|
![]() |
|||||
Odhaahda Tifaftirka: Inkasoo la filayay in magaalada Oslo lagu soo afjaray dooddii cidda daahfurtay Miisaanka Maansada Soomaaliyeed ee u dhexeeyay labada aqoonyahan ee Prof. Cabdillaahi Diiriye Guuleed (Carraale) iyo Prof. Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), ka dib markii ay dhexdhexaadiyeen guddi ka koobnayd Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Oslo ee xarunta Norwey, haddana waxaa muuqata in Prof.Carraale aanu ku qanacsanayn sida ay wax u dhaceen iyo warsaxaafadeedkii ay guddidaasi soo saareen intaba. Qoraal uu saxaafadda ugu talo galay Prof. Cabdillaahi Diiriye Guuleed (Carraaale) oo uu kaga hadlayo tabashadiisa ku aaddan go'aanadii guddida iyo warsaxaafadeedkii ay guddida Oslo soo saareen oo uu soo gaadhsiiyay Shabakadda WardheerNews, ayaa waxa uu u dhignaa sidan:- ____________________________ Annigoo ah Cabdullaahi Diiriye Guuleed(Carraale), daahfuraha miisaanka maansada Soomaaliyeed, waxaan qoraalkan ku soo bandhigayaa arrigtidayda ku aadan War Saxaafadeedkii Oslo ee miisaanka maansada. Hore uma ogaalan, hadda ma ogoli, oo ma ogolaan doono in Gaarriye yahay daahfuraha miisaanka maansada. Sidaan hore u sheegay waxaan ahay daahfurihii miisaanka maansada waxaana taa ii qiri kara, qaarkoodna hore u qireen, ruugcaddaayada suugaanta iyo goobjoogayaashii xilligaa oo ay ka mid yihiin: Murwo Faaduma Axmed Caalin, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Axmed Faarax Cali(Idaajaa), Abwaan Saciid Saalah Axmed, Faarax Abokor Khayre(Faarax- Askari), Maxamed Cabdullaahi Riiraash, iyo suugaanyahano badan oo xilligaa arrintan la socday. Markhaatiyadaa tooda ayey tahay in la qaato marka ay timaado yaa daahfuray miisaanka maansada. Gudida Oslo xaalkiisu sidan ayuu u dhacay:
Intaasi waa go'aankii golaha laga sheegay, lana guddoonsadey. Dabaddedd laba go'aan oo is barbar socda ayaa laba nin oo guddida ku wada jirey soo kala saareen. Labadii war ee ay kala baahiyeen waxa guddoomiyihii ka soo daba qoray in nuskhaddii (draft) kii la qaybiyey si loo ahkristo qaar/nuskhado kale ka daba yimaaddeen. Waxa nuskhaddii la saxeexay ku qoran ereyo kale oo kuwii hore ka duwan. Halkii go'aanku ka ahaa: "Yaa hor faafiyey ama ku hor maray u soo ban-dhigidda ("published") dad weynaha waa u ligan. Waana jariidad iyo jaamacad kala xulashadood (mass media & intellectual forum). Daah-fur ("discovery") goluhuba ma soo hadal qaadin. Haddaba aniga oo ah Cabdillaahi Diiriye Guuleed sida ay qoraallada, waraysiyada iyo goob-joogayaashii xilligaa joogeyba ka marag-furayaan marnaba ma aan oggolaan, ma yeelin, ma yeelayona saddexda qoraal ee Oslo laga faafiyey. Gari Allay taqaan
Waxa soo baxay in hawshiiba marin habawday, kol haddii arrinkii la is ku ogaa la kala maroorsanayo. Anigu gabagebadii waxa aan ku gunaanadayaa: Arrintan aqoon raadiska ah daah-furkeeda ("discovery, not invention") waxa ka gar-niqi kara ama garteedaba geli kara xeer-beegti ku xeel dheer suugaanta ("literature"), gaar ahaan maansada ("poetry & poetics") iyo kala shaandhayntooda. Hadda ma aha waan gabyaaye waa maanso dhaadhi. Xeer-beegtidaa xulka ahi waa inay waraysataa dhiggooda ama dhegeystaan goob-joogayaashii xilligaa, caddaymaha iyo qoraallada jira sida Marwo Faduma Ahmed Alin(Faduma-ureji) iyo in badan oo weli noolba. Kuwo kale oo noolina waa badan yihiin. Haddaba, kol haddii intaa midna aanay samayn guddida Oslo go'aankeeda ah in Gaarriye yahay daah-furaha miisaanka maansada wax dhacay, dhici kara ama suurtoobaya ma aha. Daah-furuhu waa Carraale, waana la isu nool yahay labada ta rumowda. Guddida Oslo afar mooyaane intooda kale ehelba uma aha waxa hawshani daaran tahy. Qof kasta waxa aan ku leeyahay una sheegayaa in hawsha daah-furka miisaanka maansada Soomaaliyeed ee ku saabsan Carraale iyo Gaarriye ku kala gartaan sumaddooda iyo astaamaha ay kala sitaan. Naga daba kaalaya oo wax cusub ku soo kordhiya Soomaalida, ha kuna habsaaminaya taayada e mid qaata midna beenia, illayn mid kaleba waa keeni kartaane. Waa gallad Eebbe, Bare sare Abdillahi Deria Guled (Carraale). We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews |