DHIBCIHII IS DHAAFAY
Wq. Xasan C. Madar
April 27, 2010
|
Waa gugii 1968kii Cumar Maxamed Warsame (Xiinwaal) wuxuu farriintan u dirayaa saaxiibkii C/raxmaan Carte Qaalib oo ka mid ahaa aqoonyahankii dalka oo markaa qurbaha ku maqan. Waa xilli doorashooyin iyo arrimo soo socdaan oo wadnaha farta lagu hayo, khaati laga joogo nidaam dawladeed la karhay. Isbeddel aad baa loo doonayaa, ma hubo in ducada lagu daray isbeddel khayr qaba iyo in kale ,laakiin sideedaba marka dadku wax ka daalo waxay yu’daan in waxaasi meesha ka baxo. La iskuma hawlo waxa beddeli doonaa waxa uu noqon doono oo waxa la qabaa in wax kastaa dhaami doono waxa markaa taagan. Waxa la qabaa in meeshii ugu xumayd la marayo oo aanay meel ka liidataa jirin sidaa darteed isbeddel kastoo yimaad ka wacnaan doono ka markaa jira.
Cumar Xiinwaal wuxu farriintiisa ku gudbinayaa gabay oo ah heerka ugu sarreeya ee soomaalidu farriimaha iskugu gudbiso marka la doonayo farriintaasi inay noqoto mid meel durugsan gaadha oo si dhab ah taladeeda looga faa’iidaysto oo dhegaha dadka hadal haynteedu ku soo noqnoqoto oo aan dhayal loo illoobin.
Sidaa ay tahay ma rajo la’a. Wuxu filayaa in isbeddel iman doono, kadibna khayraadka dalka dibedda loo soo saari doono oo markaas ay habboon tahay in saaxiibkii C/raxmaan yimaad inta ka horraysase uu xaska iskaga jiro:
Qodka Guban ka soo kacay intaan yera qiyaasaayo
Maanta qaran jab weeye intuu qiil Ilaah furayo
Yuraaniyam ku qaadhiyo intaan dheemman qodanaayo
Qawad waa belaayee intaan taxal qaboobaayo
Qurbahaaga joog Ciiradaad kaga qarsoonaane.
Taasi waa gebagebada gabayga, ka horse waa inuu Cumar ku qanciyo saaxiibkii Craxmaan sida xaal yahay iyo sababta ay tahay inuu iska maqnaado oo aanu dalka u iman. Wuxu ka warramayaa baahida taagan iyo sida bulshadu u dayacan tahay ee aanay meel u nooli u jirin:
Sidii baan u qawlaysannaa qalo la’aantiiye
Waa qaabaddii aad ogayd qaadku duhurkiiye
Sidii baan u qayraansannahay una qamaannaaye
Sidii baannu qaadhaanka shaah qayb wadaag nahaye
Qaan baan u halis nahay sidii quruxi yeelkeede
Wuxu ka sii warramayaa sida baahidu bulshada u dubatay, sida aan waxba la isku tarayn ama aan la isku tari Karin, sida barbaartii shaqo la’aantu u dishootay iyo sida ubadkii u darbi-jiifoobay, sida cudurka iyo gaajadu u baabi’iyeen xooggii iyo facii berri dalka u soo kici lahaa:
Qorraxdiyo kulaylaha dar uu dheehu qolofaystay
Oo saan qombobay baan sidii qaran wadaagnaaye
Sidii baan qalfoofkii u nahay qaro yaraantiiye
Qalbigiyo sidii baa wajiga qiiq ka karayaaye
Qaadiro sidii baa indhuhu nala qalloocaane
Qaawanaan sidii baa derbiga qubane jiifaaye
Qado li’i sidii bay wax badan maalmo qadayaane
Roob soo qubtiyo sidii baa baraf u qooyaaye
Qufac iyo sidii bay darxumo weli qandhoodaane.
