Home Articles Somali Songs About us  

Qabaa’ilka Soomaalidu ma isbahaysi baa,
mise waa dhalasho?
Wq. Maxamed Hirad
April 26, 2010

Oday Soomaaliyeed
Muuqaalka oday Soomaaliyeed oo xidhan koofiyaddii duqayda lagu yaqaannay

Arar:

Runtii waa su’aal ay adag tahay in  jawaab waafi ah laga bixiyo. Waxa taas daliil u ah, siina adkaynaya innaga oo aan illaa maanta hayn qoraallo ama dokumantiyo taariikhi ah oo arrintaas wax ka yidhi. Waxa keliya ee aynu cuskannaa inta badan waa qoraallo kooban oo dad ajnebi ahi ay qoreen, xilliyo mudada laga joogaa ay aad u yar tahay, marka la barbar dhigo inta ay qowmiyadda Soomaaliyeed soo jirtay. Waxa intaas dheer, kuwaas oo aan dhul badan oo Soomaaliyeed marin, sidaa awgeedna xogta ay ururiyeen ay ku salaysan tahay dad iyo degaanno kooban.

Mar haddii xaal sidaas yahay, qofka doonaya in uu baadhitaan ku sameeyo mawduucan oo kale waxa ku adkaanaya in uu helo qoraallo badan oo uu raadraaco. Marka maqaalkan kooban waxa uu xooggiisu ku salaysan yahay aqoonta duqay Soomaaliyeed oo degaanno door ah oo kala geddisan deggen ama ku barbaaray, aqoon fiicanna u leh qabaa’ilka iyo xogo kale oo aan ka soo ururiyay qoraallo kooban. Waxa intaas dheer oo aan qoraalkan yar iyana u adeegsanayaa suugaanta Soomaalida oo ay ku jiraan sheekooyinka iyo odhaahaha Soomaalida dhexdeeda caanka ka ah.

Aqoonayahanada dersa asalka Soomaalidu waxa ay sheegeen in magaca Soomaali oo qoran ay markii u horraysay ku arkeen hees Xabashi ahi oo ay ku tilmaamayaan qoladaasi sida ay uga guulaysteen dagaal dhex maray iyaga iyo Soomaalida. Marka waxa la dhihi karaa ama muuqata in aan magaca Soomaali laftiisa xog badan laga hayn wixii ka horreeyay dagaaladii Imaam Axmed Guray. Waxase jirta ama laysla garan karaa markii diinta islaamku soo gaadhay dalkan, in dad badani ku noolaayeen degaanka Soomaalida.  Kuwaas oo magac, Diin, iyo dhaqan u gaar ah lahaa. Waxa illaa haddeer jira wax badan oo ka sii baaqi ah raadadkii iyo dhaqamadii dadkaas. Waxa tusaale inoogu filan, dab shidka, xabaalaha,  sida taallo tiiryaadka, curraafaynta iyo samaanyaha oo dhammaan laga helo ama ka jira geyiga Soomaaliyeed.

Axmed Gurey
Iimaam Axmed Guray

Waxa ay aqoonyahanno badani iyana isku raacsan yihiin in dhulkii loo yaqaannay Punt uu hadda ka mid yahay degaanka Soomaalida, dadkii ku dhaqnaana ay Soomaalidu asal ku leedahay.

Daraasado lagu sameeyay hiddaha (genetics) Soomaalida ayaa iyana caddeeyay in dadka Soomaaliyeed ay asal la wadaagaan dadyowga kale ee ku dhaqan Itoobiya, Ereteriya iyo Waqooyiga Afrika sida qawmiyadaha Oromada, Canfarta, Berberka iyo xataa Carabta Waqooyiga Afrika. Waxa intaas dheer afafka qowmiyadahaasi ku hadlaan oo ay isku bah yihiin afka Soomaaliga. Daraasadaha hiddaha asalka Soomaalida lagu sameeyay waxa ay caddeeyeen  in dadyowga ku dhaqan Geeska Afrika ee ay Soomaalidu ka mid tahay ay yihiin ummad gaar ah (Distinct Seperate Race) oo ka duwan ummadaha la jaarka ah sida Carabta iyo Afrikaanka kale. Waxa intaas dheer oo daraasadahaas koobani sheegayaan in qawmiyadda Soomaalidu ay jirtay muddo ka badan 4,000 oo sano.
 
