|
![]() |
|||||
Ganacsatada Aakhiro waxay isku magacaabaan Sheekh, Mujaahid, Abuu hebel, Seef, Toorey, Musbaar, Cimaamad iyo junjuraaf kale oo aan la soo koobi karin. Markasta way ciil qabaan, mana naxaan. Maqaalkani ma ahan dood qalalan ama sheeko aan nuxur lahayn, balse waa maqaal si caqligal ah u sharaxi doona ganacsatada aakhiro ee dunidan nala joogta. Sidoo kale wuxuu maqaalku wax ka iftiimin doonaa sida ay ganacsigooda u maareeyaan iyo taariikdooda kooban, waxaanu maqaalku isku dayi doonaa in uu soo bandhigo arxan darrada ganacstada aakhiro iyo sida ay la damacsan yihiin bulsha weynta ku silicsan geeska Afrika, Inta aynaan u guda galin maqaalka waxaa haboon in aan sharaxno nooca uu yahay ganacsiga aakhiro. Sida aan wada ogsoon nahay ujeeddada ka danbeysa ganacsi kasta waa in la sameeyo faa’iido ama macaash. Si haddaba la mid ah taas ayay ujeeddada ganacsiga aakhiro u tahay mid faa’iido doon ah. Inkastoo ujeeddada ganacsiga guud iyo kan aakhiro ay isku mid yihiin, haddana waxay ku kala duwan yihiin arimo badan oo ay ka mid yihiin: habka loo maamulo ganacsiga, dadka maareeya, badeecadaha ama adeega laga ganacsanayo, iyo shuruucda la raaco. Waxaa yaab leh in ganacsiga dunida laga qoray buuggaag badan, lagana sameeyay daraasad aan la soo koobi karin, halka ganacsiga aakhiro aan ahmiyad wayn la siin, waana taas sababta uu maqaalkan u curtay! Maskaxda qofka ayaa ah shayga ugu qaalisan ee ganacsatada aakhiro ay ka ganacsadaan. Badeecadaha kala duwan ee ganacsiga aakhiro lagu soo bandhigo, waxaa ugu qaalisan dareenka qofka, hanashada fakarka qofka ayaana ah tartanka adag ee ka dhaxeeya guud ahaan ganacstada aakhiro, iyagoo macaash xad dhaaf ah ka sameeya baahida daran ee aan u qabno diinteena islaamka iyo wax ka ogaanshaha nolosha danbe ee aakhiro. Suuqa ay ganacsatadani ku soo bandhigaan ganacsigooda waa qalbiyadeena, xiliga uu ganacsigooda uu kala socdaana waa mararka ay cabsidu naga tan badiso ee rajo xumadu dhan walba innaga soo weerarto, halka cadowga ganacsigooduna ka yahay caqliga fakaraya, waxayna farxaan marka dareenka caadifaddeed ina saaqo! Ganacsiga aakhiro waa mid caalami ah, waxaana laga helayaa wadan kasta iyo goob kasta oo dunida ka mid ah. Sidoo kale muddo fog ayuu ganacsigan ka socday wadankeena Soomaaliya, lamase hubo waqtiga rasmiga ah ee ganancsigani ka hana qaaday dalka. Ganacsatadii hore ee aakhiro waxay ahaayeen wadaaddo aan il bax ahayn oo ku mashquula in ay hadba xaafad ka qadeeyaan, mana dhici jirin in ay macaash xad dhaaf ah saartaan ganacsigooda, waxayna dadka u qaban jireen adeegyo badan oo ay ducadu ugu muhiimsantahay. Waxay ahaayeen wadaaddo dadkooda la qaybsada wax kasta, mana aysan lahayn ujeeeddo ka baxsan in ay si guud u wada hormariyaan ganacsigooda iyo nolosha dadkooda. Xiliyadii dhexe oo ay bulshada Soomaliyeed bilaabeen in ay magaalooyinka soo galaan, ayay ganacsatada aakhiro bilaabeen in ay hormariyaan ganacsigooda, waxayna markasta la jaan qaadayeen nolosha cusub ee bulshada Soomaliyeed. Magaalooyinkii ugu horeeyay ee wadankeenna, waxaa ku soo ququlay dad badan oo nolosha miyiga dhibsaday, arintaas ayaana noqotay fursaddii ugu horeysay oo ay ganacsatada aakhiro helaan, ka dib markii ay si yaab leh u abaabuleen dadkii miyiga ka soo hayaamay. Waxay samaysteen xarumo