Muranka Miisaanka Maansada Soomaaliyeed
WQ: Khaalid Jaamac Qodax
June 02, 2008

Print Friendly

Waa dabciga bini’aadamka in xaajo nin la toosani nin la tuur leedahay, waayo, waxa aad arkaysaa in dadku aad ugu kala duwan yahiin aragtiyo badan oo qofba si ugu muuqata, haddii aad is tidhaahdo qofkaas toosina ay kugu adkaato, ama aad kuba guuleysan weydo, inaad ka dhaadhiciso sida ay dhabtu tahay. Qofka aqoonyahanka ahse kugu qaadan mayso wakhti badan marka aad tusto cilmi baadhis aad si hufan ugu kala haadiso waxa ay arrintaasi ka qabto, waayo waxa kali ah ee qofka aqoonyahanka ahi uu kaga duwan yahay qofka kale, waa isaga oo baadhid ku sameeya arrinta inta aannu go’aan rasmi ah ka gaadhin, isaga oo in badan ka taxadiraaya in uu go’aan ku gaadho hubsiimo la’aan ku fadhiya, arrinta haddii si cilmi ah looga qanciyana qaata

Tan iyo wakhti aan dhaweyn waxa muran weyni ka taagnaa  cidda ah aabbaha miisaanka maansada Soomaaliyeed. Waxa ay arrintani tahay mid ku cusub dhagaha Soomaalida, oo aan hore looga baran in ay isku qabtaan aragti aqooneed, iyada oo waxa ugu badan ee la kala dhici jirey ay ahaayeen dumarka iyo geela, marka aad eegto dhaqankeennii hore ee reer guuraaga ahaa.

Muranka miisaanka maansada soomaaliyeed, waxa aan si fiican u fahmay ka dib markii aan aad u dhuuxey qoraallo badan oo ka hadlaaya miisaanka maansada oo ay kala qoreen labada abwaan, iyo aqoonyahanno kaleba. Waxase iigu miisaan weynaa qoraalladaasi aan arkay dood aad u xiiso badneyd oo dhex martey aqoonyahanno iyo qorayaal ka doodey aragtida miisaanka cidda daahfurtey, dooddaasi oo ka dhalatey ka dib markii Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”, uu booqashada ku tagey dalka boqortooyada Ingiriiska. Doodaas waxa soo afmeeriyey qoraal aad u qiimo badnaa oo uu qorey qoraagga caanka ah ee Cabdiraxmaan C. Faarax “Barwaaqo”, oo sida uu dooddaasi u soo xidhay aanan arkin  cid kale oo ka hadashay, waxaana xusid mudan in aan arkay raggii doodda bilaabay oo Barwaaqo ku taageerey meelo badan.

Si kastaba ha ahaatee, wiiggan horaantiisii ayaan haddana ku arkey degelka redsea-online.com, oo aan aad u booqdo wareysi aad u xiiso badan oo uu ka soo xigtey  degelka kale ee wardheernews.com, uu la yeeshey wareysi khaash ah Profosor Cabdillaahi Diiriye Guuleed “Carraale”, wareysigaas oo ahaa mid dib u soo nooleynaya dooddii ahayd “Kumaa ah aabbaha miisaanka maansada Soomaaliyeed”, waxa uu Carraale kaga jawaabey su’aalo daran doori ah oo lagu weydiiyey, waxa uu Carraale si hufan oo cilmiyeysan uga doodey in uu isagu yahay qofkii ugu horreeyey ee seeska u dhiga ee balleysinka u ahaa daahfurka miisaanka maansada. Aad ayaan u xiiseynaayey qoraalkaasi, waayo arrintaasi oo aan war ka hayeye awgeed ayaa waxa aan dhammeeyey qoraalkii wareysiga ahaa ee laga qaadey Carraale.

Intaa ka dib ayaa qoraagga caanka ah ee Ibraahin Yuusuf Axmed ‘Hawd”, waxa uu ka daba keeney qoraal dheer oo uu si badheedh ah ugu taageerey Carraale wareysigaa uu bixiyey, doodiisa ah  inuu yahay maclinkii daah furey miisaanka maansada Soomaaliyeed. Iyo waliba hadallo badan oo uu si duurxul ah ugu daray maqaalkiisa oo Gaarriye meel ka dhac ku ah.
Haddaba sidey wax u jiraan? Siduu ahaa qoraalkii Hawd? Sideen u arkaa garnaqa uu Hawd  arrinta ku gaba-gabeeyey? Xaggeen ka eegi qoraalkii Hawd? Iyo su’aalo kale oo badanba waxa aad kaga dhargi qoraalkeygan kooban, oo aan si tafaftiran aan arrintaas ugu qaadaa dhigi

Ugu horreyn qoraalkii Hawd, markii aan arkay, waxa aan markiiba fahmay in Hawd arrinta aannu dhex dhexaad ka ahayn sababtoo ah, qoraalkiisu waxa uu dhinac u dheelliyey markii uu soo qaatey ugu horreyn saddexdii dhinac ee uu miisaanka ka eegey Carraale, waxa aan filaayey in uu 3dii xeer ee uu Gaarriye isaguna u soo bandhigey uu iyadana tusaalooyin ka bixiyo oo uu soo qaato, is bar-bardhigana,  Marka uuse intii Carraale dufan inoo mariyey, waxa aad arkaysaa in doodiisu ay dheelidey. Hawd waxa ay doodisu qurux badnaan lahayd haddii uu si waayeel iyo dhexdhexaad ah arrinta u galo, waxase qalinkiisii warqada ka qooyay markii uu heeryada dhinac u badiyey, weerar iyo aragtiyo is burinaayana uu maqaalkiisa inoogu soo gudbiyey.

Miisaanka maansadu waa masdarad kuu saxaysa, kuna ogaan kartid in baydka maansadu uu jaban yahay iyo in kale, sidaa darted, waxa ku jirey qoraalkii Gaarriye ee 1976-kii in uu yidhi

“Maqal. Ma jeclaan labayd inaad gabaydo? Mase og tahay inaan abwaanni­mada loo dhalan uun ee la samayn karo? Waxba ha la yaabin. Ma jiro waxaan qofka aadmiga ihi aanu qaban karin, haddii uu niyad fiican la yi­maaddo. Way jirtaa oo waynu aragnaa dad hibo gaar ah u leh gabayaanni­mada. Hase yeeshee waxa been ah inaan qofkii rabaa aanu noqon karin abwaan. Waxaad iska raariddaa inaad wixii qof samayn karaba aad adiguna sameyn karto. Waa tahay. Aniga ayaa kuugu macallin noqonaya sida loo gabyo ama loo heeso. Hase ahaatee anigu af soomaali ku bari­maayo. Waxaan kuu dhigayaa habka loo gabyo iyo shuruudaha la doonayo inaad fuliso.”redsea-online.com/e-books

Waxa uu Ibraahin ku doodey in arrintaa uu Macalin Gaarriye ka dhawaajiyey aanay shaqeyneynin, waxase aan u sheegayaa in beydka xaggiisa dambe micnaha uu xambaarsan yahay aaannu dhuuxinba. Tusaale ahaan waxa uu Gaarriye inoo sheegey “ in af Soomaaliga aannu ina bareynin”, markaa dadka ka doonaya in uu baro afsoomaaliga aaney suurtoobeynin in uu maclin ugu noqdo arrintaasi. Gaarriye jawaabtii uu ka bixiyey ayaa inagaga filan arrintaasi ka dib markii uu Ibraahin Khooli weydiiyey isla su’aashaasi uu is weydiiyey ama ina weydiiyey qoraageenu, ka dib markii ugu horreysey ee uu soo bandhigo aragtida miisaanka maansada (1976). Waxaannu Gaarriye si fudud ugu jawaabey Khooli, isaga oo arrintaa ka jawaabaayana waxa uu yidhi

Waxa jira laba gabyaa, gabyaa Eebbe hibbo u siiyey in uu gabyo, iyo gabyaa naqdiye “Suugaan Dhaadhi”, ka dambe ayaa fahmi kara si hawl yarna u baran kara miisaankeyga, haddii uu dadaallana waxa uu noqon karaa kaas hore”

Maxaa uu inoo sheegayaa hadalkaasi? Bal adba eeg!! Markaa dadka ka sugaaya in ay gabyaan waa in ay shurruudaha uu u jeexay Macalin Gaarriye raacaan, waxa aan qabaa in ay u fudud dahay in ay sameyn karaan maanso shan ama laba baydna ha ahaatee, iyaga oo raacaya miisaanka macalin Gaarriye. Maxaa dheef ah ee laga dhaxlay aragtidan miisaanka? Ku darso oo barashada miisaanku, sida uu Gaarriye sheegey, inama baraayo in aynu ku maansoono oo kali ah ee waxa jira faa’iidooyin badan oo uu innoo soo hooyey.  Waxa lagu kala ogaan karaa maanso waliba badda ay ka soo jeeddo (Barwaaqo 2007), waana dhaxal laga dheehan karo in laga diyaariyo cilmi baadhisyo badan oo si mug leh looga sii dhex mushaaxi karo suugaanta.

Ibraahin Hawd, waxa uu ku doodayaa in doodda Carraale iyo ta Gaarriye ay isku yihiin laba arrimood oo aan la is bar bar dhigi Karin, waxaannu ku doodayaa in ta Carraale ay ka miisaan weyn tahay ta Gaarriye oo aan sidaa loo sii dhaq-dhaqaajin Karin. Marka uu hadalkaas leeyahay waxa ay ka dhigan tahay oo kale taageero iyo lib uu la doonaayo Carraale. Wax midhkaa caddaynaya ma muujin ama inama tusin. Waxase run ah Gaarriye iyo Carraale midna qorayaashu lib afkooda ku siin maayaan, ee waxa ay yihiin uun bay yihiin, kaalinta iyo qiimaha ay bulshada ku kala dhex leeyihiinna waa mid iska cad oo aan daah la saari karin

Kuma filna jawaabta uu  Carraale ka bixiyey su’aashii uu weydiiyey Cabdiraxmaan Barwaaqo ee ahayd

Intii waxaas oo doodihi dhacayeen Brof. Cabdillaahi Diiriye Guuleed xagguu isagu joogey? Ma xertii Gaarriyuu ahaa mise tii fallaagowdey?” redsea-online.com/e-books

Waayo, jawaabta uu ka bixiyey Carraale ee ah “Magaalada Marka ma soo gaadho Wargeysku, manaan ogaan”, maaha jawaab laga dhargi karo, waana jawaab laaxin leh, sababta aan taas u leeyahay waa; maxaa uu Carraale uga hadli waayey haddii uu ku doodayo in uu buug ka qorey arrinta markii uu maqley ka dib? Muxuuse isagaa doodayee, cabanayee, fikraddan hore ugu soo bandhigi waayay dadka?. Saaxiibkeyna haddii uu taasi taageerayo sida ku cad qoraalkiisa, yaanu diidin in haantiisu dalooshan tahay. Haddii uu ku qanci waayo caddeymaha uu Cabdiraxmaan Barwaaqo ina soo hor dhigeyna, waxa kale oo aan u sheegayaa in uu dhuuxo micnahoodana fahmo qoraalladii kale ee ay arrintaasi ka qoreen Khooli, iyo Boobe ee ahayd in arrinta miisaanka maansada uu daahfurey Gaarriye keentey guul iyo dood dheer. Sababta oo ah Khooli ma jirto mana dafiri karno in cid ka xogogolsaneyd aaney jirin dhanka arrintan miisaanka  iyo suugaanta soomaaliyeedba, maadama uu  ka shaqeyn jirey Akaademiyaddii Soomaaliya. Sidaad darteed maqaalkii dheerraa ee uu ku burinaayey aragtida miisaanka maansada ee Gaarriye, meelna kagama darin qoraalkaasi dheer in uu jiro aqoonyahan kale oo isku dayey arrintan, oo uu ka dhigto raadraac, amaba uu sheego in Gaarriye looga horreeyey. Dhanka kale Boobe waxa uu soo saarey wakhtigaa qoraal dheer oo uu ugu magac darey “Xidhbasooraha miisaanka Maansadda”, marka uu Ibraahin Yuusuf arrintaa leeyahay ha la weydiiyo maxay ka tahay? Waayo wakhtigaasi ayay ka hadleen labada aqoonyahanba e, ma waxa uu rabaa in ay si kale uga hadlaan oo Carraale ay dufan inoo mariyaan sidiisa oo kale.

Qoraalka dheer ee Hawd, waxa ku jirey meelo badan oo uu runtii dalbo ka lahaa, sababta oo ah waxa uu si badheedh ah u yidhi Hawd arrimo aannu xog buuran ka haynin, mar uu ka hadlaayey Gaarriye iyo suugaanta waxa uu yidhi Hawd isagoon burkaba bahal ka dayin

“Mar hore iyo jeer dambe toonna Gaarriye caado uma yeelan, loogamana baran, baadhitaan iyo qoraal ku saabsan afka iyo culuuntiisa. Wax kale iska daaye xitaa isaga maansadiisa dhowaan ayey dad kale u qoreen.”

