Home Articles Somali Songs About us  

 


Dumarka, Dhoofka iyo Guurka
WQ. Xasan C. Madar
January 03, 2010

Tii Soomaali ahayd dhoof u waalatay rag iyo dumarba. Wax walba waa loo huray. Waxyaabihii aan lagu dheerayn jirin baa xagga hore soo maray. Guurka oo ahaa waxyaabaha fiiro dheer iyo foojignaan loo yeelan jiray baa noqday wax aad loo fududaysto. Guurku wuxu ahaan jiray hidde raac. Inanta reerkooda ayaa la eegi jiray. Hooyadeed iyo habar yaraheed baa la eegi jiray. Aabbaheed, abtigeed, adeerkeed, ragga iyo hablaha ay la dhalatay baa la eegi jiryay oo illaa ayeydeed baa la socon jiray. Wiilka sidoo kale reerkooda ayaa la eegi jiray. Milgaha iyo sharafta qoyskoodu beesha ku leeyahay baa la eegi jiray. Doodda, deeqda, geesinnimada ayaa fiiro gaar ah loo yeelan jiray. Marka intaaba la sugo ayaa si sharaf iyo qiimo leh la isku soo hor fadhiisan jiray. Halkaas baa xididnimo qota dheeri ka bilaabmi jirtay. Ujeeddadu waxay ahayd inuu halkaa ka dhasho qoys taabba gala oo bulshada kaalin muuqata ku yeesha. Sida la isku guursadaa way adkayd, sida loo kala tagaana way ka sii adkayd. Waxa laga fikiri jiray in qoyska dhismaa weligii dhisnaado oo tiir ka mid ah tiirarka bulshada ahaado.

Yeelkeede la soo dhaaf. Ragga Soomaalidu horuu u jabay. Markuu caqligii ka tegay, colaad, qabyaalad, qayilaad iyo baabi’inta nolosha ayaa summad u noqday. Meelo badan oo ay joogaan qoys dhismi lahaa baa ku burbura. Waxay birta ka aslaan ugubkii hablaha Soomaaliyeed. Waxay baabi’inta hablaha u adeegsadaan hallaasi been ah, dhaqaale, iyo dhoofin. Waxay ka faa’iidaystaan baahida gabadha saboolka ah iyagoo kuwa kalena ku hiyi kiciya nolol been ah oon waxba ka jirin.

Ujeeddada qormadani ma'aha dhaliil iyo dhaleecayn, balse waa talo iyo toosin loo tebinayo in badan oo aynu lexejeclo ka qabno. Dhaliilaha qormadu tilmaamaysaa waa xaqiiqo jirta oo aan indhaha la iska qaban karin, ujeeddada loo soo qaatayna waa in laga baydho oo laga badbaado iyo halista lagu dambayn doono haddii aan laga baydhin.

Ragga iyo gorfaynta xaaladdooda xilli kale ayeynu ka dhigane bal aan eegno ujeeddada qormadan oo ku aaddan xilli cid waliba jaanta rogtay. Waxa jaanta loo rogay baadigoob nolol tan dhaanta. Ha la raadiyee ma jirto cid hubisay in nolosha loo socdaa ka wanaagsan tahay ta laga cararayo. Xaaladdu waxay u diga rogatay hebel iyo heblaayoba way dhoofeene maxaa aniga i dhigay. Ku dayasho indho la’ sheekadu ma dhaafsana. Waxa dhabarka loo dhigay socdaal halis ah oo lama degaan iyo badweyn ka sokayso. Waxa loo badheedhay been abuur waraaqo dhoof iyo sheegashada qof kale. Guryo iyo hanti ma guurto ah oon weligeed la soo celin karayn baa loo xaraashay. Midho gunti ku jira ayaa kuwo geed saaran loo daadiyey.

Markii qurbaha la tegay in badani waxay arkeen wax ka duwan waxay filanayeen. Qarracan baa ku dhacay ay garan waayeen meel ay ku jeedaan iyo meel ay ka jeedaan. Ku dhici waaye inay dib ugu noqdaan halkay ka soo kicitimeen, saa wax ka soo socda mooyee wax ku sii socdaba ma arkaan. Nolosha halkani way ka hortimid. Waxa natiijadu noqotay inay waayaha isu dhiibaan. Naftooda iyo naf kale midna uma tirsana.

