Home Articles Somali Songs About us  

 


RUNTA LAGA BAQO!
WQ. Cabdullaahi Maxamed Aadan
January 12, 2010

Waxaa mudan in lagu farxo in dadka Soomaaliyeed ay hadda ku jiraan baraarug wayn oo dhinac kasta nolosha ka saamayn kara. Inkastoo waqtigu adag yahay haddana waxay rajo wanaagsani ka muuqataa dhanka fikirka iyo dareenka bulshada. Waxgarad iyo maskax shiil badan ayaa ku qancay in nimanka diintu ay yihiin kooxda ugu liidata ee xukunka dalka lagu aamini karo. Qof kasta oo fekaraya waxaanu marnaba ku qanci karin doodda ah in wadaaddadu ay ka kheyr badan yihiin fannaaniinta!

Bulsho kasta oo aaminsan in ragga diintu ay ka wanaagsan yihiin bulshada inteeda kale waxaa ku habsada dib u dhac dhan walba ah, waana arrin ku cad taxanaha taariikhda. In wax la iska waydiiyo oo laga doodo shaqada iyo kaalinta ay guud ahaan wadaaddada Soomaaliyeed ku leeyihiin xaaladda qallafsan ee dalka ayaa ah dood cusub oo u baahan in si xilkasnimo ah ah looga qayb qaato. Maqaalkii Runta aan u baahannahay ayaa wuxuu xiiso gaar ah u yeelay doodda noocan ah, maadama u maqaalku xanbaarsanaa farriin aan ka farxin wadaaddada iyo inta iska caashaqsan nimanka cimaamadaha carabta madaxyada ku duubta. Wixii ka danbeeyay markii la daabacay maqaalkaas, waxaa sida daadkii iigu soo qulqulay falcelis ay dad badani ka soo sameeyeen maqaalkaas.

Nimankii wax ka qoray doodda uu maqaalku soo bandhigay waxaa ka mid ahaa Maxamed Heebaan. Doodda Md. Heebaan waxay u badnaynd taageeridda iyo difaaca niman ku mashquulsan sidii ay Soomaalida uga dhigi lahaayeen gun ay carabtu maskaxda ka adoonsato. Casrigan cusub waxaa lagu kala cad goostaa xaqiiqda dhabta ah ee noloshaada ka muuqata, mana ahan waqtigii la isku harowsan jiray quraafaadka iyo wax aan la hubin. Maqaalkii Naxariista Caqliga ayaa wuxuu si qoto dheer u darsayaa wanaagga iyo hormarka la gaaray ka dib markii caqliga loo banbaxay.

Doodda Md. Heebaan waxaa ugu muhiimsana afar qodob oo uu ku maagay maqaalkii “Runta aan u Baahannahay,” waxayna kala ahaayeen: in la isku qalday diimaha gaar ahaan diinta islaamka iyo tan kiristaanka, ka badbadin siyaado ah, tusaalooyin xaqiiqda ka fog, iyo talooyin aan caqli gal ahayn.

Ragga diintu meel kasta oo ay joogaan iyo diin kasta oo ay haystaan waxay ka siman yihiin in ay si guud u harowsadaan bulshada, balse waxaa lagu kala duwanaa sida looga jawaabo harowsiga wadaaddada. Harowsigii wadaaddada kiristaanku wuxuu gaaray heer ay dadkii adoonsadaan oo ay noqdaan ilaahyo yar-yar oo ka soka maray Ilaaha wayn, waana xilliga loo yaqaanno casirigii madoobaa marka la darsayo taariikhda kiristaanka. Inkastoo waqtigaas lagu magaacabay casrigii madoobaa haddana dhanka wadaaddada wuxuu ka ahaa casri dahabi ah maadama ay taladu gacanta ugu jirtay ayaga. Dhaqdhaqaaq fikir iyo baraarug ayaa si hoose ku bilowday. Kaas oo waddo dheer oo dhib badan u soo maray sidii uu bulshada reer galbeedka uga xorayn lahaa wadaaddada nacabka ah. Waxgarad iyo maskax shiil badan ayaa naftooda u huray halgankaas qiimaha badan.

Ujeeddada maqaalku ma ahayn in diimaha la is barbardhigo si mid loo doorto, waana meesha aan isleeyahay wuu ku wareeray mudane Heebaan. Diimuhu ma aha wax laga murmo oo laga doodo ee waa in uu qofku aaminaa ama beeniyaa. Laakiin dooddu waxay ka furmaysaa sida dadku ugu dhaqmaan diinta, ujeeddada ugu wayn ee dooddani xanbaarsantahayna waa in dib loo fiiriyaa xiriirka ka dhexeeya diimaha iyo siyaasadda casriga ah. Dhammaan dawladaha kala saaray diinta iyo siyaasadda casriga ah ayaa ka hormarsan waddamada siyaasaddooda lagu walaaqo diinta, waana xaqiiq ka muuqata nolosha maanta oo aan marna la dafiri karin. Tusaale ahaan dawladda Turkiga oo ah dawlad islaam ah ayaa si kasta uga hormarsan dhammaan dalalka islaamka, sababtuna waa in ay kala saareen siyaasadda iyo islaamka, uma baahna falsafad iyo dood dheer in sababtaas fudud la fahmo. Marka la qiimaynayo hormarka dalalka islaamka ee qarnigan, waxaa safka hore kaga jira Turkiga halka Afgaanistaan iyo Soomaliya ay meesha uga danbaysa ka galayaan liiska. Waxa laga yaabaa in Heebaan iyo raggiisu aaminsan yihiin in Soomaaliya iyo Afgaanistaan ka muslimsan yihiin Turkiga, balse qarnigan ay ilbaxnimadu hagto waxaa lagu kala haray waxa aad qabsatid ee cidna dan kama laha waxa aad aaminsan tahay!

Diimaha la iskuma qaldi karo oo mid kastaa waxay leedahay qaab rumayn ah oo u gooni ah, balse waxaynu ka hadlaynay dhibaatada ka dhalata marka ay ragga diintu lugta ku walaaqaan siyaasadda ayagoo diinta ku soo gabanaya, waana foolxumada ka muuqata waddankeenna maanta. Si dhibaatadaas looga baxo ayuu maqaalku wuxu ku taliyay in la aqbalo runta aan u baahannahay. Taas oo ah in ragga diinta aan marna laga yeelin in nidaamka dawladnimo ay hagaan ama horboodaan. siyaasadDa waxaa guul ka keeni kara qof diyaar u ah isbadel cusub oo horUmarka nolosha wax ku biirin kara. Wadaad naftiisa ugu sheekeeya in umadihii hore ay ka kheyr badan yihiin dadka maanta jooga kuma habboona in uu hoggaamiyo ummad rabta in ay ka qayb qaadato tartanka adag ee nolosha loogu jiro.

Dhibaatada ugu wayn ee dunida maanta ka aloosan waa in xikmadaha nolosha lagu takooro dhaqanka ama dadka ay ka soo jeedaan. Waxaan dhihi karnaa dhibaatadaas waxay si ba'an u haysataa muslimiinta oo shaki iyo dareen ku eega xikmad kasta o aan dad muslim ahi ka imaan. Ujeeddada ugu wayn ee ka danbeeysay dagaalkii ka dhacay Yurub ee u dhaxeeyay raggii diinta iyo maskax shiilka ayaa waxay ahayd sidii loo dhisi lahaa nidaam dawli ah oo casri ah oo ka madax bannaan khuraafaadka iyo damaca wadaaddada. Runtii dagaalkaas wuu miro dhalay oo dalalka reer galbeedku waxay aad uga hormareen dhaqaalaha, aqoonta iyo siyaasadda, waana xikmad caalami ah oo u baahan in ay ka faa’idaystaan qawmiyadaha ay harowsadaan wadaaddadu sida Soomaalida iyo Oromada!

