Image
Home Articles Somali Songs About us  

Reerku waa geerida maskaxda: “Shilkii wasiirdoonka”
By Cabdillaahi C. Cige
August 06, 2010

Wuxuu iskaga tiirsanaa derbiga hore ee hudheelka Summer Time, xabbad sigaar ah oo qayilaaddii xalay ka soo hadhay ayuu si xun u dhalaalinayay. Karah badan baa wejigiisa ka muuqday. Qanac ma ahayn se kalsooni badani indhihiisa ka ma muuqan. Wax uun baa ku lahaa ‘waxa jirta dhiillo’. Ma seegi kartid mansabkaaga, si weyn baa looga soo shaqeeyay, maxaa baas ee ka hor iman kara dallacaaddaadii shan iyo labaatanaad ayuu ku hamiyayay.

Wuxuu xusuustay shirkii xalay. Shir ma ahayn ee meel waalli lagu hayo ayuu dhex fadhiyay. Isaga se waalli lama ay ahayn. Maxay u la ahaanaysaa sow dalka oo dhan sidaas loo ma wada shaqeeyo, go’aan aan guriga waallida ka soo bixin dalka lagu ma dhaqo, sidaas aawadeed wax kasta oo waddanka ka shaqeeyaa waa waalli.

Ilyarta ayaa isqabatay. Waxa meel halkaas ah oo isaga wajahaddiisa ku beegan fadhiyay odaygii reerka. Oday reer xalay uma uu ekayn. Calyada cagaaran ee afka ilkihii dhawr ka maqan yihiin uu soo casharinaayo ayaa dhabtiisa arag xun ka samaysay. Taqsiin aan loo meel deyin ayuu labada canba ka buuxsaday. Sidii diinka ayuu hadba geedo kuusan oo dheecaankii laga muudsaday soo tufayay. Waxa ku xigay suldaankii guud ee beesha. Isagu sida odayga reerka uma qabshaash xumayn, waxa aad moodaysay inuu geedaha cunistooda iska yara basriyay, wuuse ka sigaar cab badan yahay odayga. Qiiq aad wershedihii dhuxusha lagu shidi jiray mooddo ayaa gadhkiisa damashka ah ee minyaradiisa afraad xinnaha ku asashay hadba gees u xulayay.

Suldaanku ma hadal badna. Uma baahna inuu hadal bato, waxa hadalkiisii jeebka, gosha iyo madaxaba ugu haya sarkaalka beesha oo garabkiisa midig fadhiya. Sarkaalku waa sarkaal aan in badan derejo xidhan. Haddii uu dal miyirqab ku shaqeeya joogi lahaa wuxuu noqon lahaa hawlgab gunno yar oo nololmaalmeedkiisa ugu filan iska qaata, wargeys yar aroortii iibsada dabadeedna  shaah iyo keeg yar ku dul akhrista. Miyuu se joogaa dal miyirqab lagu dhaqo, waallidaas uun buu ka mid yahay oo sarkaal bilaa derejo iyo gunno ah u yahay. Wuxuu qayb ka yahay dareenka iyo baalasha reerka oo suldaanku u mudan yahay, odayga reerkuna ku xardhan yahay.

Sida garbaha suldaanka looga sii kala fog yahay ayaa derejada iyo mansabka reerka loo hayo na loogu sii kala hooseeyaa; hadda na bal ammuurta ilaahay loo sii kala hawl badan yahay. Halkaas meel ah oo odayga reerka, suldaanka guud iyo sarkaalka ba ka durugsan waxa soo fadhiya nin gaaban oo garan yar oo uskag badan dusha ka xidhan. Goorahaas ba wuxuu suldaanku uurka ka lahaa ‘tolow may qofkaas baas yidhaahdaan shaadhka ha iska bixin ama garan nadiif ah soo qaado’.