Weligeedba waa la dhoofi jiray, gaar ahaan intii burburka iyo colaaduhu dhaceen geeddigu wuu is daba socdaa. Waa dhab inay jiraan sababo dhoofka iyo dhuyaalka kallifayaa sida nabadgelyo xumo, saboolnimo iyo waxbarasho la’aan. Sidaa ay tahay hiyi kaca dhoofku waa mid ay ka siman yihiin ka nabadgelyo haysta iyo ka aan haysan, ka ladan iyo ka saboolka ah, ka waxbartay iyo ka aan wax baran.

Markii la dhoofay gabdhihii iyo wiilashii way kala baxeen. Gabdhuhu waxay noqdeen kuwo ka muuqda meel kasta oo ay tagaan. Waxay wax soo tareen waalidkood iyo qoysaskii ay ka tegeen. Waxtar dhaqaale oo la yaab leh ayey soo kordhiyeen. Waa loo aayey xilli baahi weyn loo qabay. Kii rag ahaa waxay ku dareen hadhuudhlaha. Reerkii toban wiil u dhoofeen waxa ka nasiib batay reerkii gabadh keliyihi u dhooftay. Toban ka roon bay noqotay inantii keli ahayd. Xaaladdu weli waa sidaa oo dumarku ragga meel walba way kaga horreeyaan nolosha qurbaha hadday tahay dhaqasho iyo waxbarashoba.

Immika uun maahee kaalinta dumarku nolosha kaga jiraan waxay weligeed ahayd mid wax ku ool ah. Waxa wax badan kaalinta gabadha laga dheehan karaa noloshii miyiga ee adkayd oo ay korinta ubadka, dhismaha aqalka, iyo baylahtirka xoolaha ka sokow ay qaybaha kale ee noloshana si weyn uga muuqatay. Bal eeg sida abwaanku (Hadraawi) u sifaynayo kaalintii hablaha:

Hablo weerar geli kara
Hablo geela dhicin kara
Hablo geesi dili kara
Gobonimana hanan kara
Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara
Garashana iskaga mida
Quruxdana ka wada gob ah
Geesteenna mooyee
Gayi kale ma joogaan


Intaas waxa hablaha Soomaalida u dheeraa xishood iyo sarriig aan cid dunida ku gaadhaa jirin. Mar kale aan maansadii “Hablaha Geeska Afrika” in yar ka soo garoocanno:

Hablii talada guunkiyo
Gunti jirey xishoodkee
Hadalkoodu gaabnaa...
Hablihii gun iyo baar
Isha gacalo-eegtaa
Gama’ aanay ledi jirin


Hadday habluhu qiimaha intaa le’eg lahaayeen, waxay ahaayeen kuwo aan ciyaar ciyaar lagu heli karin. Waxa loo huri jiray hanashadooda wax kasta oo qiimo badan:

Hablihii gammaan faras
Iyo geela ugubka ah
Guur doon ka bixin jiray


Weydiintu waxay tahay hadday hablaheennuu qiimahaa lahaayeen maxay maanta ku sugan yihiin guud ahaan, gaar ahaanna kuwa qurbaha ee maanta qormadeennu ku aaddan tahay?

Waayaha kolba taagan uun baa laga warramaa. Waxa saamayn ku yeeshay uun waayaha adduun ee raggaba saameeyey. Isbeddelka dunida ee joogtada ah ee dhibkiisa iyo dheeftiisaba leh ayaa kolba halka uu marayo inta nooli la maraysaa.

Dhoofku beryihii hore ujeeddo la yaqaan buu lahaa, haddase wuu isbeddelay. Sidaan xagga sare ku soo sheegnay ujeeddadii dhoofku way isbeddeshay. Waddo halis ah oo ku gebageboota halis ayuu dhoofkii noqday. Waxyeello aan la malayn karin baa lala kulmay. Cidda ugu nugul waxyeelladan halista ahi waa dumarka. Gabadhii oo gurigeeda joogta oo aan belaayo qabin baa buun Iblays loo afuufaa. Waa la dhoofaa oo la shaqaystaa oo xoolo aad leedahay la helaa bay maqashay. Xorriyad aan xad lahayn baa kaa horraysa ayaa dhegaheeda ku batay. Maxaan xoolo nin rageed gacanta iigu hayo igu qabtay anoo wax aan leeyahay heli kara bay tidhaa. Anba maan doonto barwaaqada ayaa hammigeedu noqdaa. Hantidii nolosheeda ugu qaalisanayd baa si fudud looga furfuraa. Nin aanay dad iyo dugaag wuxuu yahay garanayn bay dhoof ugu gashaa. Isma weydiiso qiimaha hantidan ay dhaafsanayso dhoof uu u hayo nin aanay garanayn bahal iyo dad mid uu yahay. Waxay u badheedhaa halaag iyo booraan hadimo. Waxay iibsataa aayaheedii iyo nolosheedii.

