Qaylodhaan II
By Dr. Abdirahman Beileh
July 14, 2009
|
Dear friends,
Qaylodhaan II is a follow-up to Qaylodhaan I. A year or so after the Flag spoke in qaylodhaan I, and given the current situation, the state of hopelessness, utter despair and humiliation of the Somali people, all over the world on one hand, and on the other hand, the audacity of some to insist that they must rule (Rule what I would never know!!), I thought it's appropriate to coin qaylodhaan II.
I must thank all those who expressed appreciation of the message in qaylodhaan I. Their comments and wisdom will guide me in my future involvement in Somali literature. I learned a lot from your critical comments and observations and remain forever grateful for your guidance.
I must also thank the one person that emailed me expressing his
disagreement with the context of the story. I respect his views. We must allow people to debate and express their views with the tacit agreement a priori that at end, we shall all be obliged to respect the collective voice of the consensus.
Here is Qaylodhaan II:
Qaaf iyo wattiin iyo
Qul acuudu iyo saad
Nin qabsaday idaa jaa
Qalbigiisa oo furan
Intuu qaatay weysada
Gacmaha sare u qaadee
Aadaanka qumay ee
Qiblada isku aadshee
U qushuucay weynee
“Qaaddiroow” ku tuugsaday
Sida sheekhu noo qiray
Kuma qado adduunyada
Ma qassaaro aakhiro
Maalintay qadhaadhahay
Qiyaamaha la tubanyahay
Qofwalliba naftiisii
Qaatiyaan la joogee
Ninna qaadi karin hawl
Iyo qaylo saa’ida
Marka qiildiciifyada
Qambaruursigoodiyo
Ilmaday qubaayaan
Ku quslaayo shayddaan
Qiyaashmaashku soo baxo
Guryo wada qabowbaa
Lagu qaabbilaayoo
Qawlkii samaa iyo
Waxay soo qabteen baa
U kafaala qaadoo
Qaddar waxy ku dhaafaan
Qaaciyo dabayshiyo
Qiiqa iyo siigada
Jidka qaabaqowseyn
Allahayoow wax nala qabo
Quwaddaada nagu dhawr
Adna ina qaloombboow
Qarfaay innaga horreeyee
Ila soo qalaawee
Aammiinta ila qaad
Afartaa qun ma u dhigay
Qalad kuma tiraaboo
Qalqalloc ma tiriyoo
Lama qalin taraaree
Ma qutomiyey maansada
Sida dhabiga maw qoray
Ubax qoorta ma u sudhay
Qasddigeeda sheekada
Miyaan hoos u sii qodo
Qasnnadaha u dhaadaco
Wax ku jiraba soo qubo
Mid qadhiidh u yaalliyo
Midha yare ha qayshoo
Ha ku dhuunto qiiqee
Miyaan rido qunbuladaha
Iyo Qamar sanaaciga
Dibigu ha ku quustee
miyaan weysha qool sudho
miyaan jeedal-qawlaha
wadhafkeyga qawtaar
kaga qadhadhow siiyoon
ninba qaadkii ugu shubo
Qotonkeedu wuxu yahay
Qaylodhaantii koobaad
Quruxdiyo farshaxankii
Qisadii habboonayd
Dooddii qurxoonayd
Calankeennu soo qoray
Dar ay qiiro gelisoo
Siday tahay u qaatoo
U qushuucay baa badan
Midse qiildaciifoo
Qalbigiisu weyd yahay
Runta kuma qabooboo
Kuma waano qaatee
Waxa jira dar qoonsaday
U qaffaashay meel kale
Qasddigeedu wuxu yahay
Qaatee kac qaadiyo
Inta qaranku hebedyahay
Qofwalliba ka dhaansado
Inta qamarku nuur yahay
Qorraxduna madowdahay
Arrin la’isla qaatiyo
Inta taladu qolo iyo
