Home Articles Somali Songs About us  
 

Book Reviews


By Aden Makina

By Hassan M. Abukar

By Ahmed I. Yusuf


By Hassan Abukar

Wada-hadallada dhexmari Doona Soomaaliya iyo “Somaliland” maxaa ka soo bixi kara?
Wq. Maxamed F. Yabarag

June 20, 2012

Waxay qaar ka mid ah jaraa’idka Soomaliyeed (gaar ahaan kuwa Hargeisa ka soo baxa) ka faaloonayeen maalmahan u dambeeyey shir la quudaranayo in uu dhawaan ka dhaco caasimadda Boqortooyada Britayn, London. Inksatoo aan la shaacin qodobada shirka (the agenda of the meeting), waxase la aminsan yahay in lagaga hadli doonaa sidii gooni-goosatada “Somaliland” loogu soo celin lahaa midnimada Soomaaliyeed oo ay ka fasax-qaateen muddo labaatan sanno kor u dhaaftay. Shirkan  waxa la filayaa in la ishor-fadhiisiyo wasiirro ka socoda xukummada Sheikh Sharif madaxweynaha ka yahay (TFG) ee beesha caalamku u aqoonsantahay inay metasho Soomaaliya oo dhan iyo qaar laga soo xulay gooni-goosatada aan meella aqoonsi ka haysan ee la baxday “Somaliland”. Shirkan waxa ugu hadal hayn badan jaraa’idka Hargeisa ka soo baxa iyagoo mala-awaalaya waxa ka soo bixi doona siday wax u jecel yihiin wax uga sheegaya, isla markaana soo xiganaya siyaasiyiin, wax-garad iyo weliba kaaga darane waxa ay ugu yeedhaan “safiiro” magac-u-yaal ah oo aqoonsi diblomaasiyadeed (diplomatic credentials) aan ciddina ka gudoomin basle lagu xariiro mansabka “safiirnimo”. Cajiib!

Haddaba aniga oo u noqonaya su’aasha cinwaanka maqaalkan kooban, jawaabta runta ahi way iska caddahay. “Somaliland” labaatan sanno muddo ka badan ayey beesha caalamka ka raadinaysay sidii ay u heli lahayd aqoonsi diblomaasiyadeed oo caalami ah (international recognition), waxayna kala kulantay weji-gabax iyo: “ordoo la hadla walaalihiin Soomaaliya haddaad aqoonsi rabtaan halkaasay daawadiino dawaladnimo ku jirtaaye”. Waxa weliba intaa dheer iyadoo maalinba maalinta ka dambaysa awoodii gooni-goosatada Hargeysa sii liciifayso oo gobollo badan oo ay sheegan jirtey faraheeda ka sii baxayaan qaarna ay ka baxeenba, kuwa hadhayna ay labada suul ku taagan yihiin. Maamul xumo, gobollaysi, musuq-maasuq iyo qabyaaladda ayaa iyaguna maraya meeshii ugu xumayd abid. Xataa beelihii maamulkan samaystay laftooda ayaan qaarkood maanta dabka kala qaadan. Waxa intaa dheer iyadoo Labadii shir ee u dambeeyey ee Soomaalida loo qabtay (kii London iyo kan u dambeeyey ee Istanbul) lagu xardhay in mindnimada ummadda Soomaaliyeed ay tahay lama-taabtaan, xukuumad cusubna aan laga abuuri karin khariidada wadanka Soomaaliya.

Marka qodobadan iyo kuwo badan oo kaleba la isku gee-geeyo waxa kuu soo baxaysa in maamulka “Somaliland” dan weyni ugu jirto inay hor-fadhiistaan bahweynta Soomaaliyeed ee uu madaxweynaha u yahay Sheikh Sharif wixii ay tabanayaan halkaa ka sheegaan. Xukuuumada Sheikh Sharif, inkastoo ay jeceshahay inay hor-fadhiisato “Somaliland” haddana iyada mudnaanteeda kowaad ma ahan shirkan la saadaalinayo, maxaa yeelay waxa horyaalla arrimo badan oo ku saabsan xagga nabadgelyada iyo dib-udhiska qaranka Soomaaliyeed. Inkastoo siyaasiyiinta “Somaliland” carrabka ka dhawraan, haddana sababta ay dhankooda u dardar gelinayaan in wadahadallo deg deg ah lala galo Soomaaliya ayaa la rumaysan yahay inay tahay khatar siyaasadeed oo ku soo fool leh jiritaanka gooni-goosatada “Somaliland. Haddaba waxa nasiib darro ah in qaar ka mid ah wasiirada Axmed Siilaanyo ay weli dabada hayaan dariiqii lagu jabay ee waxba keeni waayey labaatanka sanno iyo wax la jira. Isagoo u jawaabaya Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Gas waxa haddaladdii wasiir-ku-sheega arimaha debadda “Somaliland” Maxamed Cabdillaahi Cumar ka mid ahaa: “Wixii la odhan jirey Soomaaliya beri hore ayey ka tashadeen Shacabka Somaliland. Hadalka ka soo yeedhay Ra’iisal wasaaraha Somalia waxaan u arkaa inaanu ahayn mid Xaqiiqada jirta ku salaysan waanna iska khiyaali, hase yeeshee dawladda Somaliland iyo shacabkeedu waa hore ayey arrimahaas ka gudbeen”. (Waaheen.com).

Bal barbar dhig hadalada masuulkan ka soo yeedhay iyo warar la sheegay inay ka soo baxeen shir dhawaan ku dhexmaray saddexda xisbi ee “Somaliland” oo uu Axmed Siilaanyo si dadban ugu sheegay in dawaladda Ingiriisku doonayso in “Somaliland” ka mid noqoto dibu-dhiska dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay. Qarannews.com.

Tani waxay kuu caddaynaysaa in weli qar-iska-xoornimadii siyaasadeed (political brinkmanship) “Somaliland” ay meelo badan ka sii jirto iyo weliba is garab-yaac xagga siyaasadda dawaladda ah. Sidaan marar badan meelo badan ku sheegay, “Somaliland” waxay u baahan tahay inay waajahdo xaqiiqada siyaasaddeed (political reality) ee maanta ka jirta geyiga Soomaaliyeed iyadoo weliba uga faa’iidaysan karta si wax ku ool ah. Xilliga wajiga la kala dadbi lahaa wuu dhammaaday.
Hadaba haddaan soo koobo go’aanada la naawilayo inay ka soo baxaan shirka London ( haddiiba uu qabsoomo oo “Somaliland-na” niyad wanaag la timaado) waxay noqon karaan sidan hoos ku xusan:

  • Midnimada Soomaaliyeed oo sii xoogaysata maadaama nabadgelyo-darradii koonfurta Soomaaliya ragaadisay wax weyni iska badaleen.

  • “Somaliland” oo laga qayb-gelyo dibu-dhiska xukuumadda Soomaaliyeed ee la filayo inay qabsoonto bisha August ee soo socota (waa haddii ay ka noqto goon-goosatanimada)

  • In la abuuro guddi labada dhinac ka socda oo soo turxaan-bixiya dhibaatooyinka la kala tabanyo, gaar ahaan kuwa beesha SNM tabanayso.

  • Distoorka iyo shirarkii Muqdisho, Garowe I and Garowe II oo dib-u-eegis lagu sameeyo si “Somaliland” qayb uga noqdo waddada khariidada (road-map) ee loo jeexay Soomaaliya oo aanany markii hore xubin ka ahayn.

  • Hadday niyad-sami la timaado, in jagadda Ra’isal wasaaranimada lagu sharfo “Somaliland” inta laga gaadhayo xilli shacabka Soomaaliyeed si toos ah  u soo doorto xukuumada sal balaadhan oo loo dhan yahay, inkastoo laga yaabo in diidmo badanni ka timaado maamul-gobolleedyada qaarkood oo iyagu mar walaba diyaar u ahaa ka mid noqoshada xukuumada Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

  • In dhaqaalaha iyo mucaawimooyinka si toos ah loo siiyo “Somaliland” halkii awal ha’yadaha loo soo marin jirey, sida uu dhawaan ka dhawaajiyey Ra’iisal Wasaare Abdiweli Gas.

Dhanka kale haddii “Somaliland” ku adkaysato in ay sii hayso dariiqii fashilmay ee aqoonsi-raadiska iyo gooni-isku-taaga, waxa laga yaabaa in arrimahan hoos ku xusani dhacaan:

  • “Somaliland” oo beesha caalamka faqooqdo oo loo arko nabad-diid iyo qaran-dumis aan la jaan qaadi karin sharciyada aduunka u degsan (renegade administration).

  • Beelaha dega “Somaliland” oo badankooda qarka jabiya sidii immikaba dhacday markii la soo xulayey oday-dhaqmeedyada Muqdisho ku shirsan ee ansixinaya dastuurka qabyo-qoraalka.
  • Dhaqaalihii la siin jirey oo yaraada iyo hay’adaha inta yar ee hadda joogto Hargeysa oo u degal-rogta Muqdisho, shaqo la’aan baahsanna ka timaaddo.

  • Xiisadaha siyaasadeed ee haddeerba cakiran iyo siyaasadda middi-middi-ku-taagta ah oo cirka isku sii shareera.

  • Khaatumo State of Somalia, Awdalstate iyo Maakhir state oo sii xoogaysata taageerooyin badan oo xag dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid ciidanba ah ka hela walaalahooda Soomalliyeed iyo inta midnimada jecel.
  • Iyo ugu dambeyn, “Somaliland” oo iskeed isaga burburta (Canfray figigix)

Haddaba xalku wuxu ku jiraa in “Somaliland” tanaasul siyaasaddeed samayso maadaama himiladdii siyaasadeed ee aan marka horeba sal balaadhan ku dhisnayn noqotay mid meel mari weyda. Tani waxay suurtagelinaysaa in horumarkii “Somaliland” samaysay xagga dhaqaalaha iyo xagga nabedgelyaddaba (haba koobnaadeen) la dhawro oo ay halkii ka soo socdaan.

Weliba waxa suurta-gal noqon karta inay “Somaliland” noqoto gobolka ugu horumarsan maadaama ay nabadgelyo ka jirtey (waxba yaanay lugo adag ku taagnaanine) xilligii Soomaaliya inteeda kale dagaalka sokeeye iyo kan xag-jirnimadu ka socoday. Haddaba su’aasha kale ee meesha taallaa waxay tahay siyaasiyiinta SNM ma yaqiinsan doonaa in halgankii jabhadnimada ku salaysnaa dhamaaday, Soomaliyana maanta dhinac keliya u socoto: midinimo iyo wax-wada-lahaansho.

Mohamed F Yabarag
WardheerNews Contributor
E-Mail: Myabarag@yahoo.co.uk

____________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2012 WardheerNews.com