Home Articles Somali Songs About us  

 


Ama waa sidaas u gabay ama waa iska aammus!!
WQ. Cabdillaahi Cawed Cige
Feb. 04, 2010

In dhowayd waxa bogagga Soomaaliga iyo meelo badan qabsatay durduro suugaaneed, weli ba ‘tix’ aan idhaahdee. Marar badan tixdaasi way iska bilaabantaa, ujeeddo la’aan. Halkaas aniga oo iska fadhiya ayaannu nin jaalkay ah isku soo baxnaa ama telefoon ku wada hadallaa; “may nu gabayno?” ayuu talo ku soo jeediyaa. “Waa hagaag” ayaan ku raacaa. Sidaas baa jiifto aan ujeeddo iyo ka jeeddo mid na lahayn aannu ku bilow naa. Dabadeed na jaalkayagii kale oo aan dheg la qabto lahayn ayaa daf soo wada yidhaahda. Waa annagaas isu bogna ee cid bog iyo baabbaco leh oo na loogta la waayay.

Geeddiga nolosha iyo saamaynta uu bulsho iyo habnololeedkeeda ku yeesho laga ma murmi karo. Dhaqan iyo dhaqaale labadu ba way koraan, geddoomaan, wejiyo cusub iyo waayo aan lagu aqoon na la soo baxaan. Waa ta keentay in faraha, fandhaalka iyo qaaddada loo kala guuro; ma u malaynaysaa in mishiin duulaya oo rudhmo bariis ah ama waslad la qaleeyay afkaaga ku wadaa soo socdo oo uu noqon doono ka marxaladda afraad ee qaaddada lagu beddelayo geli doona?

Sidaas oo kale in suugaanta iyo farshaxanka afka isbeddel ku yimaaddo ma aha mid laga argagaxo, waxa se ayaandarro ah in isbeddelkii dabiiciga ahaa tolmo iyo jujuub lagu keeno. Waan gabyayaa ee i dhegaysta.

“Xalay baa hurdada baas, anigoon horuu ledin,
riyo la i hor keenoo, halkan joogso bay tidhi,
haagag baan ku idhi gacal, hurgumiyo xanuun iyo,
dhaqan laga hayaamoo, habqankiisu dooloo,
hiirtaanyo gaadhoo, halis iyo ku jira dulin,
ayaan haybsanaayoo, hiilkiisa waday oo,
halkan kuugu keenee, maxaad hedin karaysaa?,
maxaad hoga tusaaliyo, halmuceed odhaahiyo,
murti ii huraysaa?”

Waa tix -ha iska beyd gaab ahaatee- xeerarka maansada haddii lagu bilkeydo dhaafi karta, maxay se macno ah ee leedahay? Dhaqankii oo cabanaya ayaa xalay ii yimi, waan soo qishay, sidaas uun baa maansooyinka casriga ah -markaan leeyahay casri waa qarniga cusub(2000)- ee beryahan la soo dalaandalayay u wada eg yihiin, waa isku sumad iyo xikmad iyo heer, awr baa wada dhalay.

Waxa weli ba taas ii dheer ma og tahay in aan afartaas sadar ee sare awbaan ku noqon karo? Haa ABWAAN gabayaa ah, kii Cali Dhuux, Qamaan, Salaan, Timacadde iyo qolyahaas oo kale.

Halkaas marka ay marayso waxa aad is odhanaysaa maxaa si ah, muxuuse tabanayaa qofku? Arrintaas waxa dhowaan innoo taabtay qoraageennii, afarayda na tuuran jiray (Abwaannimadii waan kaga masuugay, hadda waa isaga oo kuwa shaalkaas huwaday ka tix roon) ee Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”; [Ha la wada ogaado gabaygii in uu dhintay. Ilaahay ha u naxariisto! Kuwa maydkiisa riixaya ee socodka ku khasbaya dadaalkoodu waa hal bacaad lagu lisay. Qayladooda quusta ah dheg looma jalaq siiyo waayo xiise looma hayo maydka ay dudduucayaan. Gabayga ay maanta curiyaan haddii laga dhegaysto wax cusub laga fili maayo ee waa uun qaddarin loo hayo sooyaalk afka iyo dhaqanka] ; ayuu ina xusuusiyay.

Bal u fiirsada dulucda qoraaga; “Kuwa maydkiisa(gabayga) riixaya ee socodka ku khasbaya dedaalkoodu waa hal bacaad lagu lisay.”

Eeg tiraabta Hawd oo barbar dhig afarayda meydka ah ee aan kor ku qoray, muxuu tarayaa dedaalkaygaasi aan ahayn indho daalis? Ma wax cusub baan soo kordhiyay sida Hawd ba tilmaamay mise wixii aad ogaydeen uun baan idhi?

Doodda nuxurkeedu maaha in cunaha la qabto gabayaaga soo koraya, taasi waa gef. Nuxurka aan isku deyayo in aan soo gudbiyaa waa; maxaa dhacaya haddii aynu wax wal ba qiime gabay siinno, dabadeed na kii intaas yar ee samayska ah dhiiqay u aqoonsanno Abwaan? Sow sarrifkii suuqa uu gabaygu ka joogay hoos u dhicimaayo? Sow taasi na keenimayso ama sida Hawd u dhigay ma ba ay keenin in gabaygii geeriyoodo oo aynu naxariista Eebbe(swt) u barino?

Mid se kale oo ka sii daran ayaa jirta. Car yaa ku dhaca oo tixdayda qarqooran -ee aan gabayga ku sheegay ee weli ba shaalka abwaannimo la igu siiyay- igu yidhaahda gabay maaha? Ma cid igu odhan karta ma gabaydid baa jirta?

Waxa la yidhi odaygii Salaan Carrabey oo laba beelood oo isu hub urursaday ku kala guntaday ayaa geeraar tiriyay. Waa geeraarka caanka noqday ee “Waar tolow colka jooja”. Geeraarkaas sida loo yaqaan inuu labadii beelood kala dhaqaajiyay waxa la yidhi arrintu uma dhicin. Markii uu dhammeeyay Salaan geeraarkii ee uu is yidhi qoodhaa iyo xeradaa nimankii isu doobinayay waad ku kala hagoogatay ayaa oday ka mid ahaa ergadii dhexdhexaadintu ku yidhi Salaan: “Waar waxaasi gabay maaha ee ama nimanka wax kala dheh ama meesha iskaga dhaqaaq”

Wuxuu Salaan tiriyay tix dhaxalgal ah oo labadii col kala dareerisay, waa tixda dhextaalkeedu yahay “Nimanyahow tollimo waa dugsiye, dunida jeedaasha”. Gabaygaas waxa taariikh ku duugan, waxa belaayo Soomaali ku kala dhacday uu abwaanku ku soo fadhayo, isaga oo digniin uga dhigaya labada col, waad yaabaysaa. Waxa uu i xusuusiyaa gabaygaasi qoraal laga diyaariyay xasuuqii jinsiyadda Yuhuudda uu Hidlar u geystay oo afka qalaad loogu bixiyay “A warning from history”. Gabayga oo dhammi waa dagaallo reero Soomaaliyeed oo weli ba lafihii ugu hooseeyay isku jabeen. Waa digniin taariikhda uu Salaan ka soo dheegtay. Waa sababta uu u leeyahay Dunida jeedaasha.

Waxa sheekadaas dheer i geliyay haddii geeraarka caanka ah ee aynu murtidiisa iyo dhismihiisa ba maqallay lagu qabsaday Salaan oo la yidhi gabay naf leh tiri, suurtagal ma tahay in maanta aynu qolyaheenna meydka Hawd sheegay riixaya ku nidhaahno; waar waxaasi gabay maaha ee wax meesha idinka mara shirka la kaalaya?

Haddii taas lagu dhici karo -aniga oo aan ku kalsoonayn in lagu dhici karo- waa guul. Haddii se lagu dhici kari waayo guuldarro gabayga Soomaaliyeed u soo hoyatay iga dheh.

Waxa se jira jare taagan:

Iyada oo gabaygii jabkaas iyo cawadarantaas la soo tilmaamay uu dhexyuururo, ayuun baa mararka qaarkood wax kaa farxiyaa kugu soo baxayaan. Bandhigga waan ogaa, in aan tago ayaan ku talojiray, ma se ay dhicin.

Waa Axaddii, 31kii bisha Koowaad ee 2010. Ururka Kayd ee dhaqanka iyo farshaxanka Soomaaliyeed iyo telefiishanka Universal ayaa bandhig soo wada qabanqaabiyay. Waxa bandhiggaas loogu magacdaray Halabuur Hirgalay. Bandhiggan, oo dhacdadani tiisii labaad ahayd, waxa marti ku ahayd halabuurka da’da yar ee Caasha-luul Maxamuud Yuusuf. Waa gabadh suugaanteedu heer sare tahay. Inkasta oo ay jireen waxyaabo sii naaxnaaxin lahaa bandhigga hadda na qaabka loo soo bandhigay wuxuu ahaa mid hufan. Waxa abwaanka madasha ku weheshay aqoonyahannada iyo abwaannada  Cali Axmed Raabbi (Seenyo), Dr Martin Orwin,  Siciid Jaamac, Maxamed Xasan Alto, iyo Axmed Xasan, kuwaas oo miisaan iyo qiimayn ku samaynayay suugaanteeda.

Bandhiggu wuxuu si toos ah uga baxay telefiishanka. Dadweynaha fadhiyay (oo koobnaa) iyo kuwa telefoonka ku soo gelayay ba waxa la siiyay xilli ay kaga qaybqaadan karaan.

Caasha-luul waxa ay soo bandhigtay siddeed tixood oo mid ba ta kale ka culays iyo miid badan tahay. Waxa ay na xusuusiyay dhacdadii naxdinta lahayd ee 1029 ee Hargeysa iyo Boosaaso naafaysay. Iyada oo ka shiidaal qaadanaysa daqiiqaddii taarku soo dhacay sidii dareenkeedu ahaa;

[Markuu taarku soo dhacay warkii toonkii laga sheegay: Tiiraanayadaan qaaday baan tiicayaa weliye] ayay na la wadaagtay ifafaalaha meesha dadka waxaas falayaa ku dambayn karaan.   

[Ninka qaraxa nagu tuuray ee toogtay shacbkeena
Iyo talo xumaha soo diree aan u tudhahaynin
Tawxiidkiyo quraankiyo siday tidhiba diinteennu
Labadaba inay naartu tumi waa tu la hubaaye
Toolmoonihii Maxamed baa taa inoo dhigaye (csw)]


Murtida Caasha-luul noo hibaysay dhinac wal ba way u taxtaxaashisay. Mar ay Soomaalida iyo garaadkeeda wax nooga sheegtay waxa ay na tidhi:

[Garshada inta u liidataad gaar u leedahay dheh!
Adduunyada casriga gaadhay baad gooni joog tahay dheh!
Afrika oo caqligu wada gudhaad gaane sii tahay dheh!
Gumucii la wada daadiyaad gaar u sidataa dheh!
Inta aad is kala gadanaysaan guuli kaa dheere

Maxaa adiga kuu gaara oo gubaya maankaaga?
Maxaa guusha kuu diidey ee geedka kaa saaray?
Maxaa gulufka iyo weerarkiyo gaaska kugu beegay?
Gebagebo maxaa kugu saliday gacan shisheeyaadka?!
Godob raagatey iyo ciil maxa kugu guhaameeyey?
Ma gartaad lahayd baad adigu goosan kari waydey?
Soomaaliya gumoodaye hadmaad garan waxyeelaynta?]


Marka laga duulo farxadda ay i gelisay Caasha-luul iyo nuxurka gabaygeedu waxa aan odhan karaa gabaygii shashafo waa lagu deyi karaa. Waa la dhiirrigelin karaa inta sida inantan oo kale gabyi karta. Waxa se loo baahan yahay, oo lama huraan ah, in hormada hawraartoodu gabayga ula ekaatay runta si cad loogu sheego oo la yidhaahdo: Ama waa sidaas u gabay ama waa iska aammus.

Cabdillaahi Cawed Cige,
Liverpool, UK
E-Mail:edleh@hotmail.com

________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 WardheerNews.com