Doodda Miisaanka Maansada
Qore Bare Sare C/Qaadir Nuur Salaad ( Takar)
July 14, 2008

Print Friendly

Aad ayaan ugu faraxsanahay doodda “WardheerNews” furtay oo ku saabsan daah-furka miisaanka maansada.

Weli iima suurtoobin in aan helo oo akhriyo doodda socota oo dhan. Ha ahaatee waxaan isku tirinayaa xog-ogaal u dhex noqon kara ragga muranku ka dhexeeyo.

In muranku jiro waxaa iigu horraysey 2007 oo Abwaan Maxcamed-Gaarriye Xaashi Dhamac uu noogu yimid magaaladaan Nashville (Tennessee) ee USA . Qof ahaan aqoon fiican uma lahayn walow labadayaduba aan Jaamacaddii Soomaaliya Macallimiin ka wada ahayn.

Habeenkaas ayaan xusuusiyey galab aan isugu nimid maqaayad shaah, anigoo la socdey nin labadayaduba aan niqiin oo la yiraahdo Axmed Cabbaas Axmed. Goobtaas oo uu nooga sheekeeyey in habeen habeennada ka mid, irridda qolkii uu Lafoole ka degganaa saq dhexe lagu soo garaacay oo isagoo hurdeysan, guntanna go’ii sariirta uu furay mise waa askar dharcad ah. Waxay weydiiyeen “Gaarriye”. Kolkuu yiri waa anigana ay ku yiraahdeen “Walaalow ha nagu ciyaarine Gaarriye noo soo toosi”.

Isna ugu afceliyey: “Haddaad nin dheer oo laxaad leh doonaysaanna ma joogo, haddaad Gaarriye rabtaanna waa aniga”.

Markaas ay yiraahdeen: “Madaxtooyada ayaa lagaa rabaaye soo labiso” isna isagooba kolkii hore u qaadtay in ay xirayaan degdeg isugu boobay dharkii soona raacay.

War iyo dhammaanti waxaa la keenay Madaxtooyadii waxaana la saaray diyaarad ah kuwa qummaatiga u kaca. Waxaa lagu soo wareejiyey meelihii la dejiyey dadkii ay saameyn jirtey Abaartii Dabo-dheer, ee la dejin jirey Dujuma, Sablaale iyo Kunturwaarey.

Waqti dheerna waa ka soo wareegey aafooyin badanna waa dheceen sidaas darteed waxaan filayaa in dad badan xuxuustii is dhintay. Marka haddaan taariikho illoobo ha la i cafiyo.

Qiyaasta 1976 ama 1977 ayaan ka akhriyey Wargeyskii “Xiddigta Oktoobar” maqaal uu qoray Abwaan Maxamed-Gaarriye Xaashi Dhamac, oo ka hadlaya miisaanka maansada. Haddii anan qaldanayn. Gaarriye wuxuu ka hadlayey oo qur ah inta shaqal tix gabay, geeraar, jiifto iyo masafo ku jiri kara oo wuxuu lahaa waa in tixda gabay ay ku jiraan 20 ama 21 shaqal. 21ku waa markii shaqalka koowaad gaaban yahay kan labaadna dheer yahay.

Markii laga soo qaxay Xamar oo kolkii hore nala keenay Kismaayo, haddana nalooka dabo yimid oo nalaku shubay Dhoobley iyo Xadka aan wadaagno Keenya anna ku warhelnay dad badan oo sokeeye qaaliya in lagu gumaaday Muqdisho, waxay ahayd wax dabiici ah in la soo xusuusto gabayo hore, qofkii wax isku tuhmayeyna uu wax tirsho. Waxay noqotay in aan Dhoobley, dhowr beri ku celcesho tix aanan aqoon cid tirisay oo oranaysey:

“Garkaan xiiray,

Guudkaan tidcaday,

Gabarnimaa ii eg,

Gaashaanka labadiisa garab inaan gubaa bay eg,

Golihii rag joogaba in aan garab maraa bay eg”

Intaas waxaa ii weheliyey dhanka aabbe ahaaneed gurigayga Xamar wuxuu ku yiil Naadigii Saraakiisha (Circolo Ufficiale), qiyaasta 15kii Jenwary (Jennaayo) ayaa xaafadda waxaa ku soo dhacay madaafiic. Saan ilmihii ayaan qolalkii ka saaray intaan baqay hadduu nagu soo dhaco in gurigu ku habsado oo jodariyo waxaan u dhigay geed weyn oo noogu yiil deyrka oo ahaa Mohogani (ama loox Filibbiin) hoostiisa. Waxaa u yaraa wiil shan jir ahaa oo la yiraahdo Sardheeye. Way saseen oo argagaxeen. Saan anigoo Sardheeye sida ayaan is iri “Maaweeli”. Waxaa un maskaxdayda ku soo dhacday heestii lixdankii ma aqaan ma waxaa lahaa saaxiibkay Cabdullaahi Qarshe mise Cali Sugulle, heestaas oo oranaysey:

“Soomaaloo wanaagsan, Giddigeed walaala

Warshado u sameeyoo wax walba u dhammeeyo”

Intaas markaan iri ayaa Sardheeye i weydiiyey: “Oo Aabbe hadday walaalo yihiin maxay isu laynayaan?”

Ilmaa iiga timid labo sababood:

  1. Anigoo 45 jir ah ahna macallin jaamaceed ayaanan awoodin in aan ka afceliyo weydiin wiilkayga oo 5 jir ahi i warsaday.

  2. Siyaasiyiinta, saraakiisha, aqoonyahannada iyo ganacsatada Soomaaliyeed, dadkaan ka dhashay oo ku dhaaranayey waxay garan waayeen arrinkaas dhallaanku gartay, waa xil dhallaan gartay.

Su’aashii waxay igu noqotay utun aan u baahnahay mar ay noqotaba in aan ka afceliyo. Saddex sano ka dib, 1993, anigoo jooga Nayroobi waxaa gacanta ii soo galay buug Jaamacaddii qaranku qortay oo macallimiin Talyaani ah iyo Idaajaa ay wada qoreen. Waxaa la oran jirey “Antologia della Cultura Somala”. Idaajaa wuxuu ku soo daray gabayo rag badani tirshey iyo darasaddii Gaarriye ee miisaanka Maansada Soomaaliyeed.

Kolkaan akhriyey ayaan is iri “Mindha adna waa isku dayi kartaa in aad gabaydo”.

Waxaan ku bilaabay u afcelintii aan Sardheeye u afcelinayey oo waxaan “Belaayada Maanta Taagan” ama “Bilow War Bilow Biloowa”.

Hadda walow anan weli gabyaa isku sheegi karin oo aan iraahdo: “Gabay anoon shib ka ahayn, misna shaacir ku ahayn”, anigoo tixda ka soo xaday gabaygii “Isna waa shiddiyo hoog” oo Sayid Maxamed Cabdulle Xassan uu ugu maansoonaya Cali (Dhuux) Aaden ku lahaa:

“Gabay nimaan shib ka ahayn, misna shaacir ku ahayn
Oo shooli oo oran shafkaygaa wax jiifaan
Sheegaye midkaasina isna waa shiddiyo hoog”.

Waxaa in badan laga hadlaa Hoobal iyo tixda gabayada furaha u ah ee “Hoobaalayey, Hoobalayey hooye”. Erayadaas ayaa u baahan baaritaan qoto dheer, maxaa yeelay magaalada la yiraahdo Eyl, gobolka Bari, agteeda oo xeebtana u dhow waxaa ku yaal meel la yiraahdo “Xabaalo Hoobal”. Sidaan maqlayna Talyaanigii ayaa qoday oo wax ka baxshey. Dad baa waxay aamminsan yihiin in Hoobal boqor ahaa oo weliba uu ahaa boqorkii u horreeyey oo dadweynuhu u heesaan. Waxaana la yiri waxaa diley nin gabadhiisa qabay.