waawayn oo dadka looga dhigto hanti ay ka ganacsadaan. Xarun kasta waxaa hormuud u noqday wadaaddo caan ka noqday gayiga Soomaaliya. Faa’iidada kaliya ee laga xusi karo xarumahaas ayaa ah in dadka diinta lagu baray, qasaaraha ugu daran ee laga dhaxlay xarumahaasna waxay ahayd in maskax badan oo Soomaliyeed loo rogay hanti ay ka macaashaan wadaaddadii xiligaas, iyadoo mararka qaar ay dhici jiray in ganacsatada aakhiro ay ku dagalamaan suuqa, waana taas sababta ay u huriyeen colaado badan oo u dhaxeeya xarumihii kala duwanaa ee dadku ay ugu xareysnaayeen. Waqtigii gumaystaha uu dhulkeena yimid, waxay bulsha waynta Soomaliyeed bilaabeen in ay dhibsadaan noloshii gumaysiga, isla waqtigaas ayayna ahayd markii ay bilaabeen in ay dagaal wadaninimo ah kala hor tagaan nooc kasta oo gumaysi ah. Wadaaddadii xiligaas ama ganacsatadii aakhiro waxay dhankooda ka galeen halgankii lagu xoreynayay gayiga Soomaaliyeed, waxayna hormuud ka noqdeen dagaalkaas, ayagoo ugu magac daray jihaad si ay ganacsigoodana u sii xoojiyaan!. Muddo ka dib markii la helay xornimadii waxay kaalin mug leh ka qaateen dhisiddii qaranka Soomaliya, ayagoo la kala saftay siyaasiyiintii markaas joogtay, waana markii ugu horeysay oo ganacsigooda uu ka tallaabo dhinaca arimaha bulshada, una xuubsiibto dhanka siyaasadda. Shaqooyinkii ugu horeeyay ee ay qabtaan waxaan ka xusi karnaa duco iyo in uu wadaad kasta xirtiisa ku xiro hadba siyaasiga uu is dhaho waa la shaqaysan kartaa! Marka loo kuur galo dawladihii ka horeeyay kacaanka, wadaaddadu kaalin muuqata ayay kaga jireen bulshadooda, waxayna ahaayeen niman wax laga waydiiyo arrimaha diinta, shaqadaas ay u qaban jireen bulshadana waxay ku mutaysteen ixtiraam iyo in ay noloshooda ka dabartaan. Way jireen niman wadaaddo daacad ah oo kaalintooda si wacan uga soo dhalaalay, balse waxaa ka badnaa xayn shaqadii wadaadnimada u rogtay ganacsi xawli ku socda oo dhanka aakhiro laga hago!. Dawladdii kacaanka oo ahayd maamulkii ugu waqtiga dheeraa ee soo mara Soomaaliya, ayaa waxay xannibaad ku soo rogtay ganacsigii aakhiro oo si yaab leh ugu faafay dalka, iyadoo wadaadadii xiligaas ama ganacsatadii aakhiro u qaybsameen koox xabsi isku waraysata, kuwa dibaddaha u cararay iyo qayb dadkooda dhinac ka raacay! Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka xumaatay sidii ay dawladdii kacaanka ula dagaalantay ganacsatadii aakhiro, gaar ahaan dhalinyarada iyo ardayda ayaa waxay bilaabeen in ay wax iska waydiiyaan sida ay dawladii militariga u dacdaraysay raggii diinta. Markiiba ganacsatadii aakhiro waxay ku baraarugeen dareenka ay dhalintii ardayda u badneyed u hayeen wadaaddadi la darxumeeyay, waana taas sababtii ay si degdeg ah iskugu abaabuleen, ayagoo ka faa’idaysanaya maskaxdii cusbayd ee dhalinyarada, waana waqtigii ay si toos ah u bilaabeen in ay ganacsigooda aakhiro u jiheeyaan dhanka siyaasadda, si ay wax walba u hantaan. Waxay bilaabeen in ay dibaddaha u safraan si ay kaalmo ugu helaan halganka ay ugu jireen in ay guud ahaan la wareegaan talada dalka, ayagoo u soo maraya ganacsiga aakhiro, meelihii ay u safreenna waxaa ka mid ahaa dalalka carabta oo xiliyadaas laga helay shidaal, halkaas ayayna ka dhigteen saldhigyo ay ummadda Soomaliyeed ka soo weeraraan ilaa maantadan. Haddaba ganacsatadii aakhiro