SOOMAALIDA SANNAD CAYNKEE AH BAA U DHAMMAADAY?
(Qormadii 1aad)

Ismaaciil C. Xasan
Janaury 0 1, 2006
                                                              

Sannad waliba hoodiyo
Wuxuu hadimo leeyahay
Waa laga helaayoo
Hadhaw lagu xasuustaa

Sannadka 2005 wuxuu ahaa sannad yididiilo iyo rajo qaranimo ugu bishay shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa sannad la filayay in dawlad la’aantii ay Soomaaliya muddada dheer ku sugnayd la soo af jari doono. Wuxuu ahaa sannad la is lahaa midhihii shirkii labada sanno loo fadhiyay  Kenya ayaa la mahadin doonaa.

Nasiib darro dawladdaasi iyadoon Nairobi soo dhaafin ayay kala dhantaalantay, iyadoo kala lu’latana sannadkii ugu dhammaaday.

Hadaba waxaanu qoraalkan si kooban ugu eegi doonaa dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee sannadka 2005 ka dhacay Soomaaliya anagoo si gaara u soo qaadan doona kuwii saamaynta weyn ku yeeshay mujtamaca Soomaaliyeed.

Ifafaale wanaagsan

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda kmg

Dawlad loo dhanyahay oo ay Soomaaliya yeelato burburkii ka dib waxay ahayd guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Bishii Jannaayo 2005 ayaa Ra’isal Wasaare Geedi mar kale soo bandhigay xubnaha xukuumaddiisa oo kor u dhaafaya 90 Wasiir, ka dib markii ay baarlamaanku hore kalsoonida ugala noqdeen golihii uu soo dhisay bishii Disember 2004.

Isla bishii Janaayo 2005 ayaa dhinaca ismaamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland loo doortay in uu Madaxweyne ka noqdo Jan. Cadde Muuse oo isagu hor kacayay dagaal looga soo horjeeday C/aahi Yuusuf xilligii uu ka talinayay degaanka Puntland.

Dib u yegleelida dawladda Soomaaliyeed iyo is bedelka ku dhacay hogaanka siyaasadeed ee Puntland ayaa ahaa  ifafaale wanaagsan oo la kawsaday sannadkii 2005.

Dhibaatooyin iyo caqabado cusub

Hadaba niyadsamida ay shacabku qabeen ma noqon mid muddo dheer laasata ama sii jirta, ee markiiba waxaa soo shaac baxay khilaaf iyo is aamin darro ka dhex aloosantay xubnaha ugu mihiimsan ee dawladda.

Ismaan dhaafka iyo mucaaradnimada ka dhex curatay xukuumadda ayaa bilawgiiba wiiqday masuuliyad wadareedkii xubnaha Golaha xukuumadda iyo diyaarinta iyo fulinta qorshayaasheeda wax qabad.

Qiimaynta xaaladda nabadgelyo ee dalka iyo qorshaha u guuritaanka dawladda ee Soomaaliya ayaa ahaa qodobada ugu muhiimsanaa ee horyaalay dawladda KMG ah markii la soo dhisay. Siyaasadda iyo qorshaha ku aaddan arimahan ayaa ahaa kuwo ay aad ugu kala tagsan yihiin xubnaha dawladdu.

Khilaafkaasi kuma koobnayn xubnaha xukuumadda oo keliya, ee waxaa kale uu saamayn weyn ku yeeshay Baarlamaanka FKMG ee Soomaaliya.

Qorshe ay dawladdu wadatay oo ku saabsanaa keenista ciidamo shisheeye oo nabad ilaalineed iyo goobta ay dawladdu xarun ka sii dhiganayso inta caasimadda laga nabadaynayo, ayaa noqday welina ah caqabadda ugu weyn ee dawladda soo foodsaartay tan iyo intii laga soo dhisay.

Golaha xukuumadda ayaa iyagu horaantii bishii Febraayo aqlabiyad weyn ku ansixiyay in Soomaaliya la keeno ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda wadamada IGAD.

