SOOMAALIDA SANNAD CAYNKEE AH BAA U DHAMMAADAY?
(Qormadii 1aad)

Ismaaciil C. Xasan
Soomaalida sannad caynkee ah baa u dhammaaday (Qor.2 baad)
Ismaciil C. Xasan( Khaliil)
Jan 16, 2006
Sidii aan ku soo sheeganay qaybtii hore waxaa maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanayay khilaafka xubnaha dawladda iyagoo aan weli dalka ku soo noqon.

Inkastoo ay Dawladdu dulsaar ku ahayd wadanka Kenya hadana taasi kamay joojin inay qaybo ka mid ah waajibaadkeeda gudato. Waxaa jiray xilligaas wafdiyo kala duwan oo ay kala hogaaminayeen madaxda sare ee dawladda oo iyagu socdaalo ku kala bixiyay meelo ka mid ah dunida, iyagoo casuumado ka helay dawladahaas amaba ka qayb galayay kulamada ururada caalamiga ah ee Soomaaliya xubinta ka tahay.

Sidoo kale waxaa jiray xilal iyo guddiyo la magacaabay xilligii ay dawladdu ku sugnayd wadanka Kenya . Arinta caasimadda Muqdisho oo ka mid ah waxyaabaha la isku maandhaafsanyahay ayaa madaxda dawladdu go’aano kala duwan ka qaateen.

Iyadoo ay hore go’aanno uga soo saareen habka loo wajahayo nabadaynta Muqdisho xubnaha beelaha USC ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka ka tirsan, ayaa bishii Maarso dabayaaqadedii uu Ra’iisal Wasaare Cali Geeddi soo saaray wareegto uu ku magacaabayo guddi uu madax u yahay Wasiirka Arimaha Gudaha Xuseen Caydiid oo loo xilsaaray inay ka shaqeeyaan nabadaynta Muqdisho. Guddigaas ayaa wuxuu ka koobnaa 11 xubnood iyadoo aanay xubno ka ahayn wasiiradda hubaysan ee Muqdisho. Gudidan ayaa ahaa kuwo shaqadooda iyo wax qabadkoodu aanay dhaafin xaashidii lagu magacaabay.

Dulqaadka culayska ay joogitaanka dawladdu ku hayso wadanka Kenya ayaad moodaysay inuu marba marka ka dambeysa sii yaraanayay, waxaana jirtay in marar kala duwan ay dawladdu qabsatay waqti ay kaga guurayso wadanka Kenya hase yeshee aanay waxba ka suurto gelin.

Wasiirka Iskaashiga Gobolka ee wadanka Kenya ayaa 24kii Maarso shir jaraa’id oo uu ku qabtay Nairobi ku sheegay in ay Dawladda Soomaalidu Kenya ka guuri doonto bisha May. Hadalka wasiirka ayaa ahaa mid loo arki karayay muddo kama dambays ah(ultimatum) ay dawladda Kenya u qabatay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee Hoteelada Nairobi ku mirqaamayay inay kaga baxaan wadankeeda.

Dagaalkii Baydhabo
Isla bishii Maarso dhammaadkeedii ayaa dagaal ka qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, oo ka mid ahayd magaalooyinka dawaladda FKMG Soomaaliya u astaysatay inay ku sii shaqayso inta nabadgelyada caasimadda laga xasilinayo.

Dagaalkan oo u dhexeeyay Maliishayada wasiirada taageesan dawladda iyo kuwo uu hogaamiyo Xildhibaan Xaabsade oo isagu gacan saar la leh hogaamiyayaasha hubaysan ee Xamar ayaa ay ka dhasheen khasaare dhimasho, dhaawac iyo barakacba isugu jira.

Maleeshiyadii Xaabsade oo ay taageerayaan maleeshiyo uga timid dhinaca marka oo ka amar qaata Yuusuf Indha cadde ayaa ku guulaysatay in ciidamadii ka soo horjeeday ay ka saaraan magaalada Baydhabo oo ay gebi ahaanba magaaladu iyaga u gacan gasho.

Qabsashada Baydhabo ee Xaabsade ayaa waxay ahayd caqab cusub oo ka hortimid qorshihii dawladdu ay rabtay inay Baydhabo xarun ka dhigato inta Muqdisho laga nabadaynayo. Xildhibaan Xaabsade ayaa isagu aaminsanaa in dawladdu ay Xamar toos ugu guurto.

