Home Articles Somali Songs About us  
 

Book Reviews


By Hassan Abukar


By Ahmed I. Yusuf

By Hassan M. Abukar

By Farah Abdulsamed

Matt Baugh: “Soomaalidu waa dad jecel
doodda siyaasadeed!”

WQ. Cabdulqaadir M. Wacays
March 18, 2012

Wasiirka Koowaad ee dowladda Ingiriiska David Cameron wuxuu bartamihii bishii Nofember 2011 ku dhawaaqay in uu dalkiisa ku qabanayo shirweyne Soomaaliyeed oo caalami ah oo uu xal ugu raadinayo dhibaatada Soomaaliya, asagoo taasna ku sababeeyey in ay “Soomaaliya qatar ku tahay danaha dalka Ingiriiska.”

Warbaahinta reer Galbeedka

Durba, warbaahinta reer galbeedka, gaar ahaan tan Ingiriiska, waxay oodda ka rogeen olole ballaaran oo ay ku bari-taarayeen qorshaha cusub ee dowladdooda, ayna ugu sii sahminayeen heerka damqasho ee Soomaalida cusub iyo dareenka garasho ee indheergaradkooda casriga ah. Waase la hubaa oo cidna daah kama saarna, xitaa 10-jirka saancaddaalaha Ingiriiska ah, in ay Soomaalidu ba’day oo hoogtey, meel u fayoobi jirin, intey is-wada-dooxatay misana is-wada-feenatay, cudurkii qabyaaladda ee loogu dawgalay inta dillooday uu soo ritay, lana hubo in ay u god geli doonto.

Sas iyo jahawareer

Soomaalidii joogtey dalka gudihiisa waxaa ku dhacay sas iyo jahawareer, meel laga jiro iyo meel looga yimid bay kala garan waayeen, taleefannadii ayaa lagu wada yaacay, waxay miciin-bideen qurbejoogtii beelahooda,  qofba qofkii uu xog-ogaalnimo bidayey buu taleefan ku tiigsaday. “Maxmiyad…Maxaa tiri…Gumaysi cusub…Hee…baa dalka la gelinayaa…,” baa xog-is-dhaafsigii meelna loo dhaafin kari waayey. Xitaa, micnaha erayga ‘Maxmiyad’ ayaa muran badan dhaliyey oo la isla meel dhigi waayey. Oo haddaba sow gumaysi kuma jirno, bay dad badan is weydiinayeen.

Loollankii qurbejoogta

Jahawareerka ugu weyn wuxuu soo wajahay qurbejoogta ku nool dalalka reer Galbeedka, gaar ahaan dalka Ingiriiska oo la sheego in tirada Soomaalida ku nooli ay kor u dhaaftay 200.000 oo qof, kuwaasoo dardargeliyey qabiil-ku-loollankii ay caanka ku ahaayeen, waxayna ku hawshoodeen shirar-beeleedyo toos ah iyo kuwo aan toos ahayn, nuxurkooduse ahaa: Maxaa cusub? Shirkii ka warran? Yaa ka dambeeya? Xog hoose ma ka haysaa? Yaa annaga nooga qayb gelaya? Reer ahaan, maxaa dan ah oo noogu jirta? Maxaa talo ah? Xaggee wax ka billownaa? Yaa dad ka yaqaan xafiisyada Wasiirka Koowaad David Cameron, Xoghayaha Arrimaha Dibedda William Hague, iyo Ergeyga u qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh?

Bog-yareha Matt Baugh

Mr. Matt Baugh oo ka hor inta aan laga dhigin safiir rasmi ah xilligaas ahaa ergeyga dalkiisa u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka mid ahaa shisheeyihii bartilmaameedka u noqday farriimihii, qoraalladii, taleefannadii, emailladii, iyo xiriirradii hoose ee ay qurbejoogtu ugu loollamayeen in lagu martiqaado ama laga talageliyo shirweynaha, si ay saamayn ugu yeeshaan, ayna uga dhex fuliyaan dano gurracan oo shaqsi ah iyo kuwo beeleed, intaba.