Ma aha ka badbadin haddii lagu baaqo in wadaaddadu guud ahaan ay ku fashilmeen hannaanka dawladnimo iyo nolosha casriga ah. Taasi uma baahna dood lagu xiiqo, maamul dhan oo looga fadhiyay in uu dad iyo dal hormariyo ayaa wuxuu ku mashquulay sida timaha loo xiirto ama la iskugu galmoodo oo ah dhaqamo uu madax bannaan yahay shaqsigu. Wadaaddada xukunka iyo siyaasadda ku raadinaya diinta uma baahna in la dacaayadeeyo ama laga been sheego. Talaabo kasta oo ay qaadaan ayagoo diinta cuskanaya sida ay sheegaan ayaa ku filan in caqliga fakeraya uu kaga qanco doodda ah in siyaasadda laga ilaaliyo wadaaddada cadowga ah. Waa sax oo ma fiicna in dhammaan wadaaddada la wada dhaleeceeyo sida uu Md. Heebaan ku dooday. Way jiraan wadaaddo badan oo wanaag iyo naxariis ku caan baxay, balse waxaa la ogaaday in wadaadka ay fiicnaantiisu ku xirantahay hadba inta uu siyaasadda ka fog yahay!

Marna ma aysan dhicin in maqaalkii Runta aan u baahannahay uu ammaano nimanka madaxda ka ah dalalka islaamka, ee ku caanbaxay naxariis darada iyo amar ku taaglaynta. Waxaan ka mid ahay dadka aaminsan in nidaamyadaasi ay yihiin gacan ku rimis aan ka tarjumi karin danaha iyo hormarka ay xaqa u leeyihiin dadka muslimka ah. Laakiin taas macnaheedu ma aha in wadaadka xanaaqsan ee ciilka qaba lagu badalo askariga ama kaliye taliyaha macangagga ah. Taasi waxay noqonaysaa waxa loo yaqaanno “kud ka guur oo qanjo u guur”. Mararka qaar waxaa dhacda in wadaaddada iyo kaligii taliyuhu is garabsadaan si shacabka loo dulaysto. Mar walba oo la arko boqor ama kaligii taliye naxariis daran waxaa daba taagan wadaad diinta ku kaalmeeya sida ku cad taariikhda. Waa in la helaa dhaqdhaqaaq maskaxda xor ka ah oo baadi gooba nolol aan cabsi ku dhisneen si nidaamka dawliga ah iyo siyaasaddaba looga xoreeyo wadaadka nacabka ah iyo kaliye taliyaha ku raftay siyaasaddii dadyowga islaamka oo ay Soomaalidu ka mid tahay.

In islaamka siyaasadaysan xal keeni lahaa haddii la siiyo fursad ayaa ka mid ahayd qodobadii uu Heebaan la soo shir tagay. Malaha dadka taariikhda akhriya aad bay ugu qosli lahaayeen dooddaas raqiiskka ah. Dhan walba oo aad ka eegtid taariikhda islaamiyiinta waxa ku soo baxaya sawir argagax badan oo mudan in lagu tusaale qaato. Ma aha dacaayad ee waa xaqiiq ku xardhan taariikhda. Halganka islaamiyiintu wuxuu ka bilowdaa shirqool wuxuuna ku dhamaada dhiig iyo geeri. Inta aan laga doodin ujeeddada guracan ee Islaamiyiinta, waxaa habboon in loo kuur galo hab dhaqankooda, gaar ahaan falalka argagaxa badan ee dhaxdooda ay iskula kacaan iyo guud ahaan sida ay ula dhaqmaan dadwaynaha. Waxaa habboon in wax la aqriyo gaar ahaan taariikhda fikradaha iyo sooyaalka nolosha. Waxaa la sheegaa in dagaal ba’an oo dacaayad u badan lagu hayo islaamiyiinta. Haddii runta loo dhawaado guul darada mar walba la soo darista dhaqdhaqaaqyada islaamiyiinyta waxaa sababa labo arimood oo kala ah: ujeeddadooda oo aan marna nolosha casriga ah la jaan qaadi karin, iyo dhaqan xumo ay naxariis darro ugu wayn tahay. Dadka aan jeclayn in ay wax akhriyaan waxaan kula talin lahaa in ay daawadaan barnaamij taxane ah oo oo labo bil ka hor ka bilowday Aljaziira. Magaca barnaamijku waa ISLAAMIYUUN, wuxuuna soo galaa habeen walba oo jimco ah.

