|
|
Anniga iyo Naftayda Ha la noo Garnaqo !
By Axmed Ismaciil Maxamuud
May 08, 2010
|
Waxaan deg deg jeer ku liqay
Maxay shishe ii damqeen
Kashayda dalooshadeen
Muxuu hadba shay daligan
Dareensigu soo tuf yidhi
Hadraawi
 |
Ma kala maarano, mana kala maqnaano, la'aanteed xarako iyo dhaq dhaqaaq toona ma lahaadeen, kamana duwanaadeen dhagax meel yaal oo ay taabasho iyo tuujiniba iskugu mid tahay. Iyana la’aantay waxba inaanay u hir galeen uun baan filayaa, inkasta oo aan jeclaan lahaa inay iyana qeexdo waxaanu isku nahay.
Akhriste haddii aanu isku nahay arimaha kor ku xusan oo idil, haddana mar walba waanu muranaa, waanu is haysanaa, waanu doodnaa, waa noo hadal iyo hugun joogto ah!, Soomaaliduna waxay tidhaahdaa " hadal gu’i waayay waa lagu go’aa". Taasina waa ta keentay inaan kaa dalbado inaad noo gar naqdo aniga iyo NAFTAYDA. Waan kula dareensanahay inaad la yaabi doonto dalabkaygan, isna waydiin doonto ninkani ma falan yahay ? ma waalan yahay?
Waase mid aad ku saxan tahay oo meesha ku jirta waayo? waxaa kaa bad batay is haysashada laba qof, laba qabiil, laba qaran, laba quwadood. Waxa kale oo aan ugub ama cusayb kugu ahayn dhex dhexaadinta , xalinta ama ka garniqida waxa ay isku hayaan. Haddase waxaan rabaa inaan ku hor keeno qof isagu is haysta !!!!! rabana in la ogaado waxa ay isku haystaan isaga iyo naftiisa ka dibna laga gar naqo.
Akhriste ugu horayn ogsoonaw inaanu isku haysano ka hadalka iyo gorfaynta wixii aanu ka maarsan wayno, una aragno inay dheefi noogu jirto if iyo aakhiraba.Waxaadse ogsoonataa inaanu jirin qawl aanu isku raacsanahay oo aanu isla qirsanahay wanaagiisa iyo waxyeeladiisa.Waliba adduunyo ha ii dabranaatee waxaanu sii kala daaq tagnaa marka arimuhu aakhiro iyo u halgankeed joogaan.
Akhriste inaan wax kuu hadoodilo waxaan ka door bidayaa inaan wax walba intii itaalkay dharaarta ka cadeeyo,adna maadaama aad tahay garsoore taasaa kuu wanaagsan kuuna sahlan,waxa kale oo aan kaa codsanayaa gefba haygu ahaatee maadaama garuhu badan yihiin in gartaydu noqoto GAR SOKEEYE, ilayn waa aniga iyo naftaydiiye.hadda ayaan kuu soo qadimayaa qodobada.
Waxay jeceshahay u hogaansanka amaradeeda iyo duub duub ku liqida wax kasta oo ay soo jeediso, bal waxa ay soo jeedinayso haday wanaag yihiin ma ciil baaban qabi lahaa saw iskama qaateen, wanaagba waa ku yar yahay, haa waa ku yar yahay waayo wanaaga waa ku balalootaa xumahase waa ku barartaa ,xalaasha waa ku shaashawdaa xaaraantase waa ku shifowdaa, wax bixinta waa ku caatawdaa gacan adaygase waa ku cayishaa, guurku waa ku culus yahay gaabsiguse waa u fudud yahay,aar goosiga waa igu dhiiri galisaa cafiska iyo tasaamuxase waa iga hor istaagtaa .Had iyo goor waxay jeceshahay ka hadalka iyo galitaanka wax aan danteeda diinteeda iyo dadnimadeedu ku jirin. Waxay jeceshahay ka hadalka waxanay aqoonba u lahayn, wax walba oo ay ka hadashana si mug iyo miisaan leh ugama hadasho ee laba eray oo aan meel fog jirin, dadkana wax ku kordhinayn bay ka tadhaw siisaa. ujeedada ay ka leedahay ma garan, ma ha lagu yidhaa wax bay qortay baa?! ma ismuujibaa?! ma istusnimaa?! Umalee intaba.. Waxay ugu sii daran tahay marka ay tidhaa Siyaasad baan ka hadlayaa, Fan baan ka hadlayaa, dhaqaalaan ka hadlayaa, Nabad baan ka hadlayaa, waxan is idhaa waxan ay rabto inay ka hadasho horta iyadu ma taqaan? waxana ii soo baxda maya. Waxan u arkaa naf ayaan daran, kuwase ay wax u gudbinayso ee wax moodaya ayaa ka sii ayaan daran.