Marka habluhu dhoofaan waxa qaar badan markiiba soo jiita nolosha dhaldhalaalka leh iyo khayaaliga aan qiimaha ku fadhiyin. Waxay gacanta ku dhigaan fursad dhaqaale oo aanay awal dalkii ku haysan ama raggu gacanta ugu hayey. Waxay helaan lacag siday doonaan u isticmaalaan oo ay bilaash kaga helaan nidaamka caydha, marmarna shaqo yar oo liidata ku helaan. Lacagtaa ay bilaashka ku helaan waa eel ku maqan oo guyaal badan ka dib ku soo bixi doona. Lacagtaasi waa nabar dhaawaca uu gaadhsiiyo aanay dhayal kaga bogsoon karin. Dimuqraadiyad iyo madaxbannaani afka baarkiisa ah oo loo samaystay in ummado lagu halgaado ayey rumaystaan. Iblays baa u gacan haadiya oo si fudud marinka u seejiya.

Waxa kor u kaca qabka, iyo islaweynida in ka mid ah hablaha soomaalida ah iyo ku qanacsanaantooda nolosha quruxda qosol ku jabka ah leh.Waxay ka fogaadaan la sheekaysiga iyo sheekada ragga sooomaalida oo ay u haystaan kuwo badow ah oo dib dhacsan oo aan la jaan qaadi karin nolosha casriga ah. Waxay markaa u gacan galaan shisheeye madow iyo caddaanba leh oo aan u naxayn, ugu dambayntana meel baas kaga dhaqaaqa. Waxay dareemaan nolol xorriyad ah oo wax kasta oo ay sameeyaan cidina la hadli karin. Waxay helaan awood lagu difaacayo, waxanay muquuniyaan awooddii ragga oo ay ka gacan bannaanaadaan mar haddii aanay dhaqaale uga baahnayn. Waxay dhex galaan nidaam dawladeed oo awoodda koowaad gabadha siiya. Waxa qaar badan oo ka mid ahi ogaadaan inay dareenka jinsiga si fudud u gudan karaan, saaxiibbo yeelan karaan oo aanay ceeb ahayn balse ay ceeb tahay inay saaxiibbo yeelan waayaan. Saaxiibtinimadaasi maaha mid ay ragga soomaalida ka heli karaan. Waxay halkaa ku waydaa gabadhu hantidii ugu qaalisanayn nolosheeda oo marka ay faraheeda ka baxdo cid u soo celin kartaa aanay jirin. Habluhu Waxay ka madax bannaanaadaan dhaqankii bulsho oo ay u arkayaan inuu takoorayo. Xidhiidhada jaadkaas ah ee ay la yeelanayso kama helayso jacaylkii iyo kalgacalkii ay ka helaysay guurka ragga soomaalida ah. Hadday guursato nin shisheeye kama heli karto waxay ka heli lahayd ninka soomaaliga. Qaab nololeedkooda ayaaba kala duwan, waana hubaal inaanay isku sii raagi karin haddii aanay isku dhiibin waaye qarriban.

Bilowgaba waxa jiita dhaqanka shisheeye. Waxay isku dayaan inay u noolaadaan sida reer galbeedku u nool yihiin. Waxay markaa dhexgalaan dhaqan ummaddan ay ku dayanayaan qarniyo ku soo noolaayeen oo aad uga duwan kii ay ka yimaaddeen. Waxanay ogayn in marka hore ujeeddada nolosha laga leeyahay kala duwan tahay. Waxanay ogayn in nolosha qoysnimo ee islaamka iyo soomaalinimadu dhiirrigelisay ee taranta aadamuhu ku dhisantahay ay waa hore ka burburtay yurub iyo reer galbeed. Noloshaa burburtay ee reer galbeed ka qaylinayo ee ay garan laayihiin meel ay ka soo qabtaan ayaa inantii soomaaliyeedna mooddaa ilbaxnimo. Kaaf iyo kala dheeri. Halkaas baa makiinadda waayuhu sidii hadhuudhka u ridiqdaa.

