|
||||||
Inteenna badan xididdada iyo halbowlayaasha jidhkeenna waxa sida cudurka “Kansar-ka” ee aan bogsiinta qumman lahayn u dhex xulaya oo ugu sii faafaya dareenka silloon ee qabyaaladeed. Waxa uu dareenkaasi liitaa jarjarayaa oo si qurub qurub ah u kitfayaa xubnihii iyo jidhkii ummadnimo iyo qarannimo; haddii ay garasho u tahay, is daawaysi u tahay, walaaltinnimo iyo ummadnimo u tahay, is weheshi iyo wax wada qabsi u tahay, ummad talo iyo hoggaan leh u tahay, qaran sharci iyo caddaalad fulinaya u tahay, dad iyo dal horumar u darban oo hor-u-jeed ah u tahay, intan iyo intaas oo kale u tahay. Saw innagan kala didayna ee u sii kala hadfayna “afarta beeni-jaho” sidii adhi uu weere horror ahi ku dhex dhacay.
Inta maanku gaajaysan yahay guuli waa weli!Waa maxay qaloonbiga, bulaanka iyo ortan qaylo-dhaaneed ee qabaliga indhaha la’ ahi ee cirka ku shareerani? Waa maxay isu booddo dhigashada, carta iyo wirtan guulaamooyinka kicinaysaa ee maalmahan inna asqaysiinaysaa? Waa maxay qabaa’ilkan jagooyinka dawladeed iyo wasiirro doonnimada u wada kabtiyayaa ee hamuuntan baasna la soo baxay? Waa maxay nuxur ahaan manaasibta dawladeed iyo magacyada reereed ee la mataanaynayaa?! Waa maxay gabaaragurdaynta iyo cidla’ ciirsiladan caddaaladda laga baadhbaadhayaa habow ahaan? Miyaynaan hore waxyaalahaas uga soo naf waayin, uguna soo hungoobin? Maxaynu ka dheefnay wasiirro magacyada beelaheenna hullaaban oo wada madhalays ah wax qabad ahaan? Sow dib u dhaqaajintan loo hillaabtay mid lala yaabo ma aha! Bal tusaaleyaashan aynu isla yara gorfaynno. Waa laba shaxood oo sawir fiican ka bixinaya madaxdii hay’adaha madaxa bannaan ee Somaliland ee xilligii madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo agaasimayaashiisii, iyo reeraha ay ka soo kala jeedeen. Waa xog dhowaan lagu soo bandhigay mareegaha Internet-ka qaarkood.
Shaxda Labaad
Marka aynu haddaba eegno labadan shaxood, waxa ka muuqanaysa oo keliya in magacyada reeraha qaar hadheeyeen jagooyinka intooda badan, reeraha qaarna sawirka shaxahaas kaga qadeen magac ahaan. Haddii shaxahaasi sidaas loo soo bandhigay sax ku yihiin iyo haddii kaleba, waxa la is weydiin karaa ma xeer baa ka yaalley in jagooyinkaas reeruhu hagbadaystaan oo saami ahaan u qori tuurtaan?! Dhammaan jagooyinkani waa xilalkii saraakiisha hawl wadeennada dawladeed. Waa hormuudyadii shaqaalaha wasaaradaha (agaasime) iyo hoggaannadii hay’adaha madaxa bannaan ee dawladeed. Waa jagooyin u baahan aqoon iyo xirfado gaar ah. Waxa taas soo raacaysa u diyaargarowga iyo wacyiga garaad ee dadka jagooyinkaas doonanaya danayn ahaan. Waa jagooyin aan sinaba magacyo beeleed iyo saami qaybsigooduba wax shuqul ah ugu lahayn aragti ahaantayada. Haddii magacyo beeleed lagu saleeyana waxa indhaha laga ridey oo la murgiyey habsami u socodkii maamulka dawladeed iyo qaayihii dawladnimo milge ahaan. Waayo, mar haddii ay beeli timaaddo aqooni hadh-dhan! Halkii aqoonta iyo xirfadda waxa inta badan buuxinaysa beesha oo iska soo horraysiisa inta ugu dafdafta iyo galaangalka badan ee geedka iyo qool beeleedka u faruur xidhan, Taas oo aan caddalaad iyo horumar toona looga fadhiyin sida taxanka taariikheed ka markhaati kacayo. Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane! Dhinaca kale haddii wasiirrada, agaasimeyaasha iyo hoggaannada hay’adaha madaxa bannaan reero u qorya-tuurtaan oo qaydhinka ku qaybsadaan, meeye qarannimadii iyo wixii ummadda ka dhexeeyey ee isku hayn lahaa. Miyaanay isirradaasi tasoobahayn?! Maxay tahay caddaaladda laga fili karaa wasiir ama agaasime beel u taagan oo marka ay dureydo la qufacayaa?! Agaasimayaashan iyo madaxdan hay’adaha ee shaxahan ka muuqda ee magac beeleedka keliya u caano-shubanayaa maxay u qabteen reerahaas ay ka soo jeedaan oo gaar ah qaraabokiil ahaan? Malahayga in magaca reerkooda la innoo sheego oo la inna hor walciyo, waxa ka muhiimsanaan lahayd in la qiimeeyo sidii ay u shaqeeyeen, una guteen ama u gudan waayeen xilalkii horyaalley iyo waajibaadyadoodii. Dhinaca sed-bursiga waxa qummanaan lahayd in halkaas laga baadho oo haddii ay ku takri faleen xilalkoodii oo ay beelahooda ku naasnuujiyeen, beelaha kalena ku duudsiyeen in halkaas laga soo saaro. Reer hebel baa shaqaalaha dawladda u badnaa kelideed macne iyo nuxur badan ma yeelanayso, keliya waxa ay shaashaynaysaa oo walaahow iyo been ku sii hubaynaysaa dhangaagaalayaashii baadida ka maqan meesha khaldan ka raad goobayey ee caddaladda ay tebayaan maqnaanteeda sharka ku doon doonaya ee albaabada dulmiga garaacooda hor iyo hareero kuududa kambadhuudh ahaan! Dantu waxa ay ku jirtaa uun in la helo madax aqoon iyo karti leh oo daacad ah, reeraha oo dhanna wadar ahaan ugu horseedi kara horumar iyo fulin caddaaladeed. Macno samayn mayso haddii shaqaalaha dawladdu dhinac u bato sababo badan dartood, ayna ugu muhiimsan tahay u diyaar garowga qofnimo iyo garashada wacyi ee dadku wadar iyo waaxidba u kala kasbadaan. Dadka qaar baa ilaaliyaha xafiis wasaaradeed u yaqaanna xil dawladeed, qaarna macneba taasi uguma fadhido. Saw markaas khasab maaha in labadaas kooxood dawladda u kala dhowaanayaan, shaqaalahooduna u kala badnaanayaan. Haddii se taas goldaloolo laga dhigo saw gef ma noqonayso. Waxa kale oo jiri kara arrimo kale oo taas xidhiidh la yeelan kara. Waxa ka mid ah aqoonta iyo xirfadda oo la kala badsan karo lafteeda, degaanka, aaminaadda ciidda iwm. Dareenka qabyaaladeed ee waallida ah ee nolosheenna bulsheed, gaar ahaan siyaasadda iyo hab-maamuuska dawladeed sida indhaha la’ ugu sii milmayaa waxa uu sii duminayaa uun garashada ummadeed; qaran iyo qof ahaanba. Wq. Maxamed Baashe X. Xasan _____________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||