|
![]() |
|||||
|
Wax-ka-sheegidda abtirsinta reer ama qabiil ma aha arrin fudud waana arrin u baahan in si feejignaani ku jirto loo abbaaro. Sida ay doonto ha u taagnaato abtirsintaasi e, waxa run ah in qaab-dhismeedkaas bulsho uu u taagan yahay Ahaanshiiyo, Isku-dhaadasho, Isku tolnaan (tol waa tolane!), dhib iyo dheef wadaaq iwm oo wax kasta oo qaali ah loo huro si loo ilaaliyo dhegta (sharafta) qabiilka. Ku-xad-gudubka seere-bulsheedka jaadkan oo kale ah waxa ka dhalan kara isku-dhac iyo is-maan-dhaaf. Sidoo kalena, diinta Islaamku waxa ay meel adag dhigtay ilaalinta sharafta isireed.
Qodobkan aan soo tilmaamay waxa uu toos ula xidhiidhaa qoraal uu qoray ninka magaciisa la yidhaahdo Maxamed Hirad, bilow-ahaanna ku faafiyay degelka wardheerNews (26kii Abril 2010) – kaas oo ku suntanaa 'Qabaa’ilka Soomaalidu ma isbahaysi baa, mise waa dhalasho?’ Haddaba waxa jirta in sheekooyinka iyo wax-ka-sheegidda reeraha ee uu tilmaamay Maxamed Hirad ay qaarkood ku salaysan yihiin been-abuur aan sal iyo raad toona lahayn oo ay isla beegsadaan qabiilooyinka qaarkood. Waxa kale oo u baahan in hoosta laga xarriiqo in kaydka sooyaal (taariikheed) ee uu ku kalsoonaan karo qabiil gaar ahi yahay kiisa oo isla markaana ay ka marag kici karaan qabaa’ilka ku hareeraysan (ood-wadaag iyo isir-wadaagba). Labaataneeyadii qabiil ee uu qoraaga Maxamed Hirad maqaalkaas uu qoray 2010kii wax kaga sheegay “hayb-beddelashadooda”, haddii aynnu tusaale keliya kasoo qaadanno, waxa uu ku xusay maqaalkaas in qabiilka Isaxaaq ee ka tirsan Habar Yonis uu Saado (carbeed) sheegan jiray, 50 sano ka horna ku biiray Habar Yonis! Waa arin ugub ah, oo aan Mahamed Hirad hortii la maqal, laguna xaman, laguna nuunayn sida Soomaalidu tidhaa abtirsiinta Isaxaaq. Arrintani, haddii aanay Maxamed ka ahayn aqoon-darro, waxa ay u dhigan tahay majaro habaabin taariikheed iyo ku been-abuurasho dhegta (sharafta) iyo jiritaanka qabiilka Isaxaaq oo ka mid ka mid ah qabaa’ilka Habar Yonis. Tusaalahanna waxa sidoo kale lagu jaan goyn karaa qabaa’il kale oo ka mid ah kuwa ku xusan maqaalkiisa oo laga yaabo in qaarkood aanu Maxamed asiibin xaqiiqada ku xeeran asalkooda. Arrinkan isaga ah waxa aan ku beeninayaa, isla markaana aan sooyaalka qoran markhaati uga soo qaadanayaa dhacdadan dhex martay Shire Sharmaarke oo waayeel reer oo laga dambeeyo ahaa, kana tirsanaa jilibka Cabdalle Isaxaaq iyo gaalkii Mijir (Major) Swayne gu’gii 1892 (muddo hadda laga joogo 120 gu’). Markii ugu horraysay ee ay ku kulmeen goobta iminka loo yaqaanno Ceel Caanood ee Gobolka Saaxil, ayaa Shire Sharmaarke oo u fadhiya qaab doonyaysi ah, tolkiisina ku harareeraysan yahay, isla markaana dhulka qori ku xariiqaya ku yidhi gaalkii: Major Swayne oo dhacdadan ku xusay buuggiisii Seventeen Trips Through Somaliland, waxa uu xaqiijiyay in reerka Isaxaaq uu ka tirsan yahay Habar Yonis ee beesha Garxajis. Waxa kale oo uu weliba buuggiisa ku sheegay mar kale oo ay Shire Sharma'arke ku kulmeen meesha la yidhaahdo Xumba-weyne, in hees u gaar ah Garxajiska ay ugu heeseen mar ay dabbaal-deg iyo soo-bandhigid fardo-fuul iyo ciyaareed gaalka u soo ban dhigayeen. Ayaan-darro se, ma haynno midhihii oo Af Soomaali ah, waana tan sida uu u tarjumay Swayne: Tarjumadda heesta:“Ma jiraan cid (annaga) lala maseeyaa (la barbar dhigi karo), Sidoo kale waxa sii xoojin kara isla qoraagaas Swayne buug kale oo uu qoray oo la yidhaahdo “Early Days in Somaliland and other Tales” (1885-1993). Dhinaca dhaqanka haddii aynnu ka eegno, Soomaalidu sugnaanshiyaha isir waxa ay ku xoojin jireen suugaangta, sida gabayada. Markaasna, in Isaxaaq ka tirsanaa beesha Habar Yonis waxa aynu u soo qaadan karnaa gabaygii “Kala Gooye” ee Maxamed Aadan Caws (Yawle) ee uu tiriyay horraantii qarnigii labaatanaad iyo sidoo kale Qawdhan Ducaale oo isla xilliyadaas joogay. Tixdan soo socota ayaa ku jirtay gabayga Yawle xilli uu ka hadlaayay beel-weynta Habar Yonis iyo degaannadooda: Isaxaaq waxuu ununufaa, uurku-taalada’e Dhacdooyinkan aan kor ku xusay ayaa muujinaya in maqaalka uu qoray Maxamed Hirad ee ku suntanaa “Soomaalidu ma isbahaysibaa mise waa dhalasho” aanu ahayn mid runta ka tarjumaya oo majara habow taariikheed abuuraya. Haddaba waxa muddo-dhaaf ah xilligii uu qoraagaasi sixi lahaa arrimahaas uu sida qaldan u xusay, raalli gelin wadareedna ka bixin lahaa wixii meel ka dhac ahee uu u gaystay beelaha uu ku xusay maqaalkiisa. Sidoo kale, kol haddii qoraagaasi sheegay in uu ku talo jiro in uu qoro (ama uu ku gudo jiroba) buug ku saabsan arrimahan aan ka hadlay iyo qaar kaleba, waxa habboon in qoraagaasi u qaato qoraalkaygan baraarujin iyo in aan cid lagula dul kufin wax aan jirin, ka dibna sidaas ku qoraal gala. Qoraalkan Maxamed Hirad ee kor ku xusan waxa aan qof-ahaan qayb ka mid ah u xigtay buuggii aan qoray ee Dirkii Sacmaallada (daabacaaddiisii 1aad), ha yeeshee waxa ii caddaatay in kalsoonida qayb ka mid ah xogahaas aan kasoo xigtay qoraagaas aanay sugnayn. Sidaas awgeedna aan kaga saaray buuggaygii isla markaana aan raalli gelin ka siiyay ciddii ay khusaysay. Tixraac
____ ____________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com |