Mr. Matt Baugh, kaddib markii ay harsi iyo hoyaadba u diideen qubejoogtii iska iibineysey, wuxuu hadal-tiradoodii isaga weeciyey bog-yare uu ka dhex furtay barta internetka ee wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dowladdiisa, si ay halkaas ugu soo qoraan talooyinka ay sheegayeen in ay u hayaan dowladdiisa.

Maalmo kooban gudahood, qurbejoogtu waxay kusoo qoreen bog-yarihii Matt Baugh in ka badan 200 farriimood oo isugu jirey talo-soo-jeedin, is-iibin shaqsi ah, is-eedeyn, been-abuur, isku-dir, colaad-hurin, weerar beeleed, is-muujin, iyo shaqo-doonnimo. Qofkii afar eray oo af- Ingiriisi ah qori kareyba wuxuu isku soo bandhigay bog-yarihii Matt Baugh, asagoo quud-darraynaya inuu Matt Baugh jeclaysto taladiisa, kaddibna uu la soo xiriiro.

Illintii Yaxaaska

Aqoonyahannada ayaa safka hore kaga jirey gulufkii ay qurjejoogtu u gashay u-kala-dheeraynta dhegaha qabanqaabiyayaashii iyo guud ahaanba shisheeyihii kale ee ku lug lahaa shirweynaha. Aqoonyahannadaas qaarkood waxay u muuqdeen kuwo aan afkoodu iyo dhegahoodu is maqal, waxayna faafinayeen qoraallo is-qilaafsan, fikrado is-burrinaya, iyo dareenno is-diiddan oo marin-habaabin ah, ayagoo misana sidii Yaxaaskii qubayey illin been-abuur ah oo ay ummadda ku beerlaxawsanayaan.

Habeennimadii Isniinta, 6-dii Febraayo 2012, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar wuxuu wareysi siiyey idaacadda Islaamiga ah ee al-Furqaan oo ka mid ah idaacadaha Muqdisho ee taageera dhaqdhaqaaqa al-Shabaab. Prof. Samatar wuxuu wareysigiisa si qoto dheer ugaga warramay shirweynaha ka dhici doona London iyo hagardaamooyinka ku ladhan ee lagu dullaysan doono dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Shirkan magaalada London lagu qaban doono bishan gadaasheeda waraaqaha ka soo baxaya war wanaagsan ma sheegayaan intooda badan, dadkuna in ay ka feejignaadaan oo ay ka werweraan waajib weeye. Midse dadku ha ogaadeen, meeshaas lagu tashanayo, waxaa imanaysa in ay warar kasoo baxaan, wararkaasi ay saameeyaan ummadda. Talyaaniga oo kale wuxuu leeyahay maxmiyad ha lagu soo celiyo Soomaali, qaarkood waxyaabo kale bay ka hadlayaan, qaarkoodna gobollo bay ka hadlayaan..” buu yiri Prof. Cabdi I. Samatar.

“Haddii aysan Soomaalidu feejignaan, gaar ahaan gobolka Banaadir, iyo gobollada kaleba, oo aynaan abaabul imminka billaabin, dee waxaa weeye, waa laguu talin, haddii laguu taliyana, dantaadu inta badan noqonmeyso bay ila tahay aniga.”

Isla maalintii xigtayba, Talaado 7-da Febraayo 2012, Prof. Abdi Ismaaciil Samatar wuxuu qoraal dheer oo afka Ingiriisiga ku qoran ku qoray bogga Internetka ee qaybta afka-Ingiriisiga ee telefishanka al-Jazeera, wuxuuna shirweynaha London ku asteeyey fursad yididiillo leh oo si kama dambeys ah dalka ugu soo dabbaali karta dhabbaha nabadda, xasilloonida, iyo dimoqraadiyadda.  “Waxay noqon doontaa masiibo laga argagaxo iyo ayaandarro haddii fursaddan la dayaco,” buu Prof. Samatar ku yidhi qoraalkiisa.

