabin xoolona ka waraabsanin.  Walwaal aynu u ceel degno.  Qaarna waxay yidhaahdeen war ma jiilaal-jabkan ayaanu xoolaha biyahan Alle na siiyey ka af-qabanaa. War orda sheeko xumada nagala taga. Waxaa xoog batay in biyaha la cabbo.  Dad badan ayaa biyihii ka noolaaday.  Nin Alla ninkii 10 jir gaadhay ama ka weynaa ee biyihii cabbay ama ku maydhay ayaa waxaa ku dhacay cudur la yidhaahdo ruqufeey, dadka qaarna u yaqaano jawi.  Dhaqaaq ma leh!  Daraawiish oo beesha Makaahiil meel ay usoo marto la’ayd ayaa ka warheshay in xooggii beeshaasi fadhfadhiyo, saa way gashay.  Gacantu markay daashay ayey isaga tagtay wax Alla wixii xoollo joogayna way taabtay.  Wax yar ka dibna Ingiriis iyo Rayadkii daba socday ayaa ku kaahintay oo aan wax caymo ah u galin.  Xayskaa mucjisada ah ee sanadkaa da’ay ayaa waxaa Doollo iyo nawaaxigiisa looga yaqaan Xays Balaayo.      

Sheekada aan kuu sakaar-wadho.  Gabayga waxaa qiimayn kara oo kaliya labo qof.  Saddex ma aha, afar ma aha, oo shan ma aha.  U fiirso Soomaaliyey.  Waxaa gabayga qiimayn kara oo kaliya qofka tiriyey qof la yaqaana ama mid ka yaqaana.  Haddii aad labadaa qof midkood tahay qiimayntaadu waa ay nasoo jiidan ee liishaanka u ciiri, haddii gabayga hadhuubkiis buuxsamana aaska iyo baroordiiqa waa laguugu yeedhi.  Haddii aadan labadaa midna ahayn, gabaygii waa nool yahay ee adigu ha dilin, surma-seegtada, tiigsashada iyo iska rid billow aad la hesheedana ka daa. 

---------

(1) Cabdullaahi-Dhoodaan ayaan ka qoray bishii Juun, 2009kii, Diridhaba.  Waraysigu eray eray sidan uma ahayn ee ujeedada ayaa sidan ahayd. 

(2) Muquunada Illaahay baxsho ee ina mihiibsiiyo
Mulki aadmi garashaa u roon wadata meecaade
Madhalays hadduu yahay caqligu muujin waa sharafe
meerisyadaasi waxay ku jiraan gabay kale oo uu Cabdullaahi-Dhoodaan tiriyey 1987, Diridhaba.  Bal caqli madhalays ah adigu si dheh!

(3) Xaali: magac dumareed.  Dumar oo dhan ayuu ujeedaa.

(4) Jawaanku intii aanu dibadda uga iman, reer guuraaga Soomaaliyeed weel xashin la yidhaahdo (wadartiisu waa xashimo) oo qadar jawaanka ka weyn oo harag ka samaysan iyo mid mandad la yidhaahdo oo maydhax ka samaysan ayaa jawaan u ahaa.  Sanduuq waxaa u ahaa abxad, boorsana waxaa u ahaa sisibad, mumbeer ama ohli maydhax ka samaysan.  Riti labo mandadood iyo kor-saar masago ah wada ayaa reer hebel loo keenay ayaa wax lagu tilmaamaa.  Mandaddu waxay qaaddaa jawaan iyo wax rubuc ka badan, badhna ka yar, kor-saartu waa jiraab, jiraabkuna waa loor.  Waxaa kale oo uu reer miyiga Soomaalidu lahaa weel ay caanaha ku qaataan oo sibraar la yidhaahdo.  Sibraarka haddii maqaar sagaaro laga sameeyey saytuux ayaa la yidhaa. 

(5) Xabawar: waa marka roob yari meel aan saa u fogayn ka da’o dabeed xoolaha la sii daayo, ciddinu hadho.  Waa naq yar oo la soo boobayo oo laga soo caanoteesho oo aan mudnayn in cidda oo dhammi u guurto.  Macnuhu waa maxaad iskaga daalin haddii adduunkuba yahay biririf yar oo xaasid dhex yuurursaday. 

(6) Xawari: awr gool ahaan jiray ayaa baruurta ama xaydhu ka idlaan kolkaa ayuu nuxuusayaa.  Kurus weyn ayuu lahaa saa hadda duud seef ah ayaa ka soo hadhay.  Wali geedaha ayuu feenfeenanayaa laakiin waxba lama noola. Sidaa markay dhacdo goolkii wuu xawariyoobay.  Dunida saddexaad xaalkeedu waa sidaa, waxba lama ay noola!

