|
![]() |
|||||
Geeridaas ololaha ku qaadday rug-caddaagii fanka iyo suugaanta Soomaalida waxaan iyana ka nabad galin da’da soo koraysa ee la quuddarraynayey inay buuxin doonaan kaalinta ay banneeyaan kolba inta waqtigoodu dhammaado. Tusaale waxaa ah geeridii lama-filaanka ahayd ee dhawaan meel Burco u dhow shil baabuur ku gaadday Nuura Maxamed Cali oo ahayd ubax qaali ah oo u hillaacay halabuurka Soomaalida (Dheeg suugaanteeda ka mid ah ka eeg Wargeyska Halabuur Vol.3, 1&2, Pp. 85 - 86). Qudbigan u dambeeyey qalbi-fuqa geeridiisu nagu dhalisay waa mid ka qota-dheer qof qura oo god galay. Waxay damaqday dhaawacaas in dhawaale maalin walba daqarku ku dhacayey. Waa oohin orgiga ka weyn. Waa tiiraanyo ay xoojinayso xusuusta xilligan xun ee cimri-dadajinaya caqligii ummaddan, wallow ay ajashu iska qoran tahay. Dadka halabuurka ah dareenkoodu aad ayuu uga xasaasisan yahay kan dadka kale. Aad ayay ugu nugul yihiin saamaynta dhibaatada dalkooda iyo dadkooda. Waxay isa saaraan xil culayskiisu mararka qaar ka tan weyn yahay. Qalbijabka badan iyo culayska weyn ee maskaxda la saaraana waxay keenaan cimri-degdeg. Saalax Xaashi Carab wuxuu ka mid ahaa bahdaas. Wuxuu isugu jirey wax badan. Wuxuu lahaa hibooyin isku dhafan. Wuxuu isku hawlay kana soo dhalaalay arrimo aad u kala duwan. Wuxuu ahaa askari, injineer, agaasime, abaabule, aqoon-yahan iyo abwaan khayaalkiisu aad hodon u yahay. Naxariistii janno Allaha siiyee, abwaan Saalax wuxuu ku dhashay magaalada Ceerigaabo, 10kii Oktober, 1955tii. Tacliintiisa Quraanka iyo dugsiga hoose wuxuu ku bilaabay Ceerigaabo, ka dibna tacliin-dugsiyeeddiisa wuxuu ku sii watay magaalooyinka Laas Caanood, Taleex iyo caasimadda Muqdisho oo uu markii dambe u wareegay. Tacliinta sarena wuxuu ku soo qaatay Azerbaijan oo waqtigaas ka tirsanayd dalkii la isku oran jirey Midowga Soofiyeti. 1973dii ayuu galay Akadeemiyada Ciidanka Badda ee ku taal caasimadda dalkaas ee Baku. Wuxuu ka qalin jabiyey 1977, wuxuuna ku takhasusay culuunta isgaarsiinta iyo warbaahinta. Taariikhdiisa shaqada, Saalax shaqooyin dhawr ah iyo xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay Soomaaliya burburka ka hor. Shaqadiisii u horreysey wuxuu ka bilaabay ciidammadii badda ee Soomaaliya oo uu ka ahaa sarkaal farsamayaqaan ah. Ka dibna wuxuu sannado badan ka shaqeeyey wasaaraddii Kalluumaysiga iyo Khayraadka Dadda oo uu ka qabtay masuuliyado agaasin ah. Markii uu imminka geeriyoonayeyna wuxuu macallin ka ahaa Machadka Fanka ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Muddadii u dhexaysey 1977 – 1991 ee uu u shaqaynayey Wasaaradda kalluumaysiga iyo ciidammada badda, Saalax wuxuu isla waqtigaas isku hawlay diyaarinta qoraallo kala duwan. Tiro gaaraysa illaa 7 buug ayuu qaarna qoray qaarna tarjumay. Badi waxay ahaayeen buugaag farsamo oo la xiriira xirfaddii uu ku soo takhasusay, sida qalabka war-isgaarsiinta, kalluumaysiga, nabadgelyada badda iwm. Ka dib qarixii dagaalka sokeeye iyo burburkii dalka ee uu sababay, Saalax wuxuu isku hawlay arrimaha siyaasadda. Wuxuu ka qayb-qaatay bilowgii shirarkii dib u heshiisiinta, sida kii Sodare, Ethiopia,1996, iyo dib isu abaabulkii SSDF ee aakhirkii looga shidaal-qaatay asaaskii dawlad goboleedka Puntland, 1998. Xilligaas Saalax wuxuu xoogga saaray dib u soo noolaynta ilaha dhaqaale ee ku aaddan xirfadihii uu ku takhasusay. Wuxuu khabiir ahaan gacan weyn ka geystey asaasidda ururro iyo iskaashatooyin kalluumaysato iyo kuwo ay leeyihiin xoogsatada faleenka ee gobollada woqooyi-bari.
