
|
Sheeko Gaaban: God Madow
Wq. Axmed Riiraash
April 16, 2010
|
Waxa uu marayaa wadda cad, maalinba mid ayuu la kulmaa. Tu yar oo cusub ayaa hadba goob loogu keena ama hoyga uu daggan yahay, isagoo taas ka jecel midiba tay ka yar tahay, ee ka jidh iyo jaah qurux san tahay, niyadna wuu u hayaaa. Waxa uu hayaa oo kale hanti mood iyo noolba. Si ay ku soo gashay ma yaqaan, balse waxa uu arkay isagoo gaadhi cad iyo guri fiillo ah daggen. Marar sii horraysay ayuuse maleeyey inay ku soo gashay, si khamaar ah ama bakhtiyaanasiib ah. Waa kaas joonyad lacag ah kala yimid meel gacal iyo xigaal ba ka dheer, oo dadka gumoobay dagan yihiin. Dadkaas si aanu garanayn loogu gumeeyey, isaga maxaa ka galay waxa la gumaynayo, waxa uu ka helayba tii Ilaahay e, oo aanu dhidid iyo shaqo toona u soo marin.
Si kale haddaan u dhigno hantidaas hadduu sanooyin badan u shaqeeyo may soo gasheen, waxase uu isku arkaa nin dadka ka fil iyo faan roon, oo qayrkiii dhaafay. Marar badan waxa uu maleeyey in uu yahay ninka dunida ugu nasiibka badan, laakiinse xisaabta kumuu darsan inay hantidu maamulkeedu arrin adag tahay, iyo in ay la jiidhi doonto meel ka soo noqoshadeedu adagtahay. Haddase waxa uu ku jiraa laydh iyo hawada sare raacayeey!!!
Guriga uu tago, waxa ugu sii diyaar ah, qaar u raxleeya, waxa uu dirtana fadhiga ugu keena. Marka uu soo galo, waxa u horreeya ee uu iska eegaa inay tu’ gadahiisa ka wayn meesha ku jirto. Waxa uu u haystaa in taasi ka burji wayn tahay, oo haddiiba saqda dhexe marka loo kala tago, ay iyadu ka xoog iyo xilo badnaan doonta kana guulaysan doonto. Marka uu mid noocaas ah isha la helana waxa uu tagi jiray, meeshiisa labaad ee uu ku nasto, kana helo curdinka uu isagu libinta ka heli doono, wakhtiyada khayr ku seegay, ee danbe.
Maalinba majlis cusub ayuu tagaa, oo ku barjeeyaa, kuna baraarugaa heeso qaaci ah oo midiba ta kale ka dhadhan iyo nuxur macaan tahay. Lacagta wax uu ugu daadiyaa si aan caadi ahayn. Tolow sow lacagtuba ma aha mid aan loo dhididin oo bilaash kumay soo galin, ? Maxaa diiday in uu sidaas oo kale u qubo ? Mooyi !
Habeenkan saacaddu waxay ku luudaysaa kowdii habeenimo, mid walbana waxa ku duxay mirqaan aan kii sii hore ahayn. Waxa uu caawoo dhan ishaaqsanayey toddoba iyo toban jir kobta ku cusbayd oo iyaduna si kale u firkanaxsanayd. Waxa uu is yidhi waddaday ku socoto ayey malaha ka werweraysaa iyo halkay la mari doonto? Maxayse uga naxaysa sowtan dhex fadhida, maxaa keenay? Tu samada ka timid oo ka gu iyo gado waynayd ayaa ku soo qasabtay in ay maanta garabka ku darto, oo ay raacdo. Iyada waa gaddeed oo dhacdhaceeda ayaa badanaya, maalintaasna kharash badan ayey ka taaban doontaa ragga meesha leh, ee markasta gogosha fidiya, si ay ugu gumeeyeen yaryarkan towbadda seegay.
