Home Articles Somali Songs About us  
 

Book Reviews


By Aden Makina

By Hassan M. Abukar

By Ahmed I. Yusuf


By Hassan Abukar

Farriin ku Socota Qoraaga Maxamed
Hirad: Majaro Habaabin Sooyaal
oo u Baahan in La Saxo
Wq. Axmed Ibraahin Cawaale

June 10, 2012

Wax-ka-sheegidda abtirsinta reer ama qabiil ma aha arrin fudud waana arrin u baahan in si feejignaani ku jirto loo abbaaro.  Sida ay doonto ha u taagnaato abtirsintaasi e, waxa run ah in qaab-dhismeedkaas bulsho uu u taagan yahay Ahaanshiiyo, Isku-dhaadasho, Isku tolnaan (tol waa tolane!), dhib iyo dheef wadaaq iwm oo wax kasta oo qaali ah loo huro si loo ilaaliyo dhegta (sharafta) qabiilka.  Ku-xad-gudubka  seere-bulsheedka jaadkan oo kale ah waxa ka dhalan kara  isku-dhac  iyo is-maan-dhaaf.  Sidoo kalena, diinta Islaamku waxa ay meel adag dhigtay ilaalinta sharafta isireed.

Qodobkan aan soo tilmaamay waxa uu toos ula xidhiidhaa qoraal uu qoray ninka magaciisa la yidhaahdo Maxamed Hirad, bilow-ahaanna ku faafiyay degelka wardheerNews (26kii Abril 2010) – kaas oo ku suntanaa 'Qabaa’ilka Soomaalidu ma isbahaysi baa, mise waa dhalasho?

Haddaba  waxa jirta in sheekooyinka iyo wax-ka-sheegidda reeraha ee uu tilmaamay Maxamed Hirad ay qaarkood ku salaysan yihiin been-abuur aan sal iyo raad toona lahayn oo ay isla beegsadaan qabiilooyinka qaarkood.

Waxa kale oo u baahan in hoosta laga xarriiqo in kaydka sooyaal  (taariikheed) ee uu  ku kalsoonaan karo qabiil gaar ahi yahay  kiisa oo isla markaana  ay ka marag kici karaan qabaa’ilka ku hareeraysan (ood-wadaag iyo isir-wadaagba).

Labaataneeyadii qabiil ee uu qoraaga Maxamed Hirad  maqaalkaas uu qoray 2010kii  wax kaga sheegay “hayb-beddelashadooda”, haddii aynnu tusaale keliya kasoo qaadanno, waxa  uu ku xusay maqaalkaas in  qabiilka Isaxaaq ee ka tirsan Habar Yonis uu Saado (carbeed) sheegan jiray, 50 sano ka horna ku biiray Habar Yonis! Waa arin ugub ah, oo aan Mahamed Hirad hortii la maqal, laguna xaman, laguna nuunayn sida Soomaalidu tidhaa abtirsiinta Isaxaaq.

Arrintani, haddii aanay  Maxamed ka ahayn aqoon-darro, waxa ay u dhigan tahay majaro habaabin taariikheed iyo ku been-abuurasho dhegta (sharafta) iyo jiritaanka qabiilka Isaxaaq oo ka mid ka mid ah qabaa’ilka Habar Yonis. Tusaalahanna waxa sidoo kale lagu jaan goyn karaa qabaa’il kale oo ka mid ah kuwa ku xusan maqaalkiisa oo laga yaabo in qaarkood aanu Maxamed asiibin xaqiiqada ku xeeran asalkooda.

Arrinkan isaga ah  waxa aan ku beeninayaa, isla markaana aan sooyaalka qoran markhaati uga soo qaadanayaa  dhacdadan dhex martay  Shire Sharmaarke oo waayeel reer oo laga dambeeyo ahaa, kana tirsanaa jilibka Cabdalle Isaxaaq  iyo gaalkii Mijir (Major) Swayne  gu’gii 1892  (muddo hadda laga joogo 120 gu’).   Markii ugu horraysay ee ay  ku kulmeen goobta iminka loo yaqaanno Ceel Caanood ee Gobolka Saaxil, ayaa  Shire Sharmaarke oo u fadhiya qaab doonyaysi ah, tolkiisina ku harareeraysan yahay, isla markaana dhulka qori ku xariiqaya ku yidhi gaalkii:

“Waaryaa ninka Faranji!  Maxaad ka soo doontay dhulkayaga.  Ma waxaad  doonaysaa in aad geelayaga dhacdo?”