Markii diinta Islaamku ka dhalatay Jasiiradda Carbeed oo sida aynu wada ognahay bad yari u dhaxayso iyada iyo Soomaaliya ayaa waxa markiiba ay si hawl yar ugu soo tallowday dhinaca degaanka Soomaalida. Diintaas oo dabcan muddo dheer qaadatay in Soomaali oo dhan ay wada gaadho. Hase yeeshee waxa xaqiiqo ah in ay raad weyn ku yeelatay dhaqanka Soomaalida oo xilligan la joogo dhammaantood wada Muslim ah. Waxase adag in la aamino ama waxa aynu odhan karnaa macquul ma aha dhawr wadaad baa qaran dhan sahal ku qabsaday muddo qaaban.  Ama dhawrka Shiikh ee ay Soomaalidu sheegato iyo carruurtiisii baa ka adkaaday oo qaarna dadkii dalkan ka buuxay laayey, intii kalena bara kiciyey oo dhulkii ka qaaday.  Midda kale waxa isweydiin mudan meeye dadkii diinta ay u laqimayeen ee dhexdooda diinta ka faafinayeen? Iyagii keliya  iyo carruurtoodii baa dalkii oo dhan u hadhay, waa arrin aad cajiib u ah oo caqligu aanu qaadan karin!
 
Markaynu qodobkan ka hadalkiisa soo koobno, sida la garan karo Soomaalidu waxa ay ka soo jeeddaaa dadkii dalka joogay ee diinta la soo gaadhsiiyay muddo hadda kun sano ka badan laga joogo. Waxa ayse dhaqan badan la wadaagaan muslimiinta ku dhaqan Bariga Dhexe iyo dalalka kale ee caalamka Islaamkaba.

Hayb beddelashada Soomaalida:

Ugu horrayn marka aynu arrintan ka hadalaynno waxa mudan marka hore in aan isweydiinno  Soomaalida ma dhacdaa in ay haybtoodii hore ka guuraan? Jawaabta su’aashaas oo koobani waxa ay tahay “Haa”. Waxa hubaal ah kollay in  lixdankii sannadood ee aan anigu wax kala garanayey dad badani ay  haybtoodii bedesheen oo qolo kale ku biireen. Si aynu arrintaa xaqiiqooyin cad ugu keenno waxa aan halkan ku soo bandhigayaa dhowr tusaale oo innoo iftiiminaya sida qabaa’ilka Soomaaliyeed u hayb bedeshaan.

Waxa haddaba jira qabaa’illo badan oo aan la isku diidanayn in ay yihiin bahwadaag ama isbahaysi. Waxa qolyahaas ka mid ah Digil iyo Mirifle, Jaarso, Ciise, Akisho, Bursuug, Garre, Maalin Guur, Muddulood iyo kuwo kale oo badan.

I970 kii ayaa waxa aan fasax damcay in aan ku tego magaalada Baydhabo. Xilligaas waxa waddanka ka dillaacay cudurka loo yaqaan Daacuun Calooleedka. Taas oo dhalisay in magaalooyinka iyo gobolada la kala xidho. Waxa aan ku xannibmay tuulo yar oo Baydhabo iyo Buur Hakaba u dhaxaysa. Dadkii deganaa ayaan qof keliyana ka af garan waayey.  Akhirkii waxaan masaajid yar ka helay oday saagaashan jir ah oo caalim ah oo na tujinayey.  Isagii baan isku af garanay luqadda carabiga oo fusxa ah.  Laba habeen oo aan wadaadkaas meel la joogay waxyaabo badan baan ka faa’iiday oo ka qortay. Waxaan waydiiyey, dadka dhulkan degani waa ayo? Waxa uu iigu jawaabay waa Soomaali.  Yay ka yihiin baan idhi?  Waxa uu iigu jawaabay waa Soomaali oo idil.  Waxaan weydiiyey Raxan Weyn waa ayo? Wuxuu igu yidhi waa dhulka oo waxa uu magacaasi tilmaamayaa, waa dhulkii raaxada badnaa. Waxa kale oo aan waydiiyey Digil iyo Mirifle waa ayo? Wuxuu iigu jawaabay dadkaa qaarna beeraha ayay ku dhaqmaan oo waa Digil, Miriflena waa xoolalay. Sida odaygaasi qirayo Raxan Weyn waa is bahaysi ka kooban qabaa’illo badano oo Soomaaliyeed.

Waxa sidoo kale iyana ah qabiilka Ciisaha oo waxa la yidhaa waxa ay u kala baxaan jilibadoodu Ciise iyo soo raac oo sida magacaasi tlimaamayo innoo iftiiminaysa in ay isbahaysi yihiin. Jilibada soo raaca ayaa waxa inta badan dhacda in qabaa’il badani yidhaahdaan annaga ayay asal ahaan naga soo jeedaan.

Boqoradii Punt
Sawir ay faraacinadii hore ku muujiyeen xaaskii ninkii xukumi jiray Punt. Punt waxa la rumaysan yahay in ay ku taallay geyiga Soomaaliyeed

Qabaa’ilkan iyagu qirta in ay isbahaysi yihiin sida kuwa aan kor ku soo sheegnay, waa kuwa inta badan ay qabiilooyinka kale bililiqaystaan, gaar ahaan beryahan dambe ee qabyaaladdu siyaasadda aad u gashay ee ay xamaasadda badan yeelatay. Haddaan tusaale kooban kuwaas ka bixiyo jilibo dhowr ah oo Jaarso ah, gaar ahaan Warro Dhaqo ayaa intii ka dambaysay dagaalkii 1977 iyana u digarogtay reer Haaruun (reer, Isaaq, Ogaadeen) iyo Laylkase. Waxa sidoo kale iyana noqday xilliyadan dambe Jibriil Abokor (Sacad Muuse) Warro Oogo oo ahayd Jilib Akisho ah. Waxa iyana sheeko caan ah ka ah  Hargeysa iyo inta galbeed ka xigta odhaahda ah Akishadii Cabbanowday. Sheekadaas oo tilmaamaysa qoysas Akisha ahaa oo u hayb bedeshay reer Cabbane (Sacad Muuse). Waxa maanta jira Qoys intooda Jigjiga deggenina yihiin Akisho, inta Hargeysa ku dhaqanina yihiin reer Cabbane.

Hayb bedelashadu kuma koobna beelahaas aan kor ku soo tilmaamay oo qudha. Qabaa’ilada kale sida Daaroodka, Isaaqa, Hawiyaha iyo kuwa kale ee faraha badanba waa arrin si weyn uga jirta. Aan ku bilaabo Shiikhaash (Shiikhaal) oo berigii hore la odhan jiray waxa ay ka soo jeedaan Abubakar Siddiiq, sida ku qoran kitaabka la yidhaahdo Nasrul Mu’miniin ee uu qoray Shiikh Cabdullahi Qudubi, awowgoodna ahaa shiikha ku aasan magaalada Sheekh looguna magacdaray iyo reer shiikh Xasan Kalweyn oo sheegan jiray in ay ka soo jeedaan Cusmaan bin Cafaan. Haddaba Shiikhaash (Loo Boge, Aw Qudub, iyo Gendershe) iyo reer Xasan Kalweyn maanta waa hal reer oo loo bixiyay Martiile Hiraab, ahna qabiil Hawiye ah. Waxa iyana jira qabaa’ilka Xawaadle, Saransoor (Digoodi iyo Gaal Jecel), Gugundhabe iyo Odaajeen oo maanta aynu u naqaan in ay Hawiye yihiin, horese u ahaa qabaa’il iskood u taagnaa.

Waxa sidoo kale isna ahaa qabiillo iskood u taagan oo sheegan jiray in ay Saado yihiin ama Carab, reerka Isaxaaqa la yidhaa ee maanta ka midka ah jilibada Habar Yoonis iyo reer Doodka oo Habar Jeclo ka mid ah. Qolada Isaxaaqu waxa ay haybtoodii hore ka guureen illaa 50 kii sano ee u dambeeyay oo aan aniga laftaydu soo gaadhay, halka ay reer Doodku iyagu beri dhaweyd uun toos u sheegteen Habar Jeclo.  Waxa iyana intii xornimada ka dambaysay hayb bedeshay Fiqi Shinni oo ahaa Ajuuraan, haddase ah Ayaanle, Cayr, Habar Gidir. Waxa kale oo la sheegaa qolada la yidhaa Cumar dheer oo maanta ah  Wagar Dhac oo Mareexaan ah, in ay asal ahaan ka soo jeedaan Cayr, Habar Gidir. Qolada kale ee hadda la yidhaa Damal Muuse ee dega Galkacayo ayaa iyana illaa 64 kii ka hayb bedeshay Dir oo noqday Muuse Carre oo Habar Yoonis ah.