(7) Xadaafiir: dhibaato iyo haydaaro badan oo kala duduwan.

(8) Maakib: diyaar, qorshaysan, la rakibay.

(9) Xidhiidh ayeynu leenahay iyo saaxiibo ayeynu nahayda ha ku khaldamin.

(10) Badheedh iyo barqo weerar shafka la isu buuro waa laga tagay.  Xurmo gaadmo ah ayaa dunida saddexaad loo muujin iyada oo dululaati laga tuurayo.

(11) Xallaash: waran weyn oo gantaalka u eg.

(12) Hantaq ayaa dunida saddexaad loo saynsaabayaa.

(13) Ciidan diyaarsashada.

(14) Waa lays ishaacaynayaa ama lays barabagaamayaa.

(15) Xoon-beerashada: ciidamo badsiga.

(16) Si ciidan uruursiga loo ilowsiiyo ama aragooda looga qariyo ayaa waxaa lagu odhan: muxuu yahay ciidanka aad sheegayso, ma carruurta kubbadda loo tababarayo?! Waxyar ka dibna kumaandoos aan iyadoo kale la arag ayaa ku waabariisan.

(17) Xasiloonida iyo nabadda ha la dhawro ayaa lagu odhan si loo maahiyo, kolkaa ayey waxaa run u qaadan oo dug odhan. 

(18) Waa la salaaxayaa oo la hugfinayaa si hurdada loogu sii macaaneeyo

(19) Dhufays weyn ayaa dunida saddexaad loogu jiraa iyada oo nabadgelyo iyo xasilooni lagu maaweelinayo, kolkaa ayuu kabaalkood jabi.

(20) Duur-xul: hadalka oo qofka loo yara dusiyo.

(21) Xawdheer: billaawe ama golxob weyn.

(22) Timaha ayaa dunida saddexaad loo feedhayaa isla markaa saanta ayaa laga bixinayaa ama araga ayaa laga tuurayaa.  Shanlada timaha loo marinayo iyo saliidda yar ee lagu jilcinayo ayey arkaan laakiin golxobka lagu kala goynayo ma arkaan.  Luqunta markii ay hoogaamiso ayaa magaceed ba’ayaa.

(23) Khayraad ayaanu kuu baadhi aan waxba ka jirin.

(24) Tuugo il adag.  Xataa inay buraashad kaliya dunida saddexaad ka biyeysteen ma qiranayaan.

(25) Geel ayuu gabayaagu wax inagu tusaalaynayaa.  Geela xaf iyo xigba waa laga maalaa.  Xaftu waa midda fiid horaadkii laga liso ee martida iyo carruurtu  inta aanay seexan la siiyo.  Kolkii uu dhawr saac oo kale joogo ayaa haddana loo soo godli oo xig laga maali.  Dad xigtii iyo xaftiiba laga madhiyey oo qabadin ama xunbo loo reebay ayaa waxaa loo soo lisi oo dhay looga dhigi xoday iyo xangeeyo (xodayga iyo xangeeyaduba caano sun ah ayey leeyihiin.) Xoortii yarayd ee caanihii geela ka hadhay ayaa dusha loo saari kolkaa ayaa lagu odhan dhan oo ducee.  Waa dad la baabi’iyey.

(26) Dabayl yar oo neecow siisa ayaa lagu afuufi – kolkay yara laamadoodaan ayaa laga shaqaysan.

(27)Caawimaad ku sheeg qashin ah ayaa lagu soo waali si ay beerahooda uga tagaan.  Markay macaluulaan ayaa la wada dabi.

(28) Gabayaaga ayaa naftiisa ka hadlaya.  Isagii u hiilinayey ee tusaalaynayey ayey ka lalmadaan.

(29) Qarni hore, xiddigaha waxaa la odhan jiray xungaguro.  Waa tay carruurtu fiidkii markii ay xiddigaha tirinayaan odhan jireen: xungaguro kow, xungaguro labo.  Macnuhu waa wixii oo dhan isku duuduub, dhiig inay iska qubto ayaanay huraynin.

(30) Xidaar:  indheergarad wax hubsada, baadha oo sheega.

(31) Waxaan ka qoray Cabdullaahi-Dhoodaan, Juun 2009kii, Diridhaba.  Sheeko dheer ayey ahayd waanse soo koobay.

Cawaale Xuseen
E-mail:awalle@gmail.com

________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright 2010 WardheerNews.com