Shariif Xasan- Gudd. Baar. kmg

Isla maalmahaas ayaa wafti balaadhan oo uu horkacayo Guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Adan uu booqosho lagu tilmaamay ujeedadeeda mid lagu qiimaynayo xaaldda ammaanka caasimadda ugu ambabaxay dhinaca Muqdisho.

Booqashadan oo ahayd mid aanay ku midaysnayn xubnaha dawladda iyo Baarlamaanku ayaa loo arkayay mid ay wataan dad ujeeddooyin gaar ah leh. Wafdigan oo si fiican loogu soo dhaweeyay Xamar ayaa booqday meelo badan oo magaalada ka mid, isla markaana kulamo la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulashada Muqdisho.

Ka dib markii ay xubaha wafdigaasi ku soo laabteen Nairobi ayaa 14kii febraayo uu Guddoomiyaha Baarlamaanku uu warbxin ka siiyay xildhibaanada waxyaabihii uu kala soo kulmay magaalada Muqdisho isagoo sheegay in dhammaan dadkii uu la soo kulmay ay ahaayeen kuwo diyaar u ah in ay la shaqeeyaan dawladda FKMG.

Xilligaa wixii ka dambeeyay waxaa aad u batay hadalhaynta ciidamada shisheeye ee wadanka la keenayo oo ay dad badani ka biyo diidsanaayeen, siiba kuwa ka socda wadanka Itoobiya iyo muranka ka dhashay goobta  ay dawladdu degi lahayd. Taasi oo aad ka dareemaysay in maalinba maalinta ka dambaysa ay dawladu ku sii kala qaybsamaysay

Maraykankii oo dhabarka u jeediyay

Soomaalida oo keliya kuma koobnayn diidmada ciidamo Soomaaliya la keeno ee dawlado kale oo muhiim ahoo ay ka mid tahay xukumada Mararakanku ayaa ka hadlay mawqifkooda, iyaga oo si cad uga horjeestay in ciidamo IGAD ka socda la keeno Soomaaliya. Warbxin ku saabsan mawqifkooda ku aadan arrintan ayuu soo saaray Safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi bishii Maarso bilawgeedii.

Xaflad uu safiirku u sameeyay Wasiiro  iyo xubno kale oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayuu ka hor akhriyay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka oo ku saabsanaa mawqifka dawladda Maraykanka ee  xaaladda Soomaaliya.

Qoraalkaas ayuu Maraykanku si cad uga soo horjeestay go’aankii dawladaha IGAD ay ciidamada ugu dirayeen Soomaaliya. Waxaa kale oo uu Marayknku Dawladda Soomaaliyeed kula taliyay in ay si dhakhso ah ugu guuraan caasimadda Muqdisho.

Mawqifka Maraykanka ayay si weyn u soo dhaweeyeen dad badani, siiba kuwa ka soo horjeeday ciidamada shisheeye oo u badan hogaamiyeyaasha hubaysan ee Muqdisho iyo taageerayaashooda.

Mawqifka Maraykanka ee arintan iyo isagoo ka caga jiiday inuu wax macaamil ah la yeesho ama taageero dhaqaale iyo mid diblomaasiyeedeedba siiyo dawladda, ayaa ahayd dhabar jab iyo caqabad ka hortimid maamulka C/laahi Yuuyuf Axmed.

Gacan ka hadalkii kulankii Baaralmaanka

17kii March ayaa guddoomiayaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan isugu yeedhay xubnaha Baarlamaanka si ay go’aan uga gaadhaan arrinta keenista ciidamada shisheeye oo ay ku jiraan kuwa wadamada safka hore.

Xukuumadda ayaa iyadu codsatay in hal maalin kulankaas dib loo dhigo, si fursad loogu siiyo xildhibaanada aan iyagu xilligaas ku sugnayn Nairobi ay kulankaas uga qayb galaan. Codsigaas oo uu  gaashanka ku dhuftay guddoomiyaha Baarlamaanku.

Kulankan oo ahaa mid aad u xasaasi ah ayaa 10.30 subaxnimo uga furmay Xildhibaanad Baarlamaanka Hotelka Grand Regency ee Nairobi. Halkaas oo ay xildhibaanadu aragtidooda ku soo bandhigayeen.

Shirkan ayaa markiiba uu hadheeyey nacaybka iyo khilaafka ku dhex jira xubnaha baarlamaanka. Kaas oo gacan hadal isu rogay ka dib markii la isku maandhaafay sida loo dhigayo weedhaha qaraarka loo codaynayo.

Guddoomaiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in loo codayn doono keenista ciidamo ka socda carabta iyo Afrika oo aanay ku jirin kuwa wadamada la deriska ah Soomaaliya. Arintaas ayuu markiiba ka biyo diiday Ra’iisal wasaare Geeddi oo isagu ag fadhadhiyay Guddoomiyaha. Waxa uu mudane Geeddi codsaday in aan loo kala saarin kuwo deris ah iyo kuwo kale ee loo codeeyo in Soomaaliya la keeno Ciidamo Carbeed iyo kuwo Afrikaan iyo in kale.

Arintaas waxa diiday  Guddoomiyaha Barlamaanka, waxana uu codsaday in  iyada oo aan la isla gorfeyn kala duwanaanshaha afkaarta, ay xildhibaanadu bilaabaan dhiibashada codkooda, iyagoo si qarsoodi ah u dhiibanaya. Taas oo markiiba buuq iyo sawaxan ka abuurtay madashii uu shirku ka socday.

Ka dib waxaa la iskula tagay gacanta, waxaana madasha ka bilaabantay feedh iyo bakoorado la isla dhaco. Taas oo sababtay in xildhibaanada qaarkood uu dhaawac soo gaadho, goobtii shirkuna ay isu bedesho fawdo ay booliska Kenya  soo dhex galaan.

Shirkaas oo natiijo la isku khilaafsanyahay uu guddoomiyaha Baarlamaanku ku dhawaaqay, ayaa wuxuu ahaa fadeexad iyo sharaf dhac ay xildhibaanadu u soo jideen shacabka Soomaaliyeed.

Telefishinada iyo qalabka warbaahinta adduunka ayaa sawirada dagaalka kulankaas maalmo ku soo celcelinayay. Kulankaas oo ah mid xusuus reebay ayaa waxa uu illaa hadda ku astaysan yahay kulankii ugu dambeeyay ee ay si wadajir ah uga soo qayb galeen xildhibaanada Baarlamaanku iyo bilawgii labada garab ee dawladdu maanta u qaybsan tahay.

Hogaanka dawladda iyo ku adkaysashada mawqifkooda

Prez. A. Y. Ahmed And P.M. A.M. Geeddi

Madxweyne C/laahi Yuusuf iyo inta ay isku fikirka yihiin ayaa iyagu aaminsanaa in aanay suurto gal ahayn in dawladdu ka hawl gasho Soomaaliya, iyadoon marka hore la helin ciidamo shisheeye oo nabad ilaalineed. Taasina waxay keentay dib u dhac weyn oo ku yimaada u guuristii dawladda ee dalka Soomaaliya, inkastoo uu jiray caddaadis kaga imanayay dhinaca wadanka ay martida u ahaayeen ee Kenya iyo deeq bixiyayaasha intaba.

Golaha Xukuumadda ayaa shir ay yeesheen ku ansixiyay  bishii Maarso  maalmo ka dib murankii Baarlamaanka in dawladdu ay u guuri doonto magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar inta caasimadda laga nabadaynayo. Waxa shirkaas isaga dareereen xubno ay ka mid ahaayeen M. Claahi Sifir, Qanyare iyo Suudi Yalaxaw.

Dhacdadaasi ayaa waxay bilaw u ahayd samaysankii kooxda mucaaradka ah ee dawladda ee hadda fadhigoodu yahay Muqdisho.

La soco qaybaha dambe

Ismail A. Hassan(khaliil)
WardheerNews, London, U.K.
E-Mail:khaliilha484@hotmail.com

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews

Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews

Copyright © 2006 Wardheernews.com