waxay fursad dahabi ah heleen, markii ay burburtay dawladdii Soomaaliya, waxayna ku fasireen buburkii dalka ka dhacay caradii Rabbi oo Soomalida ku habsatay. Iskumay dayin in ay xal u raadiyaan qabiilooyinkii Soomaalida ee sida xun isku xasuuqayay, hase yeesheewaxay bilaabeen in ay qaab kasta isku abaabulaan si ay talada dalka gacanta ugu dhigaan. Waxay ku ciyaareen maskaxdii bulshadii tabaalaysnayd, si guud iyo si gaar ayayna dadka ugu sheegeen in haddii aan ayaga wax laga dhagaysan in uusan wadanka dagayn, carada Rabbina aan laga baxayn. Waana taas sababta keentay in masaakiintii iyo dumarkiiba ay iska aaminaan sheekooyinkaas raqiiska ah, wadanka oo dhanna waxaa is qabsaday ganacsigii aakhiro oo siyaabo kala duwan loo abaabulay. Boqolaal kooxood oo diinta Alleh ka ganacsada, ayaa dalka ka hana qaaday buburkii ka dib, xooggii bulshadana waxay u qaybiyeen kooxo yar yar oo aan waxba ku heeshiin karin ilaa ay aakhiro u hayaamaan. Fikrado halis ku ah wada jirka ayay ku beereen maskaxdii dhalinta, diinta ayayna ka dhigteen waddada loo maro hanashada garashada qofka Soomaligaa ah, waana taas sababta ay maanta u adagtahay in la helo qof si cilmiyaysan uga doodi kara shaqooyinka ay qabtaan ganacsatada aakhiro! Mashaariicda ugu yaabka badan ee ganacsatada aakhiro ka fuliyeen Soomaaliya, waxaa ka mid ah mashruuca la magax baxay “Aduunyo Nacayb”. Mashruucaas aad buu u hirgalay oo dad badan oo Soomaaliyeed baa ka rajo dhigay qiimaha nolosha, arrintaasna waxay fursad u noqotay wadaaddada oo si yaab leh ula wareegay hantidii yarayd ee dadka Soomaliyeed haysteen. Halgan dheer oo wadaaddada Soomaaliyeed ama ganacsatada aakhiro u soo galeen in ay la wareegaan talada dalka ka dib, waxaa u suura gashay in ay ku kali noqdaan masraxa siyaasadda Soomaaliya, wixii ka danbeeyay sannadii 2006. Dad badan oo soomaliyeed oo aaminsannaa in haddii wadaaddada talada loo dhiibo in dalka uu dagayo ayaa candhuuftooda dib u laqay, ka dib markii ay arkeen ganacsatadii aakhiro oo u kala jajabay kooxo manaxayaal ah, si arxan darro ahna ugu dagaalamaya dalka burbursan mudada labaatanka sano ku dhow. Maanta ganacsigooda wuxuu gaaray heerkii ugu sareeyay oo ah in wiilasha yar yar ee aan qaan gaarin ay ay u isrticmaalan qarxinta shacabka, runtii waa arrin naxdin leh oo qarniyada soo socda aan waxba laga qaban karin. Ganacsatada aakhiro waxay ku shaqaytaan cabsida, waxayna la dagaalamaan maskaxda fakaraysa, kuuma ogola in aad si toos ah u caabudid abuurahaaga ee waxay xoogga saaraan in ay kaaga tarjumaan diintaada, si aadan u adeegsan garashadaada. Halgankooda ugu wayn ayaa ah sidii ay ku hanan lahaayeen adduunyada, ayagoo u maraya aakhiro. Waa run oo way jihaadayaan, balse waxay u jihaadayaan calooshooda iyo sidii ay naftooda uga farxin lahaayeen. Caruur badan oo silic lagu soo koriyay ayay adimada ka jari doonaan, haddii aan la helin caqli midaysan oo looga hortago. Waxay isku magacaabaan Sheekh, Mujaahid, Abuu hebel, Seef, Toorey, Musbaar, Cimaamad iyo junjuraaf kale oo aan la soo koobi karin. Markasta way ciil qabaan, mana naxaan, waxayna nafisaan oo kaliya marka ay u galmoonayaan gabdhaha yaryar ee ay beenta u sheegeen! W/Q Abdulaahi M. Adam, Maqaalo kale oo la xidhiidha mawduuca: We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews |