|
![]() |
|||||
Ila garo, waa tii Soomaali Maxamed qabarku ku dhacay. Qax iyo waa tii miciinsatay firidh firxadkoodu meel walba ka bidhaamayo. Firxadkaasi meelaha uu aad u saameeyay ee sida Gaaraabidhaanka uga walacleeyo waxa ka mid ah meesha aan anigu Carro’edeg (Internet) ula baxay.
Muddo shan iyo toban sano cagacagaynaysa ayaa meel soc.culture.somalia la baxday waxa iska helay col firxad u badan oo war, wacaal iyo waxsheeg inta ba isula yimi. Goobtaasi sida golihii jaandheerta laga tuman jiray madadaalo kama madhnayn, marmar waa la is caayi jiray, marmar na waa la isku xanaaqi jiray. Soomaali iyo caadadeed faan kama madhnaan jirin. Wacdiga iyo waxsheeggu waa ka dhowaa, waxa se igu mudan oo waxtarka goobtaasi lahayd ii tusmeeya goor wal ba tolka aan ka samaystay. Waxa goobtaas iiga kordhay farsamada casriga ah iyo raadka reer guuraannimo oo la isku walaaqay wadarta ka dhexdhalan karta in ay guul u badan karto. Laga soo waad, waa ta ummaddii Soomaaliyeed degallada carro’edeg degmo-degmo, tuulo-tuulo iyo reer-reer isugu taxday. Waa ta qof waliba reerhebel.com iyo annaganews.com la soo shir tegay. Ilbaxnimada aan ka korodhsaday degaanka Soomaali Maxamed ee carro’edeg yaalla waxa aan ku mala-awaali karaa sidatan. [….. Waa baadidoon, wuxuu tebayaa oo raadkooda gurayaa tolkiisii aanu waxtarka badan ku qabin hadda na ka maarmi jirin. Jid ballaadhan oo magaciisa loo soo qoray ayuu baskii siday kaga degay. Inta uu hareeraha eegay oo baabuur jaan oo wada xiimaysa iska barbariyay ayuu jidkii dhinaca kale uga gudbay. Xilligu waa dayr, dalku waa qabow, degaanku waa mid ceryaamada jecel oo aanay ka rawixin. Si hiimsihiimsi ah ayuu wax u eegay. Jiho loo soo tilmaamay ayuu astaamaheedii raadraadiyay oo bidhaan halacsaday. Isaga oo faraxsan ayuu dhabbo toosan cagta saaray. Waa meel nololxumo ka muuqato, guryaha jidka ku taxan intooda badan waa madhan yihiin, dhawr aqal oo kala durugsan ayaa nal dinniiq ahi ka baxayaa. Lambarkii loo sheegay ayuu maankiisa ka daalacday oo barbardhigay kii guryaha kadinkooda ku mudnaa. Wayna kaa hadda ba, wuxuu halacsaday bidhaan, waa astaan maroorta oo musbaarradii derbiga loogu muday dacal ka soo fuqeen, waa degelkii reer Soomaal ee uu u soo buseelay. Tol waa waadh waa kuwii hore ugu yidhi, isaga na bukaan tol baa haya, dalaq yidhi kadinkii. Judhiiba waxa jaahwareerisay qaaq iyo buuq xad dhaaf ah, madow iyo caddaan, macaan iyo qadhaadh, qadhmuun iyo udgoon, astaamihii naftiisu kala taqaannay ee mid ba goonideeda ula dhaqmi jirtay oo isku qasan ayuu ruuxda hor dhigay. Ma halkan baad u soo hilowday? Ayuu isweydiiyay. Gudaha ayuu ugu sii libdhay; jab iyo jac weynaa, meel walba laba, saddex iyo in ka badan ayaa isku haysata, dagaal aan libin laga dheefayn ayay isku hayaan, gungaadhka keli ah ee ay la soo wada boodayaan waa nac iyo cadho. Balanbalkaygee maxaa isoo watay ayuu ku musaannaabay. Ma is dilaa? Maxay dhimashadaydu ka tari kartaa cawadarantan? Ma iska hayaantaa oo dib dambe ma usoo noqon weydaa? Miyuu boholyowgii bartan ku keenay kaa baxay, sow soo noqonmaysid hadda na? Wuxuu sameeyo ayuu garanwaayay oo intuu gambadh yar soo qaatay bartii waallida Soomaali Maxamed ka socotay iska dhex fadhiistay. Wuxuu ku biiray farakudirirka Carro’edeg……..] Bogagga Soomaali Maxamed ka samaysatay Carro’edeg intooda badani waa magacuyaal. Qof wali ba tuuladiisa, qoladiisa, degmadiisa ama ka uu u arko halyeygiisa inta uu meel yar ula baxo ayuu war aan dhex ahayn, faallo aan nuxur lahayn iyo ra’yi aan xikmad ku fadhiyin ka buuxiyaa. Halkaas baa inta qoladooda ahi na sidii geel hawd ku raagay oo haro la soo taagay ku soo qamaamaan oo inta ay qashinka uu meesha dhigay tuurta u ritaan guryaha, suuqyada iyo dunida inteeda kale sii gaadhsiiyaan. War iyo wacaal Soomaaliyeed oo toos ah, gob ah oo aan lagu laqanyoonayn helimaysid illaa aad reer wal ba boggooda booqato oo dabadeed na isugeynta wararkooda oo dhan abla-ablayso, waxa kaaga soo dhiiqa na miisaan dhex ah sii saartid. Haddaba WardheerNews waxa ay ka mid tahay bogagga dhif iyo naadirka ah ee ka nabad galay waallida Soomaali Maxamed ka dhex abuurtay Carro’edeg ee ninkaas boholyowgu ku dhacay ku dhex jaahwareeray. Sida qorayaal, aqoonyahanno iyo waxgarad badan oo wax ka yidhi shan sano guurada ka soo wareegtay aasaaska Wardheernews tilmaameen boggani aniga iima aha mid war laga dheefo; wuu ka sarreeyaa. Ma jiro horumar bulsho gaadho oo ka sarreysa dulqaadka la isu yeesho; seetaynta ra’yiga oo la isku la yaabaa waa guul uu ku tallaabsado garaadku, waa na nabarkaas ka ugu weyn ee maalin walba igu soo celiya ee aan ugu soo hiloobo WardheerNews. Ha aahato doodda daahfurka Miisaanka Maansada, ha ahaato lafagurka siyaasadda qalafsan ee Soomaali Maxamed, ha ahaato aqoon laga soo saaray sur adag oo ay ku daboollayd, boggani waa mid iga badbaadiya waallida bogagga Soomaali Maxamed. Waxa aan qabaa WardheerNews iyo dhiggeeda faro ku tiriska ah la’aantood waxa aan ku biiri lahaa ninkaas gambadhka dhexdhigtay sawaxanka Soomaaliyeed ee Carro’edeg ka dhex bulaamaya. Guul baan idin leeyahay Wardheernews. Cabdillaahi Cawed Cige Mawduucyo la Xidhiidha : - Geeddiga Hore u Wada,Guushana Adkeeya! W/Q Maxamed Daahir Afrax We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
|