Haddaan dhex gelintaas halkaas uga gudbo, calaa kulli xaal, hadda waxaan daabacayaa siddeetameeye maanso abaalna Eebbe ka sokow waxaan ugu hayaa xaaladda dagaalka sokeeye ee ila soo gudboonaatey iyo Abwaan Maxamed-Gaarriye Xaashi Dhamac oo hadduu doono wax ha ka soo dheegto Cabdullaahi-Carraale Diiriye Guuleed, sida kan dambe lee yahaye  halka Carraale ka awoodi waayey in uu dadweynaha soo gaarsiiyo muddo dheer wixii u daahfuray isagu si sahlan ugu soo qoray Wargeyskii maalinlaha ahaa ee ka soo bixi jirey Muqdisha.

Sidaas darted haddii maansooyinkayga cidi wax uun ka faa’ido, Gaarriye wax buu ku lee yahay mahaddaas.

Dhanka kale Carraale waan arki jirey in uu macallin ahaana waa filayey illowse haddeer ayaan qurbaha ku bartay oo ku akhriyey buuggiisa, kolkaan WardheerNews ku arkay doodda xiisaha leh oo ka socota ka dib.

Waxaan qirayaa intaan ka akhriyey labada nin oo loo garnaqayo.

Waxaan oran lahaa buugga Carraale waa daraasad buuxda oo dhaxal gal ah. Sidii Gaarriye kama hadlayo tirada shaqallada ee daraasaddisa Miisaanka Maansada waxaa saldhig u ah: Shaqal Dheere iyo Alammo.

Wuxuu daahfuray in gabaygu ka kooban yahay “Hojis iyo Hooris”. Hojiska salkiisu waa 12 shaqalle. Waana toddoba shanle, taas oo macneheedu yahay in uu ka kooban yahay 7 alan oo leh 5 shaqal dheere (7,5). Iyadu tirada shaqalladu ay weli yihiin 12 Toddoba Shanle waxaa lagu beddeli karaa Sidded Afarre (8,4), ama Sagaal Saddexle (9,3), ama Toban Labaale (10,2), Kowiyotoban Kowle (11,1) iyo ugu dambayn 12 eberre (12,0).

Tan kale Carraale wuxuu muujiyey oo caddeeyey in muhimku uusan ahayn oo qur ah tirada shaqallada, shaqal-dheerayaasha iyo alammada ee misna loo baahan yahay hormaynta alammada sida

Meeris heello=8,4=Wardheer dal wanaagsanaydaa

Loo beddeli karo: Hojis gabay=8,4= Dal wanaagsanayda Wardheer, waa horaan tegaye.

Dhanka hoorisyada wuxuu daahfuray in mar walba hooriska gabay ka kooban yahay Lixle labaale (6,2), oo macneheedu yahay lix alan  oo labo shaqal dheere ku jiraan, taas oo guud ahaan shaqallada hoorisyada ka dhigaysa siddeed ta tixda gabayna kas dhigaysa 20: Labo iyo toban (hojiska) oo lagu daray siddeed hooriska (12+8).

Waxaa isna wax ka qoray Miisaanka Maansada qoraa Cabdulfataax Cabdullaahi- “Gacmadheere” oo qoray buugga la yiraahdo “Asaaska Suugaanta Soomaaliyeed” (waxaa daabacay SCANSOM PUBLISHERS Box 6118, 17506 Jarfalla Stockholm, Sweden).

Waa wiil uu dhalay macallinkii Dugsigii Gaalkkacyo ee SYL Alif-Ba iigu bilaabay 1953 waloow uu ahaa Reer Galbeed. Isagu arartiisa wuu qirayaa dadkuu wax ka soo qaatay in ay ku jiraan Cabdullaahi-Carraale Diiriye Guuleed iyo Maxamed-Gaarriye Xaashi Dhamac.


Barafasoor C/Qaadir Nuur Salaad Takar
Email: deritakar@yahoo.com

-------------------------------------------------------------
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews                                                                                   


Copyright © 2008 Wardheernews.com