|
![]() |
|||||
|
“Ku-qabso ku qadi mayside! Cadyahow ama ku cunay ama ku ciideeyey” waa isirrada taban ee aan hore Somaliland siyaasaddeeda ugu badnayn ee ka soo kabbacaya hadallada iyo falaadyada isa soo taraya ee ka soo yeedhaya dharaarahan qaar ka mid ah ururradii ka hadhay tartanka ururrada siyaasadda ee Somaliland, kaas oo dhowaan Guddida Diiwaangelintu natiijadii ka soo baxday ay ku dhawaaqday. “Waannu muddaharaadaynaa! Wax xil leh baannu samayn! Guddida Diiwaangelintu ma leh xaqa in ay natiijo ku dhawaaqaan! Na looma sheegin sababihii aannu ku hadhnay, dhaar iyo dhafoortaabashooyin la hal maala iwm.” ayaa ka soo hadhay qolooyinkaas hadhay intooda badan! Qaylada iyo sawaxankoodu waxa uu ka selelinayaa oo sawliil gelinayaa “ilmaha yar ee daradhigta saaran”: dimoqraaddiyadda curdinka ah ee aan weli fadhi-baradka noqon ee Somaliland. Waxa ayarrintaasi welwel iyo wahan cusub ku oogaysaa degganaanta iyo kala dambaynta aan gaamurin ee raad-dhaqaajiska ah ee Somaliland, waxanay u yeedhi kartaa oo luxudka ka soo kicin kartaa ladh ahaan fidnooyin iska gamaarsanaa oo aan dan u ahayn wadajirka dadka iyo xasilloonida dalka.
Sideedaba haddii tartan la galo saw in kala badiyo maaha?! 15 urur markii la samaynayey waa la ogaa in qaarkood tartanka wareeggiisa hore ay ciidda cantuugi doonaan. Xitaa kuwa ururrada samaystay ee hadda baaxaaddegayaa taasi way u caddayd. Kharashyada badan ee ka baxay iyo wixii hawlo la galay saw lagama dheregsanayn in aan “gari laba ka wada qoslin doonin” oo cidi khasaaroobi doonto oo laga adkaan doono. Inta badan baa hadhaysey oo waa la ogaa. Ta labaad waa bannaanbaxyo salmi ah, oo aan laftoodu ahayn tallaabada ugu horraysa, oo iman lahaa haddii la saluugo garnaqa caddaaladda iyo garsoorka. Dadku in ay cabashooyinkooda muddaharaad ku muujaan waa xuquuq madhaafaan ah oo sharcigu siiyey, ayna habboon tahay in mar kasta la ixtiraamo oo aan awoodda xukuumadeed lagu minjobaaxin maquunin ahaan. Jid iyo hannaan la raaco ayuu se taas sharcigu u bannaynayey oo ay tahay in loo maraa. Bannaanbaxu maaha rabshado wata qalalaase “fawdo” iyo “madax iyo minjo la’aan” si dhasalaalaq yaac ah loogu mintidnimo gayllamo. Waa in uu jiraa oggolaansho iyo heshiis u dhexeeya cidda bannaanbaxaysa iyo hay’adaha amniga qaabbilsani (Wasaaradda Arrimaha Gudaha). Waa in la sii yaqaannaa oo labada dhinac isla sii cayimaan bar bilowga bannaanbaxa ilaa iyo bar dhammaadkiisa oo leh khad jeexan oo aan laga bixi karin. Waxa taas looga golyeeshaa sugidda ammaanka dadka iyo dalka; naf iyo maalba. Waxa laga fogaanayaa in lagu soo gabbado oo ay dhacaan falal iyo kharbudaad waxyeelaysa dadka iyo hantidooda; maal iyo moodba. Waxa hubaal ah in dimoqraaddiyadda cayddiga ah ee Somaliland; ee aan weli ku milmin dhiigga iyo hab-dhaqanka dadkeennu, gaar ahaan ka mas’uuliyiinteennu; aanay weli u bislayn hannaankaas is-cabbirka qofeed ama kooxeed iyo lifaaqyada xayndaabkiisa ku taxan toona. Caqabad bay tani mar kasta ku ahayd geeddi-socodka dimoqraadiyaddeenna. Shalayto ayay ahayd oo raadkeedii baa weli sii qoyan kolkii Xisbiga Kulmiye iyo madaxweynaha maanta Axmed Siilaanyo loo diiddanaa in ay isu-soo-bax sameeyaan ee ay iyana xoogga ku marsanayeen si aan sharciga