|
![]() |
|||||
Arar:Runtii waa su’aal ay adag tahay in jawaab waafi ah laga bixiyo. Waxa taas daliil u ah, siina adkaynaya innaga oo aan illaa maanta hayn qoraallo ama dokumantiyo taariikhi ah oo arrintaas wax ka yidhi. Waxa keliya ee aynu cuskannaa inta badan waa qoraallo kooban oo dad ajnebi ahi ay qoreen, xilliyo mudada laga joogaa ay aad u yar tahay, marka la barbar dhigo inta ay qowmiyadda Soomaaliyeed soo jirtay. Waxa intaas dheer, kuwaas oo aan dhul badan oo Soomaaliyeed marin, sidaa awgeedna xogta ay ururiyeen ay ku salaysan tahay dad iyo degaanno kooban. Mar haddii xaal sidaas yahay, qofka doonaya in uu baadhitaan ku sameeyo mawduucan oo kale waxa ku adkaanaya in uu helo qoraallo badan oo uu raadraaco. Marka maqaalkan kooban waxa uu xooggiisu ku salaysan yahay aqoonta duqay Soomaaliyeed oo degaanno door ah oo kala geddisan deggen ama ku barbaaray, aqoon fiicanna u leh qabaa’ilka iyo xogo kale oo aan ka soo ururiyay qoraallo kooban. Waxa intaas dheer oo aan qoraalkan yar iyana u adeegsanayaa suugaanta Soomaalida oo ay ku jiraan sheekooyinka iyo odhaahaha Soomaalida dhexdeeda caanka ka ah. Aqoonayahanada dersa asalka Soomaalidu waxa ay sheegeen in magaca Soomaali oo qoran ay markii u horraysay ku arkeen hees Xabashi ahi oo ay ku tilmaamayaan qoladaasi sida ay uga guulaysteen dagaal dhex maray iyaga iyo Soomaalida. Marka waxa la dhihi karaa ama muuqata in aan magaca Soomaali laftiisa xog badan laga hayn wixii ka horreeyay dagaaladii Imaam Axmed Guray. Waxase jirta ama laysla garan karaa markii diinta islaamku soo gaadhay dalkan, in dad badani ku noolaayeen degaanka Soomaalida. Kuwaas oo magac, Diin, iyo dhaqan u gaar ah lahaa. Waxa illaa haddeer jira wax badan oo ka sii baaqi ah raadadkii iyo dhaqamadii dadkaas. Waxa tusaale inoogu filan, dab shidka, xabaalaha, sida taallo tiiryaadka, curraafaynta iyo samaanyaha oo dhammaan laga helo ama ka jira geyiga Soomaaliyeed.
Waxa ay aqoonyahanno badani iyana isku raacsan yihiin in dhulkii loo yaqaannay Punt uu hadda ka mid yahay degaanka Soomaalida, dadkii ku dhaqnaana ay Soomaalidu asal ku leedahay. Hayb beddelashada Soomaalida:Ugu horrayn marka aynu arrintan ka hadalaynno waxa mudan marka hore in aan isweydiinno Soomaalida ma dhacdaa in ay haybtoodii hore ka guuraan? Jawaabta su’aashaas oo koobani waxa ay tahay “Haa”. Waxa hubaal ah kollay in lixdankii sannadood ee aan anigu wax kala garanayey dad badani ay haybtoodii bedesheen oo qolo kale ku biireen. Si aynu arrintaa xaqiiqooyin cad ugu keenno waxa aan halkan ku soo bandhigayaa dhowr tusaale oo innoo iftiiminaya sida qabaa’ilka Soomaaliyeed u hayb bedeshaan. Waxa haddaba jira qabaa’illo badan oo aan la isku diidanayn in ay yihiin bahwadaag ama isbahaysi. Waxa qolyahaas ka mid ah Digil iyo Mirifle, Jaarso, Ciise, Akisho, Bursuug, Garre, Maalin Guur, Muddulood iyo kuwo kale oo badan. Waxa sidoo kale iyana ah qabiilka Ciisaha oo waxa la yidhaa waxa ay u kala baxaan jilibadoodu Ciise iyo soo raac oo sida magacaasi tlimaamayo innoo iftiiminaysa in ay isbahaysi yihiin. Jilibada soo raaca ayaa waxa inta badan dhacda in qabaa’il badani yidhaahdaan annaga ayay asal ahaan naga soo jeedaan.
Qabaa’ilkan iyagu qirta in ay isbahaysi yihiin sida kuwa aan kor ku soo sheegnay, waa kuwa inta badan ay qabiilooyinka kale bililiqaystaan, gaar ahaan beryahan dambe ee qabyaaladdu siyaasadda aad u gashay ee ay xamaasadda badan yeelatay. Haddaan tusaale kooban kuwaas ka bixiyo jilibo dhowr ah oo Jaarso ah, gaar ahaan Warro Dhaqo ayaa intii ka dambaysay dagaalkii 1977 iyana u digarogtay reer Haaruun (reer, Isaaq, Ogaadeen) iyo Laylkase. Waxa sidoo kale iyana noqday xilliyadan dambe Jibriil Abokor (Sacad Muuse) Warro Oogo oo ahayd Jilib Akisho ah. Waxa iyana sheeko caan ah ka ah Hargeysa iyo inta galbeed ka xigta odhaahda ah Akishadii Cabbanowday. Sheekadaas oo tilmaamaysa qoysas Akisha ahaa oo u hayb bedeshay reer Cabbane (Sacad Muuse). Waxa maanta jira Qoys intooda Jigjiga deggenina yihiin Akisho, inta Hargeysa ku dhaqanina yihiin reer Cabbane. Hayb bedelashadu kuma koobna beelahaas aan kor ku soo tilmaamay oo qudha.
Qabaa’ilada kale sida Daaroodka, Isaaqa, Hawiyaha iyo kuwa kale ee faraha badanba waa arrin si weyn uga jirta. Aan ku bilaabo Shiikhaash (Shiikhaal) oo berigii hore la odhan jiray waxa ay ka soo jeedaan Abubakar Siddiiq, sida ku qoran kitaabka la yidhaahdo Nasrul Mu’miniin ee uu qoray Shiikh Cabdullahi Qudubi, awowgoodna ahaa shiikha ku aasan magaalada Sheekh looguna magacdaray iyo reer shiikh Xasan Kalweyn oo sheegan jiray in ay ka soo jeedaan Cusmaan bin Cafaan. Haddaba Shiikhaash (Loo Boge, Aw Qudub, iyo Gendershe) iyo reer Xasan Kalweyn maanta waa hal reer oo loo bixiyay Martiile Hiraab, ahna qabiil Hawiye ah. Waxa iyana jira qabaa’ilka Xawaadle, Saransoor (Digoodi iyo Gaal Jecel), Gugundhabe iyo Odaajeen oo maanta aynu u naqaan in ay Hawiye yihiin, horese u ahaa qabaa’il iskood u taagnaa.
Sheekooyinka caanka ka ah Soomaalida dhexdeeda:Soomaalidu wax badan taariikhdeeda qoraal laguma wada hayo. Ha yeeshee waxa in badan laga heli karaaa suugaanta oo tix iyo tiraabba leh. Waxa iyana aad u badan sheekooyin iyo odhaahyo si weyn innoogu iftiimin kara mawduucan maqaalku ku saabsan yahay ee ah hayb ka guurka. Haddaan qaar kooban ka xusno sheekooyinkaas tilmaamaya in dadku isku dhafan yihiin waxa ka mid ah: Ogaadeen waa wiil tagoogo iyo wiil talo. Taas oo macanaheedu yahay dadka reerkaas wada sheegta qaybina waa dhalasho, inta kalena heshiis bay Ogaadeen ku noqdeen. Waxa odhaah taas la mid ah iyana laga sheegaa reerka Abgaal oo waxa la yidhaa: Abgaal waa Abgaal iyo muggiis oo laga wado inta dhalasho Abgaal ku ah iyo inta kale wey isle’eg yihiin. Dadka qaar baa magaca Abgaal ku fasira waa Gaalle oo dhan. Kuwa sidan dambe wax u tilmaamaa waa kuwa qaba in Soomaalidu ay Oromada asal ahaan ka soo jeeddo. Waxa iyana Soomaalida dhexdeeda caan ka ah beyd gabay ku jiray oo la yidhaa “Sacad waa Ogaadeen haddii loo abtirinaayo” oo tibaaxaysa sheegashada ah in reerka Sacad la yidhaa aanu ahayn Habar Gidir oo uu yahay Makaahiil, Ogaadeen. Waxa sheekadaa barbartaal mid kale oo wax ka sheegta reerka kale ee Habar Gidir ee la yidhaa Saruurka. Waxa la yidhaa Odaygii Madar Kicis Hiraab ahaa ee Habar Gidirta dhalay oo wiilkiisii bahal ka cunay ayaa ku ducaystay in kan Eebbe uga dhigo inankiisii. Odayga oo la sheego in uu indha la’aa baa la yidhaa waxa uu ku ducaystay sidan: San weynaa oo sarara weynaa Ilaahow Saruur Madar Kicis iiga dhig. Waxa iyana dadku aad u yidhaahdaan Odaygii Daarood ahaa weli waa dhalaa. Taas oo looga jeedo in xilli walba aad arkayso qolo cusub oo Daarood ah. Si kastaba ha ahaatee waxa aan shaki ku jirin in qabaa’ilka Soomaalidu yihiin dad isku dhafan, haybsooca ay isku samaysaana aanu sal iyo raad toona lahayn. Waxa kale oo iyana xaqiiqo ah sida lagu xusay daraasado kooban oo lagu sameeyay hiddaha Soomaaliyeed in ay Soomaalidu tahay qawmiyad ka da’ weyn odayada ay sheegato in ay ka soo jeedaan. Gabagabo:Ugu damabayn waxa dhab ah in aan maqaalkan yar ee kooban oo aan ka soo dheegay buug yar oon aan qoraalkiisa ku guda jiro, kana hadlaya Hayb Takoorka in aan lagu soo koobi karin arrinta ku saabsan hayb bedelashada. Runtii waa mawduuc weli dihan, una baahan in daraasdo badan lagu sameeyo. Waxase xaqiiqo ah oo aan la iska indho tiri karin in qabaa’ilka Soomaalidu aanay sal mug weyn leh ku fadhiyin, khaasatan dhinaca sheegashada isirka. Raadraac:1- Risch et al. (1999), Categorization of humans in biomedical research: genes, race and disease, Genome Biol. 2002; 3(7): comment2007.1–comment2007.12.2. http://en.wikipedia.org/wiki/Somali_people 3. http://somalilandinfo.com/node/6362 4. http://wardheernews.com/News_09/November/19_Beel_u-diga_roganaysa_beel_kale.htmlMaxamed Hirad ---- Maqaalada kale ee Maxamed Hirad ee lagu daabacay degelkan:* Wadaadadda Cusub: Colaaddeer Dami weydey & Cidhib Dambeedkeeda _________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
|