|
![]() |
|||||
Marka laga hadlayo Faqri ama baahi waxaa qalbiga iyo fikirkaba ku soo degdegaya in hanti la’aani jirto ama aan faraha waxba lagu hayn. Haddaan si kale u dhigo Faqrigu maaha inaan guunyo iyo gasiintoona la haysan.
Dharka, Kabaha iyo nadafadduba waa baahida qofka ee la socota, kana turjunta qaab nololeedkiisa. Waxaa intaas u raaca hadalka ama weedhaha ka soo baxa afkiisa markuu goobtiisa joogo. Intaas marka laga faramadhan yahay wuxuu noqdaa qofku mid aan miisaan weyn ku lahayn bulshada uu markaas la nool yahay.
Haddaba aqoontu waa waxa iyana bila shaqsinimada, aanse wadan muuqaal marka hore indhaha daawadaha soo jiidata. Dhegta keliya ayaa garata maskaxda iyo qalbiguna waa u guuxaan. Waata asalka u ah in mar kale dib loo dhegaysto ama loo raadiyo wixii maqalka ku yimi, maskaxduna dhuuxday. Ishu way aragtaa mase dhadhamiso sida dhegta iyo qalbiga isugu tebiyaan, hadayse mar kale aragto wixii hore niyaddu ugu sheegtay inaanu teys lahayn si mug leh uma dhugato sababtoo ah waxaa kusoo duxaya fariimihii hore. Warku wuu fidaa oo meel fog gaadhaa, muuqaalkuse sawirbuu ku gudbaa, si sahlan uma faafo. (hawsha iyo waqtiga ku luma ayaan ujeedaa). Wararka, buuggaagta, sheeko xariirta iyo suugaanta kaleba waxaa loogu joogsadaa ama madaxa loogu ruxaa waa qaabka loo soo bandhigo, soo saariduna iskama timaadee waxay leedahay waddooyin sabab u noqda inay soo jiitaan akhriyaha. Bal intaad kursiga soo dhoweysato PC-gana (Computer-ka) dabka ku xidhiidhiso daar ama gal bal mareegaha loola baxay magacyada kala duwan ee Afka soomaaliga ku qoran mid ka mid ah, daalacana wuxuu maanta bulshada Afkiisa ku hadasha u dooray inuu usoo gudbiyo war iyo faalloba. Markaad dhammayso mid kale iyo ku saddexaadba soo deji oo isha mari. Ha u eegin wuxuu ka waramayo ee kelimaadka iyo farsamada la adeegsanayo dhuux, waxaa laga yaabaa inaanad weli garan waxaan u jeedo. Hadalku isagoo la fahmayo ujeeeddada uu xambaarsan yahay ayuu haddana hungiri geliyaa ama niyad jebiyaa akhristaha, taasina waxaa keenaya luqadda iyo farsamada aad u dhigayso weedhaada. Intaas ka dib qoraalada Soomalida ee ku soo baxa webebkooda war iyo wacaal midkasta, waxay u badan yihiin kuwo weyd ah, Cilmi iyo aqoonba iyadoo awelba ay iskaga yaryihiin haddana hadalka la daabacayaa wuxuu u baahan yahay ka fiirsasho. Ummadda waxaan loo sii gudbinayaana waa inay jirto waxay ku xulato Webkaaga. Hadalka ama odhaahda la soo celceliyaa waxay nuxurka ka muudsataa oo ay budlisaa mucda iyo macaanka qoraalku xambaarsanaa. Qiima tirka waxaa ka mida magacyada Reeraha ama meelaha ay degaan loola baxay oo qofba ku qanco kii ku magacawnaa tuuladiisii sidaasna u qaato warba inuu kaas yahay, waayo ka meel heblada kale oo uu garanayo cidda degta uma baahna. Waa masiibada Webebka iyo wararkooda. Intaaas oo dhan waxaa isku fuuqsatay aqoonta warfaafineed oo in yar oo fara ku tirisa mooyee aan qalin iyo warqad loo qaadan. Weriyanimaduna agtooda waxay ka tahay website baan leeyahay ee kala soco akhbaarta.!!! www. Hebel....com.net ..iwm. Way jiraan kuwo tixgelin weyn mudan oo mujtamacana u haya hawl iyo shaqo muhiim ah, mid wax barasho ama cilmi baadhis , warar iyo kaydin taariikheedba, waana kuwa ay maamulaan oo gacanta ku hayaan dad aqoon u leh,i ku dayashona mudan. Ugu danbayn waxaan ku soo gunaanadayaa Webkaagu ha noqdo mid anfac balaadhan laga sugo ama aroosyada iyo dhalinyara gaar ha u ahaado. Waa inay jiraaan kuwo maqaalo iyo cilmi kordhisi loogu talo galay, qaar wararka iyo faallooyinka qaadaa dhiga , kuwo caruurta u gaara , qaar kale reeraha ama mujtamaca ka warama, siyaasadda iyo siyaasiga, wadaadka iyo Diinta, Dhaqanka iyo hiddaha IWM, Waa in wax laga bedelaa habkan layska dhaxlay ee isku sadarka ah. Macnaheedu maaha yaan wax kale lagu qorin ee haw badnaado ayaan u dan leeyahay. Waxaa ishaadu isku mar ku dhacaysaa, aroos, tacsi, madaxweynihii, dood, baarlamaan murmaya, Suldaan la caleemo saarayo,dagaal iyo qaraxyo, bal adiguba halkaad ka bilaabi lahayd aduunkaasoo mar soo wada baxay oo bog keliya ku wada qoran isku saf (isku dhinac teedsan) oo weliba far waaweyn ah.!!!?. Ugu danbayn wararka la soo xigayanayo haloo tiiriyo cidda iska leh. ishiisa yaan laga dhigin mid webkaasi iska leeyahay. Waa asluub fiican in sidaasi la yeelaa. Qore: Maxmuud Xuseyn ________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
|