Home Articles Somali Songs About us  

Taariikhyahan iyo Abtiryaqaan: Khaalid Suldaan Maxamuud Cali-Shire‏
W/T Siciid M. M. Shire
Abriil 21, 2010

Geeridu waa xaq. Imaatikeedu wuxuu weynaadaa markay haleesho ruugcadaa ay ku duugan tahay hanti qaran iyo taariikh culus. Khaalid Suldaan Maxamuud Cali-Shire, Ilaahay jannadii ha ka waraabiyee, wuxuu uhaa abtiryaqaan (Genealogist) si sugan isugu xidha silsilada abtiriska iyo xigtanimada hooyotiriska. Wuxuu kaloo ahaa taariikhyahan (Historian) si sahlan u tebin jiray dhacdooyinka taariikhiga ee dhexmari jiray qabaa'ilka Soomaaliyeed iyo diryaqaan ku xeeldheer ab sooca.

Intaas waxa u dheeraa isagoo ahaa shakhsi le dhaqan wanaagsan iyo dad la socodnimo ay ka maran tahay isweyni. Maansadan gaaban ayey ila noqotay inaan ka qoro geeridiisa:

Geerida timaadaay
Tiiraanya badaneey
Taws iyo xanuunlaay
Hadba tiirka siibtaay
Xaq aan laga taxaashinoo
Tebbed kuu u buuxsamo
Taw ugu hor boodaay
Waxaad maanta tuurteen
Tubta aad la qaadeen
Ifka kala talawdeen
Taariikh nin weynoo
Kobtuu noogu toosnaa
Nin taam yeelayaa jirin

Soomaali tawlkeed
Tojoriyo Galbeediyo
Webiyada tinkoodiyo
Ilaa tuurahaa Bari
Inta lagu talaalee
Teelteelka lagu riday
Waaya kala tasawnaa
Ninkii taba qaraabiyo
Xigtanimo toleediyo
Hooyo tiris yaqaanoo
Tooyashada xisaabshoo
Isku tolan ka yeelaad
Ayaad maanta taabteen

Ruux qaraaba tebayoo
Ehelkuu ka tegay iyo
Asalkiisa taawilay
Turaabtiisu maqan tahay
Tafiir meesha uu galo
Diiwaanka taxa ee
Tiftifee u kala qala
Marna soo tubaayoo
Taakeeya haybaha
Waayaha tibaaxoo
Taabkeeda xidhi jiray
Ishay noogu tiilaad
Ayaaad maanta taabteen

Sooyaalka Tarraxmee
Tubta laga habawshiyo
Turunturo wixii gala
Toolmaanaan abwaankii
Toosin jiray had iyo jeer
Tahan lagu hanuunoo
Dhacdaduu tilmaanshee
Tiirshee sargooyaa
Tayo lagu sugaayoo
Nina tuuri karinoo
Salka laga tigtigayoo
Xaqa lagu tartiibshaad
Ayaad maanta taabtee

Taxa kuwa badbaadee
Tawqfiiqda Eebiyo
Ridihiisa taamoo
Togagii Firdowysiyo
Tubihii janada iyo
Xawdka Nebiga taga ee
Tusma looga yeeloo
Asxaabtii la tanasulay
Ilaahow ku tiriyoo
Ubadkuu ka tegey iyo
Inta weli tebaysanay
Tiinbi samirkii weynaa

--AAMIIN - AAMIIN--AAMIIN--

Waxa tiriyey Sicii M. M. Shire
email: smmshire@yahoo.com

___________________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 


Copyright © 2010 WardheerNews.com