Home Articles Somali Songs About us  

 


Ubadka muuqaalka ka Soomaaliga ah,afka hooyona ka maganta ah”, eeddeeda yaa leh?
WQ. Maxamed Aadan "Terra"
February 02, 2010

Qaxootiga Soomaalidu wuxuu qurbaha la tegay, wax raandhiisle carruur iyo af Soomaali, waxaana haatan shaki ka muuqda hananashada labadaa.

Dhaxalka ugu qiimaha badan ee ummaddi leedahay waxaa lafdhar u ah ubadka oo xag mustaqbal iyo wax soo saarba u noqda saldhigga jiritaanka ummadda iyo afka hooyo (language) ee u gaarka ah. Kaas oo ay isku af garato, isla markaana u suurto geliya isugu gudbinta fikirka iyo ku kaydinta taariikhda, suugaanta iyo wax kastoo agab u ah horumarka dhaqan-dhaqaale, siyaaso iyo bulsho ee ay leedahay ummaddi ama higsanayso.

Ummad kastoo farta afkeedu aanu qoraal lahayn ama ka faanta dhaqankeeda waxaa ka luma dhaxalkeeda raad-raaca taariikhdeed. Kaas oo ka gala mugdi iyo mala awaal lagu murmo.

Ummadda Soomaaliyeed waxa ay leedahay af lagu tilmaamo in uu ku tiirsan yahay dhaqan sal adag, marka laga eego sugaanta iyo nolol maalmeedka ummadda. Waxa uu afkeenu ka mid yahay afafka ka badan 6 kun oo dunida ka jira, waxaase nasiib darro ahayd in mudadii dheerayd ee af Soomaaligu aanu qornayn in ay ku luntay wax badan oo qaalli ku ah taariikhda iyo dhaqanka dalka iyo dadka.

Ku hamiga himilada qoridda farta afka Soomaaliga oo waqti dheer iyo marxalado kala duwan soo martay, waxa isku hawlay aqoonyahanno badan oo Soomaaliyeed oo waqti iyo maskax u huray suurto gal ka dhigidda helitaanka far uu yeesho afku. Inta la xusuusto waxa markii ugu horraysay afkeenna u alifay far qoran oo astaamo u gaar ah leh(Cusmaaniya) Cusmaan Yusuf Keenadiid taariikhdu markay 1920 kii. Waqtigaa intii ka damabaysay xeeldheerayaal badan oo Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Muuse Galaal, Shire Jaamac, Xuseen Shiikh Axmed Kadare ayaa u hawl galay curinta iyo hindisaha astaamo fareedyo kala duwan oo isugu jirey af carabi, Laatin iyo kuwa gaar ahba.

Sannadkii 1960 markii gobanimada dalku qaatay, waxa la magacaabay guddi ka soo talo bixiya sidii loo qori lahaa far Soomaaliga, hase yeeshee iyadoon wax go’aan ah dawladdii ka gaarin xulashada fartii la qaadan lahaa, ayaa waxaa dalka ka dhashay Kacaankii ciidamada qalabka sida 21 Oktober 1969.

Kacaankii oo ka duulaya himiladii ummaaddu u qabtay far qoran wuxuu suurto geliyey 21 October 1972 ku qoridda Soomaaliga farta Latiinka iyo hirgelinta in dugsiyada wax lagaga barto. Taas oo noqotay guul qof yar iyo qof weyn doc ula dhaco farxad. Inkastoo laga yaabo in tabasho ka jirtay ra’yiga qaadashada farta Laatiinka oo malaha laga jeclaa in la qaato astaamo u gaar ah far Soomaaliga, misana wax badan oo ka lumi lahaa ummadda waxaa caymo u noqday farta wax lagu qoranayey 37 sano.

Ummadda Soomaaliduna, malaha waxay noqotay ummadda 3aad ee Afrika afkeedu far leeyahay, marka laga tago afka Amxarigga (Ethiopia) iyo afka Swahiliga oo qoran, hase yeeshee dalka Kenya waxa weli ka dhigan afka rasmiga ah ee dalka lagu maamulo luqadda ingiriisda.

