Home Articles Somali Songs About us  

 


Aamuska Culimada Soomaaliyeed Muxuu Daarran Yahay?
W/Q Cabdillaahi Cawed Cige
December 10, 2009

"Waxa aan leeyahay culimada Soomaaliyeed gacan adayggii lagu yaqaannay ha ka koreen, waa in aanay ku bakhaylin meesha khayrka lagu og yahay. Haddii ay ismiidaamintu barwaaqo tahay, waxa aan leeyahay, 15 ka Malyuun ee Soomaaliyeedba ugu baaqa jannada isqarxinta oo qof waliba ka ku xiga ha isku qarxiyo; haddiise reerka weere soo galay waa in ay dadka weeraha diinta ku adeeganaya ka qabtaan."

Maalintii Khamiistii ee bisha Diisambar 3da ahayd 2009 waxa magaalada Muqdisho ka dhacday masiibo galaafatay dad Soomaaliyeed oo aan illaa hadda dembiga loo xasuuqay cidina innoo sharrixin. Sida wararku sugayaan masiibadaas waxa naftiisa ku fuliyay, nafo badan oo kale na galaaftay, wiil Soomaaliyeed oo Yurub ku koray, sida la caddaynayona shan jir ku yimi Denmark.

Marxuum Ibraahim Xasan Caddow
Marxuum Ibraahin Xasan Caddow

Dadka wiilkaasi galaaftay waxa ka mid ahaa marxuum Ibraahin Xasan Caddow. Ninkaas anigu aqoon uma lahayn, waxa aan araggiisa ka daawaday telefiishannada, weli ba Aljasiira, xilli uu u hadli jiray ururradii Maxakamadaha Islaamiga ah. Nin ay marxuumka asxaab ahaayeen oo waraysi siiyay idaacadaha ayaa tilmaamay in uu Ibraahin ahaa qof Eebbe (swt) caabud badan oo ay caado u ahayd inuu maalin kasta oo Isniin ah iyo khamiis ba soomo. “In uu maantadaas uu dhintay soommanaa ayaan rumaysanahay maaddaama oo ay Khamiis ahayd” ayuu yidhi ninkaasi.
Wiilka yar ee Denmark uga tegay inuu naftiisa iyo nafo kale galaaftaa wuxuu ku socday maskax kale oo lagu shubay. Halmuceedka ugu mudan ee maskaxdaasi  gelisay wiilkaas yar, kuna jujuubay inuu naftiisa dilo, Soomaali kalena laayo waxa u mudan inuu janno gelayo.

Bal haddaba; dilka marxuumka Isniin iyo Khamiis kasta soomayay janno ma lagu gelayaa?
Weydiintani waa laga maarmaan, waana mid aan leeyahay waxa warcelinteedii gabtay culimada Soomaaliyeed. Way ka aammuseen. Aammuskaasi wuxuu leeyahay werwer culus.

Culimadu ma waxa ay la aammusan yihiin baqdin? Ma qorshaha noocan ah ee jannada lagu raadinayo ayay raalli ka yihiin? Arrinkuba ma shuraako sidii saamigii sharikadaha faa’iido ka soo noqonayso oo nin wali ba ajarka nafta is qarxisay wax ka sugaayaa baa?

Aammuskani ma wuxuu inna leeyahay meeshan baas ee Soomaaliya ee gaajada, cudurka, colaadaha, harraadka iyo wixii halaag magac loo bixiyay loo dhammeeyay ayaa jannadii ka dhowdahay ee nin ba wuxuu xambaaran karo bambo, sun, nukliyeer iwm intuu soo xammaasho ha loo soo kala dheereeyo baa?

Madaxweynaha Puntland oo dhacdada ka hadlayay ayaa yidhi hadal u dhigma; wixii waxaas geystay ifkana halaag ha muteen, aakhirona cadaabtii. Abwaan Gaarriye ayaa isaguna si kulul uga hadlay arrintaas. Waase siyaasi iyo aqoonyahan, meeye dadkii aqoonta diinta innoogu horreeyay?

Waxa aan rumaysanahay in aan culimada Soomaaliyeed ku eegin bulshada masaakiinta ah dacdarrada lagu hayo, waa inay si cad oo bannaan, gole ah, goobjoog loo wada yahay uga hadlaan dhacdooyinka noocan ah iyo cawaaqibkooda if iyo aakhiro. Waa inay toos ummadda ugu tilmaamaan wixii aakhiro Eebbe(swt) kugu cadaabayo iyo wixii ajar lagaaga qorayo.
Maxaa ku dhacay shirar diimeedkii, mu’tamarkii, iyo abaabulkii wadaaddadu hurin jireen? Ma meel loo socday oo la gaadhay baa jira?

Anigu diinta xeeldheere kuma ihi, se dilka marxuumka Isniinaha iyo Khamiisaha hor Eebbe(swt) u soomayay in aan cadaab wax aan ahayn lagu mutaysanayn ayaan rumaysanahay.

Waxa aan leeyahay culimada Soomaaliyeed gacan adayggii lagu yaqaannay ha ka koreen, waa in aanay ku bakhaylin meesha khayrka lagu og yahay, haddii ay ummadda u qarinayaan oo ismiidaamintu barwaaqo tahay, waxa aan leeyahay ha u qarinina, shan iyo tobanka Malyuun ee Soomaaliyeed ba ugu baaqa jannada isqarxinta oo qof waliba ka ku xiga ha isku qarxiyo; haddii se reerka weere soo galay – sida ay u muuqato- oo meesha belaayo ka hig leedahay, belaayadaasina diintii ku soo gabbatay oo qofkii caadiga ahaa markuu ka hadlo la odhanayo diintii baad wax ka sheegtay, murtad baad tahay, gaal baad raacday, waa in aanay culimadu doorkooda gabin ee ay dadka weeraha diinta ku adeeganaya ka qabtaan.

Ma jirto maanta maalin ummadda Soomaaliyeed uga baahi badan tahay aqoonyahanno diinta Islaamka ku xeel dheer oo shiriya, isu keena, la hadla, u noqda dugsi ay ku hirtaan oo ay kaga gabbadaan cabsidan aan Eebbe (swt) badin, balse aadmiga maskaxda xun ee la soo muday gelinayo.

Haddii culimada Soomaaliyeed maalin qudh ah hiil u tari lahaayeen ummaddooda waa maanta; waa in aanay dhuuman ee ka dhiciyaan bulshada jidkan qarqoora ee lagu hagayo kitaabka foorarka lagu akhrisanayo.

“Gadh ba gadh baa la tusaa”, culimada Soomaaliyeed gadhkoodii ha la arko, haddii kale se Wallee meel dheer baa laga dooni.

Cabdillaahi Cawed Cige,
Liverpool, UK
E-Mail: edleh@hotmail.com

Maqaallo la Xidhiidha

* Hope, Interrupted!
* Take Back Mogadishu
* In Mogadishu, They Slaughtered The Cream of The Best
* The Massacre of medical students in Shamo Hotel
* Somalia is in Need of Massive International Intervention
* No Where Is Safe! A Heinous Act of Mass Murder in Mogadishu
* Al Shabaab baa farta lagu wada fiiqayaa
* MUQDISHO (Maanso)
* Muqdishooy! Dhagaxoo Ilmeeyiyo; Dhirtoo Ooyda Baa Hadhay!
* Baroordiiq (Dhacadadii Huteel Shaamo)
* The Devils Job is never Done

________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2009 WardheerNews.com