Ninka sidaas garankiisa uskagga leh loo quudhsanayaa waa xubinta ugu mudan dareenka beesha. Waa ninka kicin kara ciyaalka wax shiida, haweenka buuqa iyo dabley hubaysan haddii ay ka fursanweydo. Ma aha belo doon waa beel doon. Sida sarkaalka isaga cidi dugsi aqoon lagu barto ku ma darin. Waa fariid oo haddii fursaddaas la siin lahaa wuu dhaami lahaa sarkaalka se waxa gabtay wax ba maad dhigan. Waa ninka hawsha caawa halkan loo fadhiyaa haddii ay fuliweydo beeshu dhankiisa u eeran doonto, waa cawaaqib sameeye, ka awood iyo saamayn badan odayga reerka, suldaanka iyo sarkaalka oo la isku daray.

Hammigii xusuusta shirkii xalay isaga oo ku foogan ayaa aleenkii jeebkiisa ku jiray qalindaaray. Degdeg ayuu xabbaddii sigaarka ahayd oo mar hore gurigeed ba’ay dhulka ugu maguujiyay oo aleenkii soo dhiftay. Waa lambarkii suldaanka, waa warkii uu sugayay. Farxad iyo naxdin is gelbinaya ayaa wada saaqay . Dhabbannada ayaa kurbaday, dhidid baa faruuryaha sare qarqiyay, saanta wejiga ayuu giigsanaan ka dareemay. Waxa kordhay xawligii wadnihiisu ku garaacmayay. Yididiiladii goorahan ba naxashka sii saarrayd ayaa dib u soo noolaatay, soo kacday oo baabuurkii wasiirnimada fuushay. Wallee kaasi waa suldaan intuu laabta iska yidhi ayuu hadalkii furay;

“Salaamu Calaykum Suldaan, ii warran, ii warran?”
“Calaykuma salaam” ayuu si qabow u yidhi.
“Warkii farxadda lahaa ee aynu sugaynay ii dhiib” Kuye.
“Isbeddel baa waddankii ka dhacay”
“Taas waan ogahay”

“Arrimo badan oo fiiro gaar ah, in dhugmo loo yeesho iyo in la tixgeliyo mudan ayaa meesha yimi”
Waar muxuu baase ka hadlayaa ayuu uurka iska yidhi oo ka war dhawr iska garwaaqsaday.

“Sida aad og tahay madaxweynuhu muddo imika door ah ayuu ka fekerayay golihiisa wasiirrada ee cusub.”

“Suldaan, suldaan bi kulli ixtiraam waxa madaxweynuhu qabanayay muddadii la doortay shaqadeenna maaha ee warka aad inooga siddaa waa maxay?” Ayuu isaga oo durba yididiiladiisii naxashkii iskaga noqotay ku la ciiray suldaankii.

“In aynu beel ahaan iyo qof ahaan kolka hore isla fahamno hawlaha soo kordhay oo la jaanqaadno jawiga cusub ayaa loo baahan yahay” kuye suldaankii.

“Taasi waa arrimaha aynu shirkii xalay ku dhammaynay, reerka mawqifkiisu wuu cad yahay. Taageerayaal ururka cudud iyo cuud ba siiya ayaynu nahay. Codbixintii reerkeenna cid ka badani ma jirin. Wallaahay inaynu Shiine nahay baa tiradeenna loo qaatay. Kolkaas inaynu jawiga cusub la jaanqaadno mar hore ayaynu go’aansannay” ayuu hadal dheer ku soo negeeyay oo suldaankii ka war dhawray.

Meel baa wax ka si yihiin, wuu dareensan yahay in warwareegga suldaanku ceeb soo wado. Durba wuxuu niyaddiisa ka sii baadhayaa tallaabadii la qaadi lahaa. Ninkii garanka yar ee uskagga ah gashanaa ayaa madaxiisa ku soo dhacay. Ka kordhi ayuu is yidhi oo sarkaalka talo weydii. Qoryo badhdalool ah imisa ayuu reerku haystaa? Wilaayo Islaami ah haddii degaankiinna aad kaga dhawaaqdaan cid seko debedda idiinka soo diraysaa ma jirtaa tolow ayuu ku hammiyay.

“Go’aanka madaxweynuhu waa xul ee  xal maaha” ayuu suldaankii soo laliyay.

“Xulku sow wixii aynu u baahnayn maaha? Miyaan aniga beeshu isoo xulan? Sow anigu wasiirka ugu aqoonta badan ee weligii soo taagnaa ma ihi? Sow tii xitaa aniga oo waalan oo heelalyaysanaya wasiirka la ii magacaabay maaha?” Kuye.

“Taadu xal bay ahayd tani se waa xul. Maxaad taqaan ayaa maanta madaxtooyadii ku heestay?”

“Futadii aabbihiin baan aqaan” Nacas maaha, waa nin weligii ba tororog ku shaqaysan jiray. Kolkuu dareemay in mawjaddu dhankiisii ka baydhay ayuu furta tuuray.

“Hooyadiin iyo aabbihiin iyo jagooyinka aad bixinaysaan ba wasa ku dheh. Haddii aan ciiddu dhaqaaqin Jirikaan la ima yidhaahdo”
“Waar nebiga ku salli, nebiga ku salli” suldaankii oo u muuqda nin isagu is meeleeyay ayaa ku maslaxay.

“Adiguba ku salli, ma meel salli laga akhriyo ayaynu maanta joognaa. Reerkii waxaad ogayd oo siigo iyo boodh ah ururka u soo kiciyay haddii maanta taladoodii la baal maray sidee nebiga loogu salliyayaa?”

“Waar bal horta shaydaanka iska naar. La inna ma qadin.”

Eraygaas ‘la inna ma qadin’ kolkuu maqlay ayuu hakaday oo waxa suldaanku soo wado ka dhursugay. Wuxuu jalleecay dhankiisa midig. Dadkii hudheelka Summer Time barxaddiisa ku cuntaynayay ayaa maanta dhan riwaayadda meesha ka socota daawasho ugu dhintay. Gabadh laba carruur ah wadatay oo qurbejoog u sansaan eg ayaa miiskeedii ka digarogatay si ay afxumada wasiirdoonka ubadka uga la fogaato. Muddalab kaftan miidhan ah ayaa isagu na cataabkii wasiirdoonka balwad u rogay; fooq dheer gado baan, u feydnaayoo, foodkaa reerka waan, ku faanayaye, allaylehe futadiyo figta u dhacay.

Intuu eegmadii macmiisha hudheelka ka yara qajilay ayuu dhankaas telefoonkii ula yara dhaqaaqay.

“Reerka lama qadin. Wasaarad wax ku ool ah, wasiir u qalma iyo mansab aynu ku faani karno ayaa la ina siiyay. Ninkii aad ilma adeerka ahaydeen ee Temeshle ayaa jagadaasna loo gartay. Aniguna arrinkaas madaxweynaha waan ku raacay.”

“Temeshle, temeshle, nasabka temeshle iyo ka madaxweynaha iyo wixii soo raaca ba anigaa wasa” Waayiradii u dambeeyay ee Jirikaan maskaxdiisa ka bedqabay ayaa warkaasi si wanaagsan u xarqiyay. Qaylo iyo jibaad ayuu isku daray. Sidii qaalin laba jir ah oo takari ku didday ayuu takaradhabad la dhababaceeyay. Tiirada jidka u soo baydha hudheelka Summer Time ayuu kor u qaaday.  Dhankaas iyo dhankaas isaga oo aan eegin ayuu dhababaco waddadii kaga gudub is yidhi.

Shan daqiiqo ka hor waxa gurigii hore ee madaxweynaha cusubi degganaa si cadho leh uga soo dhaqaaqay baabuur afarqaadaya oo uu shukaanta hayo nin ay Jirikaan aad u saaxiib yihiin oo Gorod la yidhaahdo. Waa nin sida Jirikaan ku koray, ku bararay, oo ay saaqday xil xumaynta wasiirnimadu.

