Home Articles Somali Songs About us  

 


The Definition of “Somali”: Qeexidda “Soomaali”
W/Q Cabdi Maxamed
August 24, 2010

Qeexidda “Soomaali” ee uu ku muujiyey abwaan Cabdiqaadir Xirsi  (YamYam) Allah ha u naxariisto  tuducyada gaaban ee heesta “Soomaali baan ahay” , waxaa la oran karaa waa midda ugu qiimaha badan uguna horreysa marka loo eego heeso badan oo ay tiriyeen abwaanno farabadan oo Soomaali ah, ha ahaadeen kuwo asaga ka horreeyey ama kuwo la waqti ahaaba.

Afka hooyo wax loo dhigaa ma jiro, si kasta oo loo turjumo af kale ma yeelanayo nuxurkii dhabta ahaa ee laga dheehan lahaa afka hooyo. Saas oo ay tahay haddana waa muhiim in aan afafka dadyowga kalena qof waliba intuu ka gaaro ka barto, waayo? luqad kasta oo aan barano waxay wax nooga iftiiminaysaa dadka ku hadla, hadday ahaan lahayd dhaqankooda inaan fahamno, tariikhdooda iwm. Nasiib darro laakin waxay noqonaysaa in qofkii asaga oo afkiisa hooyo oo hodanka ah aan si fiican u dhex qaadin oo dhuuxin, uu u boodo af shisheeye. Taas oo uu ku soo baxayo markuu afkiisa hooyo ku hadlayo sidii "qof silloon!",  keeneysana  inaan is weydiino su’aalo badan sida ‘maxaa ku dhacay?’, ‘see wax ka yihiin?’, ‘af soomaaliga muxuu ugu ciyaarayaa?’ ‘Muxuu isu yeelyeelayaa? ‘ iyo kuwo badan oo la mid ah.

Turjimidii uu ka bixiyey erayada abwaan Yamyam, Axmed Ismaaciil Yussuf iyo weliba faallada kooban ee uu raaciyey ee ku soo baxday barta WardheerNews”, Waxaa la oran karaa waxay aheyd mid aad u qiimo badan, aad baanan ugu hambalyeynayaa dadaalka Axmed. Haddana markaan akhriyey, waxaan dareemay inay jiraan meelo u baahan in la dhammeystiro oo wax ka dhimmanaayeen.

Markaa halkan waxaan idiin ku soo gudbinayaa turjumaadda aan saaray (my version) erayadaas qaymiga badan ee uu abwaanku ku qeexay si cad oo aan mugdi lahayn waxa ay tahay “Soomaalinimo” oo uusan waxba ka tagin.

Tarjumadaydiina waa sidan soo socota:


The times in motion
The chain-like days
Ponder over the seasons
If you’re a time-honored expert
Revise the lines “of history and tell me”
Who’s Somali?

“To tell you that”

I’m synonymous with equality
I don’t accept any nose-breather
Superior to me
I don’t invite anyone
With obscure familiarity
I don’t accept from anybody to
Stroke my head or fetter me “neither paternalistic nor belittling manner”

I am not a fan of luring
The deception, I call it
A not water-tight means
Somali
Somali
I’m Somali

Though I seemingly have less wealth
Yet, I keep my head above the water
I don’t supinate my palms for begging "Except for Allah"
I don’t equate a friend of mine with my enemy
Somali
Somali
I’m Somali

My journey is to a destination
My provision is Bitterness
My boundary is well-known

Shackling me is lack of ease “To those whoever think of  it”
And my soul hangs from the tree “I won't hesitate to defend my dignity come what may”

Anyone who comes closer to harm is in danger
And there’s none who waited for me
I haven’t loosened my grip of victory
I don’t entertain aggression

I don’t equate the rightful with anyone else
Somali
Somali
I’m Somali

I survey for peace,
Violence wakes me from slumber
I don’t turn my back in the battle fields

And don’t wait the harm
From the attackers hand “I take him by surprise”
I move with the speed of wind

Yet I don’t stand up gracelessly
Somali
Somali
I’m Somali

I’m a lethal Poison
At times, I’m bearer of piety
And screen myself with forbearance
Somali
Somali
I’m Somali

The one can’t be parched by mine “my rightful demands”
I will allow him do as he wants

As in parts of the world
I don’t accept dictation
Nor do I carry shoes for anyone “in short, I never welcome arrogance”
The one who-feels-wealthier than me

Remember! I don’t expect your
Giving that comes with name
And never say “to yourself" "cheat this nomad"
 For I don’t have the sense that goes to sleep “I’m always alert to your aims and intentions”
Somali
Somali
I’m Somali

I’m a slashed hide "i.e.division of Somalia by European colonialists"
All with marks “To identify”
Remember! All with marks

Some have shared me out among themselves “partition of Somalia into five in the 19th century”
While I was herding my animals
I carry with me the responsibility for unity
Somali
Somali
I’m Somali

Heestii oo Af Soomaali ah

Waqtiyada socdaalka ah
Ayaamaha silsiladda ah
Xilliyada bal suuree
Soo jire haddaad tahay
Sadarada dib ugu noqo
Soomaali waa kuma?

Soomaali waa tuma?

Sinnaantaan la magac ahay
Sanku-neefle ma oggoli
Inuu iga sarrayn karo,

Anna garasho sogordahan
Sooryo ruux ugama dhigo,

Ninna madax-salaax iyo
Kama yeelo seetada,

Sasabada ma qaayibo
Sirta waxaan idhaahdaa

Saab aan biyaha cellin
Saab aan biyaha cellin

Soomaali
Soomaali
Soomaali baan Ahay

******
Inkastoon sabool ahay
Haddana waan sarriigtaa
Sacabada ma hoorsado
Saaxiib nimaan nahay
Cadawgayga lama simo
Soomaali baan ahay.

Socdaalkaygu waa meel
Sahaydaydu waa dacar
Soohdintaydu waa caan,

Seetadaydu waa cudur
Naftuna geedka iga sudhan,


Nin nin sigay ma nabad galo
Nin nin sugayna maba jiro
Libta weli ma sii dayn,


Gardarrada ma saacido
Nin xaqlana, cid lama simo,

Soomaali
Soomaali
Soomaali baan Ahay.

Nabaddaan u sahanshaa
Colaaddaan ka selelaa
Sooma jeesto goobaha,


Ninka nabarka soo sida
Gacantiisa kama sugo

Dabayshaan la socod ahay
Salfudaydna uma kaco,
Waabay sun aan ahay
Marna samewadaan ahay
Sumir baan hagoogtaa,
Soomaali
Soomaal
Soomaali baan Ahay

Ninkaan taydu soli karin
Uma yeelo suu rabo,


Sida dunida qaarkeed

Sandulaynta ma oggoli
Ninna kabaha uma sido,

Ninka iga sed roonow
Siintaada magaca leh
Ogow kaama sugayee,


Hana odhan sasabo bedow
Dareen seexda ma lihiye
Soomaali baan ahay,
Saan la kala jaraan ahay
Summadi ay ku wada taal

Rag baa beri i saanyaday
Anoo xoolo soofsada,

Xil midnimo anaa sida,

Soomaali baad tahayee


Cabdi Maxamed
Email: fiiro15@live.com

--------------
Maqaalo la xidhiidha qoraalka

-I am a Somali " Soomaali Baan Ahay By Axmed Yusuf

_________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 WardheerNews.com