Wasiiro iyo Xubno Baarlamaanka ka tirsan oo ka soo jeeda beesha Digil iyo Mirifle ayaa xilligaas si degdeg uga duulay Nairobi, una kicitimay dhinaca Xuddur. Waasiiradan oo ay ka mid ahayeen Shaati Gaduud, Sh.Aadan Madoobe iyo Deeraw ayaa ahaa dhinacii maleeshiyadooda loogu itaalka sheegtay Baydhabo ee laga saaray. Imaanshaha Xuddur ee xubnahan ayaa loo arkay kuwo ujeedadoodu tahay abaabul dagaal ay dib ugu qabsadaan Baydhabo.

Wasiiro iyo Xildhibaano Nairobi iskaga tegay
Xilligaa wixii ka dambeeyay waxaa sii xoogaystay khilaafka xubnaha labada gole ee Dawladda, taasoo dhalisay in Wasiirada iyo Xildhibaanada saluugsan sida ay Madaxweynaha iyo Rasiil wasaaruhu wax u wadaan ay isaga hulleelaan Magaalada Nairobi una baqoolaan xaggaa iyo Muqdisho.

Wasiirada hubaysan ee Muqdisho iyo Xildhibaanada ay isku mawqifka yihiin ayaa iyagu si isdaba jog ah ugu qulqulayay Xamar. Bishii April badhtamaheedii ayaa ay kulan ay ku yeesheen Xaruntii XHKS ee Muqdisho ay xubanaha labada Gole ee Xamar tegay kaga wada hadleen sidii ay maleeshiyooyinka iyo hubka waaweyn looga saari lahaa caasimadda.

Kulankaas oo looga hadlay xaaladda Muqdisho iyo nabadaynteeda ayaa xubnihii ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa Suudi Yalaxaw, Cismaan Caato, Qanyare Afrxa iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labad gole.

Dhacdadan ayaa waxay bilaw u ahayd isku day badan oo ay doonayeen inay nabadgelyada Xamar wax kaga qabtaan, hase yeeshee aan wax natiijo la taaban karo laga gaadhin.

Madaxweyne Yuusuf ayaa isagu ugu baaqay xubnaha Baarlamaanka ee Muqdisho joogaa inay ku soo laabtaan Nairobi si loo dhamaystiro qorshayaasha Dawladda hawlaha dib u heshiisiinta inkstoo aanay cidina dheg jalaq u siin codsigiisas.

Socdaalkii Geeddi ee Xamar
27 April ayaa uu Ra’iisal Wasaare Geedi shaaca ka qaaday socdaal uu ku tegi doono markii ugu horeysay tan iyo intii xilka loo magacaabay magaalada Muqdisho. Safarkaas ayaa ujeedadiisa uu Geeddi ku sheegay in ay tahay sidii uu ula kulmi lahaa xubnaha labada Gole ee Muqdisho ku sugan, si uu ugu qanciyo inay u soo raacaan magaalada Nairobi, loona wada hadlo si loo dhaameeyo khilaafka dawladda ku dhex jira.

Ra’iisal wasaraha oo hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay danjirayaasha wadamada carabta ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, ayaa waxaa kaloo sheegay in dawladdu ay dalka Soomaaliya u guuridoonto dabayaaqada bisha May.

Laba maalmood ka dib oo ku beegnayd 29 April ayaa Raiisal Wasaare Geeddi iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayaa ka degeen magaalada Muqdisho. Wafdiga ayaa waxa uu ka koobnaa xubno ka tirsan labada Gole ee Dawladda, diblomaasiyiin ka tirsan wadamada IGad, Midawga Afrika iyo Jaamacadda Carabta.

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha ayaa si aada ay u soo dhaweeyeen shacabka reer Muqdisho, inkastoo soo dhawayntiisa aanay ka qayb qaadan hogaamiyeyasha hubaysan ee Muqdisho.

Shir uu la qaatay Rasiilwasaaare Geeddi xubnaha labada gole ee dawladda ee ku sugan Muqdisho, ayuu ka sheegay inuu u tanaasulay, hawlaha nabadaynta Muqdisho ay wadaana uu soo dhawaynayo.

Mudane Cali Geeddi ayaa 3dii May kulan ballaadhan oo uu kula hadlay shacabka Muqdisho ku qabtay garoonkii Muqdisho Stadium, halkaas oo ay isugu soo baxaan kumanaan dad ah oo doonayay inay dhagaystaan qudbadda Ra;isal wasaaaraha.

Waa socotaa

Ismail A. Hassan (khaliil)
WardheerNews. London.U.K.
Email: khaliilha484@hotmail.com

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2005 Wardheernews.com