Image
Home Articles Somali Songs About us  

Dareenka Qabyaaladeed Waa Dilaaga Garashada Ummadeed
Wq. Maxamed Baashe X. Xasan
August 19, 2010

Inteenna badan xididdada iyo halbowlayaasha jidhkeenna waxa sida cudurka “Kansar-ka” ee aan bogsiinta qumman lahayn u dhex xulaya oo ugu sii faafaya dareenka silloon ee qabyaaladeed. Waxa uu dareenkaasi liitaa jarjarayaa oo si qurub qurub ah u kitfayaa xubnihii iyo jidhkii ummadnimo iyo qarannimo; haddii ay garasho u tahay, is daawaysi u tahay, walaaltinnimo iyo ummadnimo u tahay, is weheshi iyo wax wada qabsi u tahay, ummad talo iyo hoggaan leh u tahay, qaran sharci iyo caddaalad fulinaya u tahay, dad iyo dal horumar u darban oo hor-u-jeed ah u tahay, intan iyo intaas oo kale u tahay. Saw innagan kala didayna ee u sii kala hadfayna “afarta beeni-jaho” sidii adhi uu weere horror ahi ku dhex dhacay.

Inta maanku gaajaysan yahay guuli waa weli!

Waa maxay qaloonbiga, bulaanka iyo ortan qaylo-dhaaneed ee qabaliga indhaha la’ ahi ee cirka ku shareerani? Waa maxay isu booddo dhigashada, carta iyo wirtan guulaamooyinka kicinaysaa ee maalmahan inna asqaysiinaysaa? Waa maxay qabaa’ilkan jagooyinka dawladeed iyo wasiirro doonnimada u wada kabtiyayaa ee hamuuntan baasna la soo baxay? Waa maxay nuxur ahaan manaasibta dawladeed iyo magacyada reereed ee la mataanaynayaa?! Waa maxay gabaaragurdaynta iyo cidla’ ciirsiladan caddaaladda laga baadhbaadhayaa habow ahaan? Miyaynaan hore waxyaalahaas uga soo naf waayin, uguna soo hungoobin? Maxaynu ka dheefnay wasiirro magacyada beelaheenna hullaaban oo wada madhalays ah wax qabad ahaan? Sow dib u dhaqaajintan loo hillaabtay mid lala yaabo ma aha!

Bal tusaaleyaashan aynu isla yara gorfaynno. Waa laba shaxood oo sawir fiican ka bixinaya madaxdii hay’adaha madaxa bannaan ee Somaliland ee xilligii madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo agaasimayaashiisii, iyo reeraha ay ka soo kala jeedeen. Waa xog dhowaan lagu soo bandhigay mareegaha Internet-ka qaarkood.

Shaxda Koowaad

Madaxdii hay'adaha madaxa bannaan ee xukuumaddii Rayaale iyo beelaha ay ka soo kala jeedaan
Baanka Dhexe – Cabdiraxmaan Ducaale Habar Yoonis
Hantidhawrka Guud – Axmed Sacad Muuse
Xeerilaaliyaha Guud- Xuseen Cabdi Qaalib Sacad Muuse
Hay’adda Shaqaalaha dawladda - Cabdiraxman Cadami Sacad Muuse
Hay’adda Abaabul ka saarka (NDC)- Cabdi Cabdillaahi Riiraash Madigaan
Hay’adda Miino saarka Qaranka (NDA)- Kanadi Basbaas Mooge Ciise Muuse
Hay’adda Waddooyinka – Eng. Faahiye Sacad Muuse
Guddiga Qandaraasyada- Cumar Boobe Xandule Sacad Muuse
Wakaalada Korontada – Eng. Xuseen Cilmi Sacad Muuse
Rugta Ganacsiga – C/raxmaan Faarax Sugaal Sacad Muuse
Bisha Cas ee Somaliland – Axmed Bakaal Sacad Muuse
Hay’adda Aafooyinka (NERAD) – Maxamed Muuse Cawaale Ciise Muuse
Dekedda Berbera – Cali Xoorxoor Ciise Muuse
Maxjarka Berbera – Dr. Axmed Haybe Ciise Muuse
Komishanka Xuquuqul Insaanka – Axmed Yuusuf Habar Yoonis
Komishanka Doorashooyinka – Ciise Xamari Habar Yoonis
Agaasimaha Telefishanka Qaranka –Maxamed Muuse Diiriye Sacad Muuse
Agaasimaha Radio Hargeysa- Maxamed Siciid Muxumed Sacad Muuse
Wakaaladda Biyaha Hargeysa – Eng. Khaliif Sacad Muuse
Taliyaha Ciidanka Qaranka – Nuux Ismaaciil Taani Sacad Muuse
Taliye Xigaha Ciidanka Qaranka – Ibraahim Caydiid dhabdhable Dhulbahante
Taliyaha Booliska – Maxamed Saqadhi Dubad Arab
Taliye xigaha Booliska – Maxamed Shiil Dhidar Sacad Muuse
Taliyaha Ciidanka Asluubta – Cabdi Suldaan Guray Samaroon
Taliyaha Sirdoonka – Maxamed Nuur Samaroon
Taliyaha Ciidanka Badda – Cismaan Jibriil Habar Yoonis

Shaxda Labaad

Agaasimayaashii Xukumaddii Riyaale Iyo Beelaha Ay Ka Soo Kala Jeedeen. 


No:

Magaca

Wasaaradda

Qabiilka

1.

Yuusuf Maxamed Ducaale

Arrimaha Gudaha

Habar Yoonis

2.

Axmed Daa'uud Geeddi

Maaliyadda

Samaroon

3.

C/raxmaan Maxamed Maal

Waxbarashada

Sacad Muuse

4.

C/qaadir Jibriil Tukaale

Caafimaadka

Samaroon

5.

Eng. Cali Cabdi Odowaa

Beeraha

Sacad Muuse

6.

C/kariim Xaashi Cilmi

Gaashaandhiga

Sacad Muuse

7.

Maxamed Jaamac Faarax

Hawlaha Guud

Habar Jeclo

8.

Maxamed Diriye Cabdi

Arrimaha Qoyska

Samaroon

9.

Axmed Deyr Ceydiid

Ganacsiga

Habar Yoonis

10.

Axmed Hurre Jaamac

Kalluumeysiga

Ciise Muuse

11.

Axmed Ibraahim Suldaan

Macdanta & Biyaha

Sacad Muuse

12.

Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro)

Warfaafinta

Arab

13.

Cali Axmed Cali

Dhallinyaradda & Ciyaaraha

Habar Jeclo

14.

Anwar Maxamed Cige

Dib-u-Dejinta

Ciise Muuse

15.

Cawil Maxamed Faarax

Arrimaha Dibedda

Ciidagale

16.

Capt. Cabdi Cali Obsiiye

Duulista Hawadda

Ciise Muuse

17.

??????

Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka

Ciidagale?

18.

Xasan Nuur Faahiye

Boosta & Isgaadhsiinta

Samaroon

19.

Ibrahim Diiriye Xeyd

Shaqaalaha

Habar Yoonis

20.

Jaamac Maxamed Cabdi (Ina Hallac)

Deegaanka

Ayuub

21.

Maxamed Cabdi Cilmi

Warshadaha

Habar Yoonis

22.

Maxamed Cali Giirre

Xanaanadda Xoolaha

Ciidagale

23.

Maxamed Heybe Warsame

Madaxtooyadda

Ciise Muuse

24.

Maxamed Ibraahim Sh. Cali

Cadaaladda

Arab

25.

Maxamuud Xuseen Muuse

Qorsheynta Qaranka

Sacad Muuse

26.

Cumar X. Siciid C/llahi

Hey'adda Shaqaalaha

Sacad Muuse

27.

Sh. Maxamed Axmed Cali

Diinta & Awqaafta

Sacad  Muuse

Marka aynu haddaba eegno labadan shaxood, waxa ka muuqanaysa oo keliya in magacyada reeraha qaar hadheeyeen jagooyinka intooda badan, reeraha qaarna sawirka shaxahaas kaga qadeen magac ahaan. Haddii shaxahaasi sidaas loo soo bandhigay sax ku yihiin iyo haddii kaleba, waxa la is weydiin karaa ma xeer baa ka yaalley in jagooyinkaas reeruhu hagbadaystaan oo saami ahaan u qori tuurtaan?!

Dhammaan jagooyinkani waa xilalkii saraakiisha hawl wadeennada dawladeed. Waa hormuudyadii shaqaalaha wasaaradaha (agaasime) iyo hoggaannadii hay’adaha madaxa bannaan ee dawladeed. Waa jagooyin u baahan aqoon iyo xirfado gaar ah. Waxa taas soo raacaysa u diyaargarowga iyo wacyiga garaad ee dadka jagooyinkaas doonanaya danayn ahaan. Waa jagooyin aan sinaba magacyo beeleed iyo saami qaybsigooduba wax shuqul ah ugu lahayn aragti ahaantayada. Haddii magacyo beeleed lagu saleeyana waxa indhaha laga ridey oo la murgiyey habsami u socodkii maamulka dawladeed iyo qaayihii dawladnimo milge ahaan. Waayo, mar haddii ay beeli timaaddo aqooni hadh-dhan! Halkii aqoonta iyo xirfadda waxa inta badan buuxinaysa beesha oo iska soo horraysiisa inta ugu dafdafta iyo galaangalka badan ee geedka iyo qool beeleedka u faruur xidhan, Taas oo aan caddalaad iyo horumar toona looga fadhiyin sida taxanka taariikheed ka markhaati kacayo.

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane!

Dhinaca kale haddii wasiirrada, agaasimeyaasha iyo hoggaannada hay’adaha madaxa bannaan reero u qorya-tuurtaan oo qaydhinka ku qaybsadaan, meeye qarannimadii iyo wixii ummadda ka dhexeeyey ee isku hayn lahaa. Miyaanay isirradaasi tasoobahayn?! Maxay tahay caddaaladda laga fili karaa wasiir ama agaasime beel u taagan oo marka ay dureydo la qufacayaa?! Agaasimayaashan iyo madaxdan hay’adaha ee shaxahan ka muuqda ee magac beeleedka keliya u caano-shubanayaa maxay u qabteen reerahaas ay ka soo jeedaan oo gaar ah qaraabokiil ahaan?

Malahayga in magaca reerkooda la innoo sheego oo la inna hor walciyo, waxa ka muhiimsanaan lahayd in la qiimeeyo sidii ay u shaqeeyeen, una guteen ama u gudan waayeen xilalkii horyaalley iyo waajibaadyadoodii. Dhinaca sed-bursiga waxa qummanaan lahayd in halkaas laga baadho oo haddii ay ku takri faleen xilalkoodii oo ay beelahooda ku naasnuujiyeen, beelaha kalena ku duudsiyeen in halkaas laga soo saaro. Reer hebel baa shaqaalaha dawladda u badnaa kelideed macne iyo nuxur badan ma yeelanayso, keliya waxa ay shaashaynaysaa oo walaahow iyo been ku sii hubaynaysaa dhangaagaalayaashii baadida ka maqan meesha khaldan ka raad goobayey ee caddaladda ay tebayaan maqnaanteeda sharka ku doon doonaya ee  albaabada dulmiga garaacooda hor iyo hareero kuududa kambadhuudh ahaan!

Dantu waxa ay ku jirtaa uun in la helo madax aqoon iyo karti leh oo daacad ah, reeraha oo dhanna wadar ahaan ugu horseedi kara horumar iyo fulin caddaaladeed. Macno samayn mayso haddii shaqaalaha dawladdu dhinac u bato sababo badan dartood, ayna ugu muhiimsan tahay u diyaar garowga qofnimo iyo garashada wacyi ee dadku wadar iyo waaxidba u kala kasbadaan. Dadka qaar  baa ilaaliyaha xafiis wasaaradeed u yaqaanna xil dawladeed, qaarna macneba taasi uguma fadhido. Saw markaas khasab maaha in labadaas kooxood dawladda u kala dhowaanayaan, shaqaalahooduna u kala badnaanayaan. Haddii se taas goldaloolo laga dhigo saw gef ma noqonayso. Waxa kale oo jiri kara arrimo kale oo taas xidhiidh la yeelan kara. Waxa ka mid ah aqoonta iyo xirfadda oo la kala badsan karo lafteeda, degaanka, aaminaadda ciidda iwm.

Dareenka qabyaaladeed ee waallida ah ee nolosheenna bulsheed, gaar ahaan siyaasadda iyo hab-maamuuska dawladeed sida indhaha la’ ugu sii milmayaa waxa uu sii duminayaa uun garashada ummadeed; qaran iyo qof ahaanba.

Wq. Maxamed Baashe X. Xasan
E-Mail: mohamedbashe@hotmail.com

_____________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 WardheerNews.com