|
|
Heshiiskii UWSLF & Itoobiya: Daw iyo Daw-darro
Wq. Cabdullaahi X. Xirsi
August 13,, 2010
|
Heshiiska dhexmaray ururka UWSLF iyo dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa ku soo beegmay xilli adag oo laga qaadan karo aragtiyo kala duwan. Heshiiskaas ayay labada dhinacba ku macneeyaan inuu yahay fursad qaali ah oo u baahan in looga faa’iideeyo labada dhinac ee is-hayay iyo bulshooyinka kutiirsanba.
Run ahaantii illaa hadda way adag tahay in saadaal laga sii bixiyaa waxa uu ku danbeyn doono iyo halka uu ku furan doono geeddigaas awrtiisa hilayga la saaray maanta. Dhinaca kale labada dhinac ee heshiiska gaadhay ayaa u arka in illaa hadda lagu talaabsaday horumar dhinaca wanaagga loo qaaday.
Hadaba maxay yihiin waxa illaa hadda la taaban karo ee guul ah ee labada dhinac ka gaadheen heshiiskan. Haddii aynu ku horeyno ururka UWSLF waxaa ururka u suuro gashay in ay galaan waddankii ay lahaayeen, shuruudo dhawr ah oo ay dhigeenna durbadiiba loo fuliyo, bulshada Soomaali-galbeedna tusaan saddex arrimood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:
- Inay shalay colaadda u lalabeen culayska iyo xad-gudubka lagula kacayay bulshada Soomaali-galbeed, maantana iyaga daraadood u qaateen heshiiskan.
- Inay tusaan bulshada Soomaali-galbeed inay ahayd huuhaa iyo waxaan raad lahayn hadaladii kol hore la is dhex wadi jiray ee ahaa in ururku yahay urur ay adeegsadaan awoodo iyo dad aanan u dhalan waddanka dan iyo muraadna ka lahayn degitaanka dhulkaas. Waxay dawladda Itoobiya, bulshada Soomaali-galbeed iyo caalamkuba kol qudha indhaha ku kala qaadeen inuu ururku yahay urur ka soo jeeda gobolka, taladiisa iyo go’aan-qaadadkiisuna iyagu leeyihiin.
- In ururku si cad u tusay dawladda Itoobiya iyo bulshada Soomaali-galbeedba inuu leeyahay awooddii ciidameed iyo hoggaamintii siyaasadeedba ee urur noociisa ah looga baahnaa. Sidaa awgeed ay tahay bar-kumataal in ururku iska soo xarooday itaal-xumo uu dareemayo awgeed. Sidaa awgeedna Itoobiya ayaa liqday candhuufteedii iyadoo aragtay inuu ururku leeyahay awood uu ku sii jiri karo.
Dawladda Itoobiya ayaa iyadu aragta in arrinta ugu weyn ee lataabankaro ee ay kuheshay heshiiskan ay tahay :
- Inay hesho nabad ”xadidan”
- Inay sii kala qoqobto shacabka Soomaali-galbeed
Waxaa iyaduna mudan in latibaaxo aragtida ay qabaan dadyowga kale ee laga yaabo inuu xidhiidh toos ah ama dadban laleeyahay heshiiska. Dhinacyadaas ayaanu kasoo qaadankarnaa:
ONLF:
ururkan oo ah urur ka halgama dhulka Soomaali-galbeed ayaa u arka in heshiiskani yahay mid gumeysiga Itoobiyaanku ku dhagrayaan guud ahana shacabka Soomaali-galbeed gaar ahaanna ururka UWSLF. Intaa waxaa dheer in ay aaminsanyihiin inuusan ururkani mudnayn i lala qaato heshiis maadaama uusan lahayn jiritaan lataabankaro. Waxaa kale oo ONLF aaminsantahay in kulankani guul u yahay oo keliya Itoobiyaanka oo maanta awoodooda siyaasadeed liidato. Dhinaca kale kolkaan xogsaday rag ururka ONLF xubno ka ah waxay ii tibaaxeen siday damacsanaan lahaayeen inay arrintu u dhacdo. Waxay raggasi ii tilmaameen (wax lagu tilmaamikaro Alloow hashu kolkay halkaas mareysay yaa yax yidhaahda) inay haboonaan lahayd inay inta aysan heshiiska UWSLF gelin ay labada urur yeeshaan wadahadal:
- Kaas oo lagu soo afjarayo wixii dhexyaallay ee colaad ahaa.
