
|
Dood: Shabaab iyo Shacabka Soomaaliyeed
W/Q Caabi Shaafici (Wadani)
Feb 11 , 2009
|
Waa dood faneed gaaban oo lagu ifinayo su’aalaha shacabka Soomaaliyeed u qabaan Shabaabka. Waxa su’aalahaa jawaabahooda laga heli karaa dhaqanka Shabaabku ay la soo ifbaxeen mudadii magacoodu ka jiray geyiga Soomaaliyeed.
 |
 |
Shacabka: Shabaaboow maxaad doonaysaan?
Shabaab: Waxaanu doonaynaa inaan ka carasyiino shacabka Soomaaliyeed si aannu u raalli galinno Ilaah SW. Inaannu kutumanno xuquuqdiinna aad u leedahiin nolosha iyo nabadda si aanu u ilaalino xaquuqda Ilaah SW inagu leeyahay. Inaanu idin badno dulli iyo darxumo si aanu sare ugu qaadno magaca Ilaah. Inaan caqabad ku noqono dawlad Soomaaliyeed oo ka taaganta geyiga si aanu u gaarno khilaafo Islaam, oo ay labada bilyan oo muslimiinta ahi hoos hadhsadaan. Inaanu kuu diidno nidaam, kala danbayn, nabad, nolol ka hirgasho Soomaaliya, sababtoo ah waxay turuturro ku yihiin qorshahayaga aanu ku raali galinayno Ilaahay. Inaannu kugu dilno si toos ah iyo siyaabo siloon labaduba si aanu u nooleyno diinta Ilaah, inaanu adduunka kula colaysiinno, oo lagaa soo galo badda, dhulka iyo in cirka uu kaaga yimaaddo Ibliis har iyo habeen dhalada kaa saaran (B52 Dayaaradaha dagaalka maraykanka).
Shacabka: Ma jirto miyaa si kale oo aad Ilaah ku raalli galin kartaan oo aan ka ahayn waxyaabaha aad kor ku soo xusteen?
Shabaab: Maya, lagama yaabo! Labo isku heli maysaan: In Ilaah la raalli galiyo iyo in aad adduunka si qurux badan ugu noolaataan. Sidoo kale is qaban mayso in aad adduun iyo aakhiro labadaba aad wada doontaan, ee waa inaad mid uun u go’daan.
Shacabka: Gartay; waxaanu idinku aragnay fahan Islaam oo aan horay adduunka loogu arag, laga soo bilaabo xilligii nabi Muxamad SC. Miyaanan la odhan karin in Islaamka aad waddaan wuu ka duwan yahay kii nabi Muxamad ugu bishaareeyay dunida?
Shabaab: Maasha Allaah; maya, anaga sidaad ogtahayba fahanka diinta ee aanu ku abtirsanno wuxuu ka soo daahiray “Astagfurullaah” ka soo ifbaxay buurta barakaysan ee Tora Bora ee ku taal carriga Afgaanistaan. Waxaa intaa noo sii dheer, inaanu nahay dhalinyaro fudfudud. Maahmaahdii Soomaaliyeedna waatii ahayd - Astagfuru-llaah, inkasta oo fahankayaga cusub uusan ogolyn in lagu hadlo luqadda Soomaaliga illaa xaalad daruuri ah mooyee - maahmaahdii waa tii ahayd “Nin dhallin ah intii uu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa” haddana waxaanu u sheegaynaa shacabka Soomaaliyeed inay ogaadaan in ururkayagu yahay mid caalami ah. Waxa ku wada jiraan midabo, iyo jinsiyado kala duwan. Dhalinyaradu waxa weeye kuwa Ansaara ah (Soomaalida) ee ma’aha (Muhaajiriinta) kuwa ajaanibta ah ee wadamadoodii laga soo tarxiilay.
Shacabka: Maalin dhawayd waxa aad faagteen qubuurahii culimadii Soomaaliyeed ee maamuuska ku lahaa gayiga, kana dhaariyay gumaystaha ka hor intii aydaan idinku dhalan inuu cag soo dhigo carriga Soomaaliyeed. Tusaale waxaa inoogu filan qabrigii Sheekh Saqaawu-diin oo aad la baxdeen lafahiisii wixii uu aboorka ka tagay. Maxaad ku fasiraysaan falalka noocaan oo kale ah?
Shabaab: Alxamdu Lilaah; mar haddii nalagu haysto inaan raacnay Quraanka iyo Sunnaha. Waligood ayaa laga horimaan jiray dadka noqdo Salafu-saalixiinta. Ogosoonow inaanu sii wadi doono lafo faagista aanu ka wadno geyiga Soomaaliyeed, si aanu dabar goyno taariikhda iyo sooyaalka shacabku leeyahay, iyo sidoo kale in la waayo qabri dad maamuus leh ku aasan yahiin oo laga dugsan karo bidco iyo cilmaaninimo, sida Sheekha aad sheegtay Sheekh Sakha-udiin, oo u dagaalamay wadaninimo iyo Soomaalinimo. Annagu waan ka soo horjeednaa Wadaninimada iyo Soomaalinimada. Waxaanu doonaynaa Islaanimo aan la taraxin.
Shacabka: Culimada Soomaaliyeed waxay dhaliishan yihiin Islaanimadiinna iyo guud ahaanba qorshihiinna. Waxa ay u arkaan mid aan ku taagnayn hanuun Ilaah iyo garaad caafimaad qab. Waxay ku doodaan: Nin diiddan inuu walaalkii badbaadiyo, oo uusan gawracin siduu u sheegan karaa inuu raalli galinayo Ilaah?
Shabaab: Sidii aan horay kuu sheegayba; Annagu waxaanu dhagaysannaa culamada ku dhuumanaysa buurta barakaysan ee Tora Bora, mana aaminsanin in nin Af Soomaali ku hadlaa aannu wax ka dhagaysanno. Waxaad ka dheehan kartaa dhaqankayaga inaanu ku talo jirno inaanu tirtirno wax walba oo Soomaalida astaan u noqon kara. Calankii waanu badalnay oo mid madoow ayaanu taagannaa, magacyadii waad la socotaayoo Abu Mansuur, Abu Zaynab, Abu Xantul ayaanu la baxnay. Xuduud ma aaminsanin oo Alaska iyo Saybeeriya ayaanu u soconaa in kasta oo aannaan weli tolan dharkii qabowga naga celin lahaa. Maxaa yeelay (akh) waalaal Alaska ka yimid ayaa nala jooga, oo noo sheegay qaboowga meesha ka jira, inuu yahay kii Zamhariira oo kale.
Shacabka: Waxaannu aragnay in ninkiiba leeyahay magacyo badan, oo tuulo cusub haddii uu tago uu magac cusub la baxayo iyo inaad wajiga duubataan ood qarsataan. Maxaa u sabab ah ayaa la odhan karaa falkan isaga ah?
Shabaab: Sababta aan magacyo badan ula baxnaa waxay tahay anagu waxaan nahay boqolaal iska faquuqday mujtamacii ay ku dhex noolaayeen, waxaana looga golleeyahay in dadku noo maleeyaan inaanu badanahay, oo sidaa cadawga inooga cabsado. Tan waji duubashada; sababtu waxay tahay anagu kuma kalsoonin waxa aanu sameeynayno inay yahiin wax sharcigu waa faqsan, inkasta oo ay sidaa nala taha., Sidaa darteed haddii uu xaalku dhabqo, waxaanu dib ugu laabanaynaa shacabka anaga oo aan nala garanayn. Haddii ay noo hagaagtana waxaa Soomaaliya ka talin doona Madaxweyne –sida sharcigayagu uu qabo madax daboolan, oo aadan garan doonin inuu walaalkaa yahay iyo inuu reerka cadawgaaga ah yahay.
Shacabka: Dagaalkii Guriceel, waxaanu war ku helnay inaad qaabka dagaalka aad u gasheen aad uga dayateen Maraykanka xilligii uu weeraray Faluuja, oo aad dadkii magaalada oo jiijiifa aad ku asqayseen hoobiyayaal iyo baasuukayaal, ka hor waqti yar inta aysan salaadda subax galin. Maxaad ka leedihihiin arintaan?
Shabaab: Xeeladaha dagaalka waa la kala bartaa, oo Maraykanka annagu waannu qirsanahay inuu adduunka ugu sarreeyo dhinaca xeeladaha dagaalka. Laakiin labadayaduba waxaanu ka simanahay dabargooynta shucuubta nolol raadiska ah. Tan aad sheegtay ee ah inaan weerarka qaadnay ka hor waqti yar xilliga salaadda, waa runtaa, sababtoo ah annaga nooma kala duwana iyaga iyo gaaladu, mar haddii ay diidaan xaqa aanu wadno, oo waxaanu nahay “RAG RABBI RAALLI KA YAHAY”.
Shacabka: Madaxweynaha cusub ee Sheekh Shariif Sh Axmad, miyaad taageeraysaan?
Shabaab: Maya, Sabtoo ah Sh. Shariif wuxuu aaminsan yahay waxwalba oo ka soo horjeedo fahanka Shabaabka ee diinta, sida:
Waxa uu rabaa in shacabka Soomaaliyeed nabad helo, annaguse waxaan doonaynaa in shacabka Soomaaliyeed sidaan ku jiro, uuna sii naco nolosha oo dhan, ugu danbayna wada noqdaan kuwo diyaar u ah is midaamin.
Waxa uu rabaa inuu noolaado annaguna waxaanu doonaynaa inaan dhimanno.
Waxa uu rabaa in aduunka wax lala qabsado, annaguna waxaannu doonaynaa in aduunka lala dagaalamo. Waxa uu aaminsan yahay Soomaalinimo, annana Islaamnimo ayaanu doonaynaa.
Sidaa darteed xalku waxa uu ku jiraa in is reereeb cusub bilawdo, midkii guulaystaana uu reerka u haro.
Abwaan Caabi Shaafici (Wadani)
Email: wadani33@live.co.uk
-----------------------
Maqaalo kale oo la xidhiidha mawduuca
-Qabuuraha Qufidoodu Ma Qaladbaa Ma Saxbaa? W/Q Axmed Maxamed
_______________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews
Copyright © 2009 Wardheernews.com |