Wuxu sii faahfaahinaya dhibka jira iyo culayskiisa. Wuxu hadalka ku soo gunaanadayaa inay talo faro ka haadday:
Waxba hadalku yuu iga qasmine waxan ku soo qayday
Qaaq baa dhulkii taagan iyo qaylo aan damine
Waa bakayle qalad oo majiro qurus xalaaleede
Qiiruu ninkii dhiig lahaa qurub la luudaaye
Haddii halqabsiga gabaygu yahay C/raxamaan Carte, Cumar Xiinwaal lama hadlayo keligii balse wuxu la hadlayaa inta aqoonyahan iyo waxgarad tiro badan dalka wax tari lahaa ee jeclaan lahaa inay qurbaha iskaga yimaadaan ee aanay meeli uga bannaanayn dalkooda; aanay uga bannaanayn meel ay isbeddel waxtar leh ku soo kordhin karaan. Ujeeddadoodu bal waa inay lafahooda uun u badbaadaan si ay mar xaaladdu sidan dhaanto u yimaadaan oo waxtarkooda meel ula helaan. Xiinwaal wuxu arkaa sida haddii Cabdiraxmaan iyo raggiisu maanta yimaaddaan aanay aqoontoodu waxtar u keeni karin oo mawjado aqoondarro ahi uga hor iman doonaan kadibna iyaga laftoodu boodhka cantuugi doonaan.
Isbeddelkii Xiinwaal sugayey wuu yimid muddo aan fogayn kadibba, muxuuse la yimid? Ma la helay dheemantii uu filayey in la qodan doono?
Waa dad diifi ka muuqatee durbaankaa yeedhay oo sidii dad abaari dishootay dhibicda roobka ugu farxaan baa loogu damaashaaday. Kacaan la yidhi wuu barakaysan yahay oo koox saraakiil askar ahi hoggaaminayaan baa taladii dalka la wareegtay. Hanti wadaag la yidhi cilmi buu ku dhisan yahayna meesha la keen.
Aqoonyahan badani dib buu dalkii ugu soo laabtay, kii joogayna yididiilo dad oo dhan gashay baa gashay. Maalmo la qabowsay, durtabase roobkii duufaan buu isku beddelay.
Kacaanku ujeedduu lahaa, dadkuna ujeedduu lahaa. Kacaanka ujeeddadiisu way u caddayd-ugu yaraan in ka mid ah hoggaanka golaha sare way u caddayd waxa ay doonayaan. Dadweynuhu wuxu u haystay in ujeeddadiisa iyo ujeeddada kacaanku is waafaqayaan. Waxay u haysteen in kacaanku iyaga u dhashay oo ujeedadooda iyo dantooda ka jawaabayo. Kacaanka laftiisu sidaa ayuu dadka ugu sheegay. Wuxu u sheegay inuu danyarta iyo saboolka iyo shaqaalaha u dhashay. Wuxu u sheegay inuu horumar iyo isku fillaansho keenayo. Wuxu u sheegay inuu qabyaaladda iyo musuqmaasuqa cidhib tirayo. Si loo rumaysto wuxu bilaabay in dad badan lagu deldelo shilimaad yar oo ay cuneen.
Dhinaca kale kacaanku wuxu muujiyey awooddiisa . Si looga baqo waa inuu inta ugu sarraysa laayaa. Waxa badhka la taagay saddex sarkaal oo ka mid ah raggii kacaanka dhaliyey kuwii ugu sarreeyey. Saddexdaasi waxay ka soo kala jeedeen saddex reer oo lagu sheego laandheerayaasha soomaalida iyo imaamyada. Markii la xidhay ee lagu sharatamay in la dilayo iyo in kale ee rag badani ku doodeen inaan lagu dhicin, nin abwaan ah oo ka mid ahaa kuwii ku sharatamay in la dilayo waa Cabdi Iidaane, wuxu markii tiisii rumowday gabay ku yidhi:
Birmageydo cidi sheegatiyo boqor la maamuuso
Ba’naan iyo anaan laygu dhicin Been ma tahay caawa
Wuxu ahaa abwaan indheergarad ah oo isaga waxa u muuqday wax dadka kale aanay arkayn. In xaalku quus goyn yahay oo in kale oo nool loola jeedo ayuu arkayey.
Halkiiba lagama soo noqon. Kacaankii wuxu xaqiijiyey inaan cid isku soo taagi kartaa jirin. Seeftii kacaanku cid kasta way jiidhay. Inta kale ee sheekadu waa taariikh.
