Rooxaan
Siciid Jaamac
Xuseen
August 14, 2010
|
Ararta Qoraaga
Anigoo mar wax ka tilmaamaya quruxda, libinta, iyo liibaanta
Af-Somaaligu leeyahay ayaan qoray:
‘ ....inkastoo aynu niri Af-Soomaaligu waa ereyo kooban yahay
marka afaf kaloo badan la barbar dhigo, haddana rogrogga ereyga,
is-qabadsiinta laba erey, qodobka gadaal ama hore ka raaca ereyga,
meesha uu had walba ereygu weedha kaga jiro, iyo kuwo kaloo badan
ayaa isla ereygii siinaya micnayaal fara badan oo si fudud loo kala
garan karo.’
Tallaabooyinka soo socda ayaan ku dhaqaaqay si aan odhaahdaas marag iyo markhaati adag ugu helo oo aanay u noqon mid cidla-ka-faan iska ah:
- Erey Soomaali ah ayaan doontay oo xushay. Waxaan helay ereyga ‘ DEG’ oo aad u gaaban.
- Waan kala furfuray, rogrogey intuu u kala bixi karo. Mid walba micnahiisa ayaan ku hor qoray.
- Ereyadii isku asalka ahaa, ee misna kala micnaha ahaa ayaan mid walba weedh iskeed u taagan geliyey.
Intaas markaan ka soo jeestey ayaan is-weyddiiyey: ‘ Halkaas ma laga sii durkin karaa, iyadoo weli mawduucii quruxda iyo
hodontinimada Afka lagu jiro?’ Su’aashan ayaa ii geysey inaan isla ereygii
aan weedhaha ka sameeyey ku dayo inaan la beegsado sheeko-curin oofin
karta shuruudaha sheeka-qoristu u baahan tahay ee aan marna sahal ahayn.
Sheekadan gaaban ee ‘ ROOXAAN’ ayaa ka dhalatay ee akhris wanaagsan.
ROOXAAN
Cirka caad laguma arko. Laan ruxmaysaa dhirta
yar ee tuulada ka dhex taagan kama muuqato.
Haad duulayaa ma jiro. Xilligu waa jiilaal laga cabsi qabo inay ka dhalato abaar lagu hoobtaa.
Nin joog dheer oo awr kiish yari saaran yahay hoggaaminaya ayaa bannaan ku yiil tuulada barigeeda ka soo murbaxay xilli casar liiq ah. Raggii aqalka Guuleed ee cirifka tuulada ugu taag iyo tilmaan dheeraa shaah ku cabbayey harqoodaalkiisa ayaa is wada dhugtay. Ruux garta ninka iyo tuluddiisa way iska waayeen.
Salaan iyo is waraysi gaaban ay ragga is weydaarsadeen ka dib, wuxuu judhiiba ninku codsaday in uu muddo beesha la soo dego (1) .
Wejigiisa, hadalkiisa iyo socodkiisaba waxa ka muuqatay in uu yahay nin aad u deggan (2).
Codsigiisii waa laga yeelay. Aqal maran oo Xaaji Baxnaan leeyahay ayaa laysku raacay in la dejiyo (3).
Iyagoo weli waraysigii ninka ku jira, ayaa Gurxan oo degdegsani (4) daf soo yiri. In curadkiisii si ba’an
Loo hayo ayuu sheegay.
“ Dhaxan iyo gariir ayaa laga soo taagey. Waxaan
filayaa inay rooxaani ku soo degtey (5),” ayuu raggii
la socodsiiyey.
Waa la wada aamusay. Ninkii socotada ahaa ayaa la wada eegay. Isna madaxa ayuu ruxay isagoo gartay in laga dhawrayo bal in uu mashaqada Gurxan la soo degtay (6) uu wax ka qaban karo.
‘Berigii hore sidee arrintaas oo kale ula
xaali jirteen?’ ayaa ninkii ragga cod miisaaman ku
weyddiiyey.
“ Duul buuraha dega (7) ayaa geed aan la aqoon keeni jirey. Geedka xididkiisa oo la dubo ayaannu
bukaanka kula daali jirney,” ayaa Guuleed ku celiyey.
Isagoon hadlin ayuu ninkii madaxa ruxay mar
labaad. “ Wiilka i tusa,” ayuu soo jeediyey.
Gurxan oo hadalkii ninka iyo muuqaalkiisu dejiyey (8) ayaa hor kacay.
Waxay dul yimaaddeen wiilkii oo kurbanaya. Intuu
Wejigiisa ka bogtey ayuu sacab ballaaran saaray. “ Immisa maalmood ayaa sidaas loogu degganaa? (9) ”
ayaa ninku warsaday,
‘Saddex maalmoodba cudurkan saansaankiisu wuu
ka muuqday. Cunta kasta loo keen; wax ka degaase (10) ma jirin. Waad u jeeddaa in uu il go’san yahay sidii
qof ay duumo ka daadegtay (11) ,’ ayaa Gurxan ku jawaabay.