Tabtaas Jirikaan ayuu isagu na beeshooda ballanqaad kaga haystay inuu noqondoono wasiirkooda dawladda cusub. Tabtaas oo kale ayaa war aan lagu farxin loogu dhiibay. Tabtaas oo kale ayuu intuu afaf badan oo uu yaqaannay ku caytamay baabuurkiisii laamiga cagta u soo saaray oo dhankaas iyo Maansoor oo madaxweynihii cusbaa qolo qalaadood shir ku la lahaa u soo caytaamiyay.

Gorod iyo Jirikaan waxa isugu dambaysay habeen hore. Labadu ba farxad ayay ku wada qayileen habeenkaas. Nin wali ba kalsoonidii adduunka ugu ballaadhnayd ayuu ku qabay inuu jago aan cidi loodin karin reerkoodu u soo bisleeyay. Xalay kolkii Jirikaan suldaanka, odayga reerka iyo inta kale uu la shirqaadanayay Gorod na intaas in le’eg oo u eg oo u ra’yi iyo maskax eg, se reer kale ah ayuu shirinaayay. Dhawr iyo toban jeer ayay telefoonka ku wada hadleen intii shirarkaas qayilaadda ah nin ba gees kaga jiray. Ballantoodii u dambaysay waxay ahayd faan aan la isu la hadhin oo nin wali ba kuraasida xafiiskiisu midabka ay noqonayso ka kale ugu faanayay.

Kulankii u xigay waa kan Summer Time ka ag helay. Gorod oo cadhada haysaa heerkulkiisa boqol derejo dhaafsiisay ayaa baabuurkiisii oo uu si xun cunaha u hayo dhabbada soo saaray. Jirikaan nin baabuur iyo jid mid na muraad ka leh ma aha. Wuxuu weli cay iyo hiirtaanyo ku daldalayaa suldaankii aleenka dhanka kale kaga jiray. Suldaanku waa yaabban yahay oo wuxuu is leeyahay tolow yaa kan baas kaa dammiinta. Codsigaas suldaanku mid meel dheer laga doonay ba ma noqon.

Gorod arag inuu wax culus taayirada la haleelay. Garay kolkii dadku soo yaaceen in meesha shil ka dhacay waxa se ku mudan arrin kale. Intuu soo degay oo noole dhulka wadhan aad u dhugtay ayuu dadkii soo gurmaday indhaha ku caddeeyay oo si kulul u yidhi;
“Waar ma Jirikaan baa qofka meesha wadhani?”
“Haa!” ayaa cod wada jir ah loogu dhawaaqay.
“Miyuu nool yahay?” ayuu Gorod weydiiyay wiil xawlal mariidka Jirikaan farta ku hayay.
“Maya ayaan u malaynayaa”

“Is he dead?” ayuu afqalaad ku weydiiyay. Yarku waa fariid afaf badan fahma.

“Yes, he’s certainly dead” ayuu ugu warceliyay.

“Fuck him then” intuu yidhi ayuu baabuurkii daaqaddiisii soo furay oo cidhibta ku dhuftay. In yar markuu socday ayuu joojiyaha qabtay oo daaqadda qoorta kala soo baxay; “Isagu dhimay, wasiirnimadiisiina la dhimatay. Anigu se waan noolahay, wasiirnimadaydiina weli ma dhiman. Bal waa cidda aniga iyo odayga dawladda soo dhisay na kala furdaamisa. Xul ku lahaa, xeradaa iyo xaydaantaa ba ba’day” Intuu yidhi ayuu dhankaas iyo Maansoor baabuurkii u cayntaamiyay.

Cabdillaahi Cawed Cige
E-Mail:edleh@hotmail.com

_____________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 WardheerNews.com