Home Articles Somali Songs About us  

 


 

Maamulka Faroole oo Soomaalinimada ka sii Fogaanaya!
WQ. Ismaaciil C. Xasan
December 18, 2009

Ma aha wax qofna ka qarsoon in ay jiraan fidno wadayaal doonaya in ay nabadgelyada, sharciga iyo kala dambeynta ka jirta Puntland waxyeelleeyaan. Haseyeeshee waxaa iyana beryahan dambe isa soo taraya tallaabooyinka gurracan ee ay xukuumadda madaxweyne C/raxmaan Sh. Maxamed Faroole ay kaga jawaabayso xaaladahaas nabadgelyo xumo ee la soo dersay dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Waxa ay ahayd arrin ay ammaan iyo bogaadin ku mutaysteen shacabka Puntland in ay soo celiyaan maamulkii iyo kala dambeyntii deegaannadooda, ka dib markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliyeed, waddankuna uu galay xaalad fawdo ah oo illaa iyo hadda loo maara la’yahay xallinteeda.

Puntland waxay ahayd goob ay ku nabad galeen dad badan oo Soomaali iyo xataa shisheeyaba leh oo deegaannadooda iyo dalalkooda uga soo cararay nabadgelyo darro iyo nolol xumo.

Haddaba dadkaas u soo qaxay Puntland oo si sharaf iyo xurmo leh ugu noolaan jiray deegaanadaas, ayaa waxaad mooddaa in ay arrintaas wax badani iska bedeleen tan iyo intii uu talada qabtay madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole.

Inkastoo ay jiraan warbaahin iyo shakhsiyaad badan oo caadaystay  in tallaabo kasta oo uu ku dhaqaaqo maamulka Puntland sax iyo qalad midkay doontaba ha noqotee in ay had iyo jeer dhinaca xun uun ka eegaan, kana bixiyaan fasiraad gurracan oo aan waxba ka jirin, haddana waxa aan cidina diidi karin in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Puntland ee aan iyagu u dhalan deegaankaas uu xilligan maamulka Faroole ula dhaqmayo sidii dad shisheeye ah.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole

Haddalada deel qaafka ah ee looga bartay Faroole iyo ficilada xukuumaddiisa ee ku aaddan dadka aan asal ahaan u dhalan deegaannada Puntland, ayaa intuba marag buuxa u noqon kara in maamulkaasi Soomaalinimada ka sii fogaanayo.

Waxa aan hore u ogeyn xadgudubyadii uu maamulka Faroole kula kacay dadka Soomaaliyeed ee asal ahaan ka soo jeeda deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo sidii aan qarsoonayn ee Faroole u sheegay in dadkaasi aanay wax xuquuq ah ku lahayn Soomaaliya. Waxa haddana maalmahan ka soo baxaya maamulkaas amarro Soomaalinimada wax loogu dhimayo, sida kuwa gaar ahaan ku wajahan Soomaalida aan u dhalan asal ahaan Puntland, laakiinse ku dhaqan degaanadaas.

Waxay ahayd wax iska caadi ah marxaladdan qaranjabka in maamulada ka jira Soomaaliya siiba Puntland iyo Somaliland ay si fool xun ula dhaqmaan dadka Soomaaliyeed ee ka soo carara cadaadiska Itoobiya, si ay u raalli geliyaan taliska Meles Zenawi oo isagu maskaxda ka rimiya maamuladaas, balse waxaa la yaab leh in xilligan maamulka Faroole la soo baxo gedo cusub oo aan hore loogu aqoon Puntland.

Cidna ma diidi karto xaqa ay Puntland u leedahay in ay ka shaqayso ilaalinta nabadgelyada degaankeeda, laakiin waxaa xadgudub iyo xilkasnimo darro ah in ay takoor iyo cunsuriyad ku samayso Soomaalida kala geddisan ee ku nool degaankaas. Waa ayaan darro ah in la yidhaa maanta wixii aan reer hebel ahayni waa in ay is diiwaan geliyaan! Bal qiyaas haddii maanta dawladda Maraykanku tidhaa waa in la diiwaangeliyaa muslimiinta Maraykanka ah, iyadoo sabab looga dhigayo qaar muslimiin ah baa isqarxiya ama dembiyo culus ka gala dalkaas!

Maamulka Puntland illaa hadda ma diidana in ay ka mid yihiin Soomaaliya. Sidaa daraadeed waa arrin sharciga baal marsan in muwaadiniin Soomaaliyeed loola dhaqmo sidii dad ajnabi ah oo amar lagu siiyo in ay ka baxaan degaanada Puntland, la tarxiilo ama qaynuun si gaar ah u khuseeya la soo saaro.

Maamulka Faroole si uu wax uga qabto ammaan darrada ka jirta Puntland waxaad mooddaa tallaabooyinka uu hadda qaaday in ay yihiin kuwo jiho khaldan xalka looga raadinayo.

Nabadgelyo xumada isa soo taraysa ee ka jirta Puntland ma aha mid loo aanayn karo beelo gaar ah ama dad ka yimid gobolo gaara, balse waa mid si toos ah iyo si dadbanba xidhiidh ula leh dhacdooyinka iyo xaaladaha guud ahaanba ka jira geyiga Soomaaliyeed xilligan. Marka waxa maamulka la gudboon in ay sharciga la tiigsadaan qofkasta oo looga cabsi qabo, tuhunsan yahay ama lagu helo in uu dembi galay, laakiinse waa deelqaaf in la yidhaa beelo ama dadka degaanadaas asal ahaan ka soo jeeda ayaa dembiyada noocaas ah ka mas’uul ah.

Shaki kumo jiro in Islaamiyiinta mayalka adag ama xag jirka ah ee dagaalada ka wada Koonfurta Soomaaliya ay sidoo kale khatar ku yihiin jiritaanka dawladda Puntland, islamarkaana ay ku leeyihiin taageerayaal fara badan gudaha degaaanada Puntland.

Deegaannada Puntland oo ka mid ah goobihii ugu horreeyay ee ay Islaamiyiinta Soomaalidu awoodda weyn ku yeesheen burburkii ka dib, waxaa hubaal ah in ay weli deegaannadaas ku sugan yihiin dad badan oo qaba aragti la mid ah tan ay ku hubaysan yihiin kooxaha diinta sida gurracan u fahamsan ee ka taliya inta badan Koonfurta Soomaaliya.

Taasi waxay u fududayn kartaa in kooxaha Islaamiyiintu si sahlan hawgallo uga fuliyaan deegaannada Puntand. Arrintani ma aha mid loo aanayn karo dadka ku dhaqan Puntland ee ka yimi gobolada kale oo keliya, balse waa mid ay ku lug yeelan karaan dadka u dhashay Puntland sida ay haddaba kuwo gobolada Puntland ka soo jeedaa ugu jiraan madaxda sare iyo maleeshiyaadka kooxahaas dagaalada iyo halaagga ka wada koonfurta Soomaaliya.

Khatarta Islaamiyiinta ka sokow, waxaa iyana qayb weyn ka cayaara falalka ammaan darro ee ka jira Puntland, xurgufaha iyo aanooyinka qabiil ee ka dhex aloosan beelaha reer Puntland dhexdooda iyo degaanada la jaarka ahba.

Haddaba  ammaan darrada ka jirta Puntland darteed xilligan in farta lagu fiiqo dad gobollo iyo beelo gaar ah ka soo jeeda ma aha mid xal u noqon karta arrinta, balse waa mid abuuraysa nacayb iyo colaad ay isu qaadaan beelaha Soomaaliyeed, xilli la filayay in Soomaalidu ay ka daaleen fidnada qabiilka ku salaysan.

Xadgudubka iyo dilalka maalmahan loogu geystay magaalooyin ka mid ah Puntland dadka u dhashay gobolada Baay iyo Bakool waxa aan ku tilmaami karnaa in ay yihiin kuwo ka dhashay siyaasadaha Soomaali kala fogaynta  ah ee beryahan dambe maamulka Puntand la soo baxay.

Waa arrin mas’uulnimo ka fog in halkii uu ka dammaanad qaadi lahaa maamulka Puntland ammaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku hoos nool, in uu horseed u noqdo nacayb iyo aragtiyo lagu bartilmaameedsado dad gaara oo aan waxba galabsan.

Ammaan darrada Puntland waa mid ay u sabab tahay tabar darrada xukuumadda Faroole iyo habacsanaanta hay’adaheeda ammaanka. Taas oo ay lagama maarmaan tahay in uu maamulku wax ka qabto, halka ay kaga dhaqaaqayaan falalka lagu kala fogeynayo beelaha Soomaaliyeed, shacabka Puntlandna loogu abuurayo cadaw aan jirin.

Ismaaciiil C. Xasan
London, U. K.
E-Mail:khaliilha484@hotmail.com

Maqaallo La Xidhiidha (Related Articles):

Farole and Rayale’s Indictable crimes against Ogadens - Mohsin Mahad
A response to Congressman Donald Payne’s press release titled “Abusive behaviour in Puntland” Puntland Diaspora Forum
Abusive Behavior in Puntland - Congressman Donald Payne
President Faroole is throwing Puntland Away for the wolves - Abdikarim Buh

________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 WardheerNews.com