“Waa sahlan tahay,” ayuu ninkii Gurxan niyadda ugu dejiyey (12). “ Shaah kulul daawadan ugu dara, aniguna
berrito ayaan ka soo war heli doonaa.” Xaanshi yar oo
dhawr jeer isku laaban ayuu Gurxan ku dhaafay.
Maalin labaaddii wiilkii fay buu ahaa. Bishii uu tuulada sii degganaana (13) dhawr xaaladood oo
Kale ayuu ninku daaweeyey.
Intaanu ka dhoofin wuxuu la shiray odayaduu arkay in ay tuulada ugu deggan (14) yihiin. Wuxuu kula dardaarmay in ay ka digtoonaadaan duulkaa buuraha ka soo dega (15) iyo geed baaska ay keenaan ee noloshooda sida weyn ula degey (16).
Guntin maro ku duuban ayuu Guuleed gacanta ka saaray.
Way garteen in ay tahay daawo loo dejiyey (17) ciddii sida ina
Gurxan loo qabto.
‘ Hadday naga dhammaato, xaggee ka heli karnaa?
Wadaad adigoo kale ah se intee noogu dhow?’ ayey codsigii ugu dambeeyey ku dhiibteen.
Lama hadlin ee wejigooda ayuu qof qof u fiiriyey. Markay ka daadegtey (18) in ay rumaysanayaan, taladiisana ku soconayaan ayuu sir culus oo aan marna maankooda ku soo degi (19) karin ereyo kooban ugu gudbiyey:
“Daawada meesha ku guntani waa asal ridqan. Wadaadka aad
raadinaysaan meel durugsan ma jiro. Dhexdiina ayaa laga heli
karaa waayeel muslin ah oo saddex qul-hu-walle akhriyi kara.
Wax ka badanna looma baahna.
Intay raggii is wada jeedaaliyeen ayey isku mar wada xusuusteen in kuwii la daweeyey oo dhammi sheegi jireen in shaaha asal ka dhadhamo aanse cidina ka hoos qaadin.
Raggii oo ay ka degi (20) la’dahay rooxaan baa asal lagu daweeyaa ayuu meeshii kaga dhaqaaqay.
Muddo dheer ayaa ka soo wareegtay xilligaas, raggiise marna ma ay illaawin ninkii awrka watay ee casar gaaban, maalin jiilaal ah, kiish yar oo saaran
kala soo degey (21) markuu raggii tuulada soo gaarey.
(Dhammaad)
Fiiri sheekada sida ereyga ‘DEG’ 21 jeer u soo noqnoqdo isagoo
mar walba micne goonni ah xanbaarsan:
|
| 1. |
Dego |
Derso |
| 2. |
Deggen |
Xasilloon |
| 3. |
Dejiyo |
Martigeliyo |
| 4. |
Degdegsan |
Welwelsan |
| 5. |
Degtay |
Haleeshay |
| 6. |
Degtay |
ku soo korodhay |
| 7. |
Dega |
Ku nool |
| 8. |
Dejiyay |
Laabta u qaboojiyay |
| 9 |
Deggenaa |
Loo hayey |
| 10 |
Degaase |
Dhuunta u maraa |
| 11 |
Daadegtay |
Dishootay |
| 12 |
Dejiyay |
Doojiyay |
| 13 |
Deggenaa |
Ku noolaa |
| 14 |
Deggen |
Miyir badan |
| 15 |
Dega |
Ka yimaadda |
| 16 |
Degay |
Dhaawacay, Wiiqay |
| 17 |
Dejiyay |
Loogu talo galay |
| 18 |
Daadegtay |
Dhaadhacday |
| 19 |
Degi |
Malayn |
| 20 |
Degi |
Qaadan karayn |
| 21 |
Degey |
Ka soo rogey |
Siciid Jaamac Xuseen
Email:sjx2005@hotmail.co.uk
___
Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, waana guddoomiye xigeenka Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed.
Siciid waxa kale oo uu degelkan WardheerNews ku soo daabacay maqaalada hoos ku qoran:
* REMINISCENCES OF MY TADJOURA DAYS
* INTOLERANCE: A VILE AND DANGEROUS HUMAN ATTITUDE
* BADDA..DHULKA.. IYO QOFKA
* Awoodda Ereyga Qoran
* Memories of my trip on the Britannia
* Dhaqankii dib ha loogu noqdo
* Suugaanta Dalmareenka: Safar Dayuuradeed
* Dr. Kaynaan
* A DAY AT A SOMALI NOMAD’S HAMLET
* Tiirar Xididadda Loo Siibay & Hambalyo ku Socota Maxamed Hirad
* WAQTIGA IYO WAAYIHIISA
* Somali Food
* SHUF-BEEL (Sheeko Gaaban)
_____________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2010 WardheerNews.com
|