Wixii ka dambeeyey dabayaaqadii sagaashannada, Saalax Xaashi Carab wuxuu hawlgalkiisa u jeediyey aag cusub, dhinac ka duwan kuwii uu hore isug hawlay. Wuxuu u banbaxay cilmi-baarista Afsoomaaliga iyo curinta suugaan Soomaaliyeed. Qalin iyo xaashi, qoraal iyo kombiyuuter ayuu dul rundudsaday. Wax kale oo dhan faraha ayuu kala baxay. Dadaalkaasi wuxuu dhalay lix buug oo isugu jira cilmi-baaris afeed iyo curis suugaaneed. Kii ugu horreeyey ahna kii uu abwaanku ku soo caan-baxay wuxuu ahaa qaamuuska Afsoomaaliga ee la magac baxay Ileeye. Kaas oo waqtigaas (2004) ahaa eray koobayaasha Afsoomaaliga kii ugu weynaa ama ugu hodansanaa. Illaa 40.000 oo eray-fure ayuu micnaynayaa. Buuggani wuxuu qayb ka ahaa hawlgal ururin iyo darsid ah oo uu Saalax Xaashi ku foognaa muddo ka badan siddeed sannadood. Wuxuu isku mashquuliyey u fiirsiga Afsoomaaliga naxwihiisa iyo eray-saafkiisa. Waxaa uga dhex muuqday daldaloollo iyo qabyo badan. Wuxuu go’aansaday inuu dajiyo hab ula muuqday in lagu qabya-tiri karo hannaankii qoraalka ee la dajiyey horraantii toddobaatannadii qarnigii hore. Hannaankaas oo wax ka beddelaya waxna ku biirinaya hiiggaaddii hore loo dajiyey ayuu ku dhaqan galiyey qaamuuskiisa cusub. Waxaa jirey dhawr dood-cilmiyeed oo lgu qabtay Jabuuti oo Saalax ka soo jeediyey fikradihiisa iyo hindiseyaashiisa cusub. Doodahaas, oo aan qaarkood qudhaydu ka qayb galay, waxaa jirey aqoonyahanno iyo waxgarad Saalax kula taliyey inuu dib u dhigo dhaqan-galinta hannaankiisa cusub illaa laga galinayo doodo lagaga bogto, si wadajir ahna loogu go’aamiyo. Haseyeeshee Saalax taladaas muu qaadan ee wuu ku tallaabsaday inuu qaamuuska u higgaadiyo habkii isaga uga soo baxay cilmi-baaristii uu galay. Saalax Xaashi Carab asagoo la rafanaya cilimibaarista Afsoomaaliga iyo diyaarinta buugaagtaas kala duwan oo Geeska Afrika marba waddan habeen-dhaxmo u tagaya, duruuftuna ku adag tahay, ayaa waxa u gurmaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Wuxuu dajiyey magaalada Jabuuti. Halkaas oo uu ku taakuleeyey wax allaale wixii uu u baahnaa si uu u dhammaystiro cilmibaaristii iyo qoraalladii buugaagta. Markuu dhammeeyeyna wuxuu kafaala-qaaday maalgalinta daabacaadda buugaagtan iyo faafintooda. Sababtaa awgeed , Saalax wuxuu dhammaan buugaagtiisa ku qoray mahad celin weyn oo uu ku tilmaamayo inay ku adkaan lahayd soo saarista buugaagtan la’aabta gacantii hagarla’aaneed ee uu ka helay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Eebbe ha u naxariistee, Saalax Xaashi Carab wuxuu ahaa geesi hal adag oo aad ugu dhiirran wixii ugu muuqda inay xaq yihiin. Taasi marmar waxay la gaari jirtey heer dadka qaar ku tilmaamaan nin madax adag. Tusaale waxaa ah sidii uu ugu adkaystay waxyaalihii uu ku soo kordhiyey higgaadda far Soomaalida. Wuxuu ahaa waddani ku seexda kuna soo toosa wanaagga dalkiisa iyo dadkiisa iyo u hiillinta xaqa. Wuxuu ahaa nin aan marnaba ka harin, meel kalena uga jeesan hawshii uu ku dhaqaaqo, illaa uu ka mira dhaliyo. Wuxuu ahaa bulshey dabeecad macaan oo soo jiita saaxiibbo badan. Isku wada duuboo Saalax wuxuu ahaa la-higsade ay habboon tahay inay ku daydaan da’da soo koraysa, siiba kuwa ay ku duugan tahay hibada halabuurnimo. Saalax Caashi Carab wuxuu magaalada Jabuuti ku geeriyooday habeen jimcaad oo ku beegnaa 19kii Agosto 2010. Wuxuu ifka kaga tagey laba xaas iyo carruur badan. Waxaa lagu sagootiyey aas qaran oo ay ka qayb galeen dad aad u fara badan. Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen madaxda sare ee Dowladda Jabuuti, aqoonyahanno badan iyo guud ahaanba bulshaweynta reer Jabuuti oo ay safka hore kaga jireen ardaydiisii. Ilaahay naxariistii janno ha ugu roonaado. Maxamed Daahir Afrax ______________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
|