Qoqob iyo dirsooc tahahay
Kor waxaan u qaadnnee
Dhammaan wada qaddarinnaa
Qiimo gaar ah siinnaa
Qolqolkoon ka heesnniyo
Qaadkiyo hablaha iyo
Intuu yahay quraafaad
Iyo qolo ka sheekayn
Qaabkaa intaan nahay
Wada qaawannahay badi
Inta aan qaxootiga
Qarafada ku noollahay
Weliba qurux innala tahay
Qalinkayku ma hakadu
Ma qallalo abiidkii
Wuxu maanta qorayaa
Waa qaylodhaan kale
Iyadana bal iga qabo
Afartaa qun ma u dhigay
Qalad kuma tiraaboo
Qalqalloc ma tiriyoo
Lama qalin taraaree
Ma qotomiyey maansada
Sida dhabiga maw qoray
Ubax qoorta ma u sudhay
Qotonkeedu wuxu yahay
Ninka beer in uu qodo
Ka sarreeyo qayrkii
U soo qoystay timehee
U allaaba qaatoow
Sida bahalka oo qaday
Amma weylo jeelqaba
Ha iska soo qamaamine
Qunyar heedhe soo soco
Qudhaciyo maraagiyo
Jirddaaweynta qolofta leh
Ha ku qaadin jeeniga
Dhul ay miino qayantahay
Ha ku soo qawwaadine
Qoobkaaga meelee
Yaan qunbuladi kula kicin
Habka dhacanta qaarkeed
Siday tahay u kala qaad
Horta waxa ku qanacdaa
Qalbigaaga gelisaa
Waxad quud ku leedahay
Lagaa qaadimaayoo
Qaybtu waa ilaahiya
Qaddar eebbe oo sugan
Is qabooji kaynaan
Qotonkeedu wuxu yahayay
Qisowalliba nuxurkeed
Quwad iyo itaalkeed
Talo iyo qalqaalkeed
Inta aanad qarash gelin
Danahaaga kala qubin
Qoomammayn wixii dhicay
Qodob iyo labaan odhan
Iga qaado waanada
Qodobkeeda koobaad
Horta hawsha kala qaad
Qacda horeba suuree
Bootada ad qodatide
Qaanuun ma leedahay?
Sharci adiga kugu qoran
Ka saxeexan qaaddiga
Iyo hay’adaha qaar
Berri qalad hadduu dhaco
Kuwo kugu qarddoofaan
Qawlkaaga sugi kara
Kuu markhaati qirikara?
Qodobkalena wuxu yahay
Qinddigiyo qarkaygiyo
Qalabkaba haddaan huro
Maqabtaa farshaxankii
Sida loo qorsheeyiyo
Habka dalagaa loo qodo?
Arrintaa bal qeexoo
Marka hore qiyaastii
Haybhayb u kala qaad
Qayb-qayb u kala sooc
Quwwaddaadu waa maxay?
Qar haddii ad leedahay
Olloggaa u qayshoo
Qinddi raadi yoo doon
Amma guus dadka u qabo
Qaadadiyo barjaha keen
Qaxwuhu yaano kala gu’in
Qadhiidh weeyi adagoo
Qawlalkaa ku daalee
Qarmac beesha haw karin
U qalqaali shuurada
Qarax kuma samaatee
Qunbahaaga subagga ah
Iyo haanta qabada ah
Labadaba bal soo qaad
Qarka soo dhigoo keen
Qodob kalena wuxu yahay
Qalabkaaga miisaan
Qalqallooca Nugediyo
Qoolaabnideediyo
Ha ku dagan qallaaffaha
Qalad dhuuntay maahee
Wa qiyaas sida u taal
Qaab loogu talagalay
Kootarka ku qoofalan
Sida qaanso iyo leeb
Suundhexaadka qabadsii
Qun u dhiibi marashida
Gooshida qiyaasee
Digirrada ku soo qabo
Dabadeeto soo qaad
Indhashiyo harqoodkoo
Qoortaa u baratay e
Qunyar boorre ha u gallo
Ku qotomi minaaqyada
Indhalaha ku soo qool
Canaad buu ka qaadaa
Sangahana ha qawlalin
Dullahana ha qabadsiin
Sida jeedal qawlaha
Ha qaraartamee lali
Heesaha sare u qaad
Waa qaali noloshu e
Xamakuda u soo qaad
Qarankiyo caleentiyo
Ha ka qadin baldhoolaha
Degedeg yuu qaraarine
Biyahana u sii qaad
Qodobkaasi waa kaa
Qiil kalaase kaa dhiman
Qiyaasteeda kala saar
Ma shinnaad qodaysaa?
Ma rogaal qayaxanbaa ?
Ma qarddaa ? ma baaqbaa ?
Isku sooba wada qaad
Midba qiimiihii mudan
Qalabkuna u kala dhigan
Qalbigaaga taa geli
Qacda waaga soo toos
Boy-boy u kala qaad
Qarddu iyo u kala sooc
Qaran iyo rogaalkeed
Kolba qooddi suuree
Bigilkaagana u qabo
Hab-qodaalku waa kaas
Arrimaha an kuu qoray
Sidaan kuugu kala qalay
Haddii aad ku-qanac tahay
Nasiibkaaga qaadoo
Talo qaaddir saaroo
Qinddigaaga meeraro
Rabbi qaaddir weeyee
Haddii uu raxmado qubo
Ka sarreysay qayrkaa
Ku quraaco aalaha
Haddayse kaa qarsoontahay
Garashadu qaliil iyo
Kugu qabashadaa tahay
Qafil kugu jajabanyahay
Weligaa qalaawee
Qabriga iyo maytida
Qaxwe kula dul-meer-meer
Qanjidh iyo calooliyo
Xidho kuman qardhaasood
Qoobkiyo mijaha geli
Qiiq iyo fal soo shido
Dalaggaad qoddee baxa
Wallaan lagu qaboobayn
Lagu doojinayn qoys
Quustaada weheshoo
Iga waano qaadoo
Cararoo wax kale qabo
Afartaa qun ma u dhigay
Qalad kuma tiraaboo
Qalqalloc ma tiriyoo
Lama qalin taraaree
Ma qutomiyey maansada
Sida dhabiga maw qoray
Ubax qoorta ma u sudhay
Qaran maamulkiisuna
Caliyoow ka qaraweyn
Qalad qalad ma sixi karo
Irbad ceel laguma qodo
Qorsho diiddan baa jira
Maahmaahda soo qabo
Xadhiggoo qalloocdaa
Ratti weyn qallibikara
Quruuma horumary
Dabka waxay ka qaateen
Dadka kii qaddarin mudan
Inay qimmageliyaa
Ku qancaan tusaalaha
Iyo weedha qarada leh
Qofba wuxu ku mudanyahay
Intuu hawsha qabakaro
In la qaabbilsiiyoo
lagu wada qaddariyoo
loo qalaqaaliyaa mudan
Afartaa qun ma u idhi
Qalqalloc ma tiriyoo
Lama qalin taraaree
Ma qutomiyey maansada
Sida dhabiga maw qoray
Qodobkalena wuxu yahay
Ninka weysha qaanka ah
Qaalmaha haddeer kacay
Laga qaawanyahay weli
Qatanaanta maatida
Dheg u qaadi waayee
Inu qaato keli raba
Ninka qoyska keenna ah
Wuxu gows ku qaadiyo
Qaadkiyo hablaha iyo
Qosolkooda mooyee
Talo kale qarkaa dhigay
Marnna aan dareen qabin
Rabbi qaaddir weeyee
Qar in u ka tuuroo
Qabrigiisu ololoo
Qadhaadhkeeda jahannama
Ka qantuugo aammiin
Ninka qaan dad leeyahay
Feedha ku qaatee
Waxba aan qaddarinnee
Qaylada agoomaha
Qaawanaanta maatida
Waxaba aan ka qabinee
Iska qabar ma daahee
Qawlkii illaahay
Wax ku qaadan waayee
Qori meel la joogee
Inanteenna qoordheer
Qasab inu maroosado
Laabta ugu qorantahay
Maalayda qarawdiyo
Qalbigiisa maarta ah
In la qaawiyaa furan
Hilibkiisa qaydhiin
Qurqurub in loo jaro
Inta dibadda loo qubo
Bahaluhu u quutaan
Ku qaraarad qooyaan
Waxaba anigu ka qabo
Hadii aad qabweyntahay
Mid aan kuu qiraynnoo
Kaa sii qabweynoo
Qolokaleba daayoo
Kula qoys ah baa badan
Qotonkeedu wuxu yahay
Quluubtii israacdaa
Qaran daaddahayn kara
Somaali waa qolo
Hal Qabiilo weeyaan
Iyo qoys iswada dhalay
Qareen iyo abtiyo gacal
Qodkaa meel ku wada yaal
Mid haddu qalloocsmao
Qaddar kooban dabadeed
Kuwa kale qandhoodaan
Qotonkeedu wuxu yahay
Miyaad geedka qudhaca ah
Qol isugu timaaddaan?
Dembbigiinna qirataan?
Qalbigiinna maydhaan?
Qaadaa-dhitaan talo?
Maaslooyin qiimo leh
Wax ku ool ah qabataan?
Horaad ugu qasaartee
Qoriga iska tuurtaan?
Arrimo ilsa qeexdaan?
Danihiinna kala quban
Ceebtiinna qarisaan?
Runta aad ku qanacdaan?
Qaransugan tusmaysaan?
Qormu wada yagleeshaan?
Quraafaadka beenta ah
Qabqab iyo is yeelyeel
Anigoo qudhaa jira
Dadka qaar ha baaba’o
Qablan kaama bi,isoo
Horaad ugu qaddeen oo
Ugu qiimo-beesheen
Qudurooyinkii dhacay
Wax ku qaadan meysaan
Kuwa qoriga haystee
ku qadhaabanaayee
hadba qoys u dhuuntee
waa la’inna quudhsaday
hubka qaata oo kaca
reer qaloombi soo dila
qasddigoodu yahayoow
taariikh qormmaysaa
beri dhow ku soo qaban
qool adag ku soo sudhi
qabribaad ku ruuntee
waa la’sika kaa qarin
Qofwalliba qofkii kale
Haddii uu qaddarin laa
Qabaalkeenna kala jaban
Qarankeenaa weydda ah
Qarafada ku noosha ah
Dhiniciisa qaban laa
Haddii aan mid qudha nahay
Qasddigeennu meel yahay
Qawlkeennu sugan yahay
Miyaan sida quruumaha
Qayrkeen siduu yahay
la inno qaddariyeen?
Waxa dhiig arlada qayan
Nadhiifo iyo qayrkeed
Waxa dumar maryaha qubay
Waxa soo qayaxan hawl
Waxa wiilal qiima leh
Bilcan quruxle oo wacan
Ku qarqamay badaha weyn
Qurbqurub u kala go’ay
Ma ku qiiro geliyaan?
Mise waad qalalantahay?
Qalbigaagu waa niib ?.
Allah qaaddir weeyee
Qar ha kaa maguujee!!
Abdirahman D. Beileh (MBA, PhD)
Tunis, Tunisia
Email:A.BEILEH@AFDB.ORG
------------------------------------
Related Articles:
-Dr. Beileh's cry of concern: A follow-up By Bashir Ahmed Gardaad
-Nadiifo Culusow and her song to her six month old Hanad By Dr. A Beileh
_____________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2009 Wardheernews.com |