|
![]() |
|||||
|
Ilaahay Gaarriye ha u naxariisto, dadkiisana qoys iyo qaranba samir ha ka siiyo.
Waa dabeecadda dadka qofku inta uu nool yahay in aan dhab loogu baraarugin wanaaggiisa iyo waxtarkiisa, se marka uu dhinto la xusuusto. Sababtu waa nacaybka dhimashada loo qabo iyo maskaxda oo aan qorshaha ku darsan karin qofkaasi in uu mar uun tegeyo oo aan dib loo arkayn. Qofka la jecel yahay iyo wanaag walba oo kale marka la haysto si abadi ah ayaa la isu siiyaa oo maskaxda ayaan aqbali karayn in la waayi doono. Waa halka ay maahmaah carbeed ka tidhaahdo ”barwaaqada la haysto la ma ogaado jeer la waayo”. Dabeecaddaa nafsiga ah ayaa keenta dadka qiimiga lihi inta ay nool yihiin badanaa in aan la waynayn, marka ay dhintaan se taallooyin loo dhiso oo xabaashooda ubax la saarsaaro. Maxamed Xaashi Dhamac ”Gaarriye” waxa uu nasiib u yeeshay in uu ka mid noqdo dadkii la kacaamay soomaalida cusub ee heshay dawladnimada, magaalada iyo waxbarashada. Waxa ay ahayd marxalad bulsheed oo ay ka buuxaan han, niyadsami iyo ku hirasho nolol qofeed oo liibaan leh iyo mid ummadeed oo aayo leh. Fankaa iyo suugaantaa yididdiilada lahaa saamaynta ay naftiisa iyo garaadkiisa ku yeesheen waxa ay ka muuqataa maansadiisa iyo qofnimadiisa labadaba. Laba meelood oo dhow ayaynnu taa ka arki karraa. Midda hore waa sida uu halabuurkiisa uga badbaadiyay aafada qabyaaladda taas oo ay dad aad u yari la wadaagaan. Midda kalena waa hankiisa iyo qiimiga sare ee uu wax walba oo soomaalinnimo ku abtirsada u hayay. Ta hore maansadiisa ayay siisay tayo sare iyo yool ka durugsan ta liidata ee ninkeedu reeraha soomaaliyeed ku la soo dhex noqdo. Ta labaadna waa waxa jeclaysiiyay baadhista iyo qodqodista hiddaha, afka iyo suugaanta soomaaliyeed. Aqoonta aan anigu qof ahaan Gaarriye u lahaa waa ay yarayd waxa ayna ku koobnayd saddex jeer oo weliba qarbo qarbo ahaa. Ha ahaatee soomaalidu waa ta tidhaahda qof aadan saacad ku baran sannad ku ma baratid. Maansadiisa qoran ee aan dhex galay, muxaaddarooyin dhawr ah oo aan warbaahinta ka daawaday, iyo saddexdii kulan ee aan la yeeshay haddii aan isu geeyo waxaa ii soo baxaysa qofnimo aan ku sifayn karo saddex arrimood:
Hawlaha laxaadka leh ee uu ka qabtay afka iyo suugaanta soomaaliyeed, halgankii uu la galay maamulkii hororka ahaa ee dawladnimadii soomaaliyeed afduubay, kaalintii xilkasnimada ahayd ee uu ka qaatay nabadaynta iyo xasilinta dhulka Somaliland xilligii qalalaasaha sokeeye ka oogmay, intaasiba waxa ay ku xidhiidhsan tahay fariidnimo iyo karti uu ku sifoobay. Kol haddii ay geeridu tahay xaq aan la baajinayn, qof qiimi leh oo dhintay sida ugu habboon ee loo maamuusi karaa waa in camalkii lagu jeclaa ee lagu ammaanay la sii wado. Sidaa darteed dhallinyaradii badnayd ee Gaarriye macallinka u ahaa iyo qof walba waxaa la gudboon in hankiisii la yeesho oo maskaxda la liso, isla markaa halabuurka iyo fikirka cidaha soomaaliyeed laga dhex qaado, loona gudbiyo heer dadnimo iyo aayo leh. Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd” ____________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com |