Waxa halkan malaha mudan in aan ku xuso sheeko beri dhexdii ahayd lagu faafiyay qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa. Kaas oo qoray sheeko ku saabsanayd  laba reer oo haddeer kala ah Gadabuursi iyo Isaaq in ay wada siyaartaan hal oday oo ay wada sheegtaan in ay ka soo jeedaan. Labadaas reer ayaa qoraalku sheegay in ay istuseen in malaha ay isku asal yihiin, balse qolo weliba ku adkaysatay in ay halkeeda ku negaato.

Qolada Gadabuursiga oo marar qaar dadku ku tilmaamo isbahaysi waxa jira reero badan oo aan lagu murmin in ay qolyo kale yihiin. Waxa reerahaas ka mid ah Xeeb Jire oo la sheego in ay Shiikhaash yihiin, Muuse Fiin oo  la yidhaa waa Ogaadeen iyo reer Nuurka oo dadka qaarkiis ku sheego in ay Ciidagale ahaayeen.

Dhinaca gobolada bariga oo dad badani ku tilmaamo meesha Soomaalidu ay asalkeedii ka soo fidday ayaa waxa la sheegaa reero badan oo ku dhaqnaan jiray, maantase aan cidi ka joogin. Waxa qabaa’ilkaas ka mid ahaa Reer Waa Rag, Leg dhufso, Odayo qoyan, Qabsan Dulle, Qayraanshe iyo qolyo kale oo badan. Kuwaas oo maanta dhammaantood ku dhex milmay reerka Majeeteerteen ee Hartiga ah. Reerka Dhulbahantaha ayaa iyana la sheegaa in qolyo badani ku dhex milmeen. Tusaale ahaan waxa Dhulabahantaha dhexdiisa caan ka ah magaca la yidhaa Ilma Halal Gob ah oo la sheego in ay ahaayeen qabiil jiray, balse maanta Dhulabahante uun ka mid ah. Waxa iyana dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay soo baxay qolada Jambeel oo la yidhi waa Cabdi Koombe. Anigu intii aan wax kala gartay oo 60 sano kor u dhaafay waxa aan maqli jiray Koombe waa 4: Geri, Harti, Xarle iyo Jiiraan. Jambeel waxa aan marar maqlay waa reer Cabdi oo Geri ah. Si kastaba ha ahaatee Cabdi Koombe waa wax aan hore u jirin, qoladaasina waxa suuragal ah in ay ama Geri yihiin ama Harti.

Haddaan qaybtan soo duuduubo waxa aan jecelahay in aan xuso qola Madhibaan ah oo sannadkan horraaantiis qolyo ka mid ah iyaga iyo xubno ka tirsan beesha Habar Yoonis isku dayeen in ay haybtooda u bedelaan qolo ay u bixiyeen Kuul Carre. Sheekadaas oo muddo dhowr bilood ah socotay waxa ay akhirkii ku baaba’day ka dib markii xubno muhiim ah oo ka tirsan labada dhinac ay ka horyimaaddeen mashruucaas.

Runtii halkan kuma dhamma tusaaleyaasha laga bixin karo hayb bedelashada iyo qabaa’ilka Soomaalida. Waxase aan la dafiri Karin in hayb ka guurku uu yahay arrin aan ku cusbayn Soomaalida dhexdeeda, balse loo baahan yahay in si cilmiyaysan loo derso. Waxa xaqiiqo ah in aanu jirin Soomaalida dhexdeeda qabiil odhan kara waxa aannu nahay saafi oo iskuma dhex walaaqnin. Haddii malaha DNA dooda la baadhi lahaa wax badan baa malahayga soo bixi lahaa oo kala caddaan lahaa.

Reer Guuraa
Reer Guuraanimadu waa dhaqan qadiimi ah oo Soomaaliyeed

Sheekooyinka caanka ka ah Soomaalida dhexdeeda:

Soomaalidu wax badan taariikhdeeda qoraal laguma wada hayo. Ha yeeshee waxa in badan laga heli karaaa suugaanta oo tix iyo tiraabba leh. Waxa iyana aad u badan sheekooyin iyo odhaahyo si weyn innoogu iftiimin kara mawduucan maqaalku ku saabsan yahay ee ah hayb ka guurka.

Haddaan qaar kooban ka xusno sheekooyinkaas tilmaamaya in dadku isku dhafan yihiin waxa ka mid ah: Ogaadeen waa wiil tagoogo iyo wiil talo. Taas oo macanaheedu yahay dadka reerkaas wada sheegta qaybina waa dhalasho, inta kalena heshiis bay Ogaadeen ku noqdeen. Waxa odhaah taas la mid ah iyana laga sheegaa reerka Abgaal oo waxa la yidhaa: Abgaal waa  Abgaal iyo muggiis oo laga wado inta dhalasho Abgaal ku ah iyo inta kale wey isle’eg yihiin. Dadka qaar baa magaca Abgaal ku fasira waa Gaalle oo dhan. Kuwa sidan dambe wax u tilmaamaa waa kuwa qaba in Soomaalidu ay Oromada asal ahaan ka soo jeeddo.

Waxa iyana Soomaalida dhexdeeda caan ka ah beyd gabay ku jiray oo la yidhaa “Sacad waa Ogaadeen haddii loo abtirinaayo” oo tibaaxaysa sheegashada ah in reerka Sacad la yidhaa aanu ahayn Habar Gidir oo uu yahay Makaahiil, Ogaadeen.  Waxa sheekadaa barbartaal mid kale oo wax ka sheegta reerka kale ee Habar Gidir ee la yidhaa Saruurka. Waxa la yidhaa Odaygii Madar Kicis Hiraab ahaa ee Habar Gidirta dhalay oo wiilkiisii bahal ka cunay ayaa ku ducaystay in kan Eebbe uga dhigo inankiisii. Odayga oo la sheego in uu indha la’aa baa la yidhaa waxa uu ku ducaystay sidan: San weynaa oo sarara weynaa Ilaahow Saruur Madar Kicis iiga dhig. Waxa iyana dadku aad u yidhaahdaan Odaygii Daarood ahaa weli waa dhalaa. Taas oo looga jeedo in xilli walba aad arkayso qolo cusub oo Daarood ah.

Si kastaba ha ahaatee waxa aan shaki ku jirin in qabaa’ilka Soomaalidu yihiin dad isku dhafan, haybsooca ay isku samaysaana aanu sal iyo raad toona lahayn. Waxa kale oo iyana xaqiiqo ah sida lagu xusay daraasado kooban oo lagu sameeyay hiddaha Soomaaliyeed in ay Soomaalidu tahay qawmiyad ka da’ weyn odayada ay sheegato in ay ka soo jeedaan.

Gabagabo:

Ugu damabayn waxa dhab ah in aan maqaalkan yar ee kooban oo aan ka soo dheegay buug yar oon aan qoraalkiisa ku guda jiro, kana hadlaya Hayb Takoorka in aan lagu soo koobi karin arrinta ku saabsan hayb bedelashada. Runtii waa mawduuc weli dihan, una baahan in daraasdo badan lagu sameeyo. Waxase xaqiiqo ah oo aan la iska indho tiri karin in qabaa’ilka Soomaalidu aanay sal mug weyn leh ku fadhiyin, khaasatan dhinaca sheegashada isirka.

Raadraac:

1-  Risch et al. (1999), Categorization of humans in biomedical research: genes, race and disease, Genome Biol. 2002; 3(7): comment2007.1–comment2007.12.

2. http://en.wikipedia.org/wiki/Somali_people

3. http://somalitalk.com/2009/11/18/baaq-uu-soo-saaray-af-hayeenka-beelaha-kuul-carre

3. http://somalilandinfo.com/node/6362

4. http://wardheernews.com/News_09/November/19_Beel_u-diga_roganaysa_beel_kale.html

Maxamed Hirad
E-mail: xagar2000@yahoo.com

----
* Maqaalkani waxa uu qayb ka yahay buug yar oo aan qoraalkiisa ku guda jiro oo la yidhaa Hayb Takoor.

Maqaalada kale ee Maxamed Hirad ee lagu daabacay degelkan:

* Wadaadadda Cusub: Colaaddeer Dami weydey & Cidhib Dambeedkeeda
* Casharada Wadaadadii Hore & Kuwa Cusub Camaladooda

_________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 WardheerNews.com