|
![]() |
|||||
Dabayaaqadii bishii Diisember 1992 markii ay ciidamada Maraykanku soo galeen Soomaaliya waxa telefishanada caalamku soo bandhigeen muuqaalo koox dhalinyaro ah, oo intay soo qaadeen xiddigtii calanka Soomaaliya badhtanka kaga tiil ku barbar dhejiyey xiddigaha badan ee calanka Maraykana! Malaha arrinkaa waxa ka keenay farxad iyo rayrayn ay u qabeen in uu isbedel keeno, dawladdii Soomaliyana, Maraykanku soo celiyo. Faragelintii Maraykanka ee xilligaas waxba ma soo kordhin, waana uu ku riiqday Soomaaliya, sida uu ugu riiqday meelo kale oo badan oo dunida ka mid ah. Intii ka danbeysay xaaladda Soomaalidu gadaal ayey u socotay, waana ka sii daraysay oo waxay la mid tahay halki ninkii carbeed ee calaacalayey ee ku gabyey ‘Badanaa intaan maalin booyey markuu tegayna aan isagii u ooyey’.
Ma aha mid la soo koobi karo dhibaatada baahday ee soo wajahday dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Waa dhibaato ay mid waliba ka xanuun iyo murugo badan tahay ta kale. Waxay maraysaa heer u jiritaankeedii halis ku sugan yahay maanta haddii aan la is daba qaban. Waxa ka mid ah dhibatooyinkaa an kala go’a lahayn, tafaraaruqa iyo kala furfuranka goboladii beri la isku oran jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya ee calanka keliyi ka dhexeeyey, in ay u kala googo’aan gobollo iyo maamulo magacya badan.
Waxaan dhowaan ka daawaday warbaahinta meel walba gaadhay magaalada Buuhoodle oo aan garan waayey halka ay siyaasad ahaan la haysato. Ma aha wax inagu cusub in aad hadba maqasho degaan hebel oo la baxay magac hebel, ayaa qolo hebel la wareegtay ama maamul u samaysay, ha ahaato talo la sii gorfeeyey ama waxa beryahan loogu yeedho federaal e. Laakiin Buuhoodle waxa igaga soo baxay arrin aan fahmi waayey; degmo aan degaan ahaa ku ogaa dhul Soomaaliyeed ayaa waxa iiga muuqdey calan aan markii hore muuqiisa garan waayey. Ma ahayn calankii buluugga ahaa ee Soomaaliya, ama ka Somaliland ee midabada badan iyo ka ay soo waddo puntland midna. Nin oday ah oo ila daawanayey warkii aan arrintan ka arkay ayaa igu yidhi waa kii Itoobiya. Itoobiya aa? Oo maxaa calanka Itoobiya Buuhoodle keenay ayaan weydiiyey?! Xadka ayey u dhawdahay ayuu iigu warceliyey !! Waxan dib u eegay khariidadii Soomaaliya waxaan ogaa in Buuhoodle ay ahayd degmo taariikhi ah oo ka tirsanaan jirtey gobolka Togdheer, muddo danbena waxay maamul ahaan ka tirsanayd maamulka la baxay Puntland. Dhowaan waxan iyana warbaahinta ka maqlay in xagga Somaliland looga magcaabay gobol iskii u madax bannaan. Haddaba waxan fasiraad u waayey wararka iyo sawirada ka imanyey Buuhoodle ee wax qabadka loo tiiriyey qolo xuduudda ka baxsan dadkii hadlayeyna ma ahayn kuwo ku abtirsada maamuladaa kor ku xusan, magac kale iyo cinwaan kalena kama maqal, waxase aad mooddaa in ay iskeed jaho kale u jaan qaadday. Taasina waxa dhici karta in aanay la yaab lahayn. Laakiin maxaa Itoobiya iyo calankeeda keenay magaaladan? Miyaanay Itoobiya ku fillayn intii hore ee ay Soomaali ka haysatey sida gobolada Soomali galbeed iyo Gobolka Hawd, mise waa arrin iska caadi ah? Miyaan Somaliland, Puntland, TFG da, Galmudug iyo qaar kaleba Itoobiya si toos ah iyo si dadbanba xiriir ula lahayn ?! "Miyaanyey Itoobiya hadh iyo habeen galaa bixin gobolada dalka, meeshay doontana daneheeda ka fushan?. Maxaad ula yaabi hadday calan ka taagato Buuhoodle!" Ayuu ii raaciyey ninkii odayga ahaa’. Waxa la yidhi waad baahan tahay looma bahalo cuno. Intaan ka warhayo Soomaalidu ma aha dad baahi iyo hunguri u geynayo irsaaqad Itoobiya hayso, mana aaminsani in arrinkani yahay talo loo dhan yahay oo waxgarad iyo dad fekeray ka danbeeyeen, laakiin waxa suurtowda in rag cadhaysani uu arrinku halkaa la maray ! waxa la yidhi: rag ciil baa kala geeya. Ma aha arrin lala yaabo in dawladda Itoobiya ay noqoto dawlad xoog badan (Super power) intii Soomaaliya kala daadsanayd Geeska Afrikana hormuud u ah, dhan walbana isu kala bixiso oo dhulbalarsigeedii sii wadato gobolada Soomalidana hadba mid soo xero geliso. Waxaase wax lala yaabo ah in Soomaalida maantu ay noqdaan dad aad u han yar oo hadba cid kale calankeeda kor u qaadda, koodana hoos u dhiga, shisheeyahana soo dhoweeya mar walbana loo abaal sheegto iyaguna siday u kala fogaanayaan oo u kala irdhoobayaan ay af libaax galaan oo mar qudha la liqo xaalkooduna ku danbeeyo, shaluu jirey iyo wax laga sheekeeyo sida sheekooyinkii xiligii Axmed Guray oo kale !! Faarax X. Maxamed ________________________________________________________________ We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
|