Home Articles Somali Songs About us  

 


Gabay Siilaanyo‏
W/Q Axmed Yasin
April 21, 2009

Gabaygani wa gabay mala' awaal ah, oo uu Siilaanyo u tiriyay Daahir Rayaale uuna doonayo in uu bal kursiga mar uun ku fadhiisto. Waxaana uu ku sheegay waxa gubaya, waa matalaad ee yaan run loo qaadanin.
______________

Dalka inaad ku dheeshan baad rabtaa doorkane e
Aniguna dirqibaan isku hayaa, damaqna wuu jiraa'e
Qoriga dagta sudho baan is idha, da'ina way haysaa'e
Duqbaan ahay maanta, waanad igu digateene

Daahirow danaystaa tahay, cidina doonayne'e
Dalku waxuu rabaa doorasho inuu gala e
Inaan kula dur-duriyaan rabaa sidii daylo e
Daacad baan ahay , cidina duudsiyeynee
Daa'inkaa arkaa waxaad la dakaynaysa e
Dulqaad ma lihid kolkaan kaa dareemayee
Dabuubteeda nimankii lahaa wa darandariye

Inaan kursiga ku dakeeyaan raba daahir sidiisiye
Inaan daasado jeedaan rabaa daahir sidiisiye
Guryo dacal cabd baan rabaa daahir sidiisiiye
Shaariqa inaan u duulaan rabaa daahir sidiisiiye

Anigu doorkayga inaa damaashaadaa weeyaane
Kursiga inaan ku duulo weeyan danta maante e
Dib loo dhigay kolba doorashada la sheegaye
Dulli weeyi markay bil duruktaaba e

Cimrigaygu wuu dirmayaa timuhuna daataanee
Cirradiiba i dahaadhay, madaxa dushiisa e

Doqonimadaad wadaan guurtiday, mar uun daaya e
Dastuurbaa jira iyo wax lagu daadaga e
Axdigiibaad disheen, daa'inna waa idin arkaaya
Dus dus baad wadaan iyo daloola madowe

Dalka inaad ku dheeshan baad rabtaa doorkanee
Aniguna dirqibaan isku hayaa, damaqna wuu jiraa
Qoriga dagta sudho baan is idha, da'na way haysa
Duqbaan ahay maanta, waanad igu digateenee

Dalkaa inaan u soo halgamay, da'yartu ogaatay e
Damiirlaawe uunbaan garanayn, intaan daadafayee
Siyaad baad daaqad ka tuuray, doorkii jirayee
Daahirna u tudhi maayo, wakhtibaase igu digtee
Mar uun ii daaya kursiga cv-ga dul dhigtee

Dacalada aduunka aan maro, oon u duula e
Dimishiq aan tago, iyo daarta bush haws e
Dalxiis wacan aan aado, samaha dubay  e
Ictiraaf aan doono, meelkasta oo dunida jirte

Deeqsina waan ahay, waana la dareemaye
Dadka aan u tudho , kollay dilina maaya e
Dalka inaan qaadan rabaa, oon dallaca e
Bananka aan u duso , dacaladana wan buxsan

Dalka inaad ku dheeshan baad rabtaa doorkanee
Aniguna dirqibaan isku hayaa, damaqna wuu jiraa
Qoriga dagta sudho baan is idha, da'na way haysa
Duqbaan ahay maanta, waanad igu digateenee


Axmed Yasin,
Email: ahmedyasin20@gmail.com

_______________________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews


Copyright © 2009 Wardheernews.com