Major Swayne  oo dhacdadan ku xusay buuggiisii Seventeen Trips Through Somaliland, waxa uu xaqiijiyay in reerka Isaxaaq uu ka tirsan yahay  Habar Yonis ee beesha Garxajis. Waxa kale oo uu weliba buuggiisa ku sheegay mar kale oo ay Shire Sharma'arke ku kulmeen meesha la yidhaahdo Xumba-weyne, in hees u gaar ah Garxajiska ay ugu heeseen mar ay dabbaal-deg iyo soo-bandhigid fardo-fuul iyo ciyaareed gaalka u soo ban dhigayeen.   Ayaan-darro se, ma haynno midhihii oo Af Soomaali ah, waana tan sida uu u tarjumay Swayne:

“There is no body like us,
Our horses are the best and fly like the wind,
And non can fight like we,
Our old men are wise,
Our young men are braves as lions,
and there are no girls so beautiful as ours”

Tarjumadda heesta:

“Ma jiraan cid (annaga) lala maseeyaa (la barbar dhigi karo),
Fardahayagu waa kuwa ugu fiican, waxana ay u boodaan sida dabaysha,
Ma jirto cid u dagaallanta sidayada oo kale,
Waayeelkayagu waa maskax miidhan (caqli badan yihiin),
Dhallintayaduna waxa ay leeyihiin geesinimada libaaxa,
Mana jiraan hablahayaga qaar ka qurux badan!”

Sidoo kale waxa sii xoojin kara isla qoraagaas  Swayne buug kale oo uu qoray oo la yidhaahdo “Early Days in Somaliland and other Tales” (1885-1993). Dhinaca dhaqanka haddii aynnu ka eegno, Soomaalidu sugnaanshiyaha isir waxa ay ku xoojin jireen suugaangta, sida gabayada. Markaasna, in Isaxaaq ka tirsanaa beesha Habar Yonis waxa aynu u soo qaadan karnaa gabaygii  “Kala Gooye” ee Maxamed Aadan Caws (Yawle) ee  uu tiriyay horraantii qarnigii labaatanaad iyo sidoo kale Qawdhan Ducaale oo isla xilliyadaas joogay.  Tixdan soo socota ayaa ku jirtay gabayga Yawle xilli uu ka hadlaayay beel-weynta Habar Yonis iyo  degaannadooda:

Isaxaaq waxuu ununufaa, uurku-taalada’e
Bal eegoo Afmeer bay galbeed, uga arooraane,
Markay idin arkaan geelashaa, uubka loo ridi’,

Dhacdooyinkan  aan kor ku xusay ayaa muujinaya in  maqaalka uu qoray Maxamed Hirad ee ku suntanaa “Soomaalidu ma isbahaysibaa mise waa dhalasho” aanu ahayn mid runta ka tarjumaya oo majara habow taariikheed abuuraya.  Haddaba waxa muddo-dhaaf ah xilligii uu qoraagaasi  sixi lahaa arrimahaas uu sida qaldan u xusay, raalli gelin wadareedna ka bixin lahaa wixii meel ka dhac  ahee uu u gaystay beelaha uu ku xusay maqaalkiisa. Sidoo kale, kol haddii qoraagaasi sheegay in uu ku talo jiro in uu qoro (ama uu ku gudo jiroba) buug ku saabsan arrimahan aan ka hadlay iyo qaar kaleba, waxa habboon in qoraagaasi u qaato qoraalkaygan baraarujin iyo in aan cid lagula dul kufin wax aan jirin, ka dibna sidaas ku qoraal gala.

Qoraalkan Maxamed Hirad ee kor ku xusan waxa aan qof-ahaan  qayb ka mid ah u xigtay buuggii aan qoray ee Dirkii Sacmaallada (daabacaaddiisii 1aad), ha yeeshee waxa ii caddaatay in  kalsoonida  qayb ka mid ah xogahaas aan kasoo xigtay qoraagaas aanay sugnayn. Sidaas awgeedna aan kaga saaray buuggaygii isla markaana aan raalli gelin ka siiyay ciddii ay khusaysay.

Tixraac

  • H. G. C. Swayne, Seventeen Trips Through Somaliland: A Record of Exploration and Big Game Shooting 1885 to 1893, p. 71
  • Early days in Somaliland and Other Tiles “A pioneer’s notebook” ee uu qoray H. G. C. 
    Swayne 1885-1893  available at  http://www.amazon.co.uk/Early-Days-Somaliland-Other-Tales/dp/B0040GCT22
  • Seventeen Trips through Somaliland ee uu qoray H. G. C.  Swayne 1885-1893

  • Mahamed Adan Caws “Yawle” Gabay: Kalagooye www.hoygasuugaanta.com
    Qarnigii labaatanaad horraantiisii.

  • Qawdhan Duale “Gabay Dirirtii dhurwaale www.hoygasuugaanta.com
    Qarnigii labaatanaad horraantiisii.

____

Maxamed Ibraahin Cawaale waa qoraa deggen magaalada Hargeysa, dhawaanna soo bandhigay buug ka hadlaya isirka Soomaalida oo la yidhaa Dirkii Sacmaalada. Waxa lagala xidhiidhi karaa: E-Mail:aiawaleh@gmail.com

____________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2012 WardheerNews.com