- Kaas oo haddii ay UWSLF ku adkaystaan inay heshiiskan galayaan ay dhici lahayd una badnay in isbedel ku imaan lahaa mowqifka ONLF ee ku aaddan UWSLF, talooyin wax ku ool ahna u soo jeedin lahaayeen.
Madaxda Deegaanka Soomaalida (kililka):
Madaxda Deegaanka Soomaalida ayaa u arka fursad u soo korodhay. Waa kolka horee waxay dareemayaan inuu ururku ku noqonaynin mid kula baratama xukunka. Marka labaad kaadirka iyo culumada ururkan inay u adeegsankaraan sixitaanka magac-xumada u dhextaala ummadda ay u taliyaan. Waxaa kale oo laga yaabaa inay maanka ku hayaan inay soo dhaweystaan UWSLF oo ajandihiihu kadadbanyahay midkooda halka ay raarta soo seexsanlahaayeen ONLF oo laga yaabo inay isku hardiyaan masraxa kuraasta iyo hogaanka gobolka. Madaxda gobolku waxay judhiiba bilaabeen inay meel walba kaga-guulwadeeyaan heshiiska, xubnihii ururka UWSLF-na meel walba mashxarad ku soo dhaweeyaan. Ma xeeladaysi bay ka tahay mise xil-kasnimo u korodhay ayaa kakeenaysa waxaas? Waa loo joogaa!!
Bulshada S/Galbeed:
Bulshada Soomaali-galbeed ee gudaha ku dhaqan ayaa usoo dhaweysay heshiiskan si macquul ah. Waxaa marag-madoonto ah in daalka iyo dibu-dhaca haysta bulshada gobolka ay kuriixayaan inay muujistaan sida ay uga maqsuudeen heshiiska. Dhinaca kale waxaa laga dareemayaa inay taxaddar muujinayaan oo ay maskaxdooda kasii dhawaaqayso dhagartii iyo ballan-xumadi xabashi lahayd ee lagu yaqaanay. Waxaa la odhankaraa inay jiraan illaa hadda dad bulshda Soomaali-galbeed kamid ah oo heshiiskan u arka inuu yahay khiyaamo iyo dhagar ay maleegayso Itoobiya la iskuna halleynkarin. Dadkaasi waxaa sabab u ah shakigaas ay qabaan laba arrimood oo muhiim ah: midda koowaad ayaa ah in dadkaas tiraday doonaanba halahaadeene ay taageerayaal u yihiin ururka kale ee halganka hubaysan siiwadaya ee ONLF. Midda labaad dadkaas ayaa aad uga aaminbaxay xabashi iyo wixii lasocda, waana arrin la odhankaro gar ayay u leeyihiin.
Soomaaliya:
Uummadda soomaaliyeed ayaa kakala bixisay fasiraad kala duwan heshiiska dhexmaray labada dhinac. Dad ayaa aaminsan inuusan ahayn heshiis yimid xilligii ku habboonaa. Ururka Soomaali-galbeedna uu doc-wareemay jihaadka lagu waday cadowga soo jireenka ah ee soomaali leedahay. Dadkaasi waxay qabaan in taladaas iyo heshiiskaas aan loo meeldayin. Kuwa kale ayaa aaminsan in kol haddii dhibaatadii kabadatay ummaddaas Soomaali-galbeed, aduunka maanta waxa kajirana la eego, uu ururku gar ku lahaa inuu galo heshiiskaas, dadkaasi waxay shardi uga dhigayaan yeelitaankooda in heshiisku keeno isbadel dhaqan-dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeedba. Halka kuwo kale ay u arkaan inuu heshiiskani caqabad ku noqondoono danahoodii gaarka ahaa.
Maxaa keenay heshiiska:
Sida uu kudoodayo ururka UWSLF ayaa ah in la eego dadka sida tooska ah uu taabanayo heshiiskan. Dadkaas ayaa ah ummadda Soomaali-galbeed oo run ahaantii ah shacab adag. Shacabkaas waxaa si arxandarro kujirto dhiigooda ulaba-tiboodiyay dhawr dhinac oo ay ugu horeeyaan Ciidamada gumeystaha Itoobiya, dawladda katalisa kililka, maamuladda Soomaaliya kajira iyo mararka qaarkood ururada u halgamayay iyaga daraadood.
Waxay intaasi isugu jireen mid dhiiggooda daadiya, mid ka mushtara dhiiggooda iyo dheecaankoodaba, mid dhaqan-xumo kula kaca oo dumarkooda iyo maxastoodaba bahdila iyo kuwo si dadban u adoonsada.