Prof. Samatar, wuxuu qabanqaabiyayaasha shirweynaha usoo jeediyey talooyin fara badan oo tan ugu muhiimsan ahayd in Baarlamaanka Soomaaliya ee hadda jira lagu beddelo gole wakiillo ka kooban 100 xubnood, kuwaasoo ay soo xulayaan guddi seddex xubnood oo shisheeye ah oo laga soo kala xulayo dalalka Koofur Afrika, Norway, iyo Turkiga. Golahaas ay shisheeyuhu soo xuleen, buu Prof. Samatar ku taliyey, in ay qabtaan talada dalka. Ma is tiri Prof. Cabdi I. Samatar afkiisa and dhegihiisu isma maqlaan! Mase kuula muuqdaa laba qof oo aan is aqoon marka uu af-Ingiriisiga ku hadlayo iyo marka uu af-Soomaaliga ku hadlayo!

Maalintii Isniinta, 5-ta Desember 2011, Wasiirka Koowaad ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali wuxuu wareysi dheer siiyey qaybta afka-Ingiriisiga ee telefishanka al-Jazeera. Dr. Ali, asagoo ka jawaabayey su’aal soo noqnoqotay oo ku saabsanayd mowqifkiisa ku aaddan faragelinta ciidamada Keenya iyo Itoobiya ee dhulka Soomaaliya, wuxuu ku soo dhoweeyey gacmo furan, taasoo uu ku sababeeyey “in ay Soomaalidu qatar ku yihiin lafahooda iyo deriskooda, intaba.” Ma mooddaa Dr. Cabdiweli inuu soo minguuriyey oraahdii uu David Cameron shacabkiisa kula dareen-wadaagayey, uguna qiil-samaynayey go’aankiisii ku aaddanaa qabashada shirweyne Soomaaliyeed, taasoo ahayd: “Soomaaliya waxay khatar ku tahay danaha dalka Ingiriiska.”

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, asagoo hadalka Dr. Cabdiweli ka faalloonayey, saacado ka hor inta uusan qudhiisu talo ku soo jeedin in xukunka dalka lagu wareejiyo gole ay xubnihiisu soo xulayaan guddi shisheeye ah, wuxuu isla wareysigiisii idaacadda al-Furqaan ku yiri: “Hoog iyo baa’ba ayey soo hoyeen qoladan dowladda sheeganaysa. Ninka Ra’iisul-wasaaraha ahi, maalin uu al-Jazeera ka hadlay, waxaad moodeyseyba inuu u hadlayo dowladda Itoobiya sidii nin Ra’iisul-wasaare u ah, oo Soomaalida ceebeynaya, oo aan ka jawaabi karin su’aalaha la hordhigayey.”

Horraantii bishii Desember, 2011, kaddib 20 cisho uun markii uu David Cameron dunida maqashiiyey badheedhihiisa ku aaddan qabashada shirweyne Soomaaliyeed oo caalami ah, Dr. Maxamed Daahir Afrax wuxuu asaguna faafiyey qoraal ka kooban 12 bog, kaasoo uu kula dareen-wadaagayey ummadda Soomaaliyeed qatarta ballaaran ee kaga soo fool leh shirweynahaas oo uu ku tilmaamay inuu qayb ka yahay qorshe-weyne muddo dheer lasoo agaasimayey, balse haatan uun ay hirgelintiisu bilantay.

Hase yeeshee, sidii la wada malaynayey, qoraalkii Dr. Afrax ma helin soo-dhoweyntii iyo garawshiyihii uu mudnaa. Halka bog-yarihii Matt Baugh maalmo gudahood ay kusoo shubmeen in ka badan 200 oo farriimood, Dr. Maxamed D. Afrax qoraalkiisii, haba joogtee in uu daahfur u noqdo dood-wadaag is-badbaadin Soomaalinimo, wuxuu falcelis shaqsi ah ka helay nin ay saaxiibbo yihiin, kaasoo Dr. Afrax qoraalkiisa ku dhaliilay in uu ka muuqdo “xanaaq ama caro badan iyo qiiro waddaniyadeed oo beri hore Soomaalidu ka wada tagtay.”