Waakaas isku qaaday tii yarayd markii loo kala tagay, iyadna mabay filayn waxan oo kale oo balwadda ku cusub ayey la ildarnayd, oo tamarteedii dhintay, oo wax alla waxii sheeko ku duugnayd soo faqday. Waataas waxba qarin wayday, ee haddana mid ba lugta saarta. Saa iyadoo sheekadii wadda waataas ku war heshay qof xagga sare kaga yimid oo ka awood iyo itaalba roon. Ismay lurin, iskamayna difaaciin ee aayar ayey isku dhigtay. Malaha iyaba way u baahnayd oo maskaxdeeda ayaa maqnayd. Waxayse u haysatay waxay goorahan ba filaysay, halkaasna kaga xaajo guday. Kuwa kale oo ka danbeeyeyna sidaas iyo si ka daran ayuu ku muquuniyey, tu kasta oo uu sidaas u galana halkaas ayey ku baaba’daa waxayna ku danbaysaa godkaas madow.
Tin iyo cidhib dhidid ayaa qooyey. Waxa uu isagu isku masaxayaa tuwaal halkeer yaaalla, oo kolba dhinac uu u rogayo, oo dhinac qoyan maahee dhinaca kale isaga masaxayaa, wuuna isku qallajinayaa. Marka uu is qallajiyo, haddana dhidid kii ayaa sidii oo kale uga soo daadanaya. Waxa horyaalla falaasad shaaha ah, oo aad mooddo in sonkorta lagu badiyey, caleentana laga yareeyey. Laba iyo saddex jeer oo wakhtiba u dhaxayn ayuu fuuqsanayaa. Ma oga waxa nasiibku iyo calafku u maleegayaan. Ma cid baase taas ka warqabta, soo qof walba wixii qadar ah ee ku dhaca kun sano kama wayna. Haa, laakiin caawa waxa uu ka fikiriyaa wax aanu hore uga fikirin.
Waxa uu xasuusanayaa qaar tolkiisa ahaa oo mag iyo diyo u soo doontay, oo waxba uu u dhiibi waayey. Waxa kale oo uu xusuusanaya nin walaalkiisa ah oo lacag uu ku shaqaysto u soo doontay, oo ka jeestay. Waxase uu hadana arkayaa sida dhibta yar ee dadkay isku madasha yihiin lacagta uu ugu qarqinayo. Ahey ah!!
Takhsiinta wajigiisa aad mooddo inay ka soo buuran tahay, marka uu gacanta ku salaaxaba fikirka ayaa la sii dheeraanaya. Waxa uu dhex xulayaa hirar iyo mawjado uu awal is diidsiin jiray, maantase waakan si badheedh ah uga fikiriya. Dadka la fadhiya oo dhan waxa uu u haystaa inay habaaran yihiin, oo laga inkaarsaday. Haddana in ay yihin dad inkaarta iyagu qaybinaya ayuu is tusaa.
Wajigiisu waxa uu ku beegan yahay, mid curdin ah oo gugii siddeed iyo tobnaad madaxa la gashay. Waxa uu is waydiinaya intaas ka dib waxa dhib ah ee ay la kulmi doonta hadii ay sidan ku sii socoto. Sawtaa habeenba nin jeebkiisu buuxa jeeniga ka raacday ayuu si foojigan maskaxdiisa uga arkayaa. Maanta waxa uu dareensan yahay inay balwaddan ku cusub tahay oo ay xiiso gaar ah u hayso. Waxay kolba hagaajinaysaa, diraca oo ay mar si baylahsan u urursanaysaa, mar kalena si kale u bannaynaysaa, si ay u tusto, oo ay u qanciso isaga.
Shaah si ugu daatay ayey ka masaxaysaa oo waa shaqadeeda. Waxa ay ku miyir doorsan tahay soo isagu muu bixin? Haa inuu isagu leeyahay ayey u haysataa. Waa runoo isaga leh. Marada ayey aayar isaga qaadaysa si dadkan la fadhiya quruxdeeda u tusto. Naaso ugub ah ayay soo saartay iyo bawdyo cigaagan, xaluuskana dhinac aanay filayn ayey ka bannaynaysaa. Oo quruxda tallow ma qaawanaanta ayey u haysataa,? Mayee waa dar maskaxdoodu baddalan tahay oo meeshay dhex socdaanba aanay ahayn duni la is asturo. Marka la soo galayo godkan ayaa xishoodka iyo akhlaaqdaba lagaga yimaaddaa albaabka hore ee guriga. Waase caado qabatintay, dhaqan doorsoon, iyo balwad jacayl. Marse sidan hadday ku sii socoto, soo habeenba mid ma qabanayo, oo inta iyadoon is ogayn sariirta la geeyo laguma dul macaashayo, oo si dhaqanka iyo milgaha ka baxsan la isuguma dul galgalanayo. Haa, oo waliba wax diinta ka arradan la iskuma dhiib dhiibayo. Sowtaa dar aan aabbe lahayn maalinba meel kaga tagtay, aakhirkana god madow oo kale afka lagaga tolay sidaasna ku aakhiro seegtay.
Isagoo sidaas iskula maqan ayuu haddana dhinac kale ka eegayaa, oo uu malaynayaa haddii ayna godkan soo gali lahayn, soo wax barasho hoose iyo mid sareba may dhammaysateen. Marka xigana duni wacan oo tan ka aayo wanaagsan may dhex xaluusheen, oo oday wanagsanna shaaha umay kariseen, iyadoo ubadkeedana aqoon fiican ku ladhi lahayd. Waxa uu is tusayaa in godkan la'aantii ay tawbad wanaagsan oo dadkeeduna sharaf ku leeyihiin ay haleeli lahayd.
Haddana wuu is ilowsiinayaa arrinkaas oo waxa uu aaminsan yahay haddayba godkan madaxa la soo gashay, inaanu ka soo noqosho lahayn. Isagoo taas og ayuu haddana qirayaa inuu isagu masuul ka yahay, kuwa uga horreeya ee hilbahooga ku cunaya bilaa dab, oo meel xun markasta ku jujuubaya. Maxaad adiga isaga dayn wayday, si aan eed laguugu raacin ayuu niyadda ka malaynaya. Balse taas maxuu ku og yahay soo hawo aduun iyo tumasho naftiisu kumay riixayn.
caaawa markuu u qadhaadhki ka tan batay ee uu fikirkii ka soo noqday ayuu si aan hore looga baran tufayaa waxii canka ka kuusnaao, oo biyo raaacinayaa, findhicil wayna la gandiidsanayaa. Wakhti aan wakhtigii uu kici jiray ahayn ayuu kacayaa, guri wayn oo fiillo ah oo uu lahaa ayuu dhex tagayaa, ishana la raacayaa waxa guriga dhex yaallaa. Ma caruurbaa? Maya, ma hooyaa? Maya. Ma walaalbaa? Maya. Nin wax dhaqday ma'aha, waxas uu arkayaa in miis iyo kuraas cadcad meesha yaalla. Beri hore ayey si daayeen gacal iyo xigaalba. Wax dhaqo, waxna dhiso ayey ku caloobeen, xataa guurso ayey ku kari waayeen. Maantase waxa uu og yahay inuu duul badan hawada ka qariyey oo god madow ku danbaysiiyey, naftiisuna waxa uu ka bixi weydey isla hadal. Haddase inuu cadaab ka soo baxay ayuu caawa oo qudha dareemay. Muxuu u dareemi waayey markii hore? Haa, waa run ee muxu u dareemi waayey? Isagaa taas kaa og’ oo u badheedhay, ee maxaa kaa galay.
Habeen kaas intuu alaabtii laalaabtay, ayuu subaxii xigay ka duulay dhulkii u fidnada iyo fadhi xumaanta uu ka waday. Adaase iga og in uu god madow ku danbeeyey iyo in kale. Waayo sow dhulkiinna umuu soo hayaamin. Haddii aad og tahay halkaas waxa uu ka wado ii soo sheeg si aan uga sii anba qaado sheekadiisa, malahaygase waxay ila tahay inuu god madow uu ku danbeeyey. Waxaan hubaa uun in kuwii uu ka tagay ee habeenkii ka soo kacay, ay god madow ku wada danbeeyeen..
Axmed Riiraash
E-Mail: ahmedrirash@gmail.com
_____________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2010 WardheerNews.com
|