Barnaamijka Islaamiyuun ee Aljaziira ka diyaarisay dhaqdhaqaaqyadii islaamiyiinta ee hana qaaday bilowgii qarnigii labaatanaad ayaa soo bandhigay taariikh mugdi ah oo ay waligood caan ku ahaayeen Islaamiyiintu. Waxaan dhihi kari lahayn waa dacaayad haddii barnaamijkaas ay soo jeedin lahaayeen Reer galbeed balse ragga barnaamijka diyaariyay ayaa waxay yihiin rag u badan goob jooge, xog-ogaal iyo walbi qaar badan oo la soo shaqeeyay dhaqdhaqaaqyadaas. Ma aha taariikh la mala waalay ama xilligeedu fog yahay ee waa dhacdooyin argagax badan oo wali raadadkoodii muuqdaan. Waa laga fiican yahay in indhaha xanjo la marsado oo la iska taageero wax aan la darsin meesha ay ka soo bilowdeen iyo halka ay u socdaan. Haddaba mudane Heebaan iyo raggiisa waxaa la gudboon in ay taariikda wax ka bartaan, kuna baraarugaan halista ay leedahay in wadaad xanaaqsan la iska caleema saarto!

Wadaadnimadu waxay ka mid tahay boqolaalka xirfadood ee nolol maalmeedka lagu dhacsado, waana qalad in la takooro xirfad gaar ah oo waxaa habboon in dhammaan xirfadaha la hawlgaliyo si noloshu ay u noqoto mid qurxoon oo ilbaxnimo ku hirata. Si loo hormariyo dhammaan xirfadaha nolsha lagu hago waxaa qasab ah in la helo nidaam dawli ah oo lagu ebyay sharci madani ah oo koox kasta ama xirfad kasta xaqeeda ilaalin kara. Sharciga madaniga ahi wuxuu diyaar u yahay in la badalo, wax lagu daro, la qaabeeyo si nolosha horay ugu socoto. Waa dhab in nidaamka madaniga ah ama hannaanka dimoqoraadiyaddu uu qaladaad badan yeelan karo, balse sharciga madaniga ahi wuxuu ku liibaanay in wixii qaldan laga sixi karo. Dhamaan nidaamyada aan madaniga ahayn waxaa laga mutaa dhib badan oo intooda badan qaab kacaan ah oo dhiig ku daato ayaa wax looga badalaa.

Runtii waxaa laga soo gudbay xiligii qof kasta oo fekara ama isku daya in uu wax hagaajiyo lagu eedayn jiray wuxuu wataa aragti reer galbeed. Qof kasta oo maskaxda ka qaan gaaray ayaa fahamsan in sharafta iyo gobnimaduna ay tahay in caqliga la kaashado oo aan caadifadda la cuskan. In laga faa’idaysto fikrad kasta oo wax ku so biirin karta noloshaada ayaa ah geesinimada naga maqan ee noo diidday in asaageen aan la tartano. Mustaqbalka dalkeenna waxaa nagaga gadaaman daruur mugdi ah ka dib markii wadaaddo cadow ahi ay waddanka u soo dhoofiyeen aragtiyo dadkii lahaa aysan waxba ku qabsan. Sida kaliya ee qaranimadii Soomaaliya dib loogu yagleeli karo ayaa ah in caqliga Soomaaliga ah laga dhalaaliyo aragtidii lagu badbaadin lahaa dalka, waayo caqligeena oo kaliya ayaa noo naxariisan kara.

Inta badan aadanaha casrigan nooli wuxuu isla qiray qiimaha ay leedahay xoriyadda shaqsiga iyo sinaanta muwaadiniinta. Sidoo kale waxa la ogaaday in xornimadu ay tahay waxa ugu qaalisan ee noloshan laga xaqiijin karo, xataa kuwa muujiya in ay diiddan yihiin qiimaha mabaadiidan caalamiga ah ayaa si hoose qalbiyadooda uga qira in aragtidan caalamiga ah ay waanagsan tahay. Waxaan garanayaa wadaaddo badan oo u hayaamay iyo qaar aad u jecel in ay u safraan wadamada reer galbeedka si ay uga soo dheefsadaan miraha laga dhaxlay nolosha casriga ah ee mabda’a xoriyadda lagu dhisay. Waxa ceeb iyo nacasnimo ah in afka laga xaqiro wax qalbigaagu uu qirayo wanaaggiisa. Intii wax la xaqiri lahaa waxaa ka fiican in lakala faa’idaysto oo la iswaydiiyo noloshan aan ka soo raadceenaynno reer galbeedka miyaynaan ka dhisan karin waddamadeenna. Miyaynaan ka faa’idayan karin hannaanka ay dawladnimada iyo sharciga u dhisteen waddamada hormaray, anagoo ilaashanaynna dhaqankeena iyo diinteenna. Waa su’aalo xaq ah oo u baahan in la iswaydiiyo waqtigan adag.

Runtii hurdo dheer oo qaraw weheliyo waxaa ku jira dhammaan inta aan wax ku qaadan xaqiiqda nolosha ka muuqata. Md. Heebaan iyo raggiisa waxa la gudboon in ay waayaha wax ka bartaan oo ay ka soo baxaan qolka mugdiga ah ee aan daaqadaha lahayn, si ay cadceedda iyo iftiinka uga faa’idaystaan. Aqoontu qiimo ma laha haddii aysan kugu qancin in aad wax cusub baadi goobtid. Waxa ii muuqata in badi dadka waxbartay ee Soomaaliyeed ay ku jiraan fadhiidnimo dhanka fikirka ah, waayo waxay dul hoganayaan aragtiyo duug ah oo aysan waxba ku lahayn. In wax cusub la curiyo si nolosha loo cusboonaysiiyo ayaa ka fiican in hadba koox la iska taageero, ka dibna lagu qanco nolol aan dhaafsiisnayn in masaajidada iyo maqaayadaha la isku xanto.

Dhammaan horumarka aynu maanta aragno waxaa laga dhaxlay dadaal ay muujiyeen rag badan oo lagu takooray qar iska-tuurnimo waqtigii ay dadaalayeen. Hase yeeshee muddo ka dib ayaa lagu barwaaqoobay dadaalkoodii iyo fkiradihii lagu takooray. In qofkii kaa aragti duwan lagu magacaabo qar-iskatuur ayaa waxay ka mid tahay dabeecadda dadwayanaha, mana ahayn in Maxamed Heebaan uu la mid noqdo dadwaynaha asagoo ka qayb qaadanaya dood lagu baadi goobayo fikradihii lagu badbaadin lahaa dalka iyo dadka. Waligay waxaan la yaabbanaa waxa kalifaya in runta laga baqo, waana taas sababta aan maqaalka ugu magac daray runta laga baqo!

Cabdullaahi Maxamed Aadan
Somali Think Tank
Email:sthinktank@gmail.com

Maqaallo la Xidhiidha:

- Oohintu Origiga ka Weyn WQ. Maxamed Heebaan
- Runta aan u baahannahay WQ. Cadbullaahi M. Aadan
- Wadaad Fakeraya! WQ. Cadbullaahi M. Aadan
- The Thinking Somalia By Mohamed Heebaan
- Fulayada Fikirka WQ. Ibraahin Hawd
- Naxariista Caqliga WQ. Cadbullaahi M. Aadan
- Wadaaddo Xanaaqsan WQ. Cadbullaahi M. Aadan
- Ganacsatada Aakhiro!! WQ. Cadbullaahi M. Aadan

________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 WardheerNews.com