Hadalkani waxa uu ku galinayaa dareen hoose, oo aad siyaabo badan u fasili karto, sida uu doono ha uga jeedee aniga ila ma qumana, waxase ay ahayd in uu qoruhu si kale u dhigo, arrin aannu war sugan ka hayna aannu ku dag dagin, waayo, waxa ay u eegtahay in uu dhex dabaashey badweyn.  Hadalkaasi waxa uu si gaara ii xasuusiyey maansadii caanka ahayd ee Salaan Carrabey ee ay ku jireen tuducyadanni

“Waxba yaanu xeerkey i marin xoolana i siine
Xaasha’e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaab”

Sababtoo ah Gaarriye waa macalin luqadda suugaanta ka dhigga labada Jaamacaddood ee Hargeysa iyo Cammuud ee Soomaaliland. Haddii uu libinta cilmi baadhista uu labadaas jaamacaddood ka wadona uu dafirro, waa arrin kale.  Maxaa uu ka dhigaa Haddaba ayay kula tahay labadaas jaamacaddood? Haddii aan si fudud uga jawaabo waxa uu labada jaamacad-doodba ka dhigaa cilmi baadhiso badan oo uu ku sameeyey luqadda afsoomaaliga iyo suugaanteedaba, waxaannu ka qorey buugaag badan oo ku diyaarsan gacanta oo aan wali madbacad galin sida uu afkiisa nooga sheegey. Haddii aad dafirtey in uu diiwaankiisa maansada qoreyna waa arrin kale oo la mid ah in sheekada “Saddex nafood” iyo “Aanadii Negeeye” ay yihiin sida dadka qaarkood ay qabaan, oo aan aniguna ka mid ahay ay ku doodi karaan in ay ku dhawdahay in aad  ka soo dheegatey adiguna dhaqan reer galbeed, aniga oo yidhaahda oo kale ayay ka dhigan tahay hadalka ah waa loo qorey maansadisaba. Ogowse in uu diiwaanka isagu qorey ee la tafaftirey uun ( Kama hadlaayo ka laga qorey ee Barwaaqo qorey)

Waxa aan si hufan u akhriyey qoraalka uu  Cabdiraxmaan C. Faarax “Barwaaqo”, ku taageeraayo in Gaarriye yahay “Aabbaha miisaanka maansada Soomaaliyeed”, waxa uu qoruhu hadalkiisa ku bilaabay weedhahan, markii uu kala saaraayey labada nin

Intaa kadib waxan u xuubsiiban inaan soo bandhigo aragtida aan qabo. Aniga oo iska dhawraya hawraaraha: waa la yidhi, waan aqiin, waan maqlay, waan akhriyey, ama waxa igu maqaala ah, iwm.,, ayaan dooddeyda ku taageeri caddeymo, sumad iyo sawrac leh” “redsea-online.com/e-books”

Adiguse “Hawd” waxa kali ah ee aad na soo hor dhigtey waa in aad la dhacsan tahay qaabka uu Carraale u soo bandhigey hadalkiisa. Kuguma diidani in aad aragtidaada ku cabbiri karto in aad taageersan tahay aqoonta uu Carraale ku soo kordhiyey suugaanta soomaalida, aniguna waan kula ogahay in Carraale wax badan ku soo kordhiyey suugaanta soomaalida, waxase aan anigu qabaa in libinta iyo taageerada aad is bar bar waddo, ee qoraalkaaga ka muuqdaa aanay ahay laba arrimood oo is qabta, marka laga eego dhinacyo badan, waxaanan ku hayaa in Carraale yahay  aqoonyahan wax weyn ka tarey sugaanta soomaalida sida Gaarriye oo kale. Balse innaad midna xoogeyso dooddiisa midna aad yasto waxa ay ka dhigan tahay arrin hoose oo kale

Guntii iyo gaba-gabaddii waxa aan qoraalkeygan ku soo afmeerinayaa in siyaabo badan aragtidan aan loogu dag-dagin, dab hurinna aan la sameyn, waayo waxa ay keeni kartaa taasi inay sii huriso ama sii fogeyso aragtiyaha dadweynaha . Waxa kale oo aan labada aqoonyahan u soo jeedin lahaa in ay wax badan iska arkaan. Dadka suugaanta xiiseeyana ay qiimeeyaan wax wal oo ku soo kordha, qiimaha ay mudan tahayna la siiyo, iyo waliba in la iska ilaaliyo weerarka aan hummaaggeyseneyn ee badheedhka ah.


WQ Khaalid Jaamac Qodax
Email: Qodax02@gmail.com

---------------------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews                                                                                   


Copyright © 2008 Wardheernews.com