Dhabshiil
Home Articles Somali Songs About us  

Degelka ‘WardheerNews’ .. Muxuu Iigu Fadhiyaa?
Wq. Siciid Jaamac Xuseen
Nov. 27, 2010

Said Jama Hussein

Ereygan ayaa iigu hor ah waxaan ka qoro degelka WardheerNews.  Sababtoo ah hore umaba aqoon.  Sannadkii aynu soo dhaafnay bilihiisii u horreeyey ayaan ka qaygalay xaflad suugaaneed gabadh Soomaaliyeed, Caasha Maxamuud – Caasha Luul - halabuurkeeda lagu qiimaynayey. Xafladdaa waxaa lagu qabtay xarunta Universal TV bariga London ku leeyahay.  Anigana waxaa laygu marti qaaday inaan dadka garsoorka ah ka mid noqdo.  Nasiib wanaag, kooxda garsoorka waxaa isna ka mid ahaa Axmed C. Xasan oo ka mid ah, tifaftirayaasha degelka WardheerNews oo London deggan.

Xafladda ka dib, Axmed C. Xasan ayaa sheeko qubane ahi na dhex martay.  Mar aannu suugaanta Soomaaliyeed isla soo qaadqaadno iyo mar aannu siyaasadda (xaggayga ka inkaaran) wax ka taataabanno.  Axmed fiidkaas waxaan ku kala tagnay bal inaan degelka WardheerNews mar guda galo.

Waqtigaas ka hor, fikradda aan ka haystey mareegaha Soomaalida (websites) oo idili waxay ahayd:  ‘‘Goob ama meel ay dad nolosha ka dhacay xilliga isku dhaafiyaan oo isweydaarsadaan faan iyo booloxooftayn, cay iyo yooyootan, hadaltiro aan ka baxsanayn ku tiri ku teen iyo mindi middi ku taag,"  inta kale ee xayndaabkaas ka baxsanina ay ku eg tahay hiillo qabiil iyo aragti siyaasadeed oo xeebta ku gaaf wareegaysa ama aragti iyo ujeeddo sii ridan aan lahayn.

WardheerNews ayaan guda galay.  Maxaan kala kulmay?  Dugsi dhab ah oo iigu baaqaya: ’Dhaxanta ka soo xerood.’  Dhinacyada ku saabsan warbaahinta, waxbaridda, dood-wadaagga, aqoon is weydaarsiga, murtida iyo maaweelinta iwm, qorayaal dhugma-dheer iyo qallimo fiiqan meel loo dhigay ayaa min dhalashadii WardheerNews illaa maanta oo degelkaasi lix-jirsadey sedkuu arrimahaas ku lahaa si waafi ah qormooyin ugu soo tebiyey.  Aniguna uma soo tafa xaydan inaan ammaantaas WardheerNews sax iyo maan u qalanto aan halkan ku soo celceliyo ee tijaabadaan la soo maray ayaan 3 erey ku soo koobayaa:

-  Dib ayaan u raacay sannadihii hore iyo waxyaalihii ku soo baxay WardheerNews.  Bad caafimaad qabta ayaa igu furantay oo aan weli maskaxdayda aqoonta u oomman ka waraabiyo.

-  Tan iyo maalintii aan Axmed C. Xasan wada hadallay, ma jirto bil aanu ugu yaraan hal qoraal oo aan leeyahay ku soo bixin degelkaas.  Kuwo cusub oo aan curiyey ama kuwo aan boodhka ka jafjafayba ha ahaadeen, intaba dhammaantood falcelin aanan marna filanayn ayaan kala kulmay.

-  Dad akhyaar ah, xilkas ah, aqoon yahan ah, qoraaladoodu kala duduwan yihiin ayaan degelkaas isku barannay, iyadoo aanan badankood weli is arag.  Si aan maluhu kuu la tegin dadkaas siyaasad isku sar go’an oo aannu wada wadaagnaa ma jirto ee waxa naga dhexeeyaa waa : “ Ixtiraamka aan u haynno ra’yiga xorta ah ee hufan.” 

Intaas lafteeda aan kala kulmay WardheerNews ayaan qabaa in wax loo dhigaa aanay jirin. Sannad guuradiisa lixaad, waxaan leeyahay: “Gudintii (godimadii) xaqaad haysataa.. ee  Gacan libaax yeelo”                          

---
Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, waana guddoomiye xigeenka Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed. Waxa lagala xidhiidhi karaa Email:sjx2005@hotmail.co.uk

Related Articles :

- WardheerNews: The Six Year Old Octogenarian! By Nur H. Bahal
- WardheerNews - Waa Wehelka Maskaxda Wq. Cabdullaahi M. Adan
- WardheerNews – an Inter-active Fountain of Knowledge By Muktar M. Omer

- WardheerNews war ma hayso oo qudha!!! Wq. Cabdillahi Cawed Cige
- Geeddiga Hore u Wada, Guushana Adkeeya! Wq. Maxamed Daahir Afrax
- The 5th Anniversary of WardheerNews.com By Rashid Yahya Ali
- A higher Accolade for WardheerNews By Roob Doon Forum
- WardheerNews @ Five By Dr. Said S. Samatar
- WardheerNews oo 5 Jirsatay - Golaha Tifaftirka
- Warku ha sii faafo Wq. Dr. Georgi Kapchits
- War la helaa talo la helaa Wq. Cabdiraxmaan Barwaaqo
- War Baa u Gaajo Badan! Wq. Maxamed Baashe X. Xasan
- Congratulations to WardheerNews By Dr. Ali Bahar

- Media, Media Everywhere, But Only Few That Play Their Role By Nur H. Bahal
- Bravo WARDHEERNEWS!The leading light of the Emergent Somali .. By Sii'arag
- “Who are these guys anyway?” By Yasmeen Maxamuud

- WardheerNews leaves Anna Waa-i-Kan websites in the trail By Bashir Goth
- WardheerNews: Ahead of its time By Rashid Yahya Ali
- WardheerNews dot Com: Mature at Infancy By Ismail Ali Ismail
- Happy Anniversary “WardheerNews
” By Ali Gulaid
- WardheerNews: Please stay gold and true to justice By Sadia Ali Aden

______________________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews 

Copyright © 2010 WardheerNews.com