Dahabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

Md. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun
Baa Ku Jira

Bashir Goth
August 18, 2010

Cabdillaahi Cukuse
Af hayeenak Madaxtooyada Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Waxay warbaahinta Somaliland qortay digniin uu  Af hayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) uu u jeediyey saxaafadda isaga oo uga digay falanqaynta iyo faragalinta arrimaha Diinta iyo Qabiilooyinka.

Ma aha markii ugu horreysay ee Cukuse uu isticmaalo erayga “digniin”. Waxa la yaab leh nin sheeganaya Af hayeen Madaxweyne oo isticmaalaya erayga “digniin”. Haddaba waxa habboon in uu Cukuse ogaado in aan erayga digniini ku jirin xeeraka Afhayeennada Madaxda. Saxaafadda digniin lama siiyo, maxaa yeelay marka aad tidhaahdo “Waxaan uga digayaa” waxa daba taalla ciqaab, waxa ka dhadhamaya digtaatoornimo, waxay xambaarsan tahay “shaqo ayaan idinka qaban doonaa”, waxay la mid tahay ul taagan. Waa car juuq dheh haddii kale is jira. Digniini ma aha hadal ku habboon Afhayeen dal dimoqraadi ah oo xaqdhawraya saxaafadda xorta ah ee aad adigu weliba bahda ka ahaan jirtay.

Afhayeenka waxa looga fadhiyaa in uu erayada uu odhanayo ka fiirsado, eray kastana eego miisaanka uu leeyahay iyo macnaha uu xambaarsan yahay. Waa in uu wax kasta magaciisa ugu yeedhaa. Taasina arrin fudud ma aha haddii ay isaga la dhib yar tahay.

Waxa jirta sheeko tidhaahda faylasuufkii Shiinaha ee la odhan jiray Konfushiyas (Confucius) ayaa mar la weydiiyey waxa ugu horreeya ee uu qaban lahaa haddii dalka xukunkiisa loo dhiibo. In yar markuu fikiray ayuu ku jawaabay: “ Waxa ugu horreeya ee aan qaban lahaa waxa weeyi  waxaan sixi lahaa wax kasta magaciisa. ( I would rectify the names of all things).” Ninkii su’aasha u soo jeediyey ayaa isaga oo yaabban weydiiyey: “oo arrintaasi siday xukun wanaag u keeni kartaa?” Markaas buu faylasuufkii ku jawaabay:  “ Marka wax kasta magaciisu qaldan yahay, hadal caqliga gala laguma hadlo. Marka uu hadalku caqliga geli waayana waxna sida igu habboon looma qabto. Marka waxna sida ugu habboon loo qaban waayana dhismaha bulshada ayaa dhaawacma. Marka dhismaha bulshadu dhaawacmana ciqaabta iyo dambiga ayaa is le'ekaan waaya.  Marka ciqaabta iyo dambigu is le'ekaan waayaana dadku waxay garan waayaan wax ay sameeyaan. Ninka qummani  wax kaleba ha sameeyee waa in aanu hadal aanu u meel dayin ku hadal.”  Sidaas bay diinteenuna u tidhi: “ (Ilaahay) Aadam wuxu baray magacyada….Wa calama Aadma Al Asmaa…”

Haddaba Cukusow waa inaad garataa in erayga kaa soo baxa haddii aanad u meel dayin in uu dhaawac gaadhsiin karo Madaxweynaha iyo dawladdaba. Hadhawna aanad saxaafadda ku canaanan Karin. Marka waxa lagaaga fadhiyaa ma aha digniino aad bixiso ee waxa kuu bannaan in aad beeniso wixii aan jirin ee ay saxaafaddu qorto, bayaamisona waxa  runtu tahay. Ereyada aad adeegsan karto marka aad doonayso in aad saxaafadda toosiso waxa ka mid ah: “Waxa habboonayd, runtu waxay tahay, waxa wanaagsan, ilama habboona, way fiicnaan lahayd, waxaan talo ku bixin lahaa iwm…”. Markaa digniin maya.

Waxa kale oo aad saxaafadda uga DIGTAY in ay ka fogaato ka hadalka arrimaha Diinta iyo Qabiilka. Waxaase hubaal ah in aanay saxaafaddu abuurin muranka diinta iyo hadalhaynta qabiilka midna. Saxaafaddu waa dhuunmareen (medium) oo wixii dhaca ayuun bay werisaa. Qabyaaladda waxa baabi'isa caddaalad. Haddii ay xukuumadda jirtaa caddaalada baahiso qabyaaladda hadalhaynteedu way iska baaba’daa, laakiin ha ka hadlina kuma aasanto. Waxaad ogsoon tahay in Diktaatoorkii Siyaad Barre uu yidhi qabyaaladdii waan aasnay ee qofna yaanu ku hadlin, isaguna uu hoosta ku haystay. Markaa arrintiisu waxay ahayd aniga ayuun bay ii bannaan tahay in aan ku shaqaysto. Haddaba markaad amrayso saxaafadda in aanay qabyaalad ka hadlin miyaad illowday in ay saxaafaddu tahay ta looga baahan yahay in ay iftiimiso qaladaadka xukuumadda ee qabiilku ka mid noqon karo. Wuxuu hadalkaagu u eg yahay in aad leedahay indhaha naga weeciya waxbaan laaqanaynaaye. Ogsoonow saxaafaddu haddii ay u muuqan weydo qabyaalad ay xukuumaddu waddo, wax aan jirin iyana qori mayso.

Arrinta diinta waa laga hadli doonaa haddii xukuumaddu soo kala dhex gasho dadka iyo Ilaahay. Dadkeennu Muslim buu ahaa 14 qarni iyo ka badan. Markaa haddii Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu fidmo abuuro  oo uu yidhaahdo wixii aad soo caabudayseen aniga hortay waa waxba kama jiraan ee anigaa dariiqa toosan idinku ridaya, saxaafaddu markaas xaq bay u leedahay in ay dadka weydiiso in ay raalli ka yihiin iyo in kale. Xaq bay u leedahay in ay farta ku fiiqdo in diin waageeni ahi ina soo gashay, xaq bay u leedahay in ay sidii dacawga ka daba cido ciddii ummadda soofdaran habaabinaysa. Haddii aad doonayso in aad sida gorayada madaxa aasato, saxaafadda waxa ku waajib ah in ay dadka tusto in qaarka dambe oo keli ahi ku muuqdo oo uu madaxu ku aasan yahay.

Hadalkaagu wuxu u eg yahay in saxaafaddu damqaday boogo aad doonayso in ay qarsoonaato ama ajande aad soo wadateen oo aydaan doonayn in dadku ogaado. Haddiise ay kaa daacad tahay waxa fiicnaan lahayd in aad faahfaahin ka bixiso hadalada laga argagaxay ee fidna diineedka inagu abuuri kara ee ka soo yeedhay wadaadka arrimaha diinta loo dhiibay. Mase illoobay wadaadku in Idaacaddu hoos timaaddo Wasiirka Warfaafinta oo aanu isagu shuqul ku lahayn? Miyuuse illoobay in dalka xornimo ka jirto oo aanu cidna ku dirqiyi Karin bucsharad uu dibadda kala yimid?

Ogsoonow Cukusoow saxaafaddu aamusi mayso weliba waxa u dambaysa in ay badka soo dhigto halka wadaadku ka damqanayo iyo cidda uu gacan hoosaadka la leeyahay. Haddaba inta aad saxaafadda u dig iyo damlaynayso bal horta xukuumadda aad Afyayeenka u tahay bar sida wax walba magaciisa loo yidhaahdo adiguna u bilow, had iyo jeerna xusuuso in saxaafaddu mabda’eegu yahay: “wax la qariyo qudhun baa ku jiro.”

Bashir Goth
Email: bsogoth@yahoo.com

_____________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 WardheerNews.com