|
|
Doodda muranka miisaanka maansada: Iyamaanu taageernaa Gaarriye iyo Carraale
|
Ma ihi Suugaan yahan ku xeel dheer allifida maansada, sidoo kale ma ihi dadka aqoonta dheer u leh Suugaanta ama cilmi baadhista ku sameeya suugaanta. Hase yeeshee waxaa i soo jiidatay dood beryahaasba ka socotay shebekadda wardheerNews iyo shebekado kale, kuna saabsanayd keebaa daah furay miisaanka maansada Cabdillaahi Diiriye Guuleed (Carraale) iyo Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Dooddan oo iminka mudo socotay waxay ka bilaabantay waraysi ay shebekadda wardheerNews la yeelatay barre sare Carraale, oo sheegay inuu isagu daah furay miisaanka maansada, wuxuuna iclaamiyey inuu hayo caddaymo badan oo taageeraya dooddiisa. Si kasta ha ahaatee waraysigaasi wuxuu soo jiitay akhristayaal badan oo dooddan hore ula socday iyo qaar kale oo ku war helay waraysigan, halkaasna waxaa ka dhalatay dood xiiso leh oo dad badan isu keentay.
Waxaana dadka dooddan fikraddooda ka dhiibtay ugu horeeyey qoraaga Ibraahim Hawd oo isagu si ballaadhan oo aad u faahfaahsan uga hadlay miisaanka maansada iyo faa'iidooyinkiisa, isagoo is waydiiyey maxaa ku jaban in la barto miisaanka maansada iyo in layska dhaafo? Isaga laftiisa ayaana inooga jawaabay oo yidhi sidan hoos ku qoran:
"haddii ay sidaas tahay, oo aan barashada miisaanka qofna maansoyahan ku noqonayn, maxaa laga dheefay daahfurkeeda? maxaase ka hadalkeeda loogu xabeebsanayaa? jawaabtu waxay tahay, daahfurkan iyo barashadiisuba run ahaantii waxtar aan la koobi karin waxay u lee yihiin culuunta afka guud ahaan iyo aqoonta dhismaha maansada gaar ahaan. halkaas ayuu khayraad badani ka buuxaa kana buuxi karaa. waa aqoon loo adeegsan karo baadhitaanka aqoono kale, waana tallaabo bilaw ah oo wax badan lagaga ogaan doono dhismaha afka, maskaxda afkaa dhistay iyo sida ay u dhistay."
qoraalkii Ibraahin Hawd
Dabadeed wuxuu sii dhex galay muranka labada macallin dhex yaalla iyo cadaymaha mid waliba hayo wuxuuna ku fogaaday caddaymaha macallin Carraale hayo iyo iyana caddaymaha uu hayo macallin Gaarriye, halkaas ayaad moodaa inuu Ibraahin Hawd qoraalkiisa laaxin ka geliyey ka dib markii uu labada aqoonyahan dooddoodii iyo caddaymihii mid waliba hayey, isu soo maanguuriyyey ee is barbar dhigay ayuu sidii ay ula ekoonaatay u dhigay. Waxaana la odhan karaa Ibraahin Hawd aad ayuu ugu degdegay faallada iyo qoraalka dheer ee uu ka diyaariyey aragtida muranka miisaanka, khaladaadka Ibraahin galay waxaa ka mida isagoo markhaati u soo qaatay buug uu qoray nin ka mida raga dooddu dhex taal, kaasoo ah macallin Carraale. Wuxuuna leeyahay sidan:
"buugga macallin Carraale ee miisaanka maansada Soomaaliyeed wuxuu si buuxda u muujinayaa inuu Carraale daah furay miisaanka maansada". laakiin haddaad maskaxdaada ka la kaashado qofka dhexdhexaadka ah ee ka garnaqaya doodda labadan nin dhex taal, taas cadayn uma soo qaadan karo. Waayo? buugga qof saddexaad ma qorin ee labadii nin ee is hayey awalba ayaa mid ka midi qoray, wuxuu ku qorayna markhaati looma soo qaadan karo. Mida kale xilliga Carraale qoray buuggan waxay ka danbaysay xilligii Gaarriye ku faafiyey maqaalkiisii daahfurka miisaanka maansada wargeyskii xidigta oktoober oo ahayd sanadkii 1976.
Markaas sheekadu waxay u muuqanaysaa war la qabo xiiso ma leh, dhanka kale Ibraahim isagoo ka hadlaya caddaymaha abwaan Gaarriye wuxuu yidhi wuxuu cadayn hayaa maqaalkiisii caanka ahaa ee uu ku qoray wargeyskii xiddigta oktoober sanadkii 1976, intaas Ibraahin Hawd wuxuu ku ladhay "intaan ka ogahay Gaarriye ma keenin cadayn iyo markhaati kale oo u dhigma waxaa Carraale garabkiisa soo tubay". Waa yaabe Ibraahin caddaynta uu Gaarriye ka doonayaa waa mid noocee ah, waxa laga hadlayaa kol hadday tahay wax cusub oo la daah furay waxaa loogu magac daraa cidii ugu horreysay ee ku dhawaaqday. Cidii iyadu wax ku kordhinaysa ama hore u sii marinaysana waa u furan tahay, kolkaas labadan aqoon yahan keebaa sidiisaba ku hor dhawaaqay inuu daah furay miisaanka maansada?
Haddaynu taas ka jawaabno, muran kuma jiro inuu Gaarriye ku hor dhawaaqay daah furka miisaanka maansada, muslinow run sheeg muslinowna uga qaado maqaalladii taxanaha ahaa ee Gaarriye ku soo qori jiray wargeyskii Xidigta Oktoober sanadkii 1976, ayaa ugu horeeyey wax ka hadla miisaanka maansada. Mida kale ee caalamkoo dhami isku raacsan yahay waxaa weeye, kol haddii aqoon ama cilmi cusub la daah furo in cidii ugu horreysay ee daahfurtay ama heshay loo aqoonsado. Tusaale cilmiga cufsad jiidadka (gravity) muran kama taagna inuu helay sir Isak Newton, waayo isagaa markii ugu horreysay caalamka u soo gudbiyey. Markaas caddaynta kale ee ibraahim hawd abwaan Gaarriye ka rabo kolay anigu ma fahmin.
Haddaan iyana waxoogaa ka idhaahdo tan ku saabsan inuu jiray nin saddexaad oo u kala dabqaadi jiray xilliyadaas magaalooyinka Muqdisho iyo Marka oo ay labada aqoon yahan ku kala nooleeyeen, isagoo haya xogta dhiraandhirinta miisaanka maansada ee dhanka Carraale. Ninkaas oo magaciisa lagu sheegay Faarax Askari oo isna macallin ahaa, lagana yaabo inuu Gaarriye ka helay xog dheeraada inay sidaas ahayd wax cadaynaya ma hayno. Macallin Carraalena inooma sheegin Ibraahin Hawdna inooma sheegin, waxayse labadooduba inoo sheegeen inay kala duwan yihiin sida Gaarriye ugu dhawaaqay daahfurta miisaanka maansada iyo sida Carraale ugu dhawaaqay, waxaana la odhan karaa taasi waxay markhaati u tahay in aanay jirin cid saddexaad oo dhexdooda isaga adeegtay waayo hadday jiri lahayd soo gudbintoodu way is waafiqi lahayd.
Tan kale ee iyana wax layska weydiin karaa waxaa weeye sida macallin Carraale uga jawaabay su'aashii WardheerNews weydiisey ee ahayd adigu miyaanad la socon maqaalada xiddigta Oktoober ku soo bixi jiray ee Gaariye ka diyaariyey miisaanka maansada?
Wuxuu Carraale ku jawaabay xilligaas waxaan joogay magaalada Marka oo aanu soo gaadhi jirin wargeyska Xidigta Oktoober. Jawaabta macallin Carraale maaha mid lagu qanci karo, waayo Marka iyo Muqdisho waxay isu jiraan 100 km. Waxaana u dhaxaysa wado laami ah, waxaana jira ganacsi iyo xidhiidh joogto ah oo u dhaxeeya labada magaalo. Maalin walba intaas oo bus oo caasi ah iyo intaas oo sitay manoogto ah ayaa xilligaas u kala gooshi jiray, labada magaalo wargeyska Xiddigta Oktooberna xilligaas wuxuu soo gaadhi jiray magaalada Hargeysa iska daa Marka oo laydhka Xamar u muuqdee.
Wuxuu kale oo Ibraahim Hawd ku dooday in aan Gaariye ka sokow hal abuurkiisa aanu samayn wax cilmi baadhis ah oo ku saabsan afka iyo culuuntiisa, wuxuuna hadalkiisa u dhigay sidan hoose "dhan kale haddii aynu arrinka ka eegno, waxaa jirta xaalad dabiici ah oo labada nin u kala dhowaynaysa u fiirsashada iyo baadhidda abuurta iyo dhismaha maansada. Gaarriye waa maansayahan la mid ah maansayahannada badan ee soomaalida. haddii uu ka mid yahay inta yar ee waxbaratayna aqoontaasi waa maaddada Bayooloji oo aad uga fog afka iyo suugaanta iyo aqoontooda cilmiyeed. maaddadaas ayuu bartay waxna ku dhigi jiray. mar hore iyo jeer dambe toonna Gaarriye caado uma yeelan, loogamana baran, baadhitaan iyo qoraal ku saabsan afka iyo culuuntiisa. wax kale iska daaye xitaa isaga maansadiisa dhowaan ayey dad kale u qoreen. haddii ay dhacday in uu sannadkii 1976 arrinka sidan isugu shuqliyey caadi ahaan tallaabadaasi waxay noqon lahayd mid uu hawshan iyo degaankeeda ku sii dhex galo heerar kalena ula gudbo. sow ma aha? taasi haddaba sida la og yahay ma ay dhicin, ilaa maantana lama hayo eray qudha oo uu gaarriye meel ku xarriiqay marka laga reebo maqaalka xiddigta oktoobar oo nus qarni kudhowaad laga joogo".
Waxaad moodaa ama aqoonta uu Gaarriye u leeyahay ha koobnaato ama hawba badheedhee in Ibrahim Hawd si cad u dafiray inuu Gaarriye hore iyo danbaysoba ka mid ahaa cilmi baadhayaasha afsoomaaliga, oo weliba ka mid ahaa ragii aasaasay akedemiyadii fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Halkaas oo ahayd meesha kaliya ee lagu baadho aqoonta cilmiyeed ee Af Soomaaliga. Waxaan xusuustay shir ay qaban qaabisay dawladda Jabuuti oo ka dhacay dalkeeda sanadkii 2003, kaasoo ku saabsanaa cilmi baadhista afka Soomaaliga ayna ku kulmeen rag badan oo aqoon dheer u leh afka Soomaaliga. Waxaana aan ka xusuustaa ragii shirkaas ka qayb galay Hadraawi, Gaarriye, Yamyam allaa haw naxariistee, Idaajaa, Riiraash, qoraaga Nuuradiin Faarax. Tiradoodu aad ayey u badnayd laakiin intaas ayaan ka xusuustaa, waxaan anigu kala socday tvga Jabouti oo dooda si toosa u soo tebin jiray habeen walba. Kulankii ugu horeeyey ee shirka lagu furay ragii ka hadlay waxay dhammaantood u mahadnaqeen dawlada Jabuuti oo shirkan dhaqan gelisay, isla markaana saamaxday inay meel isugu keento saaxiibo kala baaday oo mudo dheer aan is arag ama aan ku kulmin hawl caynkan oo kale ah. Ujeedada ugu weyn ee shirku wuxuu ahaa sidii loo hir gelin lahaa buug qaamuus af Soomaali ah oo laysku raacsan yahay, Gaariye iyo Idaajaa labaduba waxay halkaas ka sheegeen inay ka mid ahaayeen gudi hore oo dawladii kacaanka ahayd magcowday sanadkii 1976, hawshooduna ahayd inay soo diyaariyaan buug qaamuus ah oo af Soomaali ah. Waxayna sheegeen in aan lagu guulaysan in buuggaas la qoro, walow ay hawl badan qabteen. Waxaan kale oo ku ogaaday shirkaas ka dhacay waddanka Jabuuti in abwaan Gaarriye kaydiyo maansadiisa iyo xataa ta saaxiibkiis Hadraawi. Intii shirku socday ee laga hadlayey barnaamijka cilmi baadhista mar kasta oo Hadraawi damco inuu tixraaco gabay ka mida gabayadiisa ama goluhu ka codsado inuu tiriyo maanso ka tirsan maansadiisa dhanka Gaarriye ayuu isu dhaafinayey, Gaarriyena korka kama hayn ee diiwaan hor yaalla ayuu ka akhriyey. Kolkaas saw I braahim Hawd ma haysato tixdii salaan Carabey ee ahayd
Waxba yaanu xeerkay i marin xoolane i siine
Xaashee nin libin kaa xistiyey xumihii waayaabe
Abwaan Gaarriye mar keliya kama dhex bixin baadhista aqoonta af Soomaaliga weliba fagaarayaal badan ayuu ku soo bandhigay cilmi baadhista aqoonta af Soomaaliga. Wuxuu kale oo yahay macalin afka iyo Suugaanka ka dhiga jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud.
Gebegebadii aan ku soo khatimo dooda muranka miisaanka maansada iyamaynu u aqoonsanaa aabaha miisaanka maansada labada aqoon yahan ee Gaarriye iyo Carraale? Waxaynu u aqoonsaynaa abwaan Garariye, waayo isagaa ahaa ninkii ugu horreysay ee ku dhawaaqay inuu daah furay miisaanka maansada.
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
Email:
cigaal215@hotmail.com
---------------------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews