Ma Tifaftire ayay u Baahantahay Mareegta BBCSomali.com?
Liibaan Axmad
March 2, 2006

Dhegeystayaasha  sida joogtada ah  ula socday Laanta af Soomaaliga ee BBCda tobankii sano ee ugu dambeeyey  waxa u muuqan kara isbeddel  ku dhacay barnaamijyada Laanta af Soomaaliga.  Isbeddelkaasi ma aha mid dhageystayaashu isku si u arkaan: qaar baa korodhka barnaamijyada arrimaha bulshada u arka  tallaabo  hal abuur oo horey loo qaaday; qaar bay la tahay in Laanta af Soomaaligu tayadeedii isdhintay. Kooxdan dambe kuma raacsani. Ma jirto isbarbardhig lagu sameeyey barnaamijyadii Laanta af Soomaaliga ka bixi jiray  toban sano hor iyo kuwa hadda baxa. Sidaa  darteed in aragti run-ka-sheegis ah (objective) laga dhiibto tayada baarnaamijyada Laanta af Soomaaliga way adag tahay.  

Arrinku sidaa uma adka marka la isku dayo in la ogaado tayagda Af Soomaliga lagu qoro wararka ku soo baxa mareegta Laanta af Soomaaliga ee BBCSomali.com. Wararkii lagu daabacay dhawr sannadood ka hor mareegtaa ayaad heli kartaa haddii aad taqaan ladhka warka  ama summadda  bogga mareegta sheekadaasi. Dhawrkii bilood  ee ugu dambeeyey waxaan la socday sheeko wareedka iyo faallooyinka  lagu soo saaro mareegta BBCSomali.com. Ujeeddadaydu ma aha inaan u kuurgalo tayada wararka ama faallooyinka ku soo baxa hoyga Laanta af Soomaaliga ee BBCdu ku leedahay Internetka. Waxa aan doonayaa inaan ogaado sida Laanta af Soomaaliga tafaftirayaasheedu  u xeeriyaan  habsami wax ugu qorista  af Soomaaliga waayo mareegta Laantu waxay ka mid tahay mareegaha Soomaalida iyo shisheeyaha af Soomaaliga yaqaan sida joogtada ah  u booqdaan. Maqaalkan ujeeddadiisu waa in lagu baraarujiyo maamulka Laanta af Soomaaliga  BBCda baahida loo qabo sare u qaadista tayada af Soomaaliga lagu qoro mareegta BBCSomali.com

Guud ahaan tayada af Soomaaliga   loo adeegsado  tarjumidda ama qorista sheekooyin wareedka ee lagu soo saaro BBCsomali.com kama sarreyso tayada af Soomaaliga mareegaha Soomaalida badankood. Marka la eego dadaalka, tamarta iyo adduunka loo huro Laanta af Soomaaliga ee BBCda oo xilli aan fogeyn laga baadbaadiyey go’aankii lagu xiray laamo ka tirsanaa qaybta adduunka la hadasha (BBC World Service), tayo xumada af Soomaaliga lagu qoro mareegta BBCSomali.com waa mid keentay weydiintan: ma leedahay mareegta BBCSomali.com tifaftire?  Haddii warcelintu ‘haa’ noqoto,  mareegtu ( BBCSomali.com) ma leedahay saxayaal ugaarsada gefefka higgaadeed  iyo naxweed?

Qaar ka mid ah caddaymaha muujiya in tayada af Soomaaliga lagu qoro mareegta BBCSomali.com uu hooseeyo waxay la xiriiraan higgaadda. Wargeys iyo  idaacad kasta waxa dhexyaal tilmaame qoraal ( Style Guide) sheega in magaalo madaxda Shiinaha loo qoro Peking, Bikiin,  Beijing ama Beeyjing, tusaale ahaan.  Gefafka higgaadda  ee aan soo ururiyey  waa kuwo loo kala qaadi karo dhawrkan  kooxood:

B Gef  ku saabsan shibbanayaahsa laballaabma - ereyo laballaab u baahan oo laga tagay iyo kuwo aan laballaab  u baahneyn  oo lalaballaabay
T Magacyada dalalka iyo qaaradaha oo sida af Ingiriisiga  loo qoro
J Magacyo marba sidii la doono loo higgaadiyo
X Summadaha qoraalka kala haga (Punctuation Marks) oo si aan haagaagsaneyn  loo  adeegsaday
Kh Magacyo la soo gaabshay oo aan dadku wada aqoon
D Bilaha sanadka oo marna loo higgaadsho sida  af Talyaaniga loogu dhawaaqo  marna sida af  Ingiriisiga.
R Gefaf la xiriira higgaadda

Af Soomaaligu  wuxuu qornaa in ka badan soddon sanadood. Qaybaha kala duwan ee warbaahinta ayaa kaalin mug leh ka soo qaatay hirgelinta  habsami wax ugu qorista af Soomaaliga. Iskudhafka  waayo-aragninamda  ee maanta Laanta af Soomaaliga BBCcda ka muuqda ayaa la filayey inuu  sii kobciyo tayada af Soomaaliga lagu qoro wararka iyo faallooyinka mareegta BBCSomali.com laga akhristo.

Gefefka aan kor sida kooban ugu sheegay waxa keena  feejignaan la’aan tifaftire ama aqoondarro la xiriirta xeerarka qoraalka af Soomaaliga. Sida badan gefafka muuqda marka la laballaabi waayo shibbane erey ka mid ah waxa  sababa  qofka oo u fiirsan waaya sida uu ereyga u codeeyey ama qofka oo  shibbanaha ereygaa ka midka ah si fudud u codeeya sidaana u qora. Labadan gef higgaadeed way ka muuqdaan sheekooyinka  aan soo akhriyey ee mareegta BBCSomali.com ku soo baxay.

Shirka ka hortaga Cudurka shimbiraha ee Beijing:

Markii aan akhriyey seddexda erey ee ugu horreeya cinwaanka kor ku xusan waxaan u qaatay in la ii sheegayo  inaan shir ka hortago. Waayo ‘ka hortaggu’ (prevention) wuu ka duwan yahay   “ ka hortaga”. Mid waa magac faleed ( verbal noun) midna waa fal (verb ). Isbeddelka micneed ee shibbanaha la laballaabi waayey uu keenay ma yara.

Sidoo kale cinwaanka “Xildhibaano dowladda Kenya cadaadis saaraya waa tusaale hoosta ka xarriiqaya  feejignaan la’aan ka muuqata habka tifaftireed ee wararka af Soomaaliga ee mareegta BBCSomali.com.  Ereyga ‘xildhibaan’ marka jamac laga dhigo waa xildhibaanno; shibbanha n ee laballaaabmayana waa mid  la maqli karo marka ereygan lagu dhawaaqo.  Ereyga labaad –‘dawladda’—shibbanayaasha ku jira ee labalaabma lama ilduufin halka la laballaabay shibbanaha seddexaad ee ereyaga afaraad ee cinwaankan :
"Barlamaanka Lebanon oo coddeeyey . Tusaalahan dambe waxa  muuqda in ereyga afaaraad labalaabista lala doontay uu qofka qoray si kale ugu dhawaaqay. Dhegeheennu uma dulqaataan ereyada sida aan hagaagsanayn loogu dhawaaqo,indheheenuna sidoo kale haddii xeerarka qoraalka af Soomaaliga ay halbeegyo noo noqdaan.

Magacyada qaaradaha iyo dalalka qaarkood ayaa cinwaan qorayaasha BBCSomali.com  u qoraan sida af Ingiriisiga loogu qoro. "Geeska Africa oo Abaartii ku soo badanaysa” (15 Februweri, 2006. Ma abaarahaa Geeska Afrika ku soo batay mise geeskaa Afrika ayaa ku batay abaarahaa? Yaa leh falka magaceedka badashada? Ma abaarta mise Geeska Afrika?
Seddexda cinwaa ee soo soocda waxay iyagana muujinayaa af shisheeye ku higgaadinta magacyada dalal (Iran ) iyo gobol (Bay)—Iiraan iyo Baay marka af Soomaali lagu qoro.
Reer galbeedka iyo Nukliyeerka Iran”. Bay:Shirka Barlamaanka Soomaalida.

Gefef kale ayaa jira  oo la xiriira summadaha qoraalka kala haga ( Punctuation Marks). Inta aanan soo qaadan kan  ugu weyn  bal aan isla eegno cinwaannadan:

1 Biyo laan ka dhacday gobolada Sanaag
2 Dawooyinka AIDS'ka ka hortaga

Cinwaanka hore waxa ka maqaan firgin (hamsa) “ Biyo la’aan” ka sokow  shibbanaha L ee ku jira ereyga shanaad oo la laballaabi waayey; kan labaadse firgin uma baahna waayo waa loo qori karaa Aydiska. Dadka af Soomaaliga oo keliya yaqaan iyo carruurta iyo dhallinyarada Soomlaiyeed ee ku barbaartay dhulalka shisheeyaha, hase ahatee, baranaya  akhriska af Soomaaliga way ku dhibtoonayaan haddii ay la kulmaan ereyo af Soomaali lagu  higgaadin karo oo loo higgaadshay Soomali iyo Ingiirisi ( Aidska, Africa, Iran Saddam, Ethiopia, tusaale ahaan).

Gefka ugu weyn oo ku xiriira qoraal hageyaasha ( punctuation marks ) wuxuu ku saabsan yahay siyaasi  Soomaaliyeed.

Waa maxay farriinta uu sidaa cinwaankan: 
Muuse Suudi oo is eedeeyay!" . Maxaa loogu baahday in summadda la yaabka (exclamation mark) loo adeegsado  cinwaan ku saabsan siyaasi Soomaaliyeed? Summadda  layaabka waxa la adeegsadaa marka la muujinayo dareen. Sheekada ku saabsan Muuse Suudi  ma ahayn ra’yi. Goorma ayuu uu Muuse Suudi is  eedeeyey? Haddii sheeko wareed  laga sameeyo summaddaa layaab ee sida aan hagaagsaneyn loo adeegsaday cinwaanka  sheekadu wuxuu  noqon karaa :  “ Laanta af Soomaaliga ee BBCda oo ku digatay Muuse SuudiYalaxow”.

 
http://www.bbcsomali.com
08 Maarso, 2005, 19:08 GMT; 22:08 SGA
Muuse Suudi
Muuse Suudi: Dhibbane summadeed

Gefefka higgaadeed ayaa iyagana tiradoodu badan tahay  marka loo kuurgalo cinwaannada  wararka BBCSomali.com : “Shir jaraa'd oo uu qabtay Xuseen Caydiid”, “Soomaaliya oo Mdexweyne dooratey”. Waa  laga hortagi karaa gefefkan higgaadeed haddii fiiro loo yeesho xilka tifaftirista si  loo ilaaliyo magaca mareegta BBCSomali.com.

Way jiraan ereyo la soo gaabiyey oo  akhristayaasha Soomaalida badankood garanayaan. Waxaa ka mid ah :IWM (iyo wixii la mid ah) iyo Dr. ( Daktar ‘doctor’).

Mareegta BBCSomali.com waxaa ku soo baxa warar  cinwaankoodu ka kooban yahay ereyo la soo gaabshay oo aan caan bixin. Waxaa ka mid ah SACB “SACB oo walaac ka muujisay abaarta Soomaaliya.

Waxa kale oo xusid mudan in sida bilaha sannadka loo qoro ay kala duwanayeen markii  aan akhriyey wararka lagu soo saaray BBCSomali.com. Eeg Taariikhahan:
30 Julaay, 2004; “20 Agoosto, 2005. Bisha hore ee Julaay waxa loo higgaadiey sida af Ingiirsiga loogu yiraahdo. Bisha kale ee Agoosto waxaa loo higgaadiyey sida af Talyaaniga loogu yiraahdo.

Dadaal badan ayaa socda sidii af Soomaaligu uga mid noqon lahaa afafka lagu qaato darajada  heerka A ( A Level”.) ee dugsiyada sare. Mareegta BBCSomali.com waxay ka mid tahay mareegaha loo baahan yahay inay noqdaan kuwo laga shidaal qaato marka la doonayo in af Soomaali wax lagu qoro lana muujiyo in afkeennu leeyahay xeerar qoraal oo u dhigma afafka shisheeye ee dalkan Biritayn laga aqoonsan yahay.

Liibaan Axmad
E-Mail: libahm@aol.com

 - *Summaddani waxay tilmaameysaa  taariikda soo saarista oo aan ku xusneyn wararka qaarkood.

- Sheeko wareed waxaan ula jeedaa ‘news story.’

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2005 Wardheernews.com