Waxaa wax taariikhdu iloobaynin ah ragga iyo dumarkii maamulada waqooyi-bari iyo waqooyi-galbeed ka iibiyeed Itoobiya, gabdhihii xeryaha qaxootiga ee waqooyi-bari guurka dhaaraanka amaba la odhankaro mutcada lagu qabay iyo dhicii xoolahii ummadda ee goboladaas ee la duudsiyay.
Shacabka Soomaali-galbeed ayaa intoodii wadanka joogtay lasoo deristay aafo iyo eedaad aysan taariikhdu xusin. Waxaa gacan bir ah ku qabtay Gumeysiga Itoobiya iyo dawladda gobolkooda u talisa. Ciqaab-wadareedka aan loo meeldeyin ee Itoobiyaanku kula kacayo ummaddaas ayaa kol qudha dhaliyay in maskaxdii, muruqii iyo maxastii dhaqaaqi kartayba u hayaamaan meel ay gabaadh ka helikaraan. Inkastoo meelihii ay u qaxeen uu qaniin kaga kacay.
Dhinaca kale waxaa lagasoo xiganayaa ururka UWSLF inay lasoo deristay xaalad lagu tilmaamikaro ”hashii ninka gurran uu dheelmay”. Waxaa colaad wiiro-wiiro ah kala horyimid ururkii ay wadanka wadalahaayeen ee ONLF, kaas oo inta la ogyahay rag farabadan oo ururka UWSLF ahaa ku laayahay si macnodaro ah. Waxaa kale oo geeska geliyay dhallinyarada kadagaalanta koonfurta soomaaliya (Al-Shabaab) kuwaas oo kaladooransiiyay inay wadanka soomaaliya meelaha ay kajoogaan kabaxaan ama ciidanka ururka lagusoo daro kuwa Al-Shabaab. Arrimahaasi waxay madaxda ururka UWSLF ku bixiyeen inay qaataan go’aan adag, oo ugu danbeyntii kusoo biyo-shubtay heshiiskan.
Inahaas waxaa laraacinkaraa in hogaanka ururka UWSLF qaarkiis ku qanacsanaa inuu xalku maanta kujiro dhigidda hubka, loona baydho tabtii kale ee wax loogaqabankaro dhibaatadan dilootay Soomaali-galbeed, sidaa awgeedna ay ku qanciyeen jaalkoodii kale sidaana lagu qaatay siyaasadaas.
Gunaanad:
Intaas haddii aynu kaga gudubno aragtiyada kala duwan ee laga qaatay ama laga qaadankaro heshiiskan, waxaa lasoo gaadhay moogahaygii aan ridan lahaa waxay ila tahay.
Akhristoow waxaan aaminsanahay in heshiisku aad u dhil-dhilnayn, aanad moodo inuu u baahnaanlahaa in loogasii indha-badsado intaas uu hadda ku hirgalay. Waxaa kale oo jirta inuu kuhirgalay si xawli ah oo aan dabo-qabad lahayn, arrintaas oo abuurtay tuhun. Intaa waxaa dheer xilliga uu kusoo hagaagay ayaa ah xilli wali mindidii xabashidu dhiiggii guud ahaan Soomaali gaar ahaan Soomaali-galbeed ka gobo’leeyahay. Arrinta kale (inkastoo aanan laqabin qolooyinka ku andacoonaya) ayaa ah sidee ayuu urur ku halgamayay magac diineed heshiis ula gelikaraa cadawgii soojireenka ahaa ee ummadda. Intaas oo iswadata iyo in kaloo dheer ayaa lagaga biyo-diidikaraa heshiiskan. Ururka ONLF ayaa isagu u sii wehelisaa diidmadiisa inay dhicikarto in qorshe uu maaganaa looga hormaray, kolkaana waagu kubaryay sidaana uu ku kiciyay uuro iyo qiiq oo uu af laba-daan qaylo la alaladey.
Barbarka kale waxaa lagusoo dhaweeynkaraa heshiiskaas baahida lixaadka leh oo ay ummadda Soomaali-galbeed u qabtay nabad iyo deganaan horudhac u noqonkara inay kol uun arkaan wax la odhankaro waa horumar dhaqan-dhaqaale, bulsho, & siyaasad una dareemaan inay yihiin dad bani’aadam ah oo nololi u haboontahay. Waxaa kale oo lagu doodikaraa in isbadalka siyaasadeed iyo midka degaan ee kajira maanta Itoobiya uu taliska Itoobiya ku sandulleeyay soo dhaweynta qowmiyadda degta dhulka Soomaali-galbeed, sidaa awgeed ay tahay arrin meesha taala in laga faa’iideysto fursaddaas. Waxaan arkaa in shacabka Soomaali-galbeed kusii shalwanayo haadaan dheer oo aan hadhaw lagasoo saarikarin. Waxaa si lixaad leh u barakacay maskaxdii iyo muruqii bulshada, waxaa kale oo xabsiyada buux-dhaafiyay dadkii lahaa wadanka iyagoo u xidh-xidhan waxaysan galabsanin. Si hadaba loo xakameeyo dhaqdhaqaaqaas bulsho, siyaasad iyo dhaqaale ee guracan waxay ururka UWSLF ula muuqatay inay tahay maanta maalintii arrintaas laga dhiidhinlahaa lagana hortagilahaa. Waxuu qaatay odhaahdii ahayd ”Colka wadhaf malagu dayay”.
Maxaa hadaba la gudboon ummadda Soomaali-galbeed iyadoon lookala eegin meesha ay joogaan iyo mabda’a ay haystaan? waxaan arkaa inay maanta mudantahay in waqti lasiiyo waxa uu dhalidoono heshiiskaas, wax walba oo qofku aaminsanyahayna ka horumariyo wanaagga uga imaankara ummadda heshiiskaas.
Maxaa loo baahanyahay hadaba si uu heshiiskaasi taabahgal u noqdo? Waxaan arkaa in loo baahanyahay arrimahan soo socda:
- Waxaa lama huraan ah in labada dhinac ee galay heshiiska layimaadaan rabitaan dhab ah, iyagoo hirgelinaya wixii la isku waafaqay. Waa inay inta heshiisku curdanka yahayna ku kaabaan fulinta heshiiska. Iyadoo laga ambaqaadayo in Itoobiya oo looga bartay ”Qadaro & Qooy”, sida loo aaminaana ay tahay arrin khadhaadh, waa in ururka UWSLF hadh iyo habeyn xawlal-mariidka uga jiraa taliska Addis-ababa kuna ilxaaxiyo hirgelinta heshiiska wixii hadba hadhay. Waxaa kale oo lama huraan ah in ururku mar walba ummadiisa lasocodsiiyo halkaya arrini mareyso, taas oo ummadda siinaysa inay mar walba u tabaabushaystaan marxaladda la marayo.
- Dawladda gobolka ka arrimisa ayaa iyaduna looga fadhiyaa inay joojiso gacanta adag iyo ciqaab-wadareedka ay kawado gobolka iyadoo ugu duur-xulaysa inay taageeraan ururada halganka hubeysan wada. Waa inay layimaadaan siyaasad madax-banaan oo wanaag u horseedda dadka gobolka degan. Intaas waxaa dheer in gobolada iyo degmooyinka ragga wakiilada uga ah dawladda gobolka ay dareemaan in isbedel siyaasadeed yimid, arrinkaasina ku bixiyo inay u diirnaxaan dadkooda.
- Ururka ONLF (ee dhabta ah) ayaa isaga looga fadhiyaa inuu waqti siiyo heshiiskaas, si uusan u eersan isaga. Wax walba oo iyaga kaga lumaya urur ahaan heshiiskaasna ay u liqaan, iyagoo xeerinaya danta guud ee bulshada leeleeku hayay mudda qarniga kor u dhaaftay.
- Shacab-weynaha Soomaali-galbeed meel walba oo ay joogaan ayaa looga fadhiyaa inay niyad-sami ku qaabilaan heshiiskaas, iyagoo u tafaxaydanaya inay sida ugu haboon uga faa’iideystaan heshiiskaas. Midna waa marag-madoonto in dadka Soomaali-galbeed daw u leeyihiin inuu kusii jiro ka aamin-baxii ay Itoobiya ka aamin baxeen.
Waxaan Ilaahay ka rajeynayaa inuu heshiiskan ummaddaas Soomaali-galbeed uga dhigo wanaag cirka uga soo dhacay, kuna bogsiiyo laabo badan oo xanuun la hiin-raagayay.
Cabdullaahi X. Xirsi (MSc plant pathology)
E-Mail:awcabdimuxumed@yahoo.co.uk
Denmark.
_____________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2010 WardheerNews.com
|