Hablahaasi, sida raggaba, guryo u gaar ah oo siday doonaan ugu noolaadaan bay helaan. Waa guryo ay u haystaan in nasteexo iyo wanaag loo hayo darteed loo siiyey laakiin ah bilowga waddada burburka noloshooda.

Haddii hablaha soomaalida taladoodu ay ku jirtay gacanta waalidkood maanta cid kasta oo talo ku darsata sas bay ka qabaan. Waxay u arkaan inay aayahooda u madax bannaan yihiin, ha u madax bannaanaadeene talada cidna wax kama siiyaan marka laga reebo hablaha kale ee ay jagida wada ciyaaraan. Saska ugu weyni waa marka talo guur ku saabsan waalidkood ama sokeeyuhu la soo qaado. Waxay dareemaan in faragelin lagu samaynayo arrimahooda gudaha ee u gaarka ah. Waxay u arkaan in cid wax ka weydiin kartaa aanay jirin ee ay tahay uun in waxa ay la yimaadaan tiiyoon talo lagu yeelan duuduub lagu qaato, waaba hadday la yimaaddaane.

Hablaha dhoofaa sidaa ma sii wada aha, dhammaantoodna ma'aha kuwo dabayl raaca, balse waxa jira qaar dawga toosan ku dhaca oo fahamsan noloshan khayaaliga, wallow ay tiro yar yihiin. Kuwa marinka suubban seegaa inta badan waa kuwa iyagoo muddakar ah taga. Kuwa ku dhasha ama ku koraa dhinac ahaan way ka duwan yihiin oo inkastoo aanay ka sokayn haddana iyagu waxay la bilaabaan dhaqankii ay ku dhasheen.

Hablahan Soomaalidu ma dareemaan inay shisheeye baahi keentay oo qaxooti ah yihiin oo inkastoo la tusay inay xuquuq siman la leeyihiin muwaadiniinta haddana uu jiro takoor qarsoon iyo liiditaan. Nasiib darrada ugu weyni waa qaxootinimadii oo u noqotay Soomaalida rag iyo dumarba wax lagu faano. Waxay ku odhanayaan markaad isdhiibto in qaxootinimo laguu aqoonsadaa waa darajada ugu sarraysa.

In badani sidaas bay ku dabayl raacaan oo waxay gaadhaan meel aanay ka soo noqon karin. Da’ iyo gu’ baa ku socda oo durba isbeddelku jidhkooda ayuu ka muuqdaa. Waxay gaadhaan heer marka dheehii iyo dhalaalkii lagu soo raacayey isbeddel ku yimaad ay waayaha u nuglaadaan oo qoomamo waqtigu ugu dhammaado.

Qaarkood markay dar walba ka soo cabbaan ayey dib isku xasuustaan. Kama heli karaan qurbaha ragga ay doonaan. Qaar la mid ah oo aan waxba ugu fillayn bay inta badan la kulmaan oo ay marka dambe kala boodaan.

Wiilka wanaagsan ee qurbaha ku nooli inta badan wuu ka aammin baxsan yahay hablaha qurbaha-hadda ogow waa inta badan ee dhammaantood maaha. Marka aamin baxaasi jiro wuxu gabadh uu guursado u soo doontaa dalkii hooyo, weliba wuxu abbaaraa ehelkiisa oo gabadh tilmaaman uu ka doontaa. Isagoo maqan baaba ina hebel oo la garanayo loo doonaa. Cabsida uu qabaa waa shaki ah hadduu gabadh ka fog oo aanu aqoon badan u lahayn guursado ay berri ka maalin marka uu dhoofiyo cidlo kaga dhaqaaqi doonto.

Inanta qurbaha ku nooli iyadu inay dalkii timaad wiil sokeeye ah ma raadsan karto, amaba iyadoo maqan ma odhan karto wiilkii hebel ahaa ha la ii doono. Dhaqanka bulshada ayaan sidaa oggolayn. Markay timaaddo hadday calaf wanaagsan la kulantana waa hagaag, haddii kalena waxay halis u tahay inay halaq afka uga gasho.