Abwaan Cali Sugulle wuxuu 1960s hees ku tiriyey af qalaad aqoonta miyaa? Dagaalka sokeeye intii lagu jirey waxaa bulshada ka soo dhexbaxay qaar Cali Sugulle ugu jawaabay “haa”, af qalaad, waa qoonta oo ubadkooda kala faana afka hooyo. Kuwaasi waa kuwo aan xisaabtamin, iyana lala xibaastamin, laakin bulshada Soomaalidu kuma wada raacin. Inta badani waxa ay ku faanaan afkooda hooyo, iyagoon cilmiga iyo dunida inteeda kale midna ka go’doomin, siiba kuwa dalka ku sugan.

Dhibaatada dagaalka sokeeye u geystay ummadda Soomaalidu, kuma koobna burburka dalka, barakaca bulshada iyo sayn-saabka ku xeeran is-qoonsiga dhaqan-dhaqaale, siyaaso iyo bulsho ee sababta u noqday af-rogiddii dawladdii iyo eelka iyo talo xumada laga kaban la’yahay ee keentay dib yagleelid la’aanta qaranka. Waxaase kale oo barbar socda halis doqon ma garato ah oo baalaha ku wadata dhibaatooyin dhuudhuub u gelaya bulshada iyadoo moog, siiba xagga dhaqanka iyo carruurta.

Qurbaha wax badan oo waxtar leh, way ka kororsadeen dadka ay u suurto gashay tegideedu, waxaanse tirada lagu darin oo la ilowsan yahay dhibaato ka badan faa’iidada laga helay oo ah, halista bulsho ee feer socota ee la mutay.

Waxaa kaloo isweydiin mudan dadka tegay qurbaha, ma wada yihiin kuwo wada garan kara loolanka u dhexeeya halista bulsho ee ay debedda ugu tageen iyo ilaalinta aqoonsiga qowmiga ah (National Identity) ee ummadda Soomaalida ay wakiilka ugaga yihiin meel kastoo ay joogaan, mise waa kuwo hadba meeshay joogaan wixii ka jira la saanqaada oo ceeb u haysta Soomaalinimada xag af iyo dhaqanba, halkay ilaalinteeda kaga faani lahaayeen, iyagoo uga cararaya in la yiraahdo waa badaw. In arrintani wax ka jiraan waxaa astaan u ah in carruurtii qurbaha loola caray iyagoo waaweyn oo afka yaqaan badankooda uu ka lumay afka Soomaaligu, marka maxaad ka filaysaa kuwii ku dhashay?

Dalalka qurbaha intooda badan waxaad ku arkaysaa waalid af Soomaali keliya yaqaan oo haysta carruur aan af Soomaali aqoon ama ku culus yahay oo Soomaali sheeganaya, waalidkoodna la joogo, waa ayaandarro.

Af Soomaali aqoon la’aantu waxay noqotay i qarso markaad aragto carruurta xabsiyada fal dembiyeedka ugu jira iyo kuwa maandooriyuhu dilooday ama waddooyinka dhacdhacaya saqdhexe iyadoo waalid dalka la joogo. Sowse ma cadda halista dhaqan ee ummadda kaga soo fool yeelatay ubadkaa dhaqan xumada la ah, har iyo hooska ee ceebta iyo magac xumada u soo jiiday carruurta iyo waalidka wanaagsan.

Waxa carruurta ka daran waalidka aan garan foolxumada ku jirta in iyagoo soo taagan ay is-afgaran waayaan carruurtooda. Waalidka qaarkiis marka aad weydiiso sababta ilmaha uu u bari waayey afka Soomaaliga, wuxuu kuugu jawaabayaa, af Soomaali, ma cilmibaa, waa af jaahil, ii dhaaf, af Ingris ama afafka kale ha ii barteene.

Ma xuma in afafka shisheeye la barto, laakin meesha ma ku jirtaa in afkaaga laga faano oo mid ummad kale lagu faano? Jawaabtu waa maya.

Malaha Soomaalidu ma wada dhugato bulshada kale ee qurbaha la joogta ee sidooda ka timid dalalka kale, kuna nool hareerahoodu sida ay u xafideen afafkooda iyo dhaqankooda. Bal eeg Hindiga, Pakistanka, Shiineeska, Jabaanka iyo Turkishka iwm. Bal maxaa sidaa u diiday?

Su’aashu waxay tahay afka Soomaaligu ma loo dhashaa oo wuxuu bulshada uga baahan yahay, la daba joog dadaal barasho iyo ilaalin joogta ah, mise waa lagu dhashaa oo sida jabhadaha baa la sheegtaa magac ahaan? Jawaabta akhristayaashaan u dhaafay. Meelaha qaarkood waxaad ku arkaysaa carruur waalidkood dhowr fac ku dhasheen qurbaha oo Soomaaliya weligood arag oo af Soomaali yaqaan, bal kuwaana wax ka dheh adiguba.

Marka maxaa u dhexeeya waalidka weligii Soomaaliya il iyo cirib toona ka qaadin oo carruurtiisu afka Soomaaliga taqaan iyo kuwii Soomaaliya ka soo cararay 1991 iyo intii ka dambaysay oo aanay carruurtoodu af Soomaaliga aqoon ama ilowday. Akhristow adigu wax ka dheh, waa faankii iyo ilbaxnimo doonka ahaa oo nala galay ka cararka jirtaankeenna.

Haddaba hagrashada carruurta iyo afka hooyo ma waxaa ka mas’uul ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool oo qudhooda intooda badan carruurtoodu ku jirto kuwa aan afka aqoon ama lumaya, mise waalidka aan tacliinta lahayn?

Dhanka kale jaalliyaduhu (community) malahayga ma ka qaadan mas’uuliyadda qaybtooda oo halkay ka noqon lahaayeen kuwa aragti dheer oo bulshada usha garashada u qabta, waxaad mooddaa in ay ku dhexmilmeen dadweynaha la ciirciiraya hadimada qabyaaladda, dagaalka iyo ku faankooda. Waxay u muuqdeen “isuma qabe loo qabo indheer-garad”, waayo kolba magaca bulshada ama beeshaada haddii aad ku furatay jaalliyadda, maxaa kuu diiday in aad fahanto halista haysata ubadka iyo dhaqanka ummaddaada oo aad uga asaasi weyday jaalliyadda fasalo carruurta lagu baro af Soomaaliga, maalmaha Sabtida iyo Axada iyo kulamo aqoon kororsi oo dhexmara waalidiinta, aqoonyahanka iyo indheer-garadka si ubadka, waalidka iyo dhaqanka Soomaaliyeed looga badbaasho halista is-afgaran la’aanta ka dhalata, lumidda afka hooyo iyo loolanka dhaqamada kale ee qurbaha.

Mase og yihiin oo ma loo sheegay waalidinta, in carruurtooda, afka dalka ay joogaan uu u yahay afka labaad (second language) oo loo haysto in ay si fiican u yaqaanaan afkooda hooyo? Sow markaa halkaa kuma jirto lugooyo, ogaan la’aan loogu geystay ilmaha? Waalidow bal qiyaas in ay dhici karto maalin maalmaha ka mid ah, in carruurtaadu ka qoomameeyaan aqoon la’aanta afkooda, iyagoo kugu haaraamaya, in aad bari weyday afkooda. Maxaase ka xun, ka hagrashada carruurtaada wax aad awoodo, oo lacag ku bixinna kaa rabin?

Ka lumida afka carruurta qurbaha waxay kaloo rajo xumo ku tahay, filashadii ahayd in carruurta qurbaha wax ku baratay, wax ka bedeli doonaan dhaqanka wax akhriska la’aanta oo caqabadda ku ahaa dhiiri gelinta Hal-abuurka Soomaaliyeed iyo buugta ay ku qoraan afka Soomaaliga, waayo saadaasheedu ma muuqato hadda, waxaana horjoogsaday waalidka afka hooyo bari waayey craruurtooda.

Haddii xaalku yahay, bal kaalay arag, sida wiilkayga ama gabdhaydu afka shisheeyaha ugu hadasho ama hadlo, hase yeeshee af Soomaaliga aan biyo lagu cabbi karin, oo xumaha lagaga waanin Karin, ogow, ilmuhu gacantaada ka bax, waana dharbaaxo quureed iyo dhabanno hays dambe.

Waxaan leeyahay aan isweydiino waxay tarayso farta ay qoristeeda waqtiga iyo dadaalka ku bixiyeen xeeldheeraayaal Soomaaliyeed, haddii carruurteenii qurbaha looga faa’iideyn waayey, halka ummadaha dhiggeenna ahi u gudbeen in garoonada dayuuradaha iyo waddoooyinka dalalka ay joogaan timaamaha lagu qoro afafkooda. Laynama kala jecla, oo waxaynu nahay labo ummadood oo dalka socoto ku wada yimid ee adba garo waxa na kala reebay. Waa midnimo iyo wax wada qabsi ku tiirsan garasho lagu gaaray ilaalinta, meelmarinta, ku faanka iyo ku dhiirashada dhaqanka suuban ee aad leedahay, adigoon ka go’doomin bulshada kale ee aad la nooshahay.

Marka waxay ila tahay in wixii dhacay dhacee, haatan loo wada guntado, daba qabashada carruurta, laguna dhaqaaqo dadaal barbaarin iyo dhaqan celin carruureed oo waalidku siiba aabbayaasha iyo jaalliyaduhu iskaga mayraan eedda kaga timid carruurta noqotay, “ubadka muuqaalka ka Soomaaliga ah, afka hooyona ka maganta ah”. Taas oo u sabab ah halista carruurtu ku sugan yihiin iyadoo lagu dhaqaaqo bilow ahaan:

  1. In waalidku xil gaar ah iska saaro, in cunuggu uusan ka lumin afkiisa hooyo ee uu ku bartay guriga, ka hor dugsiga xanaanada. Taasna waxaa lagu gaari karaa in afka guriga lagaga hadlo uu noqdo af Soomaali keliya.

  2.  In waalidiintu isku dayaan suurto galnimada, in carruurta la geeyo meelaha nabadda ah dalka hooyo xilliyada fasaxa dugsiyada si, is-dhexgalka carruurta ay ugu tageen  gudaha dalka uga soo kororsadaan af iyo dhaqanba.

  3. In Jaalliyadaha Soomaalidu mas’uuliyad iska saaraan ku dhiiri gelinta waalidka baridda carruurta afka Soomaaliga iyadoo loo marayo kulamo lagu wacyi geelinayo waalidka iyo carruurtaba.

  4. In hal abuurka Soomaalidu isku dayaan u qoridda carruurta qurbaha ku nool buug carruureed, af sahlan ku qoran oo ku salaysan dhaqanka ummadda.

  5. In carruurta loo qabto tartanno af Soomaali ah, xilliyada dugsiyadu xiran yihiin, abaalmarinna lagu siiyo.

Waxay maraysaa, waraabaa doonka yimidee, Soomaaliyeey afka iyo dhaqanka cuskada si ubadku idiin ku caynto, isna weydiiya waxaad la timaaddeen qurbaha iyo waxaad kala noqon doontaan. Abwaan Soomaaliyeed baa wuxuu yiri, “caqli gacalkii toosaa, fekera nolosha toolmoone”, ha loo tooso afka Soomaaliga iyo ku tiirsiga dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, haddaan guul doonaysno.

Qore: Mohamed Aden “Terra”
E-Mail: Terra131@yahoo.com

________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 WardheerNews.com