Home Articles Somali Songs About us  

Geeddiga Hore u Wada,
Guushana Adkeeya!
W/Q Dr. Maxamed Daahir Afrax
November 25, 2009

Dhambaalkani wuxuu xambaarsan yahay erayo aan ugu hambalyaynayo WardheerNews oo u dabbaaldagaysa shan-guurada dhalashadeeda; Wardheernews oo tusmaynaysa ebyidda shan sano oo horumar ah, horumar u tallaabiyey hanaqaad muuqda iyo hormuudnimo ay safka hore ka gashay saxaafadda elekteroonigga ah ee af-Soomaaliga adeegsata inteeda tayada sare leh.

Ifabaxyada soo kordhay tobansanaalahan u horreeya qarniga 21aad  waxaa ka mid ah kaalinta weyn ee ay ciyaarayso saxaafadda elekteroonigga ah iyo sida ay safka hore uga gashay warbaahinta adeegsata af-Soomaaliga. Dad badan ayaa la yaaba baaxadda koritaanka saxaafadda noocaan ah bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda. Yaabku waa mid ka dhalanaya:
1) Soomaalida oo hidde ahaan ku tiirsan hadalka aan qorrayn iyo internetka oo ku tiirsan qoraal iyo akhris; 2) dhibaatada Soomaalida ku habsatay oo la is lahaa niyo iyo itaal midna uma heli doonaan qoraal iyo akhris. Kartida Soomaalidu waxay had iyo jeer ka soo mudh-baxdaa meelo aan laga fileyn.

Ha yeeshee adeegsiga internetku tiro ahaan uun buu nagu badan yahay tayo ahaanse maya. Kun-ku-dhawaadka shabakadood ee Soomaalidu ku yaacday inta nuxurkoodu tayada sare leeyahay waa fara-ku-tiris. Inta kale waa jaantaa rogan, waxase habboon in la soo dhaweeyo dadaalkaas dhallinyarada Soomaaliyeed ay isku dayayaan ummaddan asaaggeed laga reebay in ayan ka harin tartanka internetka. Waxba ma aha halka ninba tabari gaarsiiso.

WardheerNews waxay safka hore kaga jirtaa intaas fara-ku-tiriska ah ee hormuudka ka ah shabakadaha tayada sare leh.  Ma aha ammaan aan ugu eexanayo, balse waa oraah ku salaysan xaqiiqooyinka hoos ku taxan tusaalahana u ah dadaalka bahda WardheerNews:

  1. Waxay ku dadaalaan dhexdhexaadnimada, hufnaanta, ka run-sheegga dhacdooyinka ay ka warramaan, iska ilaalinta caaddifad qabiil iyo xulashada xogta mudan in loo gudbiyo bulsha-weynta guud;

  2. Waxay bogaggooda qayb libaax ka siiyaan qoraallada waxtarka u leh waxbaridda bulshaweynta iyo kobcinta aqoonta guud;

  3. Waxay isku hawlaan la-xiriirka iyo soo jiidashada aqoonyahannada iyo qorayaasha sare. Taas oo keentay inay WardheerNews noqoto madal loogu soo hagaago qoraallada tayada sare leh, ku qoran Soomaali iyo ingiriisi, ayna curiyeen maskax-maal xul ah;

  4. Waxay ku shaqeeyaan iskaashi wadareed (team work) – far keli ah fool ma dhaqdo;

  5. Waxay xil weyn iska saaraan tifaftirka iyo qalad-bixinta af-Soomaaliga ay ku qoran yihiin qoraallada shabakaddu; kani waa qodob muhiim ah oo ay WardheerNews uga duwan tahay, ugana ammaanan tahay shabakado badan o af-Soomaaliga ku haya fara-xumayn an laga aamusi karin;

  6. Waxay ku dadaalaan ilaalinta masuuliyadda qalinka. Taas oo micneheedu yahay in erayga qoran laga ilaaliyo turxaan waxyeello ku ah cid gaar ah ama xad-gudub ku ah qiyamka akhlaaqiga ah, kuwa diiniga ah iyo lama-taabtaanka guud ee bulshada;

  7. Waxaa ka muuqata inay leeyihiin hiraal iyo halwgal majare ku taagan (vision and mission). Taas oo siisay diirad si joogtaysan u hagta hawlqabadkooda;

  8. Ugu dambayn, WardheerNews waxay leedahay qaab-dhismeed toolmoon (xagga habaynta, farta iwm) kaas oo soo jiidanaya indhaha akhristaha, isla markaana aan galinayn indha-sarcaad lagu daalo.

Qodobbadaas aan soo tiriyey, waa kuwa, marka si guud loo dhigo, ay tahay inay noqdaan halbeeg ay ku hirato cid kasta oo haysa masuuliyad qalab warbaahineed iyo inta qalabkaas adeegsataba.  

Aan ku soo gunaanado, guubaabiyo hambalyo. Aan iraahdo bahda WardheerNews ‘waa intaasoo aad ugala sii dhawaataan’; waa oraahdii odayga Soomaaliyeed ugu jawaabey inankiisii weydiiyey sida uu u arko geesinimadii uu ka muujiyey goobta dagaalka iyo guushii uu ka soo hooyey. Geeddiga hore u wada, guushana sii adkeeya

Maxamed Daahir Afrax
E-Mail:mdafrax@gmail.com
_____

Mawduucyo la Xidhiidha :

- WardheerNews war ma hayso oo qudha!!! W/Q Cabdillaahi Cawed Cige
- The 5th Anniversary of WardheerNews.com By Rashid Yahya Ali
- A higher Accolade for WardheerNews By Roob Doon Forum
- WardheerNews @ Five By Dr. Said S. Samatar
- WardheerNews oo 5 Jirsatay - Golaha Tifaftirka
- Warku ha sii faafo W/Q Dr. Georgi Kapchits
- War la helaa talo la helaaW/Q Cabdiraxmaan Barwaaqo
- War Baa u Gaajo Badan!By Maxamed Baashe X. Xasan
- Congratulations to WardheerNews By Dr. Ali Bahar

- Media, Media Everywhere, But Only Few That Play Their Role By Nur H. Bahal
- Bravo WARDHEERNEWS!The leading light of the Emergent Somali .. By Sii'arag
- “Who are these guys anyway?” By Yasmeen Maxamuud

- WardheerNews leaves Anna Waa-i-Kan websites in the trail By Bashir Goth
- WardheerNews: Ahead of its time By Rashid Yahya Ali
- WardheerNews dot Com: Mature at Infancy By Ismail Ali Ismail
- Happy Anniversary “WardheerNews
” By Ali Gulaid
- WardheerNews: Please stay gold and true to justice By Sadia Ali Aden


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
So please email your article today. Opinions expressed in this article are those of the author
and do not necessarily reflect the views of WardheerNews
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews


Copyright © 2009 WardheerNews.com