Waxay u heelan tahay helitaanka aduun tiro badan xalaal iyo xeelad kuu doonaba ha ahaadee oo ay baahiyaheeda ka sakow, tidhaa dalkeyga, dadkeyga iyo diinteyda ayaan rabaa inaan wax ugu qabto.
Mase hayso dariiqii ama dawgii loo mari lahaa, mana laha dedaalkii aduunkan faraha badan lagu kasban lahaa. Run ahaana ma taqaan waajibka ka saaran dadkeeda, dalkeeda ,iyo diinteeda ee intaniba af gobaadsi bay ka yihiin.
Waxay ku yididiilootaa galitaanka janada, waxayse ka war wareegtaa samaynta acmaashii lagu kasban laha nimcada. Ogsoonaw maah maah baa waxay tidhaa sadex Alle waa awoodaa mase yeelo
1-Allaw shaqaysan maayee xoolo i sii
2-Allaw cibaadaysan maayee jano i gali iyo
3-Allaw guursan maayee ubad i sii.
Badanaa inta firkad ay ii soo bandhigtay aan ku raacay dabadeedna qoomamo iyo ciil aan kala kulmay badsadayna dhegaysiga heesta Sahra Axmed ku luuqayso ee ay midhaheeda ka mid yihiin "Cawo daran naftaydaay car caraaf i galisee sideen caawa yeelaa" markanse muxuu calaacal qabanayaa , waxase ka sii daran kama ilbaxo dibin daabyooyinkeeda joogtada ah waxana iigu wacan malaha nacasnimo .
Marar doora waxaan isku deyay inaan maxkamad caalami ah la tiigsado, waxayse igu qancisay gacmo geel jire hoos baa loo dhaqaa ee yaan arinkeenu ina dhaafin sadexdeena. Haa sadexdeena oo waa ayo cidan sadexaad akhriste , waa cid nagu lammaan nagu ladhan oo mar walba hawlahayaga taako taako ula socota, mar walba oo aanu is qabano waa cida aanu u soo bandhigno is haysashadayada . Gorfayn iyo falanqayn ka dibna ku dhawaaqda kaayagii garta helay iyo ka laga helay oo iska cadaaba, hadaba waa yaabe mar walba anaa garta la iga helaa. Ana anoo maanka iyo maskaxda ku haya gar diid waa Alle diid iyo gar dabadeed gunuunucaan nacay ayaan haye iyo ku qancay ku qaataa.
Dhab ahaanse waxay igu ahayd arrin igu adag, arin gocashadeedu sina ii dayn weyday arin iga degi wayday.Waxaan isku taxaluujiyay ogaanshaha cidan gartayda gacan togaalaynaysa xataa hadii laaluush la siinayo darteed ay waxan u samaynayso inaan bixiyo ayaan go,aansaday ilayn sidani waa qiyaamahaagiiye.
Akhriste adoo raaliya bal naftaa u caqli celi, aniga iga diiday waaniyo wax sheege.
Axmed Ismaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
Egypt, Cairo
Email: awliyo177@hotmail.com
Alla mahad leh
___________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2010 WardheerNews.com
|