Dareenka dadweynaha waxa mar walba u taagnaa abwaanka oo suugaantiisa ku soo bandhigayey. Bilowgii hore iyo dhalashadii kacanka waa kii abwaanku lahaa:
Waddadii caddayd(1)
Cagta saarrayee
Ku carraabiyoo
Cimrigii jiryow
Caynaanka hay
Kacaanku arrintaa aad buu ula dhacay. Abwaanka oo ka turjumayey dareenka dadweynaha iyo kacaanka oo ujeeddadiisu meel ahayd waxay ka hadlayeen laba waddo oo kala duwan oo midba mid baa u caddayd. Kacaanku wuxu heesta uga faa’iidaystay inuu waddadiisii caddayd dadka ku carraabiyo. Waddo xoog ku baxday bay ahayd oo dadka lagu dirqiyayey inay xoog ku maraan.
Markii gu’yaal dambe abwaanku arkay inaan waddadu tii uu sheegayey ahayn waa kii dhinaca kale
isku malmalay ee lahaa.
Waddadii caddayd
Naga weecisee
Cimrigii dhacyow
Caynaanka daa…daa…
Sidaas baa markiiba la isku seegay. Dareenku wuxu ku horreeyey abwaannada. Markiiba waxay muujiyeen diidmo sarbeeban oo ay ugu talo galeen garashada aqoonyahanka iyo indheergaradka. Kacaanku markuu taa arkay markiiba wuxu bilaabay cabudhin. Waxa kaloo uu bilaabay inuu fanka iyo warbaahinta uu gacanta ku hayo u adeegsado dantiisa gaarka ah. Waxa la abuuray kooxo abwaanno iyo fannaaniin ah oo baahida dhaqaale ee jirtay iyo cagajuglayn lagu maalay.
Ugu dambayn waxay noqotay in abwaanku si toos ah dadka ugu sheego in dawgu aanu ahayn kii caddaa ee la moodayey.
Nidaamada kelitaliska ayey tahay in mar walba dadka wax lagu jiheeyo. Markan waxa la bilaabay ololihii af soomaaliga oo inkastoo hirgelintiisa loo aayey haddana ujeeddada kacaanku ka lahaa ka duwanayd intii dadka kale ka lahaa. Ujeeddo weyni waxay ahayd in la soo saaro dad qoraalka farta aanay aqooni u dheerayn oo la wareega hawlaha maamulka dawladda. Afkii lagu shaqaynayey baa laga dhigay soomaali. Qof afsoomaaliga qori kara aanse shaqada aqoon u lahayn ayaa lagu taaray boosas iyo jagooyin sare, kadibna indhaha ayuu ka riday.
Sidaa ay tahay faa’iidada kacaanku soo hooyey ma yarayn. Waxbarasho bilaash ah baa la helay oo ardaygii saboolka ahaa iyo kii qoys ladan ka soo jeeday si isku mid ah bay u heleen waxbarasho hoose ilaa jaamacadeed oo lacag la’aan ah.
Mashaariic iyo warshedo ayaa la sameeyey ciidda ka badan. Waxa loo gurmaday dadkii abaaruhu saameeyeen oo danwadaago iyo iskaashatooyin loo sameeyey. Intaba dad badan baa shaqooyin ka helay oo waa loo aayey. Hadda horumarka intaa le’eki wuxu ka socday qaybo yar oo ka mid ah dalka. Gobollada badankoodu way liiteen, qaarna way ka sii hoos mareen halkii ay taagnaayeen markii kacaanku dhashay.
Dardarta kacaanku intaa kuma ekayn. Waxa la abuuray dareen waddaninimo. Idaacadihii raaydow Muqdisho iyo Hargeysa ayaa si wanaagsan looga dhawaajiyey. Suugaantii ayaa la dardar geliyey. Barnaamiyo tiro badan oo mid walba hees waddaninimo oo shucuur huwan lagu furo laguna xidho ayaa la hirgeliyey. Mid ka mid ahaa barnaamijyadaa oo la odhan jiray ‘Soomaalida maanta’ waxa heesta lagu furaa ahayd:
Soomaalidu maanta
Horay bay u socotaa
Saacad walba, sannad walba
Horay bay u socotaa
Soo noqonna maysee…
Sidaa dadku run bay moodeen. Shucuurta waddaninimo way sarraysay.
Ardaydu waxay aroorta hore markay safka ku jiraan qaadi jireen heeso taa la mid ah;
Hugunku waa, hugunku waa
Hayaankii bulshada cusub
Xoogsatada is-haysatee
Horkacii samaysee
Hanti wadaagga soomaaliyeed…
U sacab tumaay!!!
Haddana waxa guusha loo nisbayn jiray hoggaamiyaha kacaanka oo mar kale waxa ardaydu odhan jireen:
Guulwade Siyaad
Aabbiihii garashada geygayagow
Hanti wadaaggu waa habkaa barwaaqo noo horseedayee…
Qiiro-gelintu way badnayd. Waxa jiray barnaamijka shaqaalaha:
Aan kuu sheegee shaaqluhu waa
Sharftii dhulka sharraxaysee
Waa kuwaa shiida cammuuddee
Kala shuba ee ka soo shaandheeya macdantee…
Haaa…wax badan la samee, wershedo badan la dhis, waddooyin la samee, hoteello dalxiis la qotomi, rag badani xoolaysay. Waxaas oo xoolo ah siday ku yimaaddaan iyo siday ku baxaan wax badan lagama ogayn. Ma jirin wax xisaabtan oo kacaanka lagu sameeyey. Yaa la xisaabtami kara? Deeqaha dhaqaale iyo maalgelineed ee dibedda laga helay ciiddaasay ka badnaayeen. Waxan dalka gelayaa waxba ma ahayn marka loo eego waxa la helayey. Xilligii dagaalkii qaboobaa bay ahayd oo gobolka Geeska Afrika ahaa meelaha ugu istaraatiijisan oo quwadaha bari iyo galbeed u soo kala dheereeyaan. Xoolaha lagu bixiyaana tiro iyo xisaab ma lahayn. Waxaad doonto sheego ayey ahayd.
Waa ta keentay in dawladdii guyaasha yar jirtay ee Soomaaliyeed ka mid noqoto quwadaha millateri ahaan ugu xoog weyn Afrika.
Iscajabin baa durba bilaabatay. Kibir askar dalka hoggaaminaysay iyo in danahooda iyo cabsi ay qabeen darteed aan ka hor iman baa talo ku goysay in cududda laga faa’iidaysto oo loo dhaqaaqo xoraynta gobol ka mid ah shantii Soomaaliyeed ee beri lagu taamayey. Waa xilli labadii gobol ee midoobay kala dhaqaaq taagan yihiin, kii saddexdaadna markuu xaalka arkay gaar u baxay. Waxa maalmahaa la qaaday dagaalka la yidhi Soomaali Galbeed baa lagu xoraynayaa meesha ka sii baxday Jubuuti oo oo madaxbannaani heshay oo la filayey inay soo saddexayso riyadii shanta soomaaliyeed. Ujeeddada kacaanku way ka fogayd in waddan la soo xoreeyo. Intii caqli iyo maskax la iman lahayd cagta ayaa la saaray oo xabsiyada ayaa laga buuxiyey. Badhkood dibedda ayey u yaaceen, badhkoodna busaarad iyo shaqo la’aan baa laysay oo waxay nolosha marti uga noqdeen kuwii ay ku soo saareen ololihii af soomaali qorista oo iyagu markan noqday saraakiil ciidan iyo rayid oo sare.
Iyadoon siyaasadda dunida waxba laga garanayn, inta garanaysana waxba laga dhegaysanayn baa la isku miidaamiyey dagaalkii Itoobiya. Xataa quwadihii waaweynaa way ka digeen laakiin aqoondarradu dheg uma lahayn.Guuladarradu waxay noqotay mid lagu dhadhamiyo bilo yar gudahood. Tiiyoo kabna la lulayo kabna la laadinayo ayaa dib jaanta loo soo wadhay. Dagaalkaasi wax walba waa lagu waaweyn, wax keliyana laguma helin.
Wisiisigii baa rag ka mid ah saraakiishaasi oo iyagu marka horeba u arkayey inay Maxamed Siyaad Barre uga xaq laahaayeen talada dalka ay afgembi dhicisoobay isku maqiiqeen. Dhegta ayaa dhiigga loo daray. Waxay galaafteen shacbi masaakiin ah oo gobolladii ay u badnaayeen ah.
Markii kacaanku sannado yar jiray waxa bilaabmay didmo qofba halkuu gaadhi karo u cararay. Didmo la mid ah tahriibta iyo jabka maanta jira. Laakiin labada maalmood waxay ku kala duwan yihiin maalintaa xoog baa lagu horjoogay. Dadka dhoofayaa waxay u badnaayeen kuwo ka soo jeeda woqooyigii Soomaaliyadii berigaa oo cadaadis gaar ahi saarnaa sidii madaxbannaanida loo helayba, markii kacaankana sii laba jibbaarmay. Meesha keliya ee baasaboor laga qaato, waxbarasho sare loo tago ee muraad oo dhammi ku xidhan yahay waxay ahayd Muqdisho. Haddii qofka dhalashadiisa ay ku taal Burco ama Hargeysa iyo wax la mid ah way adkayd siduu baasaboor ku helaa, hadduu helana kaga baxo garoonka diyaaradaha. In badan oo isku deyey inay soo noqdaan markay Carabta ka soo shaqaysteen waxa xoolahoodii lagula wareegay dekedda Berbera, markii dambena dhegta ayaaba dhiigga loo daray. Waa rafadkii iyo galgaladkii u dambeeyey ee kacaanka. Hadday tahay aqoon yahan, ganacsato, waxgarad iyo qaybaha kale ee bulshada cidina kama nabadgelin xasuuqaasi bahalnimo.
Cadaadiska woqooyigu ma ahayn kii ugu horreeyey. Waxa ka horreeyey halaaggii loo gaystay dadkii gobollada dhexe ee Mudug , Bari iyo Nugaal. Waa kii abwaanku lahaa:
Colka Bari harraatiyey
hubka Mudug ku talax tegey
Allaylehe hubsiiniyo
Haki buu u baahnaa.
Halaaggaa lagula kacay dadkii aan waxba geysan ee gobollada dhexe wuxu ahaa mid garbo siman ah oo si aan kala sooc lahayn loogu geystay qaybihii kala duwanaa ee bulshada. Bal eeg sida abwaanku u sifaynayo:
waayeel habsooboo (2)
hangabsiga dhawaaqiyo
higsanaaya beeshoo
hollashada culayskii
hediwaayey socodkoo
hindiwaas tallaabada
hakinaaya jaantiyo
hablo maydhax diirtiyo
hibashada xanuunkiyo
haydaarta xanaftiyo
ma hadhada ajarankii
ummul fool hallawdoo
abidiyo hurgumadii
hoosteeda yaalliin
qaryad weerka hooggiyo
hengel iyo asay xidhan
hadal barad gurguurtoo
hawadiisu caaniyo
hooyo naaska joogtiyo
habaqlaha aroorkiyo
horashada ku jeediyo
jidib iyo hangoolliyo
habartana ma geydaa?
Dad baa ku dooda in kacaankii loo darsaday. Ma oga ama way iska indho tirayaan in marka horeba laba waddo oo isa seeggan la socday oo qoloba waddo u caddayd, waa dadweynaha iyo kacaankee. Markii kacaanku tiirarkii burburka oo dhan dhammaystiray ayaa dabkii isaga iyo intii kaleba galaaftay. Kacaanku wuxu buur dhaladeed ka soo wilaanwiliyey qarankii Soomaaliyeed ee guyaasha la soo dhisayey, isna muu mahadine intii ugu badnayd buu ku waayey.
Weydiintu waxay noqon kartaa maxaa haddaba immika oo labaataneeyo gu’ ka soo wareegeen burburkii kacaanka loo hagaagi laayahay?
Kacaanku keligii muu burburin laakiin wax walba cagaha ayuu ku soo qaatay. ‘Dal mooyee dad la iiga aayi maayo’ ayaa guyaal ka hor laga soo werin jiray hogaamiyiihii kacaanka. Ha yidhaahdo ama ha loo yidhaahdee wixii soo muuqday baa sidaa ahaa. Hadimmada kacaanku soo wado waa la sii wada arkayey, in diiddan oo dano gaara ka raacday iyo in doonaysay inay xoog ku baajiyaan mooyee. Sida dhacday hubkii u dambeeyey ee kacaanku adeegsado ma noqon kii Midowga Soofiyeeti ama Maraykan laga helay. Mana noqon suntii gaaska ee Liibiya iyo Ciraaq laga helay. Wuxu noqday habar wacasho qabiil iyo jees u wacasho ay is-herdiyeen cadho dadweyne iyo cadaadis bulsho oo isbiirsaday. Waxay ugu darrayd markii intii u xigtay ka hoos baxday ee keligii meesha loogu soo galay.