Marka habluhu dabayl-raacaan qurbaha rag wanaagsan kama helaan inta badan oo warkoodu maaha mid qarsoon. Si ay goor aan goor ahayn isku daba qabateeyaan waxay dib ugu soo cararaan dalka oo ay u soo rag doontaan, rag laga yaabo inay iska barteen aaladaha internetka oo aanay aqoon kale isku lahayn ama markay yimaaddeenba ay la kulmaan. Si fudud bay u heli karaan rag oggolaada doonistooda hayeeshee ujeedo qarsoon ka leh. Raggaasi ujeeddada keliya ee ay ka leeyihiin waa inay ku dhoofaan. Markay ninkii kaxaysato ee ay dalkii ay ka timid la tagto, faraheeda wuu ka baxaa oo magaalada ayuu dhinac ka xulaa. Gabadhii muraaradillaac dambe ayaa ku dhaca halkass oo mar kale ay meertadii noloshii qarribnayd wehel u noqoto.

Markan meel ay ka soo kabato ma joogto. Sallaankii ay ka siibatay dib uma soo fuuli karto. Wehelkeedu waa balwad iyo goob rag oo aayo daran. Waxay isku aragtaa inay noloshii quus ka joogto oo aanay waxba ugu hadhin. Waxay dib ugu noqotaa xusuus iyo murugo waayihii ay ilkaha sare qabtay ee awooddu gacanteeda ku jirtay. Waxay xasuusataa dhegtii iyo dhabankii ay lahayd. Quruxdii iyo qiimihii ay lahayd iyo sidii loogu hanweynaa bay xasuusataa. Waxay xasuusataa waanadii iyo wax u sheeggii waalid iyo sokeeyeba lala garab taagnaa ee ay dheg u dhigi wayday. Waxay xasuusataa saaxiibbaddii waddada halaagga ay kula walaalowday. Oohinta iyo ilmada murugadu inaanay waxba u soo kordhinayn bay aragtaa. Kuma fikirto inay halkaa ku toobad keento balse waxay ku dhaqaaqdaa aarsi iyo inay marinka sii seejiso hablo yaryar oo waalidkood kula nool anshax suubban.

Sidaa ay tahay weli waa la ladan yahay. Waxa looga baahan yahay in gabadha soomaaliyeed si dhab ah u fikirto. Waxa loo baahan yahay in waxa ay leedahay iyo waxa cid kale leedahay ay kala garato. Waxa loo baahan yahay inay garato in wax bilaash ahi aanu jirin, kalgacal shisheeyuhu u qabaanna aanu jirin balse dano iyo ujeeddooyin qoto dheer laga leeyahay. Way u furan tahay inay wax barato. Way u bannaatahay inay shaqaysato balse waxa ugu muhiimsani waa inay garato cidda ay tahay, halkay ka timid, halkay joogto, halkay ku socoto iyo ujeeddada ay u nooshahay. Waa inay garato in nolosheedu dhaafsiisan tahay hunguri-maris iyo goob hurdo. Waa inay hareeraha eegto, adduunka wax ka ogaato, fiiro u yeelato sida ay u nool yihiin dadyowga kale ee sideeda u soo dhalandhoolay. Waa inay ku fikirto aaye ka tashi iyo inay noqoto unuggii uu ka dhalan lahaa qoys salka ku haya diin, dhaqan suubban iyo baadisooc u gaar ah. Waa inay garato in xil weyni ka saaran yahay dhismaha bulshadeeda, xilka ugu weynina yahay inay nafteeda badbaadiso. Kama maaranno gabadh keliya oo ka mid ah hablaheenna. Marka gabadhi meesha ka baxdaba qoys dhan baa meesha ka baxa, sidaas baana bulshadii u siibmaysaa oo kolba qoys meesha uga baxayaa. Hablaheenna oo badbaadaa waa ummaddeenna oo badbaadda. Marka qofku garto ujeeddada uu u nool yahay ayaa noloshu macno u samaynaysaa haddii kale waraabe dhankii loo eryaaba waa u bannaan.

Xasan C. Madar
E-Mail:nabaadiino@yahoo.com

Maqaallo la xidhiidha:

* Walbahaarka Tahriibta iyo Wanjalaadda Yurub
* Odayaal Tukubaaya iyo Ayeeyooyin Tahriiba

________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 WardheerNews.com