waafaqsanayn. Waa ayaan darro iyo saqiiritaannimo siyaasadeed in maantana hoggaamiyayaasha ururrada hadhay qaarkood taas tusaale u soo qaataan oo iyana ay sameeyaan ku-dayasho ahaan, waana liidnimo iyo bisayl la’aan siyaasadeed in “raad arooryo uun dib loo raaco” oo lagu soo goosto arrin markeeda ahayd oo weliba darjiidhkeedu badnaa, sharcigana baal marsanayd. Waxa habboon in mas’uul kastaa u hadlo si u qalanta xilkiisa qofnimo iyo waxa uu doonayo xaqdhawrkeeda. Mas’uulka soo koraya jaranjaradii ugu horraysay ee aayaha iyo hankiisa hoggaamiyennimo isaga waxa sii fuulaysa mas’uuliyad weyn oo ah tii kala saari lahayd hoggaamiyennimadiisa iyo hungadiisa qofnimo ee waxa uu doonayo. Iminkaba waxa dad badani u sadburiyaan mas’uuliyiintii Ururka Badbaado oo muujiyey xilkasnimo iyo bislaansho siyaasadeed oo togan, una noqonaya duugyaal wanaagsan. Haddii cidi caddaalad darro ka gadoodi lahayd “Badbaado” ayaa ugu horraysa. Hase yeeshee wixii ay tirsanayaanba waxa ay caddeeyeen in aanay u marayn jidkan qodxanta badan ee qardajeexa iyo is-miidaaminta ku salaysan ee jujuub wax-ku-doonnimo. “Guushu ma dhammaato, guuldarraduna ma dhimato”! Hadda waxa inagu soo duulaya in qaar ka mid ah mas’uuliyiintaa ururrada hadhay la xidhxidhay, taas oo haddii ay rumowdo noqonaysa war aan subag lahayn iyo guuldarro laga maarmi kari lahaa. Xadhigga siyaasadeed waxa uu bar madow, canbaar iyo boog caabuq diloodey ku noqonayaa hannaanka dimoqraaddiga ah ee aynu ku-dhaqankiisa bilkeedayno yagleel ahaan. Xukuumadda Axmed Siilaanyo; oo dulqaad yaraan mucaaridkeedu ku xantaan; waxa saaran mas’uuliyadda ugu weyn: “Sidii ilkona u badbaadi lahaayeen; xeegana xeego u noqon lahayd”! Ururrada hadhay; oo la moodo in ay iska indhosaabayaan xaqiiqada mudduciga ku ah ee ku salaysan in tartan kasta oo la galaa maxsuulkiisu kala-badinta uun yahay, waxa la gudboon in ay dib isu qiimeeyaan oo ay damacyadooda qofeed ama kooxnimo iyo adduunka ka baxay uun aanay eegina ay uga xishaan danta madhaafaan ee ummadeed oo ay joojiyaan qaylodhaanta wisiisi, iyo hurinta dhimbiisha iyo belelinta dabka belaayo laga kaaftoomi karo oo hadda dabadeeda la qaban karo ka-hortag ahaan. Lama odhan karo ma dhicin caddaalad darro ama maamul xumo ku taxmaysa hannaankii loo cuskaday kala saaristii ururrada siyaasadda, hase yeeshee xalka taasi maaha is-maqiiq iyo samaynta qulqulatooyin qas iyo qasaaweselel geliya waddanka iyo degganaantiisa, dadka iyo wadajirkiisa, dimoqraadiyadda iyo toolmooni-socodkeeda. Sida ugu xasarad iyo xamaasad yari waa dariiqa garsoorka oo cagta la saaro, laguna tibbado oo loo bandhigo wixii caddaalad darro iyo maamul-xumo ah ee lagaga cabanayo hannaankii Guddida Diiwaangelintu ururrada ku kala saareen. Waa muhiim in la wada ixtiraamo oo la wada ilaaliyo xeerarka iyo heshiisyada ummadda ka dhexeeya ee ku salaysan wada noolaanshaheeda. Waayo waa tii horeba loo yidhi “xeer la’aan waa la xooloobaa”, xeerna wax kale maaha ee waa “dayr iyo dallad” wixii noolaha iyo nafleyda dhib iyo dharabo u keenaya laga dukaashado eerasho ahaan. Geeddu xeer ma leedahay E-Mail:mohamedbashe@hotmail.com ____________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com Copyright © 2012 WardheerNews.com |