Intii dan gaara ku raacday iyana hadday is lahaayeen waad badbaadaysaan kamay hadhin burburkii oo way raaceen. Cid wax uga ayday ma jirto. Waxa halkaa ku burburay oo ku khaatumaystay wixii wanaagsanaa ee uu dhisay iyo wixii hortii la dhisayba. Waxa noloshoodii ku waayey kumannaan qof, facyaal baa sidaa ku khaatumaystay.
Weydiintii hore oo mar kale la soo celiyaa waxay tahay: Maxaa kacaanka dabadii loo hagaagi laayahay haddii cadaadiski aqoonta iyo aqoonyahanka lagu hayey meesha ka baxay oo madax bannaani aan soohdin lahayn la helay, oo cabsidii iyo baqihii la waayey? Mee aqoonyahankii muxuu aqoontiisa ugu badbaadin waayey dalkiisa?
Warcelintu maaha mid fudud, mana aha mid adag,waase mid ku xidhan kolba dhinaca la iska taago, aanse ku bilowno inyar oon ka soo qaadanay sheekada ‘Dhashii Ibliis’ ee Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”:
“Kumanyaal dhashii Ibliis ah ayaa maanta ina dhex tuban oo aan dareensanayn, dan ka lahayn, ama qirsanayn hooggii ay geysteen. Waxaas oo dad ah oo aan caddaalad Eebbe mooyee mid dunida ka jirtaa wada ururin karin, iyaga iyo dadka ay denbiyada ka galeebna waxaa u wanaagsan in la isu qirto, laga toobad keeno, la iskana cafiyo. Kuwaasi habeen iyo maalin waxay ka qayliyaan golayaasha fadhi ku dirirku ugu hooseeyo madaxnimaduna ugu sarrayso. Waa ay isaga keen oohiyaan, oo marka aynu waxii dhacay ka eed sheeganno inagu baroor darsadaan. Sarkaalkii bastooladda sanka iga geliyey haddii uu nool yahay billuu meel meelahaas ka mid ah maanta iska oohinayaa, oo iska dhigayaa nin ka xun burburka Soomaaliya? Wuxuu ahaa nin caan ah. Waxaan maqlay in uu soomaali badan denbi ka galay….”
Kuwaa Ibraahin sheegayaa may qiran dambigooda, kamay toobad keenin, lamana cafin, cid la xisaabtantayna ma jirto. Waxay heleen fursad ay mar kale madaxa kula soo kacaan xilli cid la xisaabtantaa aanay jirin. Waxa mar kale qaar ka mid ahi gacanta ku dhigeen xukunkii kadibna in istaqaan bay ahaayeen oo way isku habar wacdeen iyagoo waxa keliya ee ay yaqaannaan yahay iskubahaysiga sharka. Waxay is-dareensiiyeen inaan cid la xisaabtami kartaa jirin, markii dambena waxay hoos galeen awoodda qabiilka ee difaacda dulmi fale kasta dhalasho reer darteed. Ma kaayaga uun baa dambiile ah baa xaal noqday.
Waxa xusid mudan in labaatankii gu’ ee kacaanku jiray ee guryaha, wershedaha iyo waddooyinku dhismayeen ay dadnimada, qofnimada iyo waddaninimadu sii baaba’ayeen. Waxa lala dagaallamay maskaxdii oo dabool adag lagu xidhay. Fikirkii xorta ahaa ee qofka ayaa meesha ka baxay. Aqoonyahan tiro badani waa jiray, siyaasi waa jiray, haseyeeshee inta qofnimadoodu nooshahay ayaa yarayd.
Xilligan Aqoontii iyo aqoonyahankii way shaqayn waayeen. Inta meel la iskaga xooray baa la noqday hoggaamiye kooxeed, madax dhaqameed…waxa magan loo noqday jahligii iyo jaahilkii, aqoondarradii iyo aqoonlaawihii. Haddii berigaa aqoonyahanka ay awoodda cidi ka haysatay oo aqoontiisa cabudhinaysay, maanta aqoontiiba waxa ka awood badatay aqoondarradii. In afmiishaar la noqdo oo weydiin kasta kas gaabni iyo ereyga u horreeya ee afka ku soo dhaca lagaga warceliyo ayaa hadal ku soo ururay. Aqoonyahankii wuxu noqday mid ka hulleela, mid isla hadla iyo mid isu dhiiba waayaha qarriban ee ku hareeraysan. Markaa silsiladdu halkii ay ka wareegtay bay ku soo noqotay.
Hadday maalintaasi ahayd 1968kii sidee xaal yahay maanta oo ah2010 oo afartameeyo gu’ ka soo wareegeen?
Maxaa laga macaashay afartankaa gu’ ee la soo maray? Halkee la taagan yahay? Sidee halkan lagu yimid?, Ma halkii uun baa la taagan yahay?
Inta nooli way aragtaa, inta dhalan doontaana- haddayba helaan meel ay nabad ugu dhashaan- way ogaan doonaan inkastoo aan la hubin in ay heli doonaan mahadho qoran iyo raadraac sugan. Waa la is dhaamaa aadse looma kala foga. Dhinacyo waa lagu kala fogyahay dhinacyona waa laga siman yahay. Haddii sheekadu beri taagnayd raadinta Shan Soomaaliyeed oo midooba, maanta labadii keli ahaa ee fursadda u helay inay midoobaan baa kala dhaqaaqay. Kala-taggu wuxu ka bilaabmay isla halkii qiirada Soomaali weyn ka bilaabatay.In la kala dhaqaaqo dan baa la mooday markii la arkay in lagu hungoobay tijaabadii koowaad. Ma muuqato sabab loo sii wada joogaa. Sidoo kale ma muuqato sabab laba gobol iskugu sii dhegganaadaan mar haddii intii ka badnayd ee calanka shanta gees lihi u taagnaaba la waayey. Gobolkii tashaday wuxu talada ka soo bilaabay meel hoose oo nabadayn iyo heshiisiin dadka ka dhalatay ah, waxanu u dhaqaaqay dhinaca horumarka iyo dawladnimada. Dhinacii kale weli waxa sutida u haya kooxo ku nool riyo maalmeed oo aan ka damqanayn baaba’a ummadda haysta. Ereyga ugu weyn ee ay ku dhawaaqaan waa “Midnimada Soomaaliyeed waa muqaddas”.
Inkastoo lagu kala horreeyo dhinacyo badan, haddana waxa laga simanyahay dhinacyada bulshada. Waxa dhinac kasta maqan siyaasi iyo aqoonyahan si buuxda ugu hagar baxa danta ummadda. Taasi waa ta keentay in dhuyaalka iyo suudalka laga sinmo ee badaha iyo lama degaanka lagu idlaado.
Haddii afartan gu’ ka hor xaalku ahaa:
Qurbahaaga joog
Ciiradaad kaga qarsoonaane,
Maanta xaalku ma noqon karaa;
Qurbaha u cararar
Waallidaad kaga qarsoonaane
Waddadii caddayd sidii bay weli laba waddo oo isdhaafsan oo qoloba midi u caddahay u tahay, mana muuqato inay isku soo dhacayaan oo mid qudha noqonayaan. Dhibcihii konton gu’ ka hor isdhaafay weli way is dhaafsan yihiin.Intii badnayd iyo huubihii xagga sare soo maray waddadii sharka ayey u arkaan inay wanaag k(3)u gaadhayaan, inta wanaagga aragtaana weli cidhibta sharwadaha ayey ku hoos jiraan. Waa halkii abwaankee:
Inta wiil ku guro naarta iyo godadka yaahuuda(4)
Ayey kii jannada gayn lahaa dayasho goobtaaye
Inta uu galaabuu iya guba yidhaahdaaye.
Aqoontii lagu gefey maalintaa Cumar Xiinwaal ka hadlayo ee dhowr iyo afartan gu’ ka soo meereen waxay keentay in mar walba aqoon darradu awood noqoto oo luqun jibaadhiso aqoontii.
Xasan C. Madar
E-Mail:nabaadiino@yahoo.com
(1) Cabdi Muxumed Amiin
(2) Hadraawi
(3) Hadraawi
_________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2010 WardheerNews.com
|