|
![]() |
|||||
|
Waxay qaar ka mid ah jaraa’idka Soomaliyeed (gaar ahaan kuwa Hargeisa ka soo baxa) ka faaloonayeen maalmahan u dambeeyey shir la quudaranayo in uu dhawaan ka dhaco caasimadda Boqortooyada Britayn, London. Inksatoo aan la shaacin qodobada shirka (the agenda of the meeting), waxase la aminsan yahay in lagaga hadli doonaa sidii gooni-goosatada “Somaliland” loogu soo celin lahaa midnimada Soomaaliyeed oo ay ka fasax-qaateen muddo labaatan sanno kor u dhaaftay. Shirkan waxa la filayaa in la ishor-fadhiisiyo wasiirro ka socoda xukummada Sheikh Sharif madaxweynaha ka yahay (TFG) ee beesha caalamku u aqoonsantahay inay metasho Soomaaliya oo dhan iyo qaar laga soo xulay gooni-goosatada aan meella aqoonsi ka haysan ee la baxday “Somaliland”. Shirkan waxa ugu hadal hayn badan jaraa’idka Hargeisa ka soo baxa iyagoo mala-awaalaya waxa ka soo bixi doona siday wax u jecel yihiin wax uga sheegaya, isla markaana soo xiganaya siyaasiyiin, wax-garad iyo weliba kaaga darane waxa ay ugu yeedhaan “safiiro” magac-u-yaal ah oo aqoonsi diblomaasiyadeed (diplomatic credentials) aan ciddina ka gudoomin basle lagu xariiro mansabka “safiirnimo”. Cajiib! Haddaba aniga oo u noqonaya su’aasha cinwaanka maqaalkan kooban, jawaabta runta ahi way iska caddahay. “Somaliland” labaatan sanno muddo ka badan ayey beesha caalamka ka raadinaysay sidii ay u heli lahayd aqoonsi diblomaasiyadeed oo caalami ah (international recognition), waxayna kala kulantay weji-gabax iyo: “ordoo la hadla walaalihiin Soomaaliya haddaad aqoonsi rabtaan halkaasay daawadiino dawaladnimo ku jirtaaye”. Waxa weliba intaa dheer iyadoo maalinba maalinta ka dambaysa awoodii gooni-goosatada Hargeysa sii liciifayso oo gobollo badan oo ay sheegan jirtey faraheeda ka sii baxayaan qaarna ay ka baxeenba, kuwa hadhayna ay labada suul ku taagan yihiin. Maamul xumo, gobollaysi, musuq-maasuq iyo qabyaaladda ayaa iyaguna maraya meeshii ugu xumayd abid. Xataa beelihii maamulkan samaystay laftooda ayaan qaarkood maanta dabka kala qaadan. Waxa intaa dheer iyadoo Labadii shir ee u dambeeyey ee Soomaalida loo qabtay (kii London iyo kan u dambeeyey ee Istanbul) lagu xardhay in mindnimada ummadda Soomaaliyeed ay tahay lama-taabtaan, xukuumad cusubna aan laga abuuri karin khariidada wadanka Soomaaliya. Marka qodobadan iyo kuwo badan oo kaleba la isku gee-geeyo waxa kuu soo baxaysa in maamulka “Somaliland” dan weyni ugu jirto inay hor-fadhiistaan bahweynta Soomaaliyeed ee uu madaxweynaha u yahay Sheikh Sharif wixii ay tabanayaan halkaa ka sheegaan. Xukuuumada Sheikh Sharif, inkastoo ay jeceshahay inay hor-fadhiisato “Somaliland” haddana iyada mudnaanteeda kowaad ma ahan shirkan la saadaalinayo, maxaa yeelay waxa horyaalla arrimo badan oo ku saabsan xagga nabadgelyada iyo dib-udhiska qaranka Soomaaliyeed. Inkastoo siyaasiyiinta “Somaliland” carrabka ka dhawraan, haddana sababta ay dhankooda u dardar gelinayaan in wadahadallo deg deg ah lala galo Soomaaliya ayaa la rumaysan yahay inay tahay khatar siyaasadeed oo ku soo fool leh jiritaanka gooni-goosatada “Somaliland. Haddaba waxa nasiib darro ah in qaar ka mid ah wasiirada Axmed Siilaanyo ay weli dabada hayaan dariiqii lagu jabay ee waxba keeni waayey labaatanka sanno iyo wax la jira. Isagoo u jawaabaya Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Gas waxa haddaladdii wasiir-ku-sheega arimaha debadda “Somaliland” Maxamed Cabdillaahi Cumar ka mid ahaa: “Wixii la odhan jirey Soomaaliya beri hore ayey ka tashadeen Shacabka Somaliland. Hadalka ka soo yeedhay Ra’iisal wasaaraha Somalia waxaan u arkaa inaanu ahayn mid Xaqiiqada jirta ku salaysan waanna iska khiyaali, hase yeeshee dawladda Somaliland iyo shacabkeedu waa hore ayey arrimahaas ka gudbeen”. (Waaheen.com). Bal barbar dhig hadalada masuulkan ka soo yeedhay iyo warar la sheegay inay ka soo baxeen shir dhawaan ku dhexmaray saddexda xisbi ee “Somaliland” oo uu Axmed Siilaanyo si dadban ugu sheegay in dawaladda Ingiriisku doonayso in “Somaliland” ka mid noqoto dibu-dhiska dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay. Qarannews.com. Tani waxay kuu caddaynaysaa in weli qar-iska-xoornimadii siyaasadeed (political brinkmanship) “Somaliland” ay meelo badan ka sii jirto iyo weliba is garab-yaac xagga siyaasadda dawaladda ah. Sidaan marar badan meelo badan ku sheegay, “Somaliland” waxay u baahan tahay inay waajahdo xaqiiqada siyaasaddeed (political reality) ee maanta ka jirta geyiga Soomaaliyeed iyadoo weliba uga faa’iidaysan karta si wax ku ool ah. Xilliga wajiga la kala dadbi lahaa wuu dhammaaday.
Dhanka kale haddii “Somaliland” ku adkaysato in ay sii hayso dariiqii fashilmay ee aqoonsi-raadiska iyo gooni-isku-taaga, waxa laga yaabaa in arrimahan hoos ku xusani dhacaan:
Haddaba xalku wuxu ku jiraa in “Somaliland” tanaasul siyaasaddeed samayso maadaama himiladdii siyaasadeed ee aan marka horeba sal balaadhan ku dhisnayn noqotay mid meel mari weyda. Tani waxay suurtagelinaysaa in horumarkii “Somaliland” samaysay xagga dhaqaalaha iyo xagga nabedgelyaddaba (haba koobnaadeen) la dhawro oo ay halkii ka soo socdaan. Mohamed F Yabarag ____________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com |