“Waan fahmay inuu i leeyahay waxaad tahay hor-u-jeed aan waqtiga la socon ama dantiisa aqoon! Waxaan malaynayaa in badan oo idinka mid ah inaad saaxiibkay dhaliishaas la qabtaan. Anna maba dafirayo ee waan qirsanahay” buu Dr. Afrax ku qoray qaybta labaad ee qoraalkiisa oo ka kooban 27 bog, wuxuuse is-weydiiyey: “Gar ma tahay in la igula yaabo maxaad uga xanuunsatay gurracnaanta iyo gabood-falka sababay burburka iyo halaagga godka dheer ku ridey dalkii aad u dhalatay iyo dadkii aad ka dhalatay?”

Dr. Afrax wuxuu ujeeddada qoaalkiisa ku macneeyey “xog-tabin iyo xanuun-cabbir aan u arko xaq iyo waajib, xaq aan u leeyahay naf-difaaca ummaddayda iyo waajib-gudasho aan ku yar-qaboojinayo dareenkayga holcaya iyo damiirkayga i hawlaya.”

Hase yeeshee, “naf-difaacii ummadda” iyo “waajib-gudashadii”uu Dr. Afrax ku doodayey inuu ku “yar-qaboojinayey dareenkiisii holcayey iyo damiirkiisii hawliyey” wuxuu kusoo afmeeray talo-soo-jeedin u adeegeysa isla qorshe-weynihii qaybsiga dhulka Soomaalida ee uu Soomaalida ugasii digayey, islamarkaana gurmad iyo hiil weyn u ah huwantii uu ku tilmaamayey “damiirlaaweyaal Soomaaliyeed iyo dulmi-ku-nool shisheeye oo isu kaashaday xuma-fal geeri iyo gunnimo dhaxalsiiyey ummad ahaan jirtey qaran dowlad ah oo dunida sharaf ku leh.”

Dr. Afrax wuxuu talo ku soo jeediyey in “aqoonsi gaar ahaaneed loo wada raadiyo Somaliland!” Ma mooddaa in Dr. Afrax qoraalkiisii dheeraa ee ka koobnaa 39-ka bog uu ugu soo araaranayey in uu ugu qiilsameeyo, kuna gudbiyo farriintaas ku saabsan aqoonsiga Somaliland!

Jawaabtii Matt Baugh

Matt Baugh, markii uu maalmo gudahood arkay bog-yarehiisii oo la ciirciiraya in ka badan 200 farriimood oo isugu jira talo-soo-jeedin, is-iibin shaqsi ah, is-eedeyn, been-abuur, isku-dir, colaad-hurin, weerar beeleed, is-muujin, iyo shaqo-doonnimo, wuxuu boqollaalkii qof ee jawaabaha ka sugayey ugu soo warceliyey oraah gaaban, balse qoto dheer: “Soomaalidu waa dad jecel doodda siyaasadeed.”

Cabdulqaadir M. Wacays
Email: cmwacays@yahoo.com

--------
Cabdulqaadir M. Wacays waa qoraa iyo cilmi-baare Soomaaliyeed oo deggan dalka Belgium.

Qoraallo La Xidhiidha:

* Dulleynta Soomaalida iyo Digniinta Shisheeyaha:Goormay Soomaalidu ku Baraarugi Doontaa? (I) Wq. Dr. Maxamed Daahir Afrax

* Dulleynta Soomaalida iyo Digniinta Shisheeyaha:Goormay Soomaalidu ku Baraarugi Doontaa? (II) Wq. Dr. Maxamed Daahir Afrax

*Qayla-Dhaantu Ma Sasbaa Mise Waa Saadaal Dhab ah Wq. Siciid Jaamac